Home » Faallo »

Geela, diinta iyo dhaqanka soomaalida- Q.1aad | Dr Abdullahi-Spanish

January 4, 2010

Hordhac

Sida aynu ka war qabno nafleyda waxa loo qaybiyaa shan qaybood oo waawyen, oo kala ah: Xamaarato, Cayayaan, Berri-biyood, Haad iyo Naasley. Shantaas qaybood ee xayawaanka loo qaybiyo haddaynu dib ugu laabano geelu wuxuu ka mid yahay ama gaar ugu abtirsadaa qaybta loo yaqaan naasleyda. Taas oo uu ka sii yahay qolada cananqasata oo uu weliba ka siiyahay kuwa cidiyaha lamaan, waana waxay ay tilmaamayso xikamdda soomaaliyeed oo leh; muruqa laba suulle ninba si ku ah. Geela waxay magaca wadaagaan oo bah hoose isku sii yihiin xayawaan ku nool koonfurta Ameerika, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah, kaas oo dadka dhaqdaa u yaqaaniin Llama. Llama, wuxu geela aynu naqaan kaga duwan yahay, waa malaahanyahay oo kurus ma leh. Taa marka laga tago, geela kuruska leh naftiisa ayaa isna u sii kala baxa laba qaybood. Qaybta hore oo uu ka mid yahay kan soomaalidu dhaqato oo hal kurus leh una badan bariga afrika iyo dhinaca Koonfur galbeed ee Aasiya iyo qaybta labaad oo laba kurus leh oo lagu dhaqado Aasiyada dhexe ilaa iyo wadanka shiinaha.

Hadaba, hadaynu dib ugu laabano samaysankii dhulka oo ay ka soo wareegtey 4.6 Bilyan sano (billion years), waxa xusid mudan in xayawaanka dushiisa ku nool guud ahaan jiritaamkiisu uusan ka fogayn 700 ee malyan ee sano ee u dambeeyey (last 700 million years). Waxa taa raacda in dhirtu kaba sii da’ yartahay oo jiritaankeedu ku sugan yahay 400 malyan sano ee u dambeeyey (last 400 million years). Hadaba, haddii da’da dhulka loo eego, waxaynu odhan karnaa labaduba waa carruur. Waxaase ka sii da’a yar oo aynu odhan karnaa waa raad dhaqaajis, naasleyda oo ay jirridda wadaagaan geela oo qoraalku ku saabsanyahay, kuwaas oo bilaabay in ay aduunka ka muuqdaan oo wax ku yeesheen, ka dib markii ay bahalihii waaweynaa ee hadda loo yaqaan “Dinosaurs” ilaahay cidhib tiray 65 malyan oo sano ka hor, iyaga oo markaa mudo 150 malyan oo sano ah boqorro ka ahaa dhulka oogadiisa oo ilaahay uun kaga awood roonaa. Cilmiga jiolojiyada, casriga waqtigaas soo bilowday oo la yiraahdo “Cenozoic” ayaa waxa loo yaqaan casrigii naasleyda, taas oo ah waqtiga ay tiro iyo tayoba aduunka ku fideen. Geela oo naasleyda ka mid ahina waxa lafihiisa dhagaxoobey (fossils) ugu da’da weyn lagu qiyaasay in jiritaankiisa la hubaa soo bilowday 50 malyan oo sano ka hor.

Inkasta oo soomaali in geel wax looga sheegaa ay adagtahay, isla markaana aynu nahay dalka kowaad dhinaca ku dhaqanka, tirada geela iyo aqoontiisaba. Taasna ay marag ka yihiin; dadka soomaalida ah oo 70% noloshooda si uun geela ugu xidhan tahay, tiradiisa oo lagaga dayriyey 8 malyan iyo murtida soomaaliyeed oo lagu xuso ninkii geel yaqaanka ahaa ee aynu maqalay markii uu cudur kasta sheegay oo daweeyey in hal gudin afka loogu ridey, ka dibna loogu yeedhay hashii oo fadhida oo gariiraysa. Geelyaqaankii, markii inta ku wareegey hashii oo meel kasta ka eegay cudurkii garan waayey wuxu yiri: War hashu maankay gadaye ma masaar bay laqday?. Hadana waxan aaminsanahay in aanay dheeraad ina ku ahayn, in aynu wax ka tibaaxno ama guud marno oo dib u jaleecno waxyaalaha u gaarka ah oo uu nafleyda oo dhan gaar ahaan, kuwa bahda uu la yahahy oo aynu kor ku xusnay ilaahay kaga duwey.

