Home » Warar »

Calanka iyo astaanta Puntland (Muxyadiin, Liibaan, shiine iyo Siciid)

  • Calanka  (koowaad) waxaa soo gudbiyey Mohyadin Mohamed Ali
  • Calanka  (labaad) waxaa soo gudbiyey Liibaan Abdi Rashid
  • Calanka  (saddexaad) waxaa soo gudbiyey Siciid Cali Cabdulle
  • Calanka  (afraad) waxaa soo gudbiyey Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Astaanta Calanka Puntland ee uu soo gudbiyey Mohyadin Mohamed Ali

SCW:

Anigoo ah Mohyadin Mohamed Ali” Wayrax” ahna Muwadin Somaliyeed kana Soo jeeda Puntland waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo utartamayaasha calanka Cusub ee Puntland yeelan doonto. Waxaan halkan kusoo bandhigayaa Calanka cusub ee aan ugu talagalay inay yeelato dawlada Puntland Mustaq balka.

Waxana ku raja waynahay inaan ku guulaysan doono sabaha soo socda dartood.

Calankani waa ” Simple “,oo maha mid aad u dhib badan samayn tiisu qof walbana waa u sahlan yahay yar iyo waynba.

waa ” Unique ” astaan u gaar ah puntland keliya oo aney cid kale la wadaagin aduunka oo dhan.

waa “Meaning-full”. Markaad aragtoo waxaa isla markiiba maskaxdada kusoo dhacaya macnaha guud ee ay astaantani xambarsantahay waa todoba xidkood oo yaryar oo ka turjumahay todobada gobol ee bud-dhiga u ah dowlad goboleedka Puntland oo kala ah gobolka Sool, Sanaag,Cayn, Bari, Nugaal, Karkaar iyo Gobolka Mudug. xidigta wayn oo ah shantii Somaliyeed ayayna ku wareegsan yihiin taas oo ka turjumaysa”Unity”. Iyo inay Puntland hormuud utahay ilaa-linta iyo hirgelinta qaranimo Somaliyeed.

Waa “Identifiable” Si sahal ah ayaa lagu garan karaa,sahalna uguma milmi karo calamada kale ee caalam ka jira.

waa “Cost effective” kharash badani ku bixi maayo oo wuxuu ka kooban yahay hal maro iyo laba Midab:

calan7

Mohaydin Mohamed Ali “Wayrax”:
Mail: Wayrax@hotmail.com
Tel: +919700104975.

…..

CALAN KALE OO LOO SOO BANDHIGEY INEY YEELATO MAAMULKA PUNTLAND DAAWO CALANKA

Gudida Calan sameynta Puntland ayaa waxaa loo gudbiyey calan hor leh oo cusub oo isla markaa muujinaya laba midab oo cusub iyo midabka calanka Somalia oo sadex geesood ah isla markaana buuxinaysa shuruudihii ay soo dhejiyeen gudida sameynta Calanka, Astaana iyo heesta Puntland.

Calankan ayaa waxa uu ka kooban yahay CAGAAR tusmaynaya Hodanimada GUUD iyo Calankii Somalia oo SAXED XAGAL AF DHEER LEH oo u dhexeeya Calaamada Cagaaran iyo MADOW oo tusaya Hodanimada Khaas ee Dareeraha sida Baatroolka iyo kan fadhiya sida Biyaha oo badu midabkeedu waa Madow xige.

Sidoo kale dhamaan akhristayaasha LaasqorayNET waxaanu ka codsaneynaa iney soo gudbiyaan ikhtiraacooda ku aadan calan u sameynta Maamulka Puntland iyo weliba aad xustaan sidii aad uga qeyb qaadateen calan sameyntii Maamulkii Maakhir ee aad idunku calankiisa soo ikhtiraacdeen.
Calanku waxa uu ka kooban yahay
 
CAGAAR tusmaynaya Hodanimada GUUD
Calankii Somalia oo SAXED XAGAL AF DHEER LEH oo u dhexeeya Calaamada Cagaaran iyo
MADOW oo tusaya Hodanimada Khaas ee Dareeraha sida Baatroolka iyo kan fadhiya sida Biyaha oo badu midabkeedu waa Madow xige.
 
