Home » AmiinYuusuf »

Burcad Badeeda iyo Hindise Cusub | Amiin Yuusuf

Wax badan baad maqashay Markab laga leeyahay Wadanka hebel oo wata calanka wadankaas ayaa laga soo afduubay meel xeebta Soomaaliyaga ka baxsan 1000 Km. Burcaddii ayaa waxaa la siiyey lacag madax furasho ah oo gaareysa dhowr Malyan, waxaa fashilmay heshiis u dhexeeyey shirkadda la lahayd Markabka iyo kooxda Burcad badeeda ah ,waxaan dhibaato loo gaystey shaqaalihii Markabka, waxaa la fashiliyey weerar ay koox burcadeeda ah ku dooneysay in ay ku afduubato Markab, waxaa la qabtay koox burcad Badeed ah waxaa lagu wareejiyey Maxkamad ku taala wadan hebel, waxaa la qabtay shirar looga hadlayo kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya waxaana ku baxay Malaayiin Doolar, waxaa Dal hebel la geeyey burcad badeed kadibna waa la sii daayey, Diyaarad laga leeyahay dal hebel ayaa waxay aragtay kooxo burcad badeed ah kadibna kooxdii Burcadda ahayd waa ay dhuunteen, Markab laga leeyahay Dal hebel ayaa waxa uu burburiyey Doon ay saarnaayeen kooxo burcad badeed ah, dadweynaha Deegaanka ayaa waxay iska kaashanayaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxaha Burcad Badeeda ah, hor jooge koox Burcad badeed ah ayaa diiday in uu sii daayo koox badmaaxiin ah.

Akhrista arrimaha aan kor ku soo sheegay oo dhan waxaa hadda la qorsheynayaan in laga gudbo, waxaana la filayaa inaad isweydiineysid sida looga gudbayo, bal qaabka la doonayo in looga gudbo aan u dayno labo dhallinyaro ah oo iyagu horey uga hantiyeystay Burcad badeednnimada, waxayna habeen habeenada ka mid ah isugu yimaadeen kullan, sheekadooda oo dheereed waxaa ugu muhiimsaneyd in loo baahnaan lahaa in lala yimaado hindise cusub, maadaama sida ay sheegayeen Baddii lagu wada yaacay, waxayna hoosta ka wada xariiqeen in ay doonayaan in ay ka gudbaan dhinaca Badda, xaggee doonayaan in ay uga gudbaan?, waan taan sheekadoodii.

Mid ka mid ah labadii dhallinyaro ayaa hadalkii bilaabay waxa uu yiri “Saaxiib hadda wax waan ka qabsanay hawshii Burcad Badeednimada, waxaana ka mid ahayn raggii bilaabay hawshaan, saaxiib hadda waxaa ila wanaagsanaatay in hawsha Burcad Badeednimada ka dalacno oo aan u xuubsiibano hawlo kale, saaxiib madaxa ka shaqeysii oo ka fikir in aysan habooneyn in aan meel keliya ku dheganaano?”, kii kale ayaa ugu jawaabay “Saaxiib waan kugu aqaanay qorshe keenista ee bal caawa muxuu yahay midkaan cusub ee aad Daahfureysid?”, inta uu qoslay ayaa waxa uu ugu jawaabay “Waxaana ka cabsanayaa in aad ila yaabto markaan qorshaha daaha kaaga qaado”, saaxiibkii kale ayaa si aad ah u dhararay warka saaxiibkii u hayo waxa uuna ka codsaday in uu si dhaqsi leh ugu soo gudbiyo qorshaha xiisaha leh, kii kale ayaa bilaabay in uu qorshihiisa ka faaloodo “Saaxiib maalmahan dhan ayaan ka fikirayey qorshahan, caawana waxaan go’aansaday in aysan ila dhaafin sidii aan kuugu sheegi lahaa”, markuu halkaa marsiinayo ayaa saaxiibkii qosol gariir bilaabay, isna hadalkii ayuu sii watay waxa uu yiri “Saaxiib qorshan waxa uu yahay in Burcadnimada dhanka badda ah aan u weecino dhanka Cirka, saaxiib Burcad Cireed magacaasi waa mid ku cusboonaan doona dhegaha Caalamka, sidaasi darteed waxaa wanaagsan in aan hal abuur yeelano oo aan burcad cireed nalooga hor marin, ka waran saaxiib fikirkaa?”, “War heedhe lagula tagyee ma waxaad ku fekertay in aad af libaax na galiso, sidii ay suuragal noogu tahay in aan diyaarad hawada mareysa afduubno?”.

