Home » Warar »

Xaflad Loo Qabtay 7 Arday oo Quraanka Isku Mar Xifdiyey

Xaflad Loo Qabtay 7 Arday oo Quraanka Isku Mar Xifdiyey + Sawiro
Furitaanka Xafiiska Hay’adda Wadaniga ah ee MDG oo Lagu Qabtay Magaalada Badhan.

Halkan ka daado sawiro dheeraad ah

Badhan : Galabnimadii Arbacada ayaa hoolka weyn ee dugsiga Al-Furqaan ee magaalada Badhan waxa lagu qabtay xaflad lagu maamuusay 7 arday oo quraanka xifdiyey. Ardaydan oo ka koobnaa 6 wiil iyo hal gabadh ah , ayaa xannaanada Umul Quraa quraanka ku xifdiyey.

Xafladdan ayaa waxa kasoo qayb galay waalidiinta ardayda , macallimiinta iyo gudida xadaanada , sidoo kale waxa lagu maamuusay kasoo qayb galkaas guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag Md. C/qani Cali Moon.
Maamulaha xadaanadaas Daahir Axmed Ducaale oo aayadahii quraanka ee lagu furay xafladda ka dib ka warbixiyey ardaydan ayaa sheegay in 7 arday ka hor uu hal arday quraanka ku xifdiyey dugsiga , sidaa darteedna ay ku noqonayaan 8 arday , ardayda xafladda loo qabtay ayaa kala ahaa :

1) Yaxye Axmed Xuseen Soomaali.
2) Maxamed Axmed Maxamed Mataan.
3) C/risaaq Maxamuud Faarax Cismaan.
4) Cismaan Maxamed Axmed Cismaan(bulbul).
5) C/jabbaar Xasan Cabdi Aar.
6) C/raxmaan Aadan Shiikh Saalax.
7) Faadumo Ibraahim Axmed Siciid.

Maamulaha ayaa si weyn u ammaanay waalidiinta ardaydan oo uu sheegay iney si wanaagsan ula dadaaleen , ardayduna kasoo bexeen xilkoodii.

hh3

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay : Maxamed Axmed Cismaan oo ku hadlay magaca waalidiinta ardayda quraanka xifdiday, waxa kale oo kale oo ka hadlay Shiikh Axmed Shiikh Saalax, Guddoonka Waxbarashada PL ee gobolka Sanaag Md. C/qani Cali Moon , iyo C/casiis Axmed Saalax oo ah maamulaha guud ee dugsiga Al-Furqaan . Ardayda ayaa nashiido quraanka iyo xufaadda amaanaysa halkaas ka jeediyey, soona bandhigay tusaale ka mid sida ay u xifdiyeen qaar ka mid kutubta nadmiga ah , gaar ahaan musdalaxal xadiiska .
 
Maxamuud Ciyoon / Badhan

Furitaanka Xafiiska Hay’adda Wadaniga ah ee  MDG oo Lagu Qabtay Magaalada Badhan.

Halkan ka daado sawiro dheeraad ah
 
Badhan: Galabnimadii Sabtida ee bisha November ay ahayd 21-ka ayaa waxa xaflad lagu qabtay xafiiska cusub ee hay’adda Wadaniga ah ee Maakhir Development Group (MDG), waxana ka soo qayb galay qaar ka mid ah ururada bulshada ee ku hawllan harumarinta, maamulka dugsiyada kala duwan qarkood, odayaal, xubno ka socday qurbe joogta, guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag ee PL iyo akhyaar kale.
 
Furitaankii xafladda ayaa waxa si faah-faahsan u sharraxay ahmiyadda xafladdan madaxa xafiiska MDG ee Somalia Inj. Maxamed Axmed Cali (Afrikan) oo sheegay in barnaamijka ay abaabulkeeda iyo asaaskeedaba leeyihiin dadka gobolka u dhashay ee qurba joogta ah, khaas ahaan bulshada aqoon yahanka ah ee ku nool Waqooyiga Ameerika. Waxana uu carrabka ku dhuftay in muddo labo sano ah ay hawsha hay’addani socotey.

hh4
 
Injineerku wuxu intaas raaciyey in hay’addan laga diiwaangeliyey maamulka degmada , gobolka ilaa heer wasaaradeed, sidaa darteedna lasoo gaadhey in xafiiska laga furo magaalada Badhan , waxana muhiimadda kowaad ay hay’addu siin doontaa arimaha waxbarashada , taasoo bulshda qurbe joogta ahi qorshaysay in gobolka laga hirgeliyo waxbarasho heer jaamacadeed ah haddii ilaah garto. Bulshada wadanka ku nool ayuu ku boorriyey in looga baahan yahay iney cid kasta oo waxqabad u heellan isgarab taagaan, soona dhoweeyaan, arrintanna loo samayn doono guddi hirgelinteeda ka shaqaysa oo ka kooban dhammaan qaybaha bulshada , taasna waxay dhici doontaa marka ay xubno qurbe joog ah oo arintan u socda soo gaadhaan wadanka ,ayuu hadalkiisii kusoo gebagebeeyey.
 
Waxa iyana dhankooda dhiirri gelin iyo wax tusaalaynba halkaas ka jeediyey Cawed Suldaan , Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag Md. C/qani Cali Moon, C/casiis Axmed Dhahar, Cabdalle Aadan Cabdi oo ku hadlayey magaca Horn Relief , C/casiis Aadan Maxamuud oo ku hadlay magaca ardayda iyo Faadumo Axmed Saalax oo ku hadashay magaca haweenk.

Badhan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xaflad Loo Qabtay 7 Arday oo Quraanka Isku Mar Xifdiyey "

  1. rashiid says:

    Jeclaan lahaayaa wararka aan ka helayno
    dalkeenii inay ubadanyihiin kuwaan kuwo kaloo badan oo wanaagsan ,
    bahda somalitalk, khayr alaha idin siiyo