Qoraalkan qaybtiisa kowaad waxan ka ambaqaadi haddii alle yiraahdo, tilmaanta cad ee quraanka ku jirta (alqaashiya 17) oo maskaxdeena, maankeena iyo indheheena layna leeyahay ku arka oo u fiirsada sida ilaahay geela u abuuray iyo waxyaalaha isaga ku kooban ama u gaarka ah oo ka dhigay halbawlaha nolosha dadyow badan oo soomaalida ka mid tahay.

Guud markaas oo aan ku soo qaadi doono insha allaah, samayskiisa muuqda, dhismaha jidhkiisa iyo shaqda xubnihiisa.

Qaybta labaad waxa foolaad u noqonayasa aayadda 66naad ee suurat anaxal oo iyadu ina tusaysa samayska caanaha iyo doorka ay ka qaataan Uuska iyo Dhiigu. Waxaynuna ku xejin guud mar ku saabasan daawada ilaahay inoo geliyey caanaha iyo kaadida geela.

Qaybta saddexaad ee qoraalkan waxaynu kaga hadli waxtarka geela iyo sida uu qofka iyo qoyska soomaaliyeed u kaabo, waana waxa soomaalidu u tiraahdo; Hali waa hooyo.Waxaynuna waxtrakaa geela ku soo bandhigi doono tix gabay ah, inkasta oo aan hubo in aan waxtarkiisu intaa gabayga ku jirta ku koobnayn oo ay kor ka xaadis noqon karto. Waxay iga tahay xusuus iyo jecayl aan u qabo iyo dardaaran aan rabo in aan la ilawin in ay ahaanjirtey welina tahay hooyada korisa wiilka soomaaliyeed. Isla markaa inkasta oo ay markhaati ma doon tahay in wiilkii soomaaliyeed iyada gabay, ay hubaal tahay in ay iyadu mar walba kaalinteedii diyaar u tahay. 

Qaybta 1aad: Geela iyo abuurtiisa

Ilaahay quraankiisa meelo badan buu geela kaga hadlay. Waxaynuse ognahay, aayadaha badankooda in lagu xusay isag oo ka mid ah ancaamata oo markii hore dhulka carabta looga yiqiin geela, hase yeeshee markii dambe la wadaajey geela, lo’da iyo adhiga. Waxaynuse soo ku horaynaynaa ayaadda 17 naad ee surat al-qaashiya, taas oo si toos ah geela loogu magacrebey. Hadaba ayaaddan waxay ina leedahay; ma eegaan miyaa geela iyo sida loo abuuray. Waxaana beni-aadaanka lagu boorinayo in ay ku cibro qataan geela oo looga dhigay tilmaan iyo astaan wax lagu tusayo.

 

Fig 1. Sawirka kowaad, hal sacado dhalanayd. Sawirka labaad, neef geel ah oo laba kurusle ah oo baraf ku nool. Sawirka saddexaad-lixaad waa afarta jaad ee naasleyda geela la bahda ah, laakiin  malaahan oo aan kurska lahayn kuwaas o kala ah: Llama, guanaco, vicuña iyo Alpaca.

Aayadu waxay salka ku haysaa xikmad rabaani ah oo ilaahay ina farayo in aynu eegno, kana baaraan degno si aynu u ogaano waxyaalaha naasledyda kale oo aynu dhaqano geelu kaga duwan yahay oo isaga u gaarka ah. Haddii la soo uririyona aynu odhan karno, waa wax la inagu manaystay oo la inooga dhigay, nicmo huwan cunto, caafimaad, cilmi iyo cibro qaadasho.

