Home » Announcements, Warar »

Sheikh Maxamed-Rashaad oo ku Geeriyoodey Xajka, Allah ha u Naxariisto

Sheikh Maxamed-Rashaad Macallin oo ah Sheikh Soomaaliyeed oo caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka ayaa Maanta (Carafo) ku geeriyoodey Xajka.

Sheikh Maxamed-Rashaad Macallin Allah ha u naxariistee waxa uu ku geeriyoodey Mina.

Sh. Maxamed-Rashaad waxa uu deganaa magaalada Ottawa ee magaalo madaxda dalka Canada, halkaas oo uu iimaan ka ahaa masjid ku yaal magaaladaas.

Waxa kale oo Dr. Maxamed-Rashaad Macallin uu macallin ka ahaa Jamaacad ku taal Canada.

Sheikh Maxamed-Rashaad Macallin waxa uu aad ugu caan baxay faafinta diinta Islaamka asagoo cajladihiidu gaareen caalamka dhinacyadiisa, kuna faafin jirey Internetka.

Allah ha u naxariisto Sh. Maxamed-Rashaad Macallin, eheladii iyo ummadda Soomaaliyeed dhammaan samir iyo iimaan haka siiyo.

VIDEO: Allah ha u naxariistee Sheikh Maxamed Rashaad video-yadii uu duubay Halkan ka daawo (youtube)

…………..

GOLAHA ISUTAGA IIMAAMAADA EE WAQOOYIGA MARAYKANKA.
TACSI TACSI TACSI..
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICOON……

GOLAHA ISUTAGA IIMAAMDA EE WAQOOYIGA AMERICA,WAXAY TACSI U DIRAYAAN DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED,GAAR AHAAN QOYSKII UU KA GEERIYOODAY ILLAAH HA U NAXARIISTEE SHEEKH
MAXAMED RASHAAD,ILAAHAYNA WAXAAN UGA BARYAYNAA INUU RAXMADIISA DHEX GASHO,DNBIGIISANA ILLAAH DHAAFO,JANADIISANA GASHO.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN

MAAMULKA MAJLISKA. 12/26/09
Sheikh C/llaahi abulfadli. Minneapolis/MN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

47 Jawaabood " Sheikh Maxamed-Rashaad oo ku Geeriyoodey Xajka, Allah ha u Naxariisto "

  1. kawsar says:

    asalaamu calaykum

    Allah swt ha u naxaristo sheikh raschaad samir iyo imaan allah swt haka siyo eheladu ka dhintey amiin geeritu wa xaq ee allah swt khatumo suuban ha inagu dilo walalkena khayr badan aan ka faaideysanay iyo diintayadana allah janadu fardowsa haka warabiyo amiin amiin allahuma amiiin

  2. asc wr wb rabi haunaxariisto shiiqa janadiina eebe ha geeyo aamiin aamiin

  3. faduma maxamed abiikar says:

    RABIGII CASIISKA AHAA NAXARIISTII JANAO HAKEEY SHIIQA ASAGA AYAA MAANATA MEEL WANAAGSAN KU GEERIYOODAYA RABIYOOW NAGA DHIG KUWO DIINTA KU HOGAANSAN OO NASII NASIIBKA SHIIQA OO KALE

  4. balbaleti says:

    inaa lilaahaahi wa inaa ilayhi raajicuun alle subxaanahu watacaalaa waxaan ka baryayaa inuu alle xafido sh.m rashad raxima hulaah waa aabihii umada soomaaliyeed ilaahow gadaashiis hana fidnayn badal na kaafiyana na sii isagana ilaahay haw aqbalo wanaagiisii badnaa ee uu umada soomaaliyeed galiyay ahaana juhdi qaaliya maanshaa allaah xafidahulaah markale.

  5. aksaay says:

    Allahuma aamiin allow janatulfardowsa ayan kaaga barinay anigo ku hadalayo magaca inta kheyrka jecel waxaana leeyahay kuwii buuxiya booskii u kabaxay allah naga yeelo magari karnee allow nagarsii sheikh M-rashaad raximahullah Allahuma aameen..

  6. suraya says:

    ilaah ha u naxariisto shekh maxamed rashaad iladii iyo kharabadee uu kageriyoway samir iyo iman alaha kasiyo amin shekha kamosan geriyowin iheladiisa ee dhaman somlia wen ayuu kageriyowbay ilaah hana samir seyo asagane janatul fardosa ayaan ilaah ugabarinay amin main

  7. um daahir says:

    ilaahay waxaanu baryaynaa inuu sheekha qiimaha lahaa naxariis iyo janaatul khuld ilaahay ka waraabiyo inuu adoon khayr leh inuu ahaa ilaaahay subxaanahuu watacaalaa maalintuu oofsaday iyo meeshuu ku oofsaday samir iyo iimaan ilahay ehelkiisii iyo qaraabadiisii ilaahay ha ka siiyo sheekhu iyaga uun ka muu dhimanin ee muslimiintoo dhan ayuu ka dhintay inagana ilaahay khaatumada khayr ilaahay ha inoogu khatimo aaamiiin aamiin amiin yaa rabal caalamiin