Home » Warar »

Warbixin: Waddooyinku waxay muhiim u yihiin Nolosha Bulshada (Wadada xidid)

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Hordhac: Jidadku waa kaabeyaasha dhaqaale kuwa ugu muhiimsan, sidaa darteed ayaa bulshooyinku xoogga u saaraan wax ka qabadka jidadka. Gebi ahaan wadooyinka Gobolka Sanaag ayaa ah kuwo aan wax shaqo ah laga qaban oo raf ah.

Degaanka Gebiga oo ah degaan magaalooyinka waawayni ku yaalliin , lehna biyaha joogtada ah , waxa ka baxa labo waddo oo ku xidha degaanada gobolka ee muhiimka ah ee kala ah Xeeb , Buur iyo dhul daaqsimeedka oogada.

Jidadkaasi ma helin wax dayactir ah tan iyo burburkii dawladda dhexe, waxana waxyeello u geystey roobab , taasoo keentay in bulshada degaankan isu socodkoodu uu yaraado.

Jidka isku xidha oogada oo ah degaanka xoolaha ugu badani ku dhaqan yihiin ee halbowlaha u ah isku xidhka magaalooyinka waaweyn ee suuqa u ah xoolaha , subagga , hargaha iyo caanahaba si dhib ah loogu maro , oo qofka ay mar mar ku kallifto inuu Boosaaso ka soo wareego. Laga bilaabo bohosha gebidheer ilaa saar ayaa ah boholo , dhagax iyo qarar dhib ku ah gaadiidka.

Sababta Keentay hawshan :
Markii bulshada degaanka Gebi iyo Oogo ay arkeen dhibaatada ka haysata isu socodka, ee saamaysay dhaqaale ahaan, waxbarasho ahaan , caafimaad ahaan iyo isdhexgalka bulshaba , ayaa dhallinyarada ku nool Ceelbuh iyo Badhan qaar ka mid ah waxay bilaabeen iney la tacaalaan dhibtaas.

Sidaa darteed ayay u bilaabeen sanadkii 2001-dii sahanka waddo ka dhow , kana dhib yar jidka isku xidhi jirey Gebiga iyo Oogo. Oo safarka gaadiidka ku qaadan jirtey masaafo dhan 75km iyo ammin 5-6 saac ah.

Waxyaalaha la qabtay ( Achievements) .
Waxa soo baxay koox dhallinyaro ah oo u heellan hirgelinta jidkan cusub ee Xidid, kuwaas oo xooggooda & hantidooda geliyey jidkaas.

waddooy

Waxa la daah furay jidka Xidid oo ka dhow , kana dhib yar , kana toosan jidkii hore, isla markaana soo dhex mara degaan isgaarsiin iyo biyo leh sida ceelka Xidid oo ah kal aan gudhin.
Waxa shaqo joogto ah lagu fuliyey inta badan oo jidkaas ka mid ah , intaas oo ah inta hadda la isticmaalo.

Waxa bulshadu ka baratay furitaanka jidkaasi faa’iidada wax wada qabsiga iyo iskaashiga.
Waxa bilaabmay gaadiid joogto uga shaqeeya Gebi ilaa oogo , iyo qaar kale oo joogto u keena xoolo, subag, caano iyo hargo, arintaas oo wax weyn ka bedeshay dakhliga qoysas badan.

Waxa la filayo Mustaqbalka.
In la helo jid ka dhow , kana dhib yar kii hore, kaasoo masaafadiisu tahay 55km , iyo ammin ah 1:30 – 2 saac.
In degaamada Gebi iyo Oogo ay si rasmi ah isugu furmaan, taasoo la filayo in balshadu horumar dhinacyo badan gaadho.

In himilada bulshada Gebi iyo Oogo ay sare u kacdo ,yididiiladooduna soo noqoto.
Ganacsiga u dhexeeya bulshada degaanka oo xoogaysta.

In shaqo ballaadhan laga fuliyo Xidid oo ah meel sid dhib yar looga shaqayn karo, si ay u dhamaystiranto isku xidhka jidka u dhexeeya Badhan iyo degaanka Oogada. lana helo qalab ku habboon oo lagu hirgelin karo jidka inta yare e ka dhiman.
Caqabado :

Qalab yaraan sida :Kaaryooneyaa,Jarraafado, Dubeyaal , Mandaraqyo , Cagaf iwm.

Maxamuud Ciyoon
mciyoon@googlemail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.