Home » Maqaallo, Warar »

Goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada Ahlu sunna oo aan laga ciidin maanta, iyo goobaha kale oo laga ciidey

Sidee looga ciiday Magaalada Muqdisho , Gobolada qaarkood iyo goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada Ahlu sunna oo aan laga ciidin maanta…

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan manta waxay u eheyd maalin ciida inta la ogyahay waxaana la iskuugu marxabeynayay cidwanaagsan iyada oo jawiga magaaladuna ahaa mid wanaagsan wax dagaal ah iyo iska horimaadyana aysan jirin waxaana lagu kala dukaday goobo ay horey u qorsheyeen maamulada islaamiga ah ee ka jira Magaalada Muqdisho .

Dhanka dowlada KMG somaliya ayaa waxaa looga ciida sidaa si la mid ah iyada oo masjidka weyn ee isbahaysiga islaamka ay kuwa dukadeen dadweyne somaliyeed oo fara badan iyo madaxda dowlada sida sheikh Shariif iyo raiisal wasaare cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu dukaday salaadii cidul adxaa Masaajido kala duwan oo ku yaal gobaha ay gacanta ku heyso Dowlada Fadaralka KMG somaliyeed

. inkasta oo is dhexgalku yaraa oo lagu dukanayey goobo ay horey u cayimeen madaxda Alshabaab iyo xisbul islaam ayaa hadana si nabad ah lagu wada dukaday Waxaa jira masaajido waa weyn oo iyaguna lagu tukanayo salaada Ciidu Adxaa.,

Gobolada dhexe ee bartamaha ma jiraan wax munaasibad ah oo maanta loo sameeyey ciidul adxaa mana jirin wax takbiir ah oo halkaa laga aqrinayey sidoo kale Masaajidada ayaa ahaa kuwo ay albaabadu u laabnaayeen iyada oo markii danbe lagu wargaliyey in aan la xaqiijin Karin bilshada bisha carafo inta ka dib ayaa maamulka ahlu sunnah wal jameeca ee gobolad adhexe wuxuu u calaamadeeyey maalinta bari ah in ay tahay maalitii ciidul adxaa .

Guud ahaan gobolka Sh/hoose degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa Maanta si toos ah looga tukaday Saalada Ciida ugu wayn Caalamka Islaamka ee Ciidul Adxaa iyadoo goobihii ay Soo buux dhafiyeen maamulada Islaamiga ah ee ka arimiya guud ahaan gobolka Sh/hoose si toos ah looga tukaday Salaada Ciida.

xamar4

Gaalkacyo ayaa ka mid aheyd magaalooyinka sid aaadka ah loog acidiay maanta Ciidul Adxaa iyna si weyn looga dabaal dagay Magaalada Garwe .iyo Magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Waxaana maanta si weyn loga ciday maalinta 1-aad ee Ciidu Adxaa ayaa sida looga ciiday magaalooyinka kale dunida sidoo kale waxaa iyane laga ciiday deegaanada hoostaga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyadoo qaar kamid ah wadooyinka waawayn lagu arkayo dadweyne aad u farabadan islamarkaana u kala socda Masaajidada lagu tukanayo Salaada Ciidul Adxaa..

Haddaba, somalisan ayaa waxaay hambalyada dhamaan shacuubta islaamka ahee calaamka gar ahaan kuwa somaliyeed

munaasabadda ciida u dirayaan dhammaan akhristeyaasha iyo dhageystayaasha webka somalisan . CIID WANAAGSAN. Kullu Caam Wa antum Bikheyr.

Akhri: Sidii looga ciidey Deegaanada Duleedka Caasimada Ee Loo Barkacay iyo Garoowe

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.