Home » Warar »

khudbad xasaasi ah oo uu jeediyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle “Waxaan Leenahay Dowlada Hada Jirta ee Mujtaaca Dunida Ictiraafsan Tahay Gacan Hala Siiyo, Dadka Wax Sheeganaya Marka uu Dhulku…”

Halkan ka dhegeyso Khudbadii Geelle

Madaxweynaha dalka Jabuubi Md, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Munaasabad lagu weynaynayo maalinta Ciidul Adxaha khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlayo dalallka Soomaaliya, Yeman, Sucuudiga iyo dalka Eriteriya falallka ay ka wado dalallkan u jeediyey Golayaashiisa dowlada, shacabka dalka Jabuuti, Wakiilada safaaradaha dalallka caalamka ka jooga dalka Jabuuti iyo marti sharaf kale 27/11/2009-ka oo ku beegnan maalinta ciida weyn ee dadyoga Islaamka.

Munaasabadaan oo lagu qabtey xarunta Madaxtooyada dalka Jabuuti oo ay gunaanad u ahayd diyaar garow balaaran oo ay dowlada iyo shacabka Jabuuti ugu jireen maalinta qiimaha weyn ku leh dalallka islaamka, islamrkaana madaxweynuhu uu salaadii kula tukadey shacabka caasimada dalka Jabuuti Garoonka weyn ee Kubadda Gacanta lagu ciyaaro ayaa Madaxweynuhu khudbadiisa waxaa uu ugu horeyn ku amaaney Wax-qabadka wasaaradda arrimaha diinta iyo aw-qaafta dalka jabuuti iyo laamaha kale ee hoos yimaada wasaaradda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle mar uu ka hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu yiri “ hadii aan ku soo laabano xaalada dalallka jaarkeena ah Ummadda Soomaaliyeed, waxaan ka oraneynaa kelimad maxaa yeeley ka harimeyno inta ay xaaladaasi jirtaba, calall aqal marka aan fursad helno in aan tusno walaall-nimadii halkii ay noo joogto, hawsheediina wixii karaankeena ah aan qabaneyno, bisha hore ee sanadka soo socda ayey ahayd markii ay dowlada soomaaliyeed ay duntey, 2010 marka aan geleyno waxay u noqoneysaa 20 sano, xiligaasina waa mudo dheer oo cumri ah, waana fac dhan qofkii berigaasi dhashey maanta 20 jir weeye, intaasina waxay ku nool yihiin xarbi, dhibtaas iyo rafaadkaas ku nooshahay Ummaddaas oo nin alla iyo ninkii nidaamka diidani, dowlada marka ay xididada u rujiyeen, halka laga ambaqaado, wuxuu ahaa wadahadal iyo isu tanaasul waajibku, xoog iyo qolo ayaan ku bxaynaa bay is yiraahdeen bar, dabkii way shideen sida loo joojiyo wey garan waayeen, waxaana abuurmey kii qabiil ku doonayey, kii xoolo ku doonayey, kii diin ku doonayey intuba dhulka ayey afka ku jiiden, weyna ka adkaan waayeen kuwii ay doonayeen in ay xooga ku xukumaan,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

isagoo khudbadiisa sii wata ayaa intaa ku darey “maxaa talo ah ayaa la is-weydiiyey, dhowr talo ah oo aan ka qayb galney wey jireen, laakiin halkii uun baa qoriga lagula sugayaa, waxaan leenahay dowlada hada jirta ee mujtaaca dunida ictiraafsan tahay gacan hala siiyo, dadka wax sheeganaya marka uu dhulku, dhulkiisa ku soo noqdo ninka damac hayo ee talada dalka doonaya, wuxuu dhigan doorasho, wixii kalsooni uu dadweynaha uu kaga helona wuu ku bixi, laakiin waa in lugaha loo taago oo dadku kala dambeeyaan weeye oo dhowrsadaan oo ilaahayna ka baqaan weeye”.