Inkasta oo tusaalayaasha sawirada aynu ku soo daray xayawaanka loo yaqaan llama, geela aynu maqaalkan kaga hadli doonaa waa kan kuruska leh. Safxadaha soo socdana waxaynu kaga hadli waxa geelu kaga duwan yahay xayawaanka kale oo isagu keli ku yahay aayaduna inoogu baaqayso, kuwaas oo aynu sida soo socota u guud mari doono:

  1. Geela waxay ilaahay siiyey oo aan xoolaha kale oo aynu dhaqanaa la wadaagin awood heerka kulaylka jidhkiisa xadidda oo u dhiganta qalabka casriga ah ee loo yaqaan “thermostat”. Taasi waxay u fududaysaa in uu jidhkiisa waafajo marba kulka iyo qabowga jira (Sawirada 1, 2aad) oo la qabsado una adkaysto. Waxaana kulaylka dhiigiisu gaadhaa ilaa 42ºc, kulkaas oo nafleyda badideeda geerida ku soo dedejin lahaa, laakiin geela ka dhididiya si uu jidhkiisa u qaboojo. Waxa kale oo jidhkiisa u gaara adayg iyo dhogor yar oo ka caawiisa, ku joogsiga iyo qaniinyada cayayaanka iyo mudidda qodaxda iyo qoryaha uu intaa jibaaxayo (Sawirka 7daad), marka laga reebo bog-cadka ama dhanka hoose ee caloosha xigta oo ah meel u yare jilicsan qaniinyada cayayaanka.
     
  2. Geela waxa ilaahay siiyey awood uu marka dhiigiisu kululaado ku yareeyo isticmaalka “Oxygen” (O2). Hadaba, dhimista “O2” ayaa iyana dhankeeda ka dhimaysa diyaarintii cuntada, taas oo haddii kale iyaduna kor u qaadi lahayd kulaylka dhiiga, isla markaana geeri u horseedi lahayd neefka. 
    Fig.2 (sawirada 7-9)
  1. Sida aynu ka warqabno geelu wuxuu u adkaystaa biyo la’aanta ama harraadka. Hadaba inkasta oo ay ku xidhantahay waxa uu cunayo oo xilliga dooga uusan u baahnayn biyo, marka doogu sii dhamaanayona in badan adkaysto, hadana anigu waxaan markhaati ka ahay oo aniga oo geel xer la socda la qadiyey iyada oo ay diraac tahay 30 casho oo aan laba kalna hubaa mid saddexaadna shaki igaga jiraa.
     
  2. Waxa iyana geela u gaara, xayawaanka kale oo dhan marka dhiigooda biyhu ku yaraadaan wuu cuslaadaa oo dareerka ayaa ku adkaada, taasina waxay dhalisa in uu dhinto. Laakiin geela dhiigiisu isma bedelo oo marka jidhkiisa biyuhu ku yaryihiin iyo marka ay ku badan yihiin waa isku mid. Isla markaa dhiigiisu si caadi ah buu jidhka u wada gaadha una shaqaynayaa.
     
  3. Ilaahay wuxuu kale oo geela siiyey marka uu biyaha tago, awood uusan caloosha keliya ku qaadan sida nafleyda kale e haraga hoostiisana waa buuxsadaa oo waxa la yiraahdaa xal xal. Waxay kale oo biyuhu saamayn ku yeeshaan candhada iyo naasaha oo geela irmaan qaar libdha, taana waxa loo yaqaan carbadh. Geelu marka uu biyaha ka soo noqdo maalmaha u horeeya waxa maalin walba is dhima biyaha u muuqda in ay ku jiraan haragga iyo hilibka dhexdooda iyo kuwa candhada iyo naasaha carbadhiya. Markaa ka dib ayuu u gudbaa kaydka weyn oo caloosha ugu jira. Taasina waa awood ilaahay keli u siiyey.
     
