Home » Gabay, Maqaallo »

DAWO WEEYE MAANSADU | Muxyadiin

DAWO WEEYE MAANSADU. 
 

Waxaan u doortay maansadan DAWO, in aan ku biiriyo Hal-abuurka Deelleyda Qarnigan 21, loogu magacdaray, anoo run ahaantii si gaar ah uga mahadcelinaya dhilintii bilaawday, iyo aragtiyahooda ay ku soo bandhigeen Suugaantooda qaaliga ah, tanoo ka mid noqondoonta sidaan filayo baraarujinta dadka Soomaaliyeed lagu kobcinayo garaadkooda, qiimaynteeda iyo halka ay taariikhda ka galeysana ku xiran tahay Shacabkeeda. 
 
Hadaba daalacasho wanaagsan Maansadii DAWO.
 
 
DAWO 10/12/2009 

Dawo weeye maansadu 
Markey daw kujoogtoo 
Dariiqeedu suganyahay 
 
Marna waa dambaaburo 
Danbas hoos ka nooloo 
Dawyada hulaaqdoo 
Dadku uu ku baaba’o 
 
Marbay deexisaa arar 
Samahana la daris tahay 
 
Marna way dikhootaa 
Dacar iyo sun daacdaa 
Duufaano kicisaa 
Dagalada aafeeysaa
Dookh iyo marbay tahay 
Qalbi daadaheysoo 
Dareenada abuurtaa 
Naftu ay ku doogsato
Marna waa dir sheydaan 
Daneystuhu ku xoogsado
Affartaas dheh deeleey 
Murti daahfurkeediyo 
Dulmarkeedi  guudiyo 
Deyrkay ku oodneyd
Afarna waa dubaakhay 
iyo doorkan maanta ah 
Damacay siduu yiri 
Deelkaan la curiyiyo 
Diricyada hagaayiyo 
Diraac iyo Galeyriyo 
Xassan Doodihiisiyo 
Dacwadaha la oogiyo 
Diiwaanadaan furan  
Danbiyada inoo yaal 
Doraad sheekadeediyo 
Xasuuqii Diktoorada 
Darajooyinkii go’ay 
Da’yartii la laayiyo 
Waalidkii la dabarjaray 
Waa dardaarankeygee 
Sideebaan u dooxnaa 
Ugu daadagnaa hoos 
Xaqa aan u doonaa 
Dulmigana u diidnaa 
Umadana Daacuunkiyo 
Cudur  uga dulqaadnaa?
Ma boogihii diloodaa 
Inta aan duljoogsano 
Digadoodii faagnaa? 
 
Mayee diiday baan oran
Ma dooddaanu curinaa 
Duurxulkaanu badinaa 
Garaad daydaygiisiyo 
Caqli dabagalkiisaan 
Dadaalkeena saarnaa? 
 
Diiradeydu waa taas
Mise waa darrooriye 
Hadalkaan docna u dhicin  
Bishimahaan ka deynaa? 
 
