Home » Warar »

Barlamaanka Puntland oo Ansixiyey Dastuurka cusub ee Maamulka Puntland Ku dhaqmayo.

Barlamaanka Puntland oo Ansixiyey Dastuurka cusub ee Maamulka Puntland Ku dhaqmayo.

Barlamaanka Dowlada Puntland ayaa Ansixiyey Dastuurka Cusub ay Yeelanayso Dowlada Puntland ka dib markii ay Cod Aqlibiyad u qadeen Barlamaanka Puntland.

Fadhiga ee maanta yesheen Barlamaanka ayaa waxa kasoo Qayb galay 59 Xildhibaan iyadoo 57 xildhibaan ay u codeyeen Dastuurkan Cusub ee loo sameeyey Maamulka Puntland.

kulankaani ay ku Codeyeen Barlamaanka Maamulka Puntalnd ayaa Noqonaya kii ugu horeeyey tan markii la ‘aas Aasay Maamulka Punland Sanadkii 1998.

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland C/rashiid Max’ed Xirsi ayaa Carabaabay in Barlamaanka Puntland la horkeeni doono Calan iyo Astaan u gaar ah Maamulka Puntland kadibna ay u Codayn donaan Barlamaanka Puntland.

Kulankaani ay maanta ay u Codeyen barlamaanka Puntland Dastuurka Cusub ayaa waxa soo dhaweeyey Madaxwaynaha Puntland isagoo sheegay in ay tahay Hormar aad u wayn oo ay Gareen Shacabka Puntland.

Waxuu sidoo kale Madaxwayne Faroole sheegay in ay muhiimada la saaro doono in ay Maamulka Puntland uu noqdo Maamul u gaar ah Mumulkiisa.

Hadalkani ka soo yeeray Madaxwaynaha Puntland ayaa ku soo Adaysa kadib markii uu gudi uu soo Magacaabay oo isugu jira Wasiiro ka tirsan Puntland in ay soo samayeyaan Calan iyo Hees u gaar ah Maamulka Puntland.

Hadaba Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxaa lagu wadaa in uu Horgeeyo Barlamaanka Puntland sharciga Macdanta iyo Batroolka Puntalnd.

isku soo wada duub Talabadaani ay qaadeen Maamulka Puntland ayaa waxaa soo dhaweeyey Shacabka Reer puntland iyagoo sheegay in la gaaray xiligii ay Maamulka Puntland ay isku taagi doonto Hormar kasta ay higsanayso.

C/qaadir Saciid Cali Gaanni

Gaani18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.