Home » Warar »

Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Caafimaad dadkii ku waxyeeloobey Qaraxii Shamow ee Isbitaalka Aga Khan

Isbitaalka Agakhan ee magaaladda Nairobi ee wadanka Kenya ayaa lagu daaweynayaa dhaawaca Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble, 5 ka mid dhaqaatiirtii magaaladda Muqdisho ugu caansaneyd, 2 weriye iyo 4 Ardaydii ka qalin jabinayay Jaamacadda Banaadir oo maalintkii Khamiita aheyd ku dhaawacmay ismiidaamintii ka dhacday Hotelka Shamo ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxaas oo galaaftay 3 ka mid ah wasiiradii dowladda KMG, dhaqaatiir, weriyaal, arday iyo waalidiintii ka soo qeyb galay xaflad qalin jabin ah ayaa sidoo kale dadkii ku dhaawacmay intoodii ugu liidatay waxaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka Agakhan ee magaaladda Nairobi , waxaana dadkaas ka mid ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble, 5 ka mid ah dhaqaatiirtii ugu caansaneyd magaaladda Muqdisho oo kala ah Dr. C/llaahi Xasan Maalin oo ahaa Agaasimihiin Isbitaalka SOS, Dr. Tahaliil Cabdi Afrax, Dr. C/llaahi Sheekh Xuseen (Bushkileeti), Dr. Maxamed Maxamuud Bidey iyo Dr. Wehliye, iyo sidaas oo kale 2-da weriye ee kala ah Maxamed Cabdi Xuseen (Madaale) oo ka mid ahaa weriyaasha Radio Xurmo iyo Cumar Faaruuq oo mid ahaa Sawirqaadeyaasha wakaaladda wararka ee Reuters iyo 4 ka mid ah ardaydii ka qalinjabiyay qeynta caafimaadka iyo IT-ga ee Jaamacadda Banaadir.

Wasiirka oo la ii diiday in aan arko, maadaama ay dhaqaatiir dhowr ah ku jireen qolkiisa, ayaa ugu liita dadkii aan galabtay ku soo booqday Isbitaalka, wuxuuna ku jiraa qeynta gar-gaarka deg dega ah ee Intensive Care Unit (ICU), isagoo weli ku jira Koomadii ama suuxdintiii uu ku soo galay Hotel Shamo, waxanaa sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah qaraabadiisa in Isniinta lagu sameeynayo qalliin madaxa ah, maadaama dhaawac xoog leh uu wasiirka ka soo gaaray madaxa iyo qoorta, waxaana sidoo kale jira war sheegaya in wasiirka loo qaadi doono wadanka Talyaaniga haddii dhaqaatiirta wadankan ay wax ka qaban waayaayn arrintiisa.

Maxamed Maxamuud Bidey oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka ku jira ayaa isna ugu liita dhaqaatiirta kale, wuxuuna ka jabay labada gacamood, labada lafood ee daamanka, ilkaha iyo jilinka, sidoo kale waxaa madaxa ugu jira dhowr firir, iyadoo daanka bidixna uu dillaacay.

Dr. Tahaliil Cabdi Afrax ayaa isna isha midigta ah ku waayay qaraxii Hotel Shamo, iyadoo sidoo kale Dr. Tahaliil ay jirkiisa ku jiraan dhowr firir oo laakiin sahalan soo bixintooda, waxaana uu ii sheegay “Waxaan u tacsiyaynayaa eheladii, qaraabadii iyo Saaxiibadii ay ka geeriyoodeen dadkii qaaliga ahaa ee ku dhintay musiibadii Hotel Shamo, aniga hadda waan fiicanahay, isha midigta ayaana iga dhacday, runtiina waa wax ii qornaa in ay ugu dhacaan oo ah qadar Alle oo aan laga fakan kari laheyn”

Dr. C/llaahi Xasan Maalin oo ahaa agaasimihii Isbitaalka SOS ee magaaladda Muqdisho ayaa ka jabay gacanta midigta ah, sidoo kale gacanta bidix ayaa iyana waxaa dhex fadhiya firir, iyadoo maqaarka iyo xuubka kore ee caloosha uu dillaaciyay firir xoog leh oo dhex maray. “Anigu waxaan ka imid wadanka INgiriiska oo aan deganahay, sababta aan Soomaaliya u imidna waxay tahay in aan dadkeyga dhibaateysan uga faa’iideeyo wixii aqoon ah ee aan dheerahay, waad la socotaan Isbitaalka SOS ee aan agaasimaha ka ahay waxaan sanad kasta si lacag la’aan ah ugu daaweyn jiray 133,000 (Boqol, sodon iyo sadex kun) oo carruur Soomaaliyeed ah, welina waxaan diyaar u ahay in aan dadkeyga u shaqeeyo sababtoo ah waxaan wax ku soo bartay canshuurtii iyaga laga qaaday, waana waajib i saaran in aan u gar gaaro, markii aan ka kabsado dhaawacyadan i soo gaarayna dib ayaan ugu laabanayaa magaaladda Muqdisho” ayuu yiri Dr. C.llaahi.