Hadaba Heesta Calanku waa kan, waana kii hore ee ahaa qolaba calankeedu waa caynoo,
 
Qolabaa Calankeeed uu waa ceynoo
Qolabaa Calankeeed uu waa ceynoo
 
Inagaa keenu waa? Cirkoo kala’ee
Oon Caadna laheyn ee caashaqa’e
 
Cagaarku waa galadii Allaheen e
Madowgu waa galadii Allaheen e
 
Xidigyahay cadi waa raacii damisee,
Xidigyahay cadi waa raacii damisee,
Caradaa kaligaa aad uu curadee,
Cadceeda sidii, Noocaa noqo’ee…
      Daawasho wacan calankan.

calan8

Liibaan Abdi Rashid
liibaan5711@hotmail.com

…………

Astaanta Calanka DGPL ee uu soo gubdiyey Siciid Cali Cabdulle

hadii aan sharaxaad kabixiyo  midabada 3da ah ee calanku ka kooban yahay:
1 midabka Cagaarka waa barwaaqada aay Puntland ku faanikarto iyo higsadkeena.
 
2 dhexda waxaa kaga astaysan Calanka jamhuuriyada  Dimoqradiga, Fadralka  
    Ee Soomaaliya.
 
3  waxaa u koreya Midabka cadaanka ah oo aan uga jeedo nabada iyo wada noolanshada ka jira Dawlada Puntland waxana dusha kaga qoran kalimada saraysa Ee allaahu akbar, tasoo mujinaysa slaamnimadeena,iyo inaan ladayacikarin sida in lagubo, ama dhulka lagu tuuro.
 
calankaan waxaa sameeyay Mr. Siciid Cali Cabdulle oo ah muwaadin Reer Puntland ah.
calanka markii aan sameeyay waxaan ku daray heestaan iyo tixdaan gabay!

caln11
 heesta:
 
calan yahow cagaarka leh adigiyo cawaaleba cirkoo hooraybaatahay,caleen soo baxaysiyo cagaar loosimaadtahay.
 
 waa nabad cadaankuna, cidwalbaaku cayshtee ku cawaysimaysee, caruur iyo ciroolaba kii caawiyaad  tahay.
 
carigeen dhamaantiis cirifyada badeeniyo kii ceeb ka dhawree cayn aan la aragoo bada cirifka keentiyo dayaxoo cadaadiyo cadceed soo baxdaadtahay.
 
cududiyo lixaadkana caadilkaa ina siiyee cidna kacabsanmayside cadawgii dhulkeenana kii caabiyaadtahay.
 
cadceedoo ifaysiyo Curdan soo baxaad tahay Dawlad curatay baatahay, cududyelataatahay caadil amarka siiyee.
 
Tixdii aan calanka utiriyayna halkan ka akhriso.
 
calanyahow sadex baan kugu sifeeye.
 
sooyaalkii nabada baan kugu sifeeye.
 
soomaali inaan nahay baankugu sifeeye.
 
sumbaax iyo udgoon sadaal barwaaqo baan kugu sifeeye.
 
sagalkii cadceeddee soo baxatahaye samadaa ka muuqdee usidoo u saree.
 
 sareeyaha magaciisaan sumad kaga dhigaye u sidoo u sareee, u sidoo u saree, u sidoo u sareee.
 
By: Siciid Cali Cabdulle
alifaha calankan, curiyayna tixda iyo heesta calanka ee kor ku qoran.
Email: siciidyare_822@hotmail.com.

………..

Calanka, astaanta iyo heesta Puntland Guddiga loo diray

December 19, 2009
Calankan waxa sameeyey Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) iyo heesta la socotaba, waana mid ka mid ah calamada iyo heesaha la gudbiyey

Calankan ka kooban afarta midab 1. Green = barwaaqada iyo bay’adda Puntland 2. Calankii buluukiga ahaa oo dhexda ku jira 3. Midabka badda waa awoodda iyo difaaca Puntland. Waxaa diyaariyey
 
Calankan ka kooban afarta midab 1. Green = barwaaqada iyo bay’adda Puntland 2. Calankii buluukiga ahaa oo dhexda ku jira 3. Midabka badda waa awoodda iyo difaaca Puntland. Waxaa diyaariyey
Miraha heesta isla isagaa curiyey abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine) oo ku nool Maraykanka.

