Home » Maqaallo »

Saxaafada soomaaliya iyo marxaladii ay soomartay | Axmed cadde

inta aan u guda galin qormadadaan,waxaan rabaa in aqristayaasha aan u bayaaniyo saxaada qeexitaan ahaan waxa ay tahay: saxaafadu waa wax ka qoris wax ayaabo aysan dadka wax ka ogeen,haye shee marka ay maqlaan wax noloshooda xiriir laleh ama doonayaan ay inta badan dhacdo in ay u dhag taagaan ,suxufiguna waa midka isagu howshiisa tahay saxaafada.

Marka aan u soo noqodo qormadadaan waxaan oran karaa saxaafada somaliya waa mid maanta horumar ka sameesay jaanib kasta,waayo mudo haatan laga joogo19 sano wadanka somaliya waxaa ka howl gali jiray Radio muqadisho,tv-ga qaranka iyo wakaalada wararka ee sona,saxaafadaasina waxay aheed mid inta badan gacanta ku hagto dowladii kacaanka ee xiligaa wadanka ka arimin jirtay,mana jirin tirada suxufiyiinta ee cadadkaa la’eg oo xaaliyan ka howlgala wadanka ay dugaashadeen xasaradaha ee dhaca geeska afrika ee soomaaliya.

Inkastoo dabayaaqadii sanadka 1999kii gayiga somaliya mar qura ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo markaa dhabaha u xaartay in bulshada soomaliyeed ku soo buraarugaan dhageesiga warbaahinta ,iyagoo markaa ka fa’ideesanaya barnaamijyada maalin laha ahaa ee ka bixi jiray idaacadahaasi.

Horumarka warbaahinta soomaaliya ay sameeyeen waxa barbar socday tacadiyo loo geesanaya suxufiyiinta ,waxaana dhacday in maalin cad si bareer ah loo dilo suxufiyiin,qaarna la dhaawacay,halka kuwo kalena cagaha wax ay ka dayeen ,iyagoo haatan ku nool wadamada dariska la’ah
Soomaaliya,kuwaa oo magan galyo weydiisanaya hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda maadaama aysan jirin cid damaanad qaadeysa noloshooda ,iyadoo taasi jirto hadana waxa wadanka soomaaliya ku sugan suxufiyiin aan sida u buurneen.

Dunidaan casriga ah ee aan ku nool nahay waligeed waxa horseed u ahaa saxaafada,soomaalidu waxay tiraahda “warba ugu gaajo kulul” taasoo ka marqaati kaceysa in saxaafada ka mid tahay baahida koowaad ee aadanaha ee markaa mudan in laga haqab tiro.

Saxaafada waxay sidoo kale lagama maarmaan u tahay in la gaaro horumar dhinac walba sida bulsho,dhaqaale,siyaasad gaar ahaan waqtigaan casriga ah ee teknaloojiyada isgaarsiinta aad u sareeyso dadka ma’yeelan karaan hal abuur tayo leh iyadoo aysan jirin saxaafad.

Sidaa oo ay tahay wararka ay saxaafada tabinayso waa inaysan noqon kuwo aan sugneyn sidaa daraadeed looma baahna in la’iska baahiyo wararka suuqa yaalla,ee waxa haboon in la hubiyo sida murti soomaaliyeed tilmaameyso “ hubsiimo halbaa la siistaa” wararka aan xogta ku saleeysnayn ama la buun buuniyo ee xag jirka ah waxay abuurayaan ama horseedi karaan in la galo qaladaad culculus oo cawaaqibkooda marna laga kabsan.

Si hadaba loo fahmo wax yaalaha ka dhacaya hareeraheena ee saameyn ku leh nolosheena iyo mustaqbalkeena ,islamarkaana kor loogu qaado hal abuurka bulshada soomaaliyeed waxaa lagu qasban yahay in la helaa saxaafad baahisa ama tabisaa warar iyo warbixino xaqiiqda ku saleeysan ee markaa dhinac aan u jan jeerin iyo isgaarsiin tayo wanaagsan ku qotomta ama ku saleeysan si loogaara horumarkaa.

W/Q:Wariye Axmed c/llaahi yuusuf {Axmed cadde]
Email: cadde23@hotmail.com
Khartoum…………sudan
Phone:00249922363815

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Saxaafada soomaaliya iyo marxaladii ay soomartay | Axmed cadde "

  1. saxiib mar hore ma saxaafadu sida aad ku sheegtay,saxaafad wax la yiraahdaa wax kasta oo fariin gudbinaya,waxayna leedahay laba qaybood oo waaweyn.

    Saxaafada soomaaliya iyo marxaladii ay soomartay

    waa kuwa ka gun fog, inta aad xustay,waxayna ka soo bilaabatay qarnigii 18aad iyadoo noocya kala duwan leh, qoraal ahaana wax u isticmaalay sheekh bashiir,
    raga maanta suxifinimada sheegtaana inta badan waa warlords