Home » Warar »

Axmed Walad Cabdalla oo Warqaddii 20aad u diray Soomaalida

United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

Letter to the members of the Somali Jaaliyadda – (no 20)

Nayrobi, 27 November 2009

Salaam Aleikum

Saaxiibayaal , Iga Gudooma Salaan diiran.

1. Waxaan munaasabadda Ciidul Ad-ha u dirayaa tahniyad iyo salaan diiran dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

2. Eidul Ad-ha waa markii uu Ilaahay soo dejiyey aayadda Qur’aanka Kariimka ah ee oraneysa “Maanta waxaan idiin dhameystiray diintiina, nicmadaydiina aan idinku hagoogay, diinta Islaamkana aan idiin doortay in ay tahay diinta keliya ee aad leedihiin.” S-5/V3. Maanta waa maalin muhim ah oo ku haboon in la ciido, oo ay dadku isu hambalyeeyaan, isna cafinaaan, isna jeclaadaan.

3. Sida aan wada ogsoonhay, idinkuna aad ku faantaan, dadka Soomaaliyeed waa dad isku diin ah, isku mad-hab iyo isku dariiqo ah. Soomaalidu waxay ka mid yihiin dadkii ugu horeeyey ee Diinta Islaamka qaatay. Kun iyo Afarta boqol oo sannao (1400ta) ee ay Diinta Islaamku jirtayna, weligiina khilaaf dhinca diinta ah idinma dhexmarin, haba yaraatee. Hase-yeeshee, maantana aduun weynuha oo dhan wuxuu ka xun yahay kana xanuunsanayaa isdilka iyo iska-horimaadka aan loo baahnayn ee socdaya iyada oo la adeegsanaya magaca Islaamka. Hadaba maanta anagoo munaasabaddan qiimaha leh ee Soomaaliya ka jirta ka faa’iideysaneyna waxaan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed ee kala jooga dunida dacalladeeda inay midoobaan, iskaashadaan, kana feejignaadaan cadowga gudahooda ah ee isku diraya, isku tanaasulaan, isa saamaxaan kala dambeeyaan si ay Soomaaliya dib ugu hanato sharafteedii hore iyo si ha fiican ba.

4. Maanta oo aan ciidayno bal aan xusuusano dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah iyo kuwa dalka gudihiisa ku barakacsan oo meelkasta ku kala daadsan oo ay abaaruhu waxyeeleeyeen, una nugul qabowga iyo kuleylka oo ay ku jiraan haween, caruur iyo dadka da’da ahba oo laga qaxiyey guryahoodii iyo magoolooyinkoodii. Waxaa kaloo xusid mudan boqolaalka Soomaaliyeed ee dhalinyarada ah ee naftooda ku biimeynaya Badda Cas iyo tan Mediterranean-kaba iyagoo ka cararaya dagaallada dalkooda ka jira. Sidoo kale maanta oo ah maalin ciid ah aan xusuusano boqolaalka haweenka iyo caruurta ah ee maanta ugu jira xabsiyada aduunka dacalladiisa si ay u helaan nolol wanaagsan. Waxaan ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed inay maskaxda ku hayaan dadka aan soo sheegnay, walaalihiina, una hawlgashaan sidii midnimo iyo nabad loo dhan yahay loo heli lahaa, qaxootiguna dib ugu noqon lahaa guryohooda, carruurtiinana ay u joojin lahaayeen iany badda isku daadiyaan. Arrintan waxaa keliya lagu gaari karaa in nabad iyo xasillooni lagu soo celiyo Soomaaliya.


suxufi
5. Maanta oo ah maalin ciid ah waxaan ku faraxsanahay inaan arko soo deynta suxufiyiinta aan waxba galabsan ee afduubka loogu haystay mudo ka badan hal sanno. Sida aayada kor ku tilmaman ay sheegeyso, illaahey wuxuu ku galadeystay wadankiina nicmadiisa, wuxuuna idin siiyey kheyraad fara badan sida macdano kala gedisan, dhul-beereed iyo xoolo iyo dad caqli badan leh oo waxtarna leh. Waxaan rejeynayaa in aad indho u yeelan doontaan arrimmaha aan idin soo sheegay, aadna ka faaiideysan doontaan kheyraadka eebe idin siiyey. Kheyraadkaas waxay keenayaan hanti wax ku ool ah oo ka sharafban colaadaha ama hawllaha sharci darada ah.

6. Waxa dhowaan dib loo bilaabay, markii ugu horesay mudo dheer in xoolaha Soomaaliyeed loo dhoofiyo dalka Sacuudiga. Dhab ahaantii ciidaani kumnaan xoolo Soomaaliyeed ah aya la geen doonaa Boqortooyada Sacuudiga si Xojaaydo ugu faa’iideystaan. Waxaan shaki lahayn inay arrintani ay kor u qaadi doonto nolosha qoysas fara badan oo Soomaaliyeed oo noloshoodu ku tiirsantahay xoolaha nool. Arrintan waxay si guud kor ugu qaadaysaa dhaqaalaha waddanka. Waxaa kale oo aan rajaynayaa inay noqoto hab kale oo ay dhallinyada Soomaaliyeed ay ku helaan nolol kale.