  4. Waxa kale oo geela ilaahay ugu deeqay nafley aan isha qaban karin (bacteria iwm) iyo dheecaamo khaas ah “enzymes” ama falgal-dedejiyayaal  kuwaas oo kala furfura waxa loo yaqaan “Cellulose”. Dheecaamadaasi “Cellulose” ta waxay u bedelaan à”nitrogen compounds” sida: “Amonia” iyo “Uria” ka dibna ay ka sii samaysmaan “amino acids”, “protienes” iyo “fats”. Kuwan u dambeeya wuxuu hadana ka sii sameeyaa “vitamins” kala gedisan oo jidhkiisu u baahan yahay sida “vitamine D”. Waxaana wax lala yaabo ah in fiitamiinkaasi ay 15 laab kaga badantahay jidka geela kan xayawaanka intiisa kale. Waxaana xaqiiqa ah in aanay ku jirin cuntada geelu ka cuno dhulka lama degaanka u badan ee uu ku dhaqan yahay. Waxa halkaa ka muuqata in ilaahay khaas uga yeelay una hawl yareeyey habka samayska fiitamiinkaas oo lafaha geela oo aad u dhaadheer culays badana sidaa u baahan yihiin.
     
  5. Waxa kale oo ilaahay isu raacshey san awood u leh in uu is xidho marka dabaysha badan e kulul iyo duufaanka ciidda wataa horyimaadaan, taas oo ka ilaalinaysa in ciidda iyo quruuruxu sanka ka galaan ka dibna ilaa sanbabka gaadhaan dhuunta iyo cunuhu qalalaan oo neeftu ku adkaato ama dhibi soo gaadho.
     
  6. Waxa kale oo ilaahay ugu deeqay indhiisa oo leh baalal dhogor badan leh oo iyana is dabooli kara si aan ciiddu u gelin isaga oo isla marka aan isku wada qaban e wax arkaya, bahalahana iska eegi kara, socona kara.
     
  7. Geelu waa faruuran yahay, dadka soomaalida ah ee geela aad u yaqaanina waxay ku naanaysaan fanax. Waxay ku jirtaa gabayo kala gedisan oo soomalidii hore leedahay sida gabaygii Fagaase ee uu sayid maxamed iyo Dawraaiish ugu hanjebayey oo ay ku jirtey:
         Faatoxo wadaad iyo werdigu fanax ma beeraane
         Faras xoog leh baa lagu dhaqiyo geesi fool adage 
    Hadaba, fanaxda geelu ma aha tan ilkaha ee aynu dadka ku naqaan e waa faruurtiisa sare oo kala jeexan oo ilaahay ugu tala galay in uu ku daaqo dhirta qodaxda leh iyo caws iyo laamo aad u adag, faruurtaa jeexanina ay ka caawiso in aanay wax dhibaato ah gaadhin cirridkiisa iyo dhamxanagiisa (sawirka 8aad, u fiirso faruurta sare).
  1. Waxa kale oo intaa loogu daray dhego yar yar oo dhogor badan leh oo ka celisa ciidda iyo quruurxa duufaanta iyo dabaysha, isla dhegaha geela waxa u dheer taa in ay gadaal u nabmaan oo dhabanada ku dhegaan si ay isga ilaaliyaan ciidda ka hor imanaysa.
     
  2. Geela lugihiisa iyo kuruskiisa waxay iska kaashadaan kuwa hore in ay ka fogeeyaan dhulka kulaylkiisa, kuruskana waxay baruurtiisa kor saarani la dagaalanta in aan kulka qorraxdu ku fidin jidhka intiisa kale.
     
  3. Wuxuu kale oo geelu leeyahay shan rukun oo muhim ah oo uu ku fadhiisto oo gandaaful ama qayb adag leh oo jilifta oo kale ah kuwaas oo ka kooban shafka, labada low oo hore iyo labada dambe. Kuwaas oo shaqadoodu tahay marna in ay kursi u noqdaan oo aan dhulku dhibin qabow iyo kulayl mid uu yahayba marna ka fogeeya ama kor uga qaada jidhka intiisa kale, una ogolaada in hawada gaadada ka soo gashaa dhex marta oo xagga dambe gaadho ama tan gadaal ka imanaysaa hore soo gaadho oo qaboojiso.
     
  4. Waxa kale oo intaa u dheer, cagta oo xagga hoose barkimo jilicsan ku wadata laakiin gandaaful adagi ka sarayso, isla markaana balaadhan si uu ciidda si hawl yar ugu dul socdo oo sida nafley badan oo dadku ka mid yahay ku dhacda inta adimadu ka galaan sida linka ku daala oo socon kari waaya. Waxa kale oo socodkaas u fududaysa cagtiisa oo xagga hore iyo xagag dambeba ka furan si aan cadaadiska dhulka iyo culayska jidhkiisu waxba u yeelin markay ku baahdo (eeg sawirka 9aad), waa halka soomaalidu ka tiri: Muruqa laba suulle ninba si ku ah.
     
