Home » Batroolka, Warar »

Puntland oo Shirkadaha Batroolka la gashay heshiis ay ku baxday $100,000 USD

Puntland oo Shirkadaha Batroolka la gashay heshiis bedelidiisa ay ku baxday lacag kor u dhaafeysa ilaa 100,000 USD taas ay qaateen qaareeno caalami ah

War ka soo baxay Xafiiska La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha saxaafada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay Puntland heshiis dib ula gashay shirkadaha Africa Oil iyo Range Resourece, kaddib markii heshiiskii hore dib loo eegay oo wax laga bedelay.

Waxarku waxa uu sheegay “In waqti, tabar iyo maal loo hurey sidii looga badali lahaa heshiisyada labada dhinac iyada oo ay ku baxdey lacag kor u dhaafeysa ilaa 100,000 USD taas ay qaateen qaareeno caalami ah oo aqoon dheer u leh arrimaha heshiisyada shidaalka.”

Warka ka soo baxay Puntland ayaa u qornaa sidan:

Africa oil oo dib u bilaabeysa baarista shidaalka Puntland

  • Xafiiska La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha saxaafada Puntland.

Wafti ka socda shirkada Africa oil iyo Range Resource ayaa maanta 8 Dec,2009 booqasho ka yimid magaalo madaxda Puntland ee Garowe kuwaasoo la kulmay Madaxweyne Cabdiraxman Maxamad Maxamud Fraole, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Barlamanka.

pl1

Xubnahaan booqashda ku yimid Garowe ayaa waxaa hogaaminayey Madaxa shirkadda Africa oil Keith Hill waxaana la socday Peter Landaul oo isaguna ah CEO Range Resurce.

Wafitgaan ayaa xafiiska ku booqdey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole kadibna kulan balaaran la qaatey xubnaha Wasiirada iyo Barlamanka kuwaasoo ka tirsanaa guddi horey ula kulmi jirey shirkadahan kadib markii dowladda Puntland amartey in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadii ay la galeen dowladdii hore ee Puntland.

pl2

Kulankaan ayaa waxaa warbixin ka bixiyey heerarkii ay soo mareen wadahadalka dowladda iyo shirkadaha shidaalka baarista madaxa hay’ada Ciise Maxamud Dholawaa isaga oo sheegey in la isku soo horfariistey goobo badan wadaxjood loola gol-leeyahay sidii wax looga badali lahaa heshiika ay horey ula galeen dowlada Puntland.

Wadahadalkaan dib eegista heshiiska ayaa ka tarjumayey siyaasada guud ee dowladda cusub ee Puntland kaas oo diiradda saarayey in shirkadaha shidaalka baara gadaal loo eego heshiisyadoodii iyo waxa ay horey uga qabteen Puntland.

pl4

Heshiiska dib loola galey shirkadahaan ayaa madaxa hay’ada shidaalka iyo macdanta Puntland ku soo koobey warbixinta uu ka bixiyey kulankaan qodabadan hoos ku qoran:

1- In waqti, tabar iyo maal loo hurey sidii looga badali lahaa heshiisyada labada dhinac iyada oo ay ku baxdey lacag kor u dhaafeysa ilaa 100,000 USD taas ay qaateen qaareeno caalami ah oo aqoon dheer u leh arrimaha heshiisyada shidaalka.

2- Waxaa meesha laga saarey dhamaan qodobkii ahaa in qolo ama shirkad ay wadanka oo dhan leedahay badd iyo Barri-ba [ Exculisive Rights].

3- In labada block ee harey oo shirkadahaan ka howlgali doonaan [ Dharoor iyo Nugaal] gacanta shacabka ku soo noqdaan halsano gudahood boqolkiiba konton (50%)

4- In ay ka qayb qaadanayaan horumarinta arrimaha bulshada sida caafimadka, waxbarashada iyo nadafada biyaha.

5- In dib loogu wareejiyo dowladda Puntland dhamaan xogtii laga heley dooxada Dharor Valley & baaritaanadii horey looga sameeyey Nugal Valey iyo

6- In amaanka guud ee shirkadahaan gacanta ku hayn doonto dowladda Puntland taas oo horey u qoran jireen dadka ka howlgala.

pl3

Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale ka hadley madaxa shirkada Africa Oil Keith Hill oo shegey in ay ka go’antahay dib-u-bilabista howlaha baarista shidaalka isaga oo ku kalsoon in hurumar laga gaari doono islamarkanaa Puntland ka faa’ido doonto shaqaale iyo khayraad ahaan-ba.

