Home » Badda, Warar »

Kenya oo Lagu Daray Guddiga Sharci Dejinta Socdaalka Badaha Adduunka

Kenya oo Kursi ku yeelatay Guddiga Sharci Dejinta Socdaalka Badaha Adduunka

  • Guddiga (IMO) ee Sharci Dejinta u kala gooshidda Badaha waxa uu hoos yimaadaa Qarammada Midoobay

Kenya ayaa loo doortay in ay xubin ka noqoto Guddiga Caalamiga ah ee sharci dejinta Socdaalka badaha adduunka ee loo yaqaan IMO (International Maritime Organization), arrintaasi waxay Kenya ka dhigeysaa in ay saamayn ku yeelato, oo door wayn ka ciyaarto go’aammada iyo sharciyada socdaalka badaha adduunka.

Sida ay sheegtay Jariidadda East African Standard, arrintani waxay Kenya ka dhigeysaa in ay xubin ka noqoto dalalka go’aammada ka gaara nidaamka caalamiga ah ee badaha lagu kala goosho (global maritime transport system), oo ay kamid yihiin dalalka ku horumaray wershedaha iyo badaha.

Kenya waxaa loo doortay in ay ka mid noqoto qaybta loo yaqaan C (category C) oo ka kooban 20 dal, oo hawshooda gaarka ah ay la xiriirto xagga safarada badaha iyo sida badaha loogu socdaalo (maritime transport / navigation). Arrintani waxay Kenya ka awood u siinaysaa in ay Guddiga IMO wakiil uga noqon karto arrimaha caalamiga ah ee daafaha adduunka (xagga badaha).

40 xubnood oo ku cusub Guddiga waxaa lagu doortay kulankii 26-aad ee kalfadhigii IMO oo lagu qabtay xarunta IMO ee magaalada London. Kalfadhigaas oo socdey intii u dhaxaysay November 23 ilaa December 4, 2009.

Warka oo dhan ka akhri halkan (GUJI)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Kenya oo Lagu Daray Guddiga Sharci Dejinta Socdaalka Badaha Adduunka "

  1. cali says:

    ascww.anigu rayi ahaan kama fogi diiriye waxaanse qabaa wax soomaali leedahay in aan sahal lagu qaadan karin balse ay ku qancinayaan kenya kursigaas maadaama ay lacag farabadan ay ka cuneyn oo ku dhow toban milyan oo doolar

  2. diiriye says:

    SC WR WB SALAAN KADIB WAXAAN JECLAANLAHAA IN AY ARINTAAN CUSUB EE KENYA LOOGU OGALAADEY IN AY XUBIN KA NOQOTO [URURKA SHARCI DAJINTA SOCDAALKA BADAHA]IN SAAMEYN KU YEELAN KARTO HAMIGII KENYA KU DOONEYSEY IN KU BOOBTO BADA SOOMAALIYEED
    WAAD MAHAD SANTIHIIN.