Home » Warar »

Afhayeenka Ximan iyo Xeeb oo soo kormeeyay Mashaariic ka socota Degmadda Cadaado

 

Afahayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed Cumar Hagafey ayaa maanta kormeer ku soo kala bixiyay qaar ka mida dhismooyinka maamulka, dugsiyo iyo isbitaalka magaalada Cadaado oo ay ka socdeen howlo dhismo iyo shaqooyin kale.

Mudane Maxamed Cumar ayaa ugu horreyntii soo kormeeray xarunta cusub ee Maxadtooyada oo dayactir lagu hayay uu ku dhow yahay gebagebo, wuxuuna ka qaybgalay howl iskaa wax u qabso ah oo ay halkaasi ka wadeen qaar ka mida madaxda maamulka iyo xubno ka tirsan ciidamada booliska.

Afhayeenku intii uu joogay xarunta Madaxtooyada wuxuu halkaas kula hadlay shaqaalaha xarunta iyo madaxdii ka qaybqaadanaysay howsha iskaa wax u qabsada ah, isagoo ku amaanay dadaalka ay wadaan, wuxuuna ku booriyay nay sii labalaabaan howlaha noocaan ah, “Waxaad wada og tihiin in maamulka Ximan iyo Xeeb uu ku taagan yahay cududda iyo muruqa iyo maskaxda dadka deegaanka” ayuu yiri Afhayeenku oo muddo 30 daqiiqo ah ka qaybqaadanayay howshaa iskaa wax u qabsada.

Intaa kaddib wuxuu Mudane Hagafeey soo kormeeray dhismo ka socda dugsiga Hoose, Dhexe Sare ee Cadaado, halkaas oo uu soo indhoindheeyay sida ay wax u socdaan, isagoo shaqaalaha dhismaha wada kula dardaarmay in sida ugu habboon uguna quruxda badan u dhamaystiraan dhismaha ay gacanta ku hayaan.

ximan1

Afhayeenka oo ay wehliyaan qaar ka mida masuuliyiinta maamulka ayaa tagay Isbitaalka Degmada Cadaado oo ay ka socdeen howlo talaal, wuxuuna halkaa kula kulmay dhaqaatiirtii iyo masuuliyiintii caafimaadka ee howshaa wadday, isagoo ka dhagaystay qaabka uu talaalka u socdo, dhinaca kale wuxuu soo kormeeray bukaanka Isbitaalka jiifa isagoo ka dhagastay xaaladahooda caafimaad, wuxuuna ugu dambayntii madaxda iyo dhaqaatiirta isbitaalka kula dardaarmay sii wadidda howlaha caafimaad ee ay bulshada u hayaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Afhayeenka Ximan iyo Xeeb oo soo kormeeyay Mashaariic ka socota Degmadda Cadaado "

  1. SCW dhamaant wxaa mahad iskaleh Ilaah ,waxaan cadaadaty qofka in uu wax qabsan karo iyo in uu wax qabsan karin waa talaabo ku dasho mudan reer XIMAN IYO XEEB ,Maamulkanah waxuu noqon doonaa midka ugu hormarasan gobalada dhexe maadaama uu leeyahay ,Deegan bad iyo bari ba ah waxaan u rajeenay hormar iyo Guul mustaqbalka…