FG: Abwaanku codsi badan kadib Heesta uu ugu talo galay Puntland waxbuu ka badal Hoos ka akhri midda cusub waana tan farta Buluugan, fadlan labada Version kala doorta.
Fadlan kala doorta labada Hees mida farta madow ku qoran iyo midda farta buluugan ee ka danbeysey tan hore, si guddiga loogu diro:

Puntland barwaaqiyo
Baro weeye nabadeed
Bulsha caafimaadbaa
Mawlahay ku beeroo
Barkhadbaa u hoyatee
 
Waa dhul beri-samaadloo
Baaxaddiisu weyntoo
… Baaxaddiisu weyntoo
Macdan baa ka buuxdee
 
Boocamiyo Galdogob iyo
Badhan baa ku taallee
Boosaaso iyo Ayl
Baylaa ku taallee
 
Bilan Gaalkacyiyoo
Bilicsame Garoowiyo
Beled Laasacaano
Buuhoodlaa ku taallee
 
Laasqoray baddeediyo
Xaafuun bidhaan wacan
Buuniga Qardho iyo
Ceerigaabo waad u bogi

caln12
 Hooriska:

PUNTLAND PUNTLAND
 
Waa beyd nimcadu taal
Baahi laguma seexdoo
Barbarkaad u eegtaba
Waa wada baraaree
Rabbow noo badbaadi
 
BADBAADI…RABBOW NOO BADBAADI
 
Qaabka labaad ee heesta:
 
Puntland barwaaqiyo
Baro weeye nabadeed
Bulsha caafimaadbaa
Mawlahay ku beeroo
Barkhadbaa u hoyatee

Waa dhul beri samaadloo
Baaxaddiisu weyntoo
…Baaxaddiisu weyntoo
Macdan baa ka buuxdee

Berri iyo Bad labadaba
Weli lama ballaynoo
Magantaa ku baridee
Hoy lagu badbaadaay

Buuritiyo Bannaankiyo
Xeebaha ballaartiyo
Durdurrada buutaacaa
Bilicbaa u gaaree

Ugaadhaa ku badanoo
Beeyadiyo Maydiga
Dhirtu noocya badaniyo
Waa boqol kunoo cayn
 
Hooriska:
 
PUNTLAND PUNTLAND
 
Waa beyd nimcadu taal
Baahi laguma seexdoo
Barbarkaad u eegtaba
Waa wada baraaree
Rabbow noo badbaadi

BADBAADI RABBOW NOO BADBAADI
 
Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
Email: mabdalle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

17 Jawaabood " Calanka iyo astaanta Puntland (Muxyadiin, Liibaan, shiine iyo Siciid) "

  1. shamhaad says:

    waxaana aad ola dhacsanahay oo aan aad ugu qanac sanahay shiine shiine waxaad tahay abwaan caaqil ah oo misana wadani ah waana kugu taageerayaa erayada mcn iyo miraha soo jiidashada leh oo ku xusuusinaya wadan kaaga iyo barwaaqadiisa thank you so much ilove plnd magaceedana kor alaha u qaado iinsha alaaaaah

  2. shamhaad says:

    bal daya calankeena daya bal eeg midabkiisa eeg baldaya bilicdiisa sare iyo bal daya baraaraha uu dhex yaal bal eeg madaxdeena sare iyo bal eeg cadaalada na dhextaal bal eeg siduu dhaqankeenu yahay

  3. shamhaad says:

    waxaan aad oga hamblyaynayaa dhamaan dhalanta reer plnd oo wadaniyiinta ah waxaana aad u amaanayaa calanka cusub ee plnd waana guul noo soo hoyatay hambalyo dhamaantiin

  4. Mustafa says:

    Asc dhamaan bahda golahan,aniga ra’yigayga waxaa aad aan ula dhacay midka uu soo gudbiyay Shiine.Runtii waxaa la orankaraa Calanka iyo Heestaba labaduba in ay yihiin kuwa ugu haboon ee la soo gudbiyay.
    Cafi iyo caafimaad