7. Toddobaadkan waxaa kale oo aan ku faraxsanahay inaan aragno waddankiina oo xiriir la yeeshay Bangiga Horumarinta Afrika. Bangiga Horumarinta Afrika wuxuu siiyay waddankiina 2 milyan oo doolar oo deeq ah, taasoo caddeynaysa sida uu u aqoonsanyahay dedaalka Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka Soomaaliyeed ay ugu jirto inay xoojiso hay’adaheeda iyo baahida loo qabo in laga taageero dowladda inay si buuxda gacanta ugu dhigto magaalada Muqdisho.

8. Maadaama aan haysano horumarkan tallaaba tallaabada isu soo taraya, waa inaanu rajaynaa una ducaynaa in Soomaaliya ay waqti dhow hesho dowlad habboon, Soomaaliduna ay hesho nabad waarta iyo barwaaqo, dadka Soomaliyeedna sanadkan sannadkiisa ay ciidaan waddankooda iyagoo haysta raynrayn, horumar, nabad iyo barwaaqo..

Walaalkiina

Ahmedou Ould-Abdallah

walad1

La xiriir:

Susannah Price
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
………

Letter to the members of the Somali Diaspora (No.20)

Nairobi, 27 November 2009

As-Salaamu Alaikum,

Dear friends,

My warmest greetings to all of you,

1. I would like to send congratulations and warm greetings to all Somali people, wherever you are, on the occasion of Eid Al-Adha.

2. Eid Al-Adha is the occasion on which it was was revealed: “Today I have completed your religion for you, bestowed my bounty on you and chosen Islam as the only religion for you” S-5 / V-3. It is an important day to be celebrated and enjoyed. It is a day when people congratulate each other, forgive each other and love each other.

3. As we all know and that you are all proud of, Somalis are people with the same religion, the same mad-hab (school of fiqh) and of the same practice. Somalis were, in fact, among the first peoples to have adopted Islam. You never had any religious differences among yourselves at all throughout the 1400 years that Islam has existed. Today, however, the whole world is saddened by the unnecessary killings and confrontations that are taking place in the name of Islam. Therefore, on this auspicious occasion in Somalia, we would like to call on Somalis around the world to unite, to cooperate, to be vigilant of the enemy from within that is creating discord among you, to compromise with each other, to forgive each other and listen to each other so that Somalia can regain its former glory and reinvent itself a new dignity.

4. Today, as we celebrate, let us remember the Somali refugees and those displaced internally from their homes and towns, who are scattered everywhere, affected by drought, and exposed to cold and heat, including women, children and the elderly. Let us remember the hundreds of Somali young people who throw themselves into the Red Sea and the Mediterranean fleeing the fighting in their country. Let us remember today on this holy day the hundreds of women and children in jails in different parts of the world because they were seeking a better life. I appeal to you to be mindful of these people, your brothers and sisters, and work toward unity and peace for all so that the refugees can return to their homes and your children may stop dying in the seas. This can only be done by bringing peace and stability back to Somalia.

5. On this Eid day, I am very happy to see the release of the innocent journalists that were held in captivity in Somalia for more than fifteen months. As the verse above mentions, I believe Allah has bestowed his bounty on your country with resources, such as minerals, agriculture, and livestock and resourceful and brilliant people. I hope that you see and take advantage of these God given attributes. They bring more sustainable and honorable revenues than violence or illegitimate activities.

6. Recently and for the first time in a decade, Somali livestock exports to Saudi Arabia have resumed. In fact, during this Eid, thousands of Somali livestock will be available to the pilgrims in the Kingdom. There is no doubt this will better the lives of many families that depend on livestock. It will also boost the economy of the country as a whole and hopefully provide alternative livelihoods for many youth.

7. This week, we are also happy to see the re-establishment of your country’s relationship with the African Development Bank (AfDB). The AfDB in recognition of the Transitional Federal Government’s efforts to strengthen its institutions and the need to assist the government to fully re-establish itself in Mogadishu, provided a grant of $2 million dollars to Somalia.

8. We should hope and pray that with such significant and incremental developments, Somalia will soon have a viable state, Somali people will have a lasting peace and prosperity and that all Somalis will celebrate next year’s Eid in their country with happiness, development, peace and prosperity.

Yours Faithfully,

Ahmedou Ould-Abdallah

Telephone: Office – 254 20 7627132
Mobile – 254 733 902020

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Axmed Walad Cabdalla oo Warqaddii 20aad u diray Soomaalida "

  1. Xassan says:

    CIID-MUBAARAK.
    Walaalayaal ma jecli maantay oo maalin farxad leh ah in aan idin xasuusiyo dhibaatada uu noo geystay Walad Cabdalla ee DHUL BADEEDKA SOOMAALIYA oo uu Kenya gacanta u galiyay.
    Waxaan u jeeda waxtarkiisu in uu ka badanyahay inta uu nalugoynayo.
    Taas waxaa soo raacay Nuur Cadde iyo Nuur Amerika oo Walad Cabdalla uu xatta arrintan uu lug ku leeyahay. Haddaba dacwadii arrimahan ma aamus bay ku dhamaadeen illan wax daba
    socda ama war haya illaa iyo hadda ma jiraane. Ma waxaan soo baraarugi doonnaa markii baddana la qaato iyo markii Cidamada yurub aay dalka kadis ku qabsadaan oo aan annagu raaciye kaliya aan ahaano.
    Soomaaliyey shibbanaan waxba tarimeysee
    aan ka billowno asaga oo aan ku mudaharaadno oo kiis aan uga dhigno arrimaha uu nagu khalday, haddana wali sii wata khayaanada casriyeysan.

    Mar labaad CIID MUBAARAK.