Home » Warar »

Ururka Xisbul Islaam Oo Ku Dhawaaqay In Dib U Fureen Dekedda Ceelmacaan Iyo Garoonka Cisiley Ee Duleedka Muqdisho

Ururka Xisbul Islaam Oo Ku Dhawaaqay In Dib U Fureen Dekedda Ceelmacaan Iyo Garoonka Cisiley Ee Duleedka Muqdisho

Halkan ka daado sawiro dheeraad ah
 
 Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta shaaca ka qaaday  inay dib u fureen garoonka Diyaaradaha ee Cisileey iyo weliba  Dekedda macmilka ah  Ceel Macaan ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
 
Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam Sh, Maxamed Macalin Cali ayaa saxaafada u sheegay in maanta waxii laga bilaabo ay furan yihiin garoonka Diyaaradaha ee Cisileey iyo Dekadda macmilka ah ee Ceel Macaan islamrkaana looga baahan yahay ganacsatada iyo weliba cid kasta oo danaynaysa inay waxna kala soo degi karaan garoonkana isticmaali karaan
 
Sidoo kale afhayeenka ayaa intaasi raaciyey in umada soomaaliyeed ay ugu baaqayaan gaar ahaan ganacsatada inay ka qayb qaataan sidii loo hormarin lahaa dekedda iyo weliba garoonka cisiley oo ilaa 30-KM kaga began bariga xeebta magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo uu mudo ka badan 2-sano aan la isticmaalin
 
 Dhinaca kale furtiaanka dekedda ceel macaan iyo garoonka cieiley ayaa waxaa goob joog ka ahaa hogaamiyaha ururka xisbul islaam sh,xasan daahir aweys oo halkaasi ereyo kooban kasoo jeediyey islamrkaana daboolka ka qaaday in loo baahnaa hurumarkan ay maanta ku talaabsadeen ururkiisa xisbul islaam ,loogana baahan yahay in ganacsatada soomaaliyeed ay u faa,iideeyaan umada soomaaliyeed balse aysan u faaiideyn waxa uu ku sheegay cadowga umada.

hh2
 
Dekedda ceel macaan  iyo garoonka cisley ayaa iridaha loo laabay bishii lixaad 2006-dii kadib markii lagaga awood roonaaday midowgii maxaakiimta islaamka gudaha caasimada muqdisho islamrkaana dib loo furay dekedda weyn ee magaalada muqdisho oo ilaa manta shaqaysa iyadoo ay gacanta ku hayaan dowlada FKMG ah oo kaashaynaysa ciidamada AMISOM.
 
 
 
 
yaasiin   maxamed faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ururka Xisbul Islaam Oo Ku Dhawaaqay In Dib U Fureen Dekedda Ceelmacaan Iyo Garoonka Cisiley Ee Duleedka Muqdisho "

  1. wadani says:

    MAR HADDII CEEL MACAAN & CISALEEY LA FURAY WAXAAN SUGNAABA WAA ISBAAROOYINKII OO DIB U SOO NOQDA. WAR DADKAN SEE WAX KA YIHIIN. MARKII JEEKU MAALMO WAX KU SOO DHICI WAAYAAN GOOFKAAN ANAA QABSAAYA, & UNUKAA LEH MAAN KU JIREYNAA. WAR WUXU MAXAY YIHIIN? ILAAH BAAN IDINKU DHAARHSEE SAWIRADA MEESHA DADKAAS MASUULIYADDA SHEEGANAAYA AY YIRAAHDEEN WAA FURAN TAHAY EEGA.