  5. Nur Xaji Axmed says:

    Asw,dhamaan dadka calamada samaysanaya iyo kuwa hore u smaystayba waxay ila tahay inayn meel durugsan gaarsiinayn,qof waliba oo soomaliya markuu fekerayana waxaan qabaa inuu ku fekero sidii sharafkii soomaliya loo soo celin lahaa ku fekero,calan la samaysto iyo go’id hadii meel lagu gaarayana somaliland dadka la baxay ayaa meel gaari lahaa,cid kasta oo horumar iyo wax samaynaysana somalinimo ha ku raadiyan,tan kale putland ilaa waqtigii soomalida kala firxatey waxay ahayd meesha kaliya ee calanka soomilya ee la yaqaanay aanu dhulka ku dhicin,hadaba waxaan kula talinayaa inayan lumin sharafkaas kuna adkaystaan inta soomaliya xal loo hilayo,dhacdooyinka xunxun ee beryahan ka bilowdayna ay meel iska saaraan.

  6. sucaad says:

    WAXAY ILA TAHAY BADBADALIDA IYO MARBA CALAN CUSUB SAMEYNTU WAA ASTAAN MUUJINAYSA SIDA SOOMAALIYA U KALA QUUSATAY,WAANA ASTAAN MUUJINAYSA MARKAAD DHEEHATABA SIDAY SOOMAALIDU U KALA FOGAATAY UGA RAJO DHIGTAY INAY MAR DAMNE HESHO WADA JIRKEEDII IYO SHARAFKEEDII DAWLADNIMO. MARKA WAXAY ILA TAHAY PUTLAND HA HAYSATO CALANKEEDII HORE IYO DAWLAD GOBOLEEDKEEDII HORE WAAYO WUXUU MUUJINAAYEY MAAMULKAASI INAY PUTLAND TAHAY MAAMUL DHISAN OO SHARAF LEH ISLA MARKAANA HOOS TAGA JAMHUURIYADII WAYNAYD EE SOOMAALIYA IYADOO AY WALIBA PUTLAND KU AMAANAYD SHARAFNA KU LAHAYD IYO WALIBA AWOOD CALANKEEDA IYO DAWLAD GOBOLEEDKEEDABA MARKA WAXAAN LEEYAHAY WAAR YAAN LAGA BADBADIN WAXAY SOOMAALIDU KU MAAHMAAHDAA LUGTU HADAY JEENIGA DHAAFTO WAA JABTAAYE
    BYE SUCAAD

  7. Nafac Omar says:

    runtii arintan oo muquata dhalaalka aduunka mahan mida ka farxisa qof walba oo damiir somaliweyn lahay arintan waxay bilaw u tahay kala gogo’a somali inta hada joogto runtina waxay ku fadhisaa tarikh caalami ah dib ugu laabo ANDULUS wadanki la oran jiray u Islaamka xukumayay 600 sano hada waa Spain waxaa lagu wayay xukuumado yar yar oo is garab yaalo ilaa ay ka noqdaan 120 xukumad kkk somaliya xagee hada jogtaa taarikhyahanada waxay aminsan yihin wax walba oo dhacay hada ka hor in mar labaab ku dhici donaan umud cusub oo aan ka war heyn wixii tagay maantana waa sidaas umada somaliyed 90% lama socdaan tagtada waa dad dhamaantod lagu sameyay Brain-wash
    Eng Nafie Omar
    Taam petrolueum Sudan Ltd

  8. AbugaaloEri says:

    ASC.

    Su’aal maxay u taagnayd xiddigta cad ee calnkii soomaaliya dhexda kaga taalley? 5-tii gobol ee gumeystaha cadi u qaybiyey haddaad igu raacdaan qoladan soo korortay sow inay ama iska joogaan ama gees 6-aad (yuhuuddba ha shabaheene)ku darsadaan mid uun dowgu ma ahayn. Horta joogi waaye laakiin ma isweydiiyeen in aysan 6 dal iyo 5 gees is gayin!!

    Wallee soomaali caqli iyo garaad caadkaa uga sokeeya.

