Home » Warar »

Taliyaha Ciidamada mariiniska somaliyeed “Anagu waxaan leenaha kaluunkeena ha naloo daayo burcad badeeduna sahqada ha joojiso ,

Taliyaha Ciidamada mariiniska somaliyeed “Anagu waxaan leenaha kaluunkeena ha naloo daayo burcad badeeduna sahqada ha joojiso ,

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Meel u jirto dakada Muqdisho 7 mail hadii kaluunkeena la dhacayo maxaad u maleyneysaa goobaha ka fog maxaad u maleyneysaa ayuu is weydiiyey taliyuhu , xeebta dakada Muqdisho meel u jirto 7 mail ayaan ka soo qabanay qalab maraakiibtu ay ku xaalufiyaan kaluunka iyo qeyraadka badeena waxayna ahaayeen ku aan si sharici ah ku imanin biyaha somaliya .

Hadii uu caalamku saaka ka qeylinaayo burcad badeed anagu horey ayaan qaati bilaahi kaga tagneyn maraakiibta sida sharci darada ah kaga kaluumeysata biyaha somaliyeed iyo kuwa dagaal ee dusha ka ilaalinaya inta ay kaluumeysanayaan eek u dahcaysa xantida dalka somaliya

Taliyihu wuxuu ku tilamaamay sababta ay burcad badeedu ku dhalatay in ay taas aheyd
Hadaan sicad loo daaweyn arintaas aasaaska burcad badeeda u ah oo ah qeyradka dabiiciga ah ee badaha somaliyeed ku jira maraakiibta boobeysa beesha caalamku hadii aysan ka dhicinin lama heli karo cid celin karta burcad badeeda somalida ah ,maxaa yeelay waa dhalin yaro dalkoodii la boobayo ,waana arintii ay ka dhiidhiyeen burcad nimaduna ay ka dhalatay .

Admiral guuto faarax gare ayaa ka cudur dartay in uu difacayo burcad badeed isaga oo sheegay in ay tahay arin qaldan isla markaana ay ka mid tahay wixii loo dhisay ciidanka ilalada xeebaha .

Mar uu ka hadlayey qiyas ahaan inta ay dhan yihiin maraakiibta dagaalka ee wadamad amidowga yurub ayuu sheegay in ay ku dhowyihiin ilaa iyo Afartan markab oo ah kuwa dagaal oo hubkoodu u dhan yihiin isaga oo intaa ku daray in aan la qiyaasi Karin maraakiibta ka kaluumeysata biyaha dalka somaliya .

Taliyaha Ciidamadda Mariiniska Soomaliyeed admiral Guuto
Faarax Cumar axmed ( faarax qare ) ayaa waxaa uu maanta ka jawaabay eedeeymo uga yimid qaar ka mid ah kaluumeysatadda xeebaha Soomaliyeed oo ay ciidankiisa badda ku eedeeyeen in ay ka qaateen Qalabkii ay ku kaluumeysanaayeen iyo qalab kale oo ay ka soo heleen gudaha badda xili ay ku jireen hawlaahoodda kaluumeysi. Qalabkaas oo ay sida ay sheegeen ay ka soo heleen biyaha badda ayaa waxa ku sheegeen in ay ka qaateen ciidamadda mariniska ee somaaliyeed ee ilaaliya kana ilaaliya xeebaha dalka burcada badaeeda soomalaiaya ee wax qafaasha.

qare1

eedeeymahaan ayaa soo jeediyeen Qaar ka mid ah kaluumeysatadda ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamadda uu madaxdda u yahay Faarax Gare ay ka hor istaagen hawlahoodda kaluumeysi waxaana maalmahaan ka soo yeeraayay qayladhaan ka dhan ah ciidamadda mariiniska eedowlada fadaralka KMG somaliya .

Admiraalka guuto faarax qaare oo maanta xafiiskiisa ku qabtaya shir Jaraa’id oo uu isku yeeray warbaahinta ayaa marka hore waxaa uu kaga hadlay aas aaska ciidamadda mariiniska ee badda, waxaana uu sheegay in ay sanad jirsadeen, isagoo ugu horeeyn sheegay in ay ku bilaabeen Labadda dufcadaood oo kaliya maantana ay gaaraayaan 1000 askari oo hawlahoodda dhinaca badda si habsami leh u guda galay balse aysan weli helin qalabakii ay u baahn aayeen.

Jenerala qare waxaa uu sheegay in marka hore aysan xiligaan jirin wax iskaashato kaluumeysi ah oo ka jira magaaladda mugdisho mara aan la kulaanay wasaaradda kauumeysigana waxay inoo sheegtay in aysan jirin wax u diiwaan gashan xiligaan , sidaas darteed anagu haddii aan nahay ciidanka badda ma aqoonsanain wax la yitaahddo iskaashato kalaumeysi aaayuu yiri Faarax qare oo dhicnica akalana sheegay in eedeymaha ka soo yeeray qar ka mid ah kaluumeysatadda aysana waxba ka jirin qalabaka aya shegaayana uu yahay midka ay maraakiibta shisheeye kaga kaluumeystaan biyaaheena, waxaana ka soo qabsanay buu ti masaafo ka badan 7 Mal sidaas daarteed waa qalab ay ku kalauumeystaan maraakiibta shisheeye ee xaalufinayay kheyraadkeenna kaas waaye kan aanu ka ilaalineyno badda ayuu sii raaciyay hadalkiisa .

 

Faarax qare waxaa kaloo uu shirkiisa jaaraa’iud ku sheegay in ciidan ahaan u xil ka saaran yahay in ay ilaalaayaan kaluumeysaatadda soomaaliyeed mana dhiceyso ayuu yiri in hawshoodda kaluumeysi ay ciidamadu ka hor istaagaan haddii ay taasi dhab tahay waxaan ka codsaneynaa in ay wax cada la yimaadaan ayuu yiri admiraalguutofaarax qare.

waxaa kalaoo uu Faarax qare shirkiisda jaraa’id kaga hadalay arimaha burcad badeedda oo uu sheegay in ay awood u leeyihiin in ay ka hortagaan waana sidaas sida loo aas aasay ciidanka badda ayuu intaasi ku daray
ugu dambeeyntii waxaa uu ka hadlay Taliyaha ciidanka badda admiral guuto Faarax Axmed cumar hawlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaaran yihiin in ay ka qabtaan biyaha badda iyo xeebahaba waxaana uu sheegay in ay ku guuleeysteen in ay ka mamanuucaan dekedda Colomo in wax laga dhoofiyo ama wax laga soo dejiyo waxaana u sheegay in hadda ka hor uu dekadaasi ka baxday doon ay wateen rag burcad badaeed ah oo masafo dhaw ka qaafaashay markad iskaga kala gooshayay biyaha badda sidoo kalana waxaa uu sheegay in laga soo dejiyay bur dhacay oