Home » Announcements, Warar »

Cali waa sagaal jir Kaadi haysta Banaanka taalo wuxuu u baahan yahay Gargaar deg deg

Cali waa sagaal jir Kaadi haysta Banaanka taalo wuxuu u baahan yahay Gargaar deg deg

Mudadii labaatanka Sanno ee dhibaatada ka jirey Gayiga Soomaaliyeed waxaa dadka soomaaliyeed isugu darsamey Colaad, Abaaro iyo Cudduro waxayna Galaafteen dad farabadan oo aan waxba galabsan, iyadoo taasi ay jirto ayaa dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Dibadaha waxay u istaageen ama gunta u xirteen in ay gacan siiyaan dadkooda dhibaateysan ,CaliXasan Cali waa Wiil Sagaal jir oo ku dhashey iyadoo kaadi haysta banaanka taalo islama markaana Buro uga taal waxayna Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay caddeeyeen in aan dalka waxayba looga qaban Karin uuna u baahan yahay Qalin dibadeed maadaama dhaqaatiirta sheegeen in aysan haysan qalabkii wax looga qaban lahaa Cali

Qayska Cali waa Sabool waxay muddo ku noolaayeen Miyiga waxay dhawaan ka mid noqdeen Barakacayaasha degan Deegaan Lafoole mar aan halkaa ku booqdey Cali dhibaato ayey ku haysaa Kaadi haystiisa waxaana arkey halka kaadida soo mareyso , wuxuu ii sheegey in dharka uu xirto ay ku daadato kaadida maadaama aysan xiriirsaneyn Marinka kadida iyo qaybta Taran

wiil4

Hooyo Xabiibi Geedi Caddow ayaa si aad ah uga fakereysa wiilkeeda oo aysan u awoodi in la tacaasho waxay ka codsaneysaa Dadka soomaalieed ee dibadaha ku nool ama kuwa Ilaah wax siiyey ee jooga dalka gudiisa iyo dibadiisa in ay wax kala qabtaan wiilkeeda oo ay sheegtey in si fudud loo daaweyn karo haddi uu helo Qaliin dibadeed “aad baa uga xumaadaa wiilkeyga marka uu la ciyaarayo Caruurta kale in ay ku qoslaan maadaama dharkiisa markasta ay ka qoyan tahay Kaadida “ayay tiri hooyo Xabiibo oo mar kale ka codsaneysa Dadka soomaaliyeed in ay wax kala qabtaan wiilkeeda Hadaba ciddii dooneysa in ay wax u qabtaan wiilkaas ha kala soo xiriireen

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 0025215532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.