Home » Warar »

Copenhagen : Shir Dood iyo Wadatashi ee Doorka Qurba Joogta kaga aadan dalkooda Hooyo ee Soomaaliya

denm1SHIR DOOD IYO WADATASHI KU SAABSAN DOORKA QURBA-JOOGTA KAGA AADAN DALKOODA HOOYO SOOMAALIYA

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark ka dhacay shir wadatashi iyo dood ku saabsan doorka qurba-joogta soomaaliyeed ee reer Denmark ka ciyaari karaan dib u dhiska dalkii asal ahaan kasoo haajireen ee soomaaliya. Dood waxaa abaabulkeeda iska kaashaday Project consult gruop iyo ururka Puntland Aid Service. Kulankaa waxaa kasoo qeyb galay ururada soomaaliyeed ee ka howlgala Denmark iyo urur deenish ah oo ka shaqeeyo soomaaliya. Waxaa kaloo shirka lagu casumay ururweynaha NEDSOM ee xaruntiisu tahay dalka Netherlands iyo Wasaarada arimaha dibadda ee Denmark.

Shirka ayaa ku bilaabmay in daqiiqad loo istaago dadkii ku nafwaayay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee khamiista magaalada Muqdisho ka dhacay. Kasoo qeyb galayaasha shirka ayaa u duceeyay dhamaan dadkii aan waxba galabsan ee halkaa ku nafwaayay. Intaa kadib waxaa cod baahiyaha lagusoo dhaweeyay Christian Barlslev oo mudo 7 sano ahaa madaxa UNICEF ee geeska afrika khibrad badana u leh arimaha soomaaliya. Mudane Christian ayaa qaab ahaan cambaareeyay siyaasada samafal ee dowlad Denmark. Wuxuu mudanuhu ku taliyay in mar walba iskaashi iyo wadatashi lala sameeyo qurba-joogta soomaaliya. Christian waxaa uu sheegay in qurba-joogtu abuureen fursado shaqo oo badan isla markaana awood u yeesheen in dhidbaha u taagaan iskuulo iyo jaamacado badan.

Pernille Mortensen oo ka socotay xafiiska arimaha soomaaliya ee wasaarada arimaha dibadda ee Denmark ayaa goobta shirka kusoo bandhigtay siyaasada samafal iyo taakuleyn ee Denmark ugu talagaleen sanadaha fooda inagu soo hayo dalka soomaaliya. Pernille ayaa xeeqid iyo sharaxaad badan ka bixisay qaabkeey doonayaan ineey soomaaliya wax uga qabtaan. Pernille ayaa markaa kadib uguda gashay ineey ka jawaabto su’aalo badan oo ururada soomalida weydiiyeen. Jaaliyada soomaaliyeed ayaa aad ugu cawday wargalin la’aan dhinaca wasaarada ah gaar ahaan marka laga baaraan dagayo siyaasadaha taakuleyn ee ku aadan soomaaliya. Waxeeyna codsadeen ururo ahaan iyo jaaliyado ahaanba ila laga qeybgaliyo ka baaraan dagida arimaha khuseeyo soomaaliya

Waxaa intaa kadib cod baahiyaha lagusoo dhaweeyay Mudane Guled Yusuf oo ah madaxa ururweynaha NEDSOM ee ka howlgalo goobo badan oo kamid ah dalka soomaaliya xaruntiisuna tahay dalka Netherlands. Mudane Guled ayaa sharaxaad waafi ah ka bixiyay heerarkii kala duwanaa ee ururkoodu soo maray, iyo tobonkii sano ee u danbeysay mashaariicda eey ku guuleyteen fulintooda. Mudane Guled ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay qaabka dowlad Netherlands iyo EU-duba ula tacaalaan taakuleynta ururada soomaaliya ka howlgalo iyo siyaasada loogu tala galay. Guled waxaa uu aad ugu dheeraaday doorka qurba-joogta waxaana uu hoosta ka xariiqay in qurba-joogtu yihiin furaha mushkilda soomaaliya. Hadii eey dadaalaana isla markaana midnimo muujiyaan ayagaa samatabixin kara Soomaaliya ayuu yiri Guled. Wuxuu sidoo kale xusay in dhawaan Brussels eey ku midoobeen urur badan oo afrikaan si codkooda loo gaarsiiyo loona maqalsiiyo dhagaha deeq biyiyaasha. Guled waxaa uu sheegay in dhawaan wasaarada arimaha dibada ee Ntherlands bilaabeen wadatashiyo joogto ah ineey la suubiyaan qurba joogta soomalliyeed arintaana wax weyn ka tartay isusoo dhwaanshaha iyo kala warqaadashada wasaarada iyo qurba-joogta soomaliiyeed ee reer Netherlands. Ugu danbeyntii Guled wuxuu wasaarada arimaha dibadda Denmark kula talliyay in loo dhaga nuglaado qurba-joogta doodaha noocaan ah la joogteeyo.

Waxaa sidoo kale goobta shirka ururada soomaaliyeed ugu baaqay wadasheyn iyo iskaashi ineey la sameeyaan heyad gargaarka qaxootiga ee Denmark DRC. Mudene Knudsen oo ku hadlay magaca heyad isla markaana ah madaxa xafiiska soomaaliya ayaa cadeyay in heyadooda ka go’antahay ineey iskaashi qotodheer la suubiyaan ururada soomaaliyeed ee reer Denmark isla markaana ka howlgala Soomaaliya. Shirka ayaa la isku raacay inuu ahaa shirka wax weyn ka taray isusoo dhawaanshaha ururada soomaalida iyo talasiinta deeq bixiyayaasha deenishka. Waxaa sidoo kale la isku afgartay in kulamada noocaan ah la joogteeyo. Waxaa ururada soomaalidu is afgarteen in marka kale eey kulmaan si looga doodo ineey sameystaan urur iyo dalad mideeyo ururkaas oo u taagan inuu la xaajoodo heyada iyo deeq bixiyayaasha deenishka. Shirkaan ayaa ku dhamaaday jawi is afgarad iyo wanaag badan ka muuqdo

Iskudaba ridka iyo diyaarinta qoraalka
Saalax Siciid Diiriye
Gudoomiyaha shirka

Waxaa soo tebiyey
puntlandaidservice@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.