Home » Waraysi »

Waraysi: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf

 Waraysiga Wasiirka Arrimaha Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, waxaa la yeeshay Maxamed Macallin Cismaan (All-man) SomaliTalk Jabuuti.

Waraysiga Halkan ka Dhegeyso

 
……………

Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo Shirkii 33-aad ku Leh Dalka jabuuti

Wasiiradda Arrimaha dibadda Urur Goboleedka IGAD ayaa shir looga hadlayo xaaladaha ka taagan dalallka

Soomaaliya, Suudan iyo dib u eegida muranka u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eriteriya uga furmey Hoteel Kampiniski ee Caasimada dalka Jabuuti 07/12/2009-ka.

jangali

Shirkan oo ah shirkii 33-aad ee ay isugu yimaadaan Wasiiradda arrimaha dibadda Urur Goboleedka IGAD, islamarkaana ay marti gelisey dowlada jabuuti ayaa furitaankiisa waxaa ka hadley, Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Md, Maxamuud Cali Yuusuf, U qaybsanaha IGAD ee dalka Jabuuti Mahbuub Macallin, xubin ka socotey Midowga Afrika, Wakiilka Afrikada Dhexe iyo tan Bari e dalka Mareykanka Mr. Kari Wycoff, Wakiilka Q.M ee Soomaaliya Axmed Wallad Cabdalla, Wakiilada IPF-co-chair oo ahTalyaaniga, Jaamacadda Carabta iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethobia Seyuum Musfin ayaa xubnaha ka Hadley goobta waxay si gaar gaar ah uga hadleen dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacdey 03/12/2009-ka Hoteel Shaamow ee ay ku dhinteen ugu yaraan 25 ruux oo isugu jirey Ardey, Wariyeyaal, Dhakhaatiir iyo Wasiiro ka tirsan dowlada, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro dad ah oo bulshada qaybaheed kala dawan.

Madaxdii ka hadashay shirka waxaa ka mid ahaa Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Md, Maxamuud Cali Yuusuf oo Ugu horeyn shirka ka Hadley, islamarkaana ahaa martigeliyaha shirka Golaha Wasiiradda IGAd. Sidoo kale Eng Mahbuub Macallin oo isna halkaasi ka Hadley .

Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa uu la daalaa dhacayey dagaalo sokeeye iyo mid xuduud oo dalallka ku jira Ururkan 20-kii sano ee ugu dambeeyey qarnigii 20-taan iyo bilowga qarnigan 21-aad oo aan wali la xalin, iyadoo xubin ka mid ah Ururkuna ay shaacisey in gebi ahaan ay ka baxdey Ururka, kadib markii taageero ay ka weysey soo jeedino ay ku lahayd Ururka.

Halkan ka daawo sawiradii shirka IGAD ee Jabuuti

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.