Home » Maqaallo »

Maxaad kala Socotaa Soomaalida ka buuxda Xabsiyada Magaalada Nairobi | Xaashi Dheere

 

Waxaan shalay hawl indho indheyn iyo u Kuurgeilidba ah ku tegey Xabsiyadda , Saldhigyada Booliiska iyo Maxkamadaha sharciyadaa ee magaaladan Nairobi ee xarunta dalka Kenya .

Hadii aad doonayso in aad arimahan oo kale wax ka ogaato waxaa waajib kugu ah in aad qal;ab qaadato subaxnimada hore marka aad Salaad subax tukato, si aad uga horumarto Cidhiidhiga iyo isjiidhka dadka faraha badan ee Kiisasku uga socdaan Meelahan aan kor ku soo xusnay isla markaana aad u sii ogaato xaalada dhabta ah ee ee Maxaabiista lagu hayo meelahaasi. Inkastoo ay ii diideen in aan wax sawiro ah qaato hadana dedaal badan iyo xooga laaluush ah oo aan bixiyey {Kitu Kidogo} waxaan ku guulaystay in aan indhahayga saaro xalaada ay ku sugan yihiin Soomaalida ku jirtaa meelahaas aan so indho indheeyey.

Waxaan ugu horeyn lugtayda ka bilaabay Saldhiga weyn ee dhinaca Waqooyi galbeed ku yaala ee lagu magacaabo Kasarani Police Station kaasoo inta badan Soomaalidii lagu qabqabtay hawlgalkii soconayey mudadan la isugu geeyey.

Waxaan halkaas kula kulmay Soomaali badan oo ku xidhan isla markaana aan weli loo gudbin wax Maxakamad ah ama Jeelka weyn. Waxayna ii sheegeen in laga soo qabqabtay dhamaantood Xaafada islii ayagooq aarkood ii sheegay in ay yihiin Somaali Kenyaan. Cabdi Hasan nuur waa wiil 22 jir ah wuxuuna iiga waramayaa sida loo qabtay waxa lagu sameeyey iyo dhibka uu ka baqayo in uu la kulmo. “ anigu waxaan ahay reer Soomaaliya waxay I qabteen anoo meel mukhaayad ah ka shaahaya waxayna ilaa hada I waydiiyeen In aan xidhiidh la lee yahay Ururka al Shabaab ee Somalia ka dagaalama “

Waxay iga qaateen lacagtii aan watye oo dhan taasoo ahayd biilkeyga ayuu yidhi Cabdi. Wuxuu kaloo sheegay In ay marmarka qaarkood jidh dilaan boolisku. Waxay igu dhahaan Hapa Sio Mugdisho . Oo macnaheedu yahay { halkani Muqdisho maahaa}.

Waxaan sidoo kale arkay wiil dharkii oo dhan ay kala baxeen. Islamarkaana ay ku reebeen Buume{Nigis} kaasoo ay ka muuqatay darxumo iyo dhawaac ay soo gaadhsiiyey basha inta badan xabsiyada ka buuxda ee loo yaqaano Kutaan. Wuxuu ka waramayaa xaalkiisa.” Kenya in badan ayaan joogey oo ah ilaa 3 sano, weli ma arag tan oo kale wey diideen in ay lacag qaataan” weyna diideen in ay dadkeygu ii yimaadaan oo xata adhar la ii keeno waxaa noo yimid kuwo sheeganaya in ay yihiin qaybta la dagaalanka Argagixisada ee Kenya, Anti terrorism Unit , waxay igu wareersheen goorta , sida iyo waxa aan halkan ka sameeyo , in aan aqaano Al shabaab joooga halkan Islii ama Kenya oo idil iyo xataa in aan ka dagaalamay gudaha Soomaaliya.

Industrial Area Person.

Kani waa Xabsi ka mid ah kuwa ugu waa weyn dalkan Kenya . Waxaa lagu xidhaa dadka xukuman ee maxakmadu ku xukuntey dilka ama waxii ak badan 1 sano oo xadhig ah. Waxaa kaloo lagu hayaa dadka Maxakamad sugaha ah. Waxaan halkan ku arkay boqolaal Soomaali ah, runtii waa dhib badan yahay saldhigii hore aan soo maray, maadaba ay meesha joogaan Kumanyaal qof oo qofkastaa doonayo in uu qofkisii arko. Dadku saf ayey ku jiraan si ay u arkaan qofkoodii ama ay ugu geeyaan waxyaalo ay markaas u wadaan.