Inta uu ku qoslay ayuu yiri “Saaxiib waxaan filayey in aad intaa ka garasho badan tahay, aan kuu dhameeyo qorshaha, aad bay u sahlan tahay in aan afduubno diyaarad cirka mareysa laakiin marka hore waa in aan maalgashi sameynaa”, “Maalgashi aa!!, sidee loo maalgelinayaa?”, “Hantida aan hayno ma aragtid miyaa, iyada ayaa wax walba noo suuragelineysa?”, “Oo side?”, “waxaana gelaynaa dugsiga Tababarka Duuliyenimada, markaan soo dhameysanayo, hawsheena ugu horeysa waxaana ka bilaabeynaa in aan afduubno diyaar yar oo inoo sahasha in aan ku soo afduubno diyaaradaha kale”, “kkk.kkk..kkk.. weliba waxaan lacagta aan heysano ku dhisaneynaa Garoon aan ku dejino diyaaradaha aan soo afduubano, saaxiib Raxanweyn ayaa laga hayaa ‘Af waa kannee Mayla ka Aamee’, waxaa kale oo la yiraahdaa ‘habar fadhida lagdin la fududaa’, saaxiibkii qorshe wanaagsan waad keeni jirtay balse maanta way kugu qaloocatay oo waliba waa kaa siibatay”, midkii qorshaha keenay ayaa hadalkaa ku farxin waxa uuna yiri “Saaxiib soo xasuuso habeenkii ugu horeeyey ee aan dooneynay in aan badda galno waa igu diiday qorshahaas, balse mar dambe ayaad soo baraarugtay oo aad gadaal ka soo qabsatay doonta, haddana middaan sidaas oo kale in ay ka fududaato mooyee u maleyn maayo in ay ka adkaato, ee waxba ha cabsan igu raac sidii aan u hirgelin laheyn hindisahaan cusub, sababtoo ah waxaa nagu batay burcad badeed sidaas darteed waxaana dooneynaa in aan dadka dhegahooda ka buuxino Burcad Cireed”.waxaan kuugu sii daraa” Markaan Hal Diyaarad Air Bus oo ay saaran yihiin 250 Qofood aan Hawada ka soo qabsano oo weliba isugu jiraan Jinsiyado kala duwan Maxaa u maleyneysaa maalinkaa sow noqon mayno Milyaneero”

Saaxiibkii kale ayaa in yara fekeray kadibna waxa uu gacan qaatay saaxiibkii waxa uuna ka kacay fadhigii oo kor u booday isaga oo qoslaya waxa uu ku salaamay salaan ay isku afgartaan, waxa uuna ku raacay fikirkii ahaa in hidise cusub la abuuro kaas oo lagu magacaabi doono Burcad Cireed.

Qoraalkeenna ayaa ku xusney waxa maanta aan maqleyno ee ka imaanaya Burcad Badeedka , Hadaba Marka uu fulo qorshahaan waxaa dhagaheennu maqli doonaan ama ay ka dhergi doonaan , Diyaarad baa laga soo afduubey meel ka baxsan Cirka Caalamiga, waxaa ay Burcad Cireedka soo qabsadeen Diyaarad leh Astaanta dal heblaayo, Waxaa Cirka soomaaliya loo dirayaa ciidamo Caalami ah, Burcad Cireedkii ayaa ka talaabey cirka Caalamiga waxay meel u dhow Cirka Imaaraadka ka soo qabsadeen diyaarad ku sii jeedey dal Heblaayo , waxaa ciidamada cirka caalamiga qabteen Koox Burcad Cireed dooneysey in ay afduubtaan diyaarad laga leeyahay dal heblaayo , koox burcad Cireed ah ayaa ku fashimey afduub Diyaaradeed , waxaa Burcad Cireedkii dhaawaceen Diyaarad mareysey Cirka Caalamiga ,koox Burcad Cireed ayaa madax furasho ka qaadey Diyaarad ay heysteen Muddo fog , Koox Burcad Cireed ayaa qabsadey diyaarad sidey Hub Iyo erayo ciidaa ka badan

Haddii aan maanta meel la isla dhigin dhibaatada Burcad Baddeeda maxaa diidaya in ay abuurmeyso Burcad Cireed iyo kuwo ka sii daran

amiin

WD Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Burcad Badeeda iyo Hindise Cusub | Amiin Yuusuf "

  1. cali says:

    waar bada soomaliyeed waxa lugu wadaa in lakhasaariyo burcad badeed aan aqoon lahayn oo jaahiliina oo lacag la dhadhansiiyay kuwaasi oo aan ka fikirayn mustaqbalka dhow waxay ku danbayn doonaa ayaa wareerinaya soomaliya

  2. Mohammed says:

    Waxaan u fahmey sheekadaada ın Soomaalıda ın badan oo hor boodeysa ıney tahay dad feker dhınacle ah wata oo hal meel un wax ka eega,meelaha dunıdu daraaseyso waxa arıntaan ka ımaan kara ınaan anagu nahay mushtamac feker xanuunsan wata unhealthy decısıon.
    ıyo ın burcad badeedu lacag ka qabsatey badda.Waxaan kaloo ka fahmey ıney wax kale oo ka weyn tıı hore ay soo wadaan.Balse talow ragaanı af-lıbaax ayeey nagu wadaan haddıı rabı naga soo gaarın.Waayo badda waxaa mara kuwa ınnocent shıps ah ıyo kuwa tuugo ah oo badda dhacaya marka waxaas oo dhan dowlad wadata cııdanka badd ılaalınta ayaa kala saarı karta nınkaanı markıı salaadı cadey u wada xataa xamar waa ıska afduubaana halkaasna waxaaba dhıcı karta ın soomaalıyo ınta naga joogta ay cagdaan markıı la waayo markab agtooda u soo dhawaada.

  3. Kamal says:

    Waa runta khasaaro waa arin dhici karta marka waxaana is dhahaa marmarka qaarkod armay burcad badeedu saxantahay oo waxay difaacaysaa bada laga guranayo kheyraadka marmarna waxan irahdaa lacagta ay qaatan oo dadka oo dhan ka dhaxaysa hadi ay qatana khamri iyo tumasho kusoo kordhinaya wadanka