Keith ayaa xusey sidoo kale in hehsiiskaan cusub noqon doono mid wada shaqeyn ah [Partnership] kana duwanaan doono kuwii hore.

Kulankan ayaa waxaa lagu sixixey heshiis ay dowladda Puntland ku ogolaatey in saamiga Africa boqolkiiba 15% u gudbin doonto shirkada cusub oo la yiraadho Lion Energy taasoo ka qayb qaadan doonta qodista shidaalka.

Madaxa hay’adda shidaalka Puntland ayaa sheegey in manta 8 Dec,2009 laga bilaabo aysan jiri doonin wax qarsoon iyada oo wax-kabadalida qodobadaan la horgeyn doono golaha Wasiirada kadibna Barlamanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaan sixiixin qaybaha kale ee wax-kabadlida heshiiskaan madaama aysan weli ansaxin golayaasha dowladda halka shirkadda Africa Oil qalinka ku duugtey halkii ay ku leheyd sixiixeeda..

Xafiiska La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha saxaafada Puntland.

Puntland President Office
plpresidencyg@hotmail.com

Qoraaladdii hore ee Batroolka Puntland iyo shirkadaha ka akhri https://somalitalk.com/oil/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Puntland oo Shirkadaha Batroolka la gashay heshiis ay ku baxday $100,000 USD "

  1. cash says:

    war fiican weeye haddii dad professional ay wax loo diro meel loo raacaa layaqaan, laakinse sida garaad coodhe fakarkiis waa mid khaldan war Puntland wax wayn bay u taraysaa shacabkeeda iyo dalkeedaba, meel laga tagay baad fadhidaa reer hebal latag walaal waad ka dhacsan tahay khadka siyaasadda dalka iyo dibada, please be ware modern political system today!

    Mahadsanid

  2. Abdishakuur leelkase says:

    Masha allaah warkaan camal markaan maqlo waan ku farxaa walhi sidaan ayaa la rabaa
    waa in aan Hurmar ka gaarno arinta Shidaalka Ilaahiyo dadka qayrka u rabo wadanka wax laqabo amiin amiin …

  3. Samantar says:

    Garaad salaamu calikum salaan ka Dib waxaan filaayaa inaadan si fiican u aqrin waxaa lugu hisheeyey.. meesha Ufeyn lagama hadlin.. waa nugaal & dharooor, marka is daji

  4. Wadani says:

    Waa xadgudub iyo dhagar sedbursi ee aay wadaan kuwa aan kaferin mustaqbalka fog ee dalka iyo dadka qatarta koowaad waa kaligaa gal heshiis doowlada dhexe kamaqantahay hadhoona keeni kara qatar kaaweeyn meel aad la aadana aad weeysid talabaadna waxa weeye faragelin soomaaliya horey ayeey u dilootay ayagoon nagulaheeyn wax hantiya ee kawaran hadii aay waxyar geshaan dhulka kana waran qatarada qabaa ilka dega buntland iyo hungiriga kagajira shidaalka lahawa beensaday

  5. yonis says:

    ku;garaad coondhe isku magacaaw
    Dadka maxaa nacas ku jira war wadanka dowlad ayaa ka talisa oo damiin ka ah shirkada shidaalka qodaysa see qabiil uga noqon karaa masuul hawsha intaas le,eg,iyo shirkada ma dowladaa daba fariisanaysa shirkada waa qalad aan qof caqli u saxiib ah marnaba oran karin iska daa caadifada hadalka,
    heshiiskaanu waa mid ka tarjumaya in aan wax la is daba marin oo si caalami ah loo soo saaro shidaalka puntland oo ana mugdi ku jirin puntland xaq ayay u leedahay in ay kahyraad keedo soo saarato.

    ha ku deeqo warkaygu.

  6. halkaan waxaan ka caydaynaynaa in heshiiska lagu gaaray garowe oo ay kuwada saxiixdeen dowlada iyo shirkada shidaal baarista aan waxba ka jirin isaga oo ah mid dana gaara laga wato oo dad gaara wataan sidii kii hore waxaana kuu cadaynaysaa shirkada waxaa arimaheda wadi kara dadka u dhashay degaanka shidaalka laga soo saarayo oo ah ufayn district islamarkaana waxaan ku talinlahaa in hishiiska meesha uu ku haboonyahay dib loogu eego ,

    wabilaahi towfiiq