Lacag kastoo aad bixisid markan si sahal ah gudaha uma geli kartid, waa in aad ugu yaraan qof xidhan magaciisa wataa ado iska dhigaya in aad qaraabo la tahay qofkaas xidhan isla markaana aad doonayso in aad wax siiso ama waraysato xaalkiisa Caafimaad.

Si kasta oo ay ahaataba gudihii ayaan ku guulaystey in aan gaadho ama aan tago. Waxan halkaas ku arkay dad inbadan xidhan oo Soomaali ah, xadhiga iyo dar xumada waxaa kaga daran meesha waxaa jooga niman Madaw ah oo xoogag waa weyn oo Ugali bahal la dhaho cuna. Dadkaasi way ka xoog badan yihiin Soomaalida maadaba bulshada Soomaaliyeed ay badan koodu yihiin dad lafo yar yar. Maxaabiistaasi waxay kaq aadaan dhalinta Soomaaliyeed waxii loo keeno ayagoo mar marka qaarkoodna jidh dila oo Feedh kala daala.

Ma leh xabsigu Alarm gudaha ah oo hadii aad taaban lhayd aad heli lahayd gurmad askarta ah. Waxaana inta badan dhacda in Askarta Xabsiyadu aysan kaaba celin xataa hadii hortaada lagugu garaacayo.

Maxamed Cabdi Cilmi ayaa ka waramaya xaalkiisa. “ runtii xaalkeygu ma fiicna meeshan dhib badan ayaan ku qabaa waxaan ku jiraa 11 maalmood Maxakamadiina maalin katsa waxay ii diraysa Rumaan” dadkeygii lacag wey ka dhaamtay waxaana l yidhi ilaa aad tagtaan Maxkamada waxba ma kuu hagaagayaan”.

Waxaan kaloo la kulmey wiil kale oo Soomaaliyeed. Wuxuu isagu kaga duwan yahay dadkii aan arkay oo dhan ma leh wax qaraabo ah oo u maqan ama u jooga halkan. Wuxuuna yidhi “ Magacaygu waa Da’ud cabdille waxaan ka camaalan jirey islii markii la I qabtay waxaa la dhahay waxaad tahay AL Shabaab halkan ayey I keeneen ilaa hada cid ma haysto Loyerna ma arag waxaan u baahanahay garab”.

Kuma jiri kartid gudaha lama sheekaysan kartid dadka wax ka abdan 10 daqiiqo waxaadse arki kartaa xataa hadaad 1 daqiiqo joogto dhibka iyo rafaadka Soomaali ku haytsa jeelasha dalkan Kenya. Aysan jirin dawladda Soomaaliyeed u dacwoonaysa, isla markaana lagu hayo wax loogu soo gabado oo ah dalkiinii ayaad bur buriseen kaayagana in aad gubtaan baad doonaysaan.

Makadara Law Courts

Markana waa Maxkamadihii sharciga waxaa banaanka hore ka buuxa dad fara badan oo Soomaaliyeed, goortuna waa 1:00pm. Waxaan dadkii waydiiyey sababta ay bananaka u tuuran yihiin waxayna ii sheegeen in ay sugayaan ilaa 2:00pm si loo dhameeyo gelinka hore kiisaska dadka kenyatiga ah. Wax aan banaankii joognaba xili ay ku beegnayd saacadu labadii iyo badhkii duhurnimo ayaan sidii xoola la horayo isku jiidhnay Albaabkii Maxakmada waxaan isla markiiba gundhada dhigay kursi aad ugu dhaw Xaakimka Ilaahay ayaa xaakimee si aan u dheehdo dacwadaha lagu soo oogayo Soomaalida.

Waxyaalaha aan arkay waxaa ka mid ahaa ma uusan jirin qof Soomaali ah oo Qareen u dooda qofkiisa wata. Waxayse dadku badankoodu xanbaarsan yihiin lacag ay ugu talo galeen in ay ku fudaamistaan dadkooda. Waxaana meesha jooga dilaalin kala baayacaya dadka iyo sidii iyo qiimihii lagu sii deyn lahaaba.