  9. Garaad C/rashiid says:

    Aad baan ugu faraxsanahay Calanka iyo heesta Puntland

  10. shide says:

    waa soo dhawaynanaa Calanka Cusub iyo Heesaba balse heesta waxaan saxayaa halka ay yiraahdeen Beled Laasacaano maaha Laascaano ee waa Laascaanood hadalkaasi waa hadalkii Majeerteenka markaa hadilina MAGALA LAASCAANOOD

  11. cabdifitaxa says:

    marka hore waxaan salamaaya dhaman umada soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan marka xigane waxaan aad uga xumahay in soomaaliya ay qolaba calan gooni ah sheegato taas oo ay ku farxi doonaan cadawga soomaaliyeed waxaan soo jeedin lahaa in gobolwalba uu nabadiisa inta dowlad hanato amniga laga helaayo amaankiina sugta lkin hala joogiyo calamada badan waa bilowga kala furfurka umada soomaaliyeed teeda kale astaamaha calamada looga dhigaa allaahu akbar waxaa dhici karta dad aan muslin aheyn in ay calankaas ama gubaan ama dulka ku jiidaan taasna dambigeeda waxa aleh ninkii allaahu akbar ku qoray run ahaantiiba ma diidani in qola walba ay in dawlad amniga sugta laga helaayo qolawalba amnigeeda sugato lkin maalin walba calan ay qola yeelanayso yaa diidanahay waxaana u arkaa in ay soomalaiya taas ay sii kal furfurayso hada waxaan aragnaa soolaamilland iyo puntland kuwa kalena waan sugaynaa wabilaahi towfiiq

  12. Shiine says:

    Maxamuud A. Cabdalle (shiine) says:
    Your comment is awaiting moderation.

    December 22, 2009 at 8:53 am
    Dhammaan waan mahad naqayaa akhristayaasha. Run ahaantii fikirkiinna ayaa halabuur ka bilawdaa.
    In badan oo idin ka mida ayaa waxay isoo weydiisay inaan hees calanka u gaar ah soo raaxiyo, tan waddaniyadda ee aan hore u soo raaciyey calanka. Haddaba heesta calanka waatan ee guddooma.

    HEESTA CALANKA
    Afar midabyaloow, Calanyohow aslani
    Arligaagu waa, Asalkaagi hore
    Abyid qarannimee, Puntland Ogoow!

    Afar midabyaloow, Isirkaagu waa
    Xiddig oogadiyo, Akhdar iyo buluug
    Idhankee baddee, Puntland Ogoow!
     
    Afar midabyaloow, Astaantaadu waa
    Islaam iyo waddani, Nabad iyo awood
    Iyo aamminee, Puntland Ogoow!

    Afar midabyaloow, Aqalkaagu waa
    Il barwaaqo iyo, Nolol aayatiin
    Dhulka uduggalee, Puntland Ogoow!

    Afar midabyaloow, Oogada cirkiyo
    Idil xeebihiyo, Xarumaha amniga
    Ha lagaa arkee, Puntland Ogoow!

    Afar midabyaloow, Ehelkaagu waa
    Aa-saas dan iyo, Iftiin gobannimiyo
    Ummad haybadlee, Puntland Ogoow!

    Heestii dhulka horay ayaa u akhrisateen.
    Waa mahadsan tihiin

  13. Yaasiin says:

    As/cl : Calamadu waa qurux badan yihiin , laakiin cabsi baa iga haysa siyaasadda Faroole , Ma goosashuu doonayaa , ma reer galbeedka dalka qayb qaybinayuu la shaqaynayaa ………. halkaa ha la ii caddeeyo………wa/cl

  14. abdulaziz says:

    asc

    anigu waxaan ayidayaa calanka shiine hadii aysan dhiblahay alaahu akbar asaga halagu qoro iyo hees calanka kowaad silabada ninba ay u qaysadaan dadaalka ay sameeyeen waa shiine iyo siciid waad mahadsantihiin

  15. asc runtii aad baan usoo dhaweynaya dhalinta wadaniga ee dhulkooda jecel wana wax mujaahidiintu kufaanan ,adeer halkaa kawada ilaah haydin daaye , asc

  16. maxamuud xasan maxamed says:

    waa 2 calan oo aad u qurux badan laakin aniga fikirkayga kan danbe ayaa ila qurux badan

  17. Axmed Cilmi says:

    ACWW-Anigu waxaan aaminsanahay in labadaan Calan ay istaahilaan in midkood la qaato, siiba midka hoose ee Shiino uu alifay, waxaan ka soo horjeedaa in Magac Eebe astaan laga dhigto- Magac Eebe Astaan in laga dhigto wuu ka weynyahay.