  5. Wuxu kale oo geela ilaahay khaas uga yeelay midabkiisa oo ah midab furan oo aan marnaba nuugiin ama kaydin kulka qorraxda. Dhaqanka soomaalida waxa jira midab la yiraahdo aydin oo cadaankana ka yar duwan guduudna aan ahayn e labada u dhexeeya waxaana inta badan la yiraahdaa marka midabkaas la sheegayo, midabka geelu u badan yahay. 
     
  6. Waxa taa u raaca haragiisa oo ay ku yar yihiin qanjaha dhididka, taas oo ka caawisa in aan biyo badani dhidid uga lumin e biyihiisu u kaydsanaadaan, ilaa kulaylka dhiigiisu 41ºC dhaafona uusan dhididin.
     
  7. Ugu dambayntii marka uu soconayo waxa ilaahay qaderey in uu laba addin oo isku dhan ah markiiba qaado taasina ay u fududayso in uu hab u gaara ciidda lama-degaanka ugu socon karo isaga oo aan ku daalin. Wuxuuna caan ku noqday awoodda iyo adkaysanka uu saharaha u leeyahay taas oo dhalisay in carabtu ula baxdo “safiinatu u-saxraa” ama doonida lama-degaanka oo ah wax uu ku mutaystay mucjisooyinka ilaahay gaarka uga yeelay.

Hadaba, inkasta oo siraha ku qarsoon oo ilaahay ku abuuray geela gaarna uga yeelay aan weli fari ka qodnayn oo laga yaabo in aan cilmigu fahmin ama gaadhin badankooda. Marka aynu sii dhadhansano aayadda waxay salka ku haysaa tilmaan cad iyo amar guud ahaan u taagan in adoomaha ilaahay u fiirsadaan waxyaalaha uu abuuray si ay u ogaadaayaan awoodiisa, waxaynu intaa ku dhaafi aaydda 17naad ee suuratul qaashiya oo la hayd: miyaanay eegin geela iyo sida loo abuuray, “do they not look at the camels, how they are created”?

Waxa hubaal ah oo aynu ognahay in aynaan marna ka gun gaadhayn eegmadi iyo u fiirsigii ay ina fartayaayadda 17naad ee surat al qaashiya, laakiin intaasi baraarujin, xasuus iyo guud mar inoogu filan insha allaah.

Waxan qaybtan ku dhaafayaa ereyo ka mid gabay uu inooga tegey Cali Cilmi Afyare oo amaan geel ah.

  • Sinji adag haddii aanu lahayn sool ma dhacarteene
  •  Sarriig buu ku tiiganahayaa sulux ma dhiiqeene
  •  Waxa suuradaha loogu daray waa si gooniya’ e
  •  Sinaantiisa lama gaadhi karo saatirkaa yiri e 

Qaybta 2aad Halkan ka akhri http://somalitalk.com/web/tag/abdullahi-spanish/

Dr. Abdullahi Hassan (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Geela, diinta iyo dhaqanka soomaalida- Q.1aad | Dr Abdullahi-Spanish "

  1. aad iyo aad ayaan ugaga mahad celinayaa khabiirkan ahna shiikha ahna profisar sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay taxqiijinta micnaha wayn ee ka danbeeya aayada quraanka karimka ah ka mid ah
    pro:c/lahi waxaan mar walba kaa codsanaynaa research yada aad samayso ama kuwa aad heli karto ee cilmi korodhsigaa in aad noo soo gudbiso
    waxaanna shacabka u sheegayaa in aynu ka faa iidaysano ustaadka

    ustaadka yagu tuu nayri torog ku heensaynay

    profisor, shiikh ,darwiish waad salaamantahay

  2. abuu yasir says:

    waa caalim ilaahay caqli siiyey ama awood iyo adkaysi uu kaga gungaaray cilmiyo kala duwan waana hanti qaaliya oo soomalidu leedahay sh isbaanash walaalow koley aniga iga yaabsataye allah hanaga yeelo kuwo kaa faa iidayta