Dr. C/llaahi Sheekh Xuseen (Bushkileeti) oo isna ka mid ah dhaqaatiirtii ku waxyeeloobay musiibadii Khamiistii ayaa xaaladiisu ay wanaagsan tahay, waxaana Bushkileeti uu ka cabanayaa dhowr firir oo uga jira jeegada iyo gacanta midigta ah oo uu sheegay in aysan shaqeyneynin “Waxaa igu jira ugu yaraan 13-firir, waxaana iigu daran midka ku jira jeeda iyo kan kale ee ku jira gacanta midigta iyo mid kale oo feeraha ah” ayuu ii sheegay Dr. Dr. C/llaahi Sheekh Xuseen (Bushkileeti) oo sheegay inuu filayo inuu ka kabsado dhaawacyadaas.

Maxamed Cabdi Xuseen (Madaale) oo ah saxafi ka howl galayay Idaacadda Xurmo ee magaaladda Muqdisho, isla markaana ka mid ah saaxiibadeyda qaaliga ah ee saxaafadda ayaan ku booqday sariirta uu isbitaalka ka jiifo, waxaana Madaale uu dhaawac ka soo gaaray sanbabada, wuxuuna ii sheegay inuu ka fiican yahay siduu ahaa laba maalin ka hor, “Hadda waxaan isku heystaa in aan ahay qofka ugu fiican dadka ku jira isbitaalka oo dhan” ayuu yiri Madaale oo ay ku rakibnaayeen kumbuutarada caafimaadka.

Sawirqaadaha Wakaaladda wararka ee Rueters Fumar Faaruuq oo aan isna ku booqday isbitaalka ayaa dhaawac wuxuu ka soo gaaray lafta daanka bidixda ah, kaddib markii firir uu soo dhex maray, waxaana dhaawacaas uu sababay inuu hadli waayo, sababatoo ah barar xoog leh ayaa qariyay carabka iyo codkaba, hase ahaatee waxaa Cumar laga dareemayay inuu caafimaadkiisu ka soo reynayo, maadaama uu ku dhex soc socnayay qeybaha isbitaalka, uuna booqanayay dadkii kale ee isku marka ay dhaawacmeen.

Waxaa xaaladiisa caafimaad ay aad halis u tahay mid ka mid ah ardaydii ka qalinjabiyay Jaamacadda Banaadir qeybteeda caafimaadka, waxaana ardaygaas oo labada indhoodba ay baxee, isla markaana dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen madaxa iyo jirka intiisa kale loo qaadi doonaa wadanka S/africa sida ay ii sheegeen dad xog ogaal ah oo ka mid ah qaaraabadiisa, maadaama dhaqaatiirka reer Kenya ay ku taliyeen in S/africa loo qaado, sidoo kale Arday ka mid ah ardaydii ka qalinyabiyay kulyadda IT-ga ee jaamacadda Banaadir ayaa dhaawacyo kala duwan waxay ka soo gaareen madax, iyadoo isha midigna ay dhacday, sidoo kale laba araday oo kale ayaa waxaa ka muuqday gubasho xoog leh ee dhinaca wejiga ah.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Kenya Maxamed Cali Ameerico iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda ayaan ka faaruqin isbitaalka iyagoo saacad saacad ula soconaya xaaladaha caafimaad ee ay dadkaas ku sugan yihiin iyo wixii ku soo kordha, waxaana dhaqaatiirta ku howlan la tacaalista dadkaas ay yihiin kuwa 24-ka saac aan ka dhex bixin qeybta ay isbitaalka ka jiifaan.

Guud ahaa Isbitaalka Agakhan ayaa waxaa saacadaha booqashada ee duhurkii iyo maqribkii soo buux dhaafiyaan Ganacsatada, Culima’udiinka, Haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee aadka uga xumaaday ismiidaamintii lagu xasuuqay Wasiiradii, dhaqaatiirtii, Saxafiyiintii iyo Ardaydii ka soo qeyb galay xafladdii qalin jabinta aheyd ee Jaamacadda Banaadir ee magaaladda Muqdisho ay ku dhigtay Hotelka Shaamo.

Waxaan Ilaahey uga baryayaa inuu Caafimaad deg deg ah siiyo bukaanadaas.

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Nairobi-Kenya
Email: fmcblue@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.