Mar uu ka hadlayey madaxweyne Geelle dowlada Ereteriya ayaa wuxuu yiri “ arrinta kale ee ka socota xagan jaarkeena, iyaduna waxaan u maleyneynaa inaan mowqifkeena aanu cadeyney oo Yeman la doonayo in lagu minjo xaabiyo oo dabkiina lala galey ilaa sacuudi Carabiya, talada dowlad iyo dadweynaheeda ka dhexeysa, in wadan kale dab loo soo mariyo oo Ummaddaa muslimka ah ee carbeed dhexdeeda fidno laga abuuro, magacii la doonayo halagu sheego, laakiin taliska Eriteriya isagoo hawshiisaasii taqliidiga ah ee uu dab isugu dhiibayo dadd Islaam ah, Aduun weynuhu inuu qaraar ka qaadan doono goor dhow waan rajeynayaa, maaxaa yeeley badan cass dadd badan ayaa doonaya iney dhibaato geliyaan, dhankan hadii uu burcad badeed uu ka soo weeraro, dhankana ay dab kale ka sidaan hade anagu reer jabuuti hadaanu nahay dhibaato weyn bay inoo tahay, sidaas darted dowlada Sucuudiga iyo Yemen inaan is-garab taagno weeye oo iyaguna wadankooda ay ilaashadaan” .

geellee

Mar uu si gaar ah ula hadlayey shacabka reer jabuuti waxaa uu kula dardaarmey “walaallayaal wadankeena iftiinka ka baxayo waxaa weeye wax dadweynuhu uu leeyahay, fadliga ilaahay ka bacdi midnimadeena weeye, dadd dadka soo dhaweeya inaanu nahay baa la ogyahay, dadd dantooda qabsanaya inaanu nahay baa la ogyahay, dadd shisheeyaha ixtiraam kusoo dhaweynaya inaanu nahay baa la ogyahay, dadd islaam-nimadooda ku adag inaanu nahay baa la ogyahay, hadii uu ilaahay na siiyey Tharwa, Tharwada dadkeena weeye, diinteena xaniifka ah weeye, inaan dadnimadeena adkeysano weeye, inaan horumar ku talaabsano oo aan cilmiga siino mudnaanta weeye, waxaana jeclahay sidii la isugu soo dhawaankaro in dadka la isgu soo dhaweeyo, midnimaduna waxaa weeye waxa aan dooneyno in aan la fara fareyn, ha noolaado shacabka Jabuuti, xooga dalkeenu haweenka weeyaan ee ha noolaado” ayuu khudbadiisa ku soo gebagebeeyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Hase ahaatee khudbada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxay muujinaysaa is-bedelo cusub oo uu dalku luga la siigalay, taasoo uu ka digayo waxa ka imaan kara mustaqbalka dhow iyo kan fogba, iyadoo Ma Daalayaasha Lagu Daaley Damacooda mashaqada ah ee 20-sano jirsadey aysan wali ka quusan shaar kasta oo ay gashtaan, waxaadna moodaa kuwo aysan dhegahooda ku dhaceynin, digniinaha iyo talooyinka uu xusey madaxweynaha ilaa ay darbiga soo taabtaan, laakiin muri Soomaaliyeed ayaa oraneysa talo walaall diidoow Tagoogyaha ayuu ka jabaa ama wuu turan turoodaa, taasoo laga dhadhansan karey hadalka Madaxweynaha qiimaha walaall-tinimada ay leedahay, balse kuwa shacabka Soomaaliyeed ku dur durinaayoow ogoow in markaada laguugu dur durin daqiiqad kasta ha gaartee.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada Ahlu sunna oo aan laga ciidin maanta, iyo goobaha kale oo laga ciidey

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " khudbad xasaasi ah oo uu jeediyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle "

  1. c.qaadir says:

    walaalayaal waa in aan dowlad raadinaa
    taas ayaa keeni karta in aan la xisaabtano qofkasta oo denbi ka galay dalkeena.
    laakiin haddaan dowlad lahelin war wax ma taraayo, ee walaalayaal dowlada hadda jirta aan saxano oo aan taageerno markii nabad lahelona kadibna aan laxisaabtano qofkasta