Nasiib wanaag markii maxkamadihii bilaabatay ayaa waxaa meeshii ka kacay qareen sheegay in uu ka socdo hay’ada UNHCR ee qaxootiga u qaabilsan Q,M. Inkastoo gelin hore Soomaalida dadkooda raadinaysey laga Diirtay lacagtii hadana waxay fursad u noqotey dadka aan haysan ehel ama cid u dooda lacagna aan tabar u ahayn .

Qareenku wuxuu gudbiyey magacyo u badan dadkii aanw axba haysan. Wuxuuna ku doodey in aysan macquul ahayn in dadkan la xukumo maadaba ay yihiin dad magan gelyo doon ah oo ka soo cararay dhulkoodu ayagoo la baxsanaya Naftooda.

Waxaase arinkaas dood kulul ka keenay Xaakinkii maxkamada qalinkeeda hayey. Wuxuuna sheegay in Soomaalidu aysan u imaan Kenya magan gelyo ee ay u yimaadaan arimo kale. Sida in ay ka dhoofaan , Ganacsi iyo nabadgelyo xumo kale. Wuxuuna waydiiyey qareenka in uu cadeeyo ujeedka socdaalka dadkan ku qoo qulqulaya Kenya.

Qareenku wuxuu cuksaday qodob sharci ah, wuxuu sheegay in Kenya ay tahay dalkii labaad ee saxeexay heshiiskii ilaalinta iyo daryeelka Qaxootiga ee Geneva Conversions kaasoo dhigayey in dalkii aan amaan ahayn isla markaana dawladda hanata amaanka iyo Mas’uuliyada shacabka aysan ka jirin in uu ku noolaan karo dal kasta oo saxeexay Axdigan ay ku tahay waajib iyo muqadas.

Qareenku wuxuu ku nuuxnuuxsaday in uu cadeeyn karo in aysan dadkani lug ku lahayn Al shabaab iyo Al qaacida. Laakiin xaakinkii ayaa ku adkeeyey waydiiyeyna cadeyntiisa, taasoo sakati ku keentay qareenkii u doodayey Soomaalida dhibaataysan ee qaarna la iibsanayo qaarna la leeleenayo.

Ugu danbayntii qareenku wuxuu ku doodey in dadkanu xaq u lee yihiin in ay Kenya ku noolaadaan laakiin ay aadan xeryaha loo sameeyey. Wuxuuna sheegay in hadeey yihiin Q,M ay u diyaarityeen waraaqo ay ku joogi karaan Kenya. Wuxuuna balan ku qaaday in uu dadkan waraaqo aqoonsi ah siin doono. Asagoo si weyn uga codsaday xaakinka in uusan jebin axdigii Jeneefa oo uusan xukumin qof Soomaali ah oo aan lahayn dal uu ku noqdo.

Ugu danbayntii Qareenkii wuxuu ku guulaystey in uu sidaayo shan ka mid ah 25 qof oo shalay oo khamiis ah la keenay Maxkamada halka 20ka kalena laga qaatay lacag u dhaxaysa &300 ilaa 500 oo doalrka Maraykanka ah.

Isku soo wada duubo Soomaalida ku dhaqan dalkan Kenya waxaa lagu hayaa il gaar ah taasoo aan la ogeyn in dalkan lagaga sifeyn doono iyo inkale ayadoo dhanka kalena ay weli Ciidamada amaanku siiw adaan qabqabshada iyo Dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatey.

Waa qalinkii weriye Xaashi Dheere.
Xaashidheere1@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maxaad kala Socotaa Soomaalida ka buuxda Xabsiyada Magaalada Nairobi | Xaashi Dheere "

  1. Boqor Faysal says:

    Lax waliba shiylinley is dhigto ayaa lagu qalaa, Soomalidu waxa ay rabtaa in ay dhisto dalal kale midkeedna burburiso, Soomilidu ha tashado hana ka fakarto sidii ay uga bixi laheyd rafadka ku haystah meel walba oo ka mid ah aduunka.