Dabarkey ku wacantahay 
 
Affartaas dheh deeleey 
Murti daahfurkeediyo 
Dulmarkeedi  guudiyo 
Deyrkay ku oodneyd
Afarkalena waa duluc               
Ujeedadaan u doorbiday  
Dabuubtayda mudanta ah        
Aan idiin dareershee 
Soomaali waxa dilay 
Una diiday Qaranimo 
Darxumada ku reeboo 
Daleeshaas u taalaa 
Jahli duug ah weeyaan 
Gaajo damal ah weeyaan 
Qabiil Dogob ah Weeyaan  
Dan shisheeye weeyaan 
Dirirta iyo colaadana 
Doqonada horboodaa 
Dilaal iyo Malaaliyo 
Damiir laawe weeyaan 
Duulba duul in uu naco 
Dunji dhalanrogiisiyo 
Dhaqan duugmay weeyaan 
Wadaadadii Dikriyi jiray 
Inay duubka tuuraan 
Dagaalkow istaagaan 
Xumahana dabaashaan 
Dersi nagu cusbaa iyo 
Damac liita weeyaan 
Bulshadaan diyowdana 
Dalanbaabigaa helay 
Dawaqay ku nool yiin 
iyagoo dalheystana 
dibadyaal ka wada dhigay 
Calankii la diirtiyo 
Nabsi daahay weeyaan
Affartaas dheh deeleey 
Murti daahfurkeediyo 
Dulmarkeedi  guudiyo 
Deyrkay ku oodneyd
Afar kalena waa deeq 
Iyo dararta maansada 
Dambarkeeda hore iyo 
Labeenteeda dahabka ah  
Aan kugu dulhoorshee  
Doobiyaha u soo culo
Shimbirihii Dardaarmee 
Diinka u heshiiyena 
Rabi in uu duljoogoo 
Dabinkoodii furayana 
Taladooda kuma darin
Daacadow Rasuulkii (scw) 
Daliilahuu inoo dhigay 
Aan kuu dulbaaxshee 
Jismi duubwadaagiyo 
Diir iyo Ul buu yiri 
Muslim duudki weeyaan 
Doc hadey bukootana 
Jirku wada damqanayo 
Koonfurtaas dabku u galay 
Dekadii Boosaasiyo 
Daarihii  Hargeysaad 
Xagey uga dirsoocmeen?
Dadku waa walaalee 
Daneystaha warkiisaa 
Dildilaaca keenee 
Runta miyaan dadeynaa? 
 
Doonidii badweyn mari 
Darbad hadey haleeshoo 
Dabeyluhu wax yeelaan 
Dabakheeda sare iyo 
Daakhilkeeda hoos jira 
Dibindaabyada u siman 
 
Dayay niman yiraahdeen 
Dhagarteedu dadanaa 
Iyaduna dadkey tiri 
Damanaansho badanaa 
Daliilaha hortooda ah 
Casiis uu u daabacay 
Deymadoodu ma ogala 
Soomaalina ka sii daran
Dowlad waxay istaagtaa 
Ama Daawo noqotaa  
Marka faham dadkeedii 
Qalbiyadawga duxo oo 
Micnaheeda dahabka 
Laabta ay uga danantoo  
Difaaceeda adagiyo 
Darbigeed in uu yahay 
Ruux walbaa Dareensado
Afrikaase diidoo 
Sida bahalka Daanyeer 
Dugaag uu ku qoonsaday 
Dudmadood ku sheegeen 
Hilbahaan dibtaadiyo 
Dabada aad ku xiratay 
Diihaalka Gaajada 
Dalowyadaan u jiirnaa 
Adna kaama daadagin 
Allow Doqoni dagganaa 
Maxay dayac ku nooshahay 
 
Dunidaan ku noolnahay 
Midnimadaan la diidina 
Maxaa loogu dowgalay? 
 
Maahmaahyo duugiyo 
Murti horoo da’weyneed 
Dibiyadey asteeyeen 
Midabkii Dushoodiyo 
Lagu dagay darkoodii 
Miyaan daaha saarnaa?
Waxba yaanan Deelkaan 
Iyo Doodwadaagtani 
Hadba daan I saarine 
Umadani danteedii 
Isku duubni weeyaan 
Diric iyo wadani iyo 
Haldoorkooda Weeyaan 
Qabyaaladoo la duugiyo 
Diidnay xumaha weeyaan 
Dilkoo istaagiyo 
Daris ururis weeyaan  
Dowladoo aan saxanoo 
Daldalool ka dhowrniyo 
Difaaceeda weeyaan 
Dikrigii ilaahiyo  
Diinteena weeyaan 
Ducadoo aan badiniyo 
Deeqda eebe weeyaan 
Naxariis dadkeeniyo 
Isku diirnax weeyaan 
Maansadeydan Dawaduna 
Dabiibtooda weeyaan 

muxyadin

W/C: Muxyadiin X Ciid 
London, UK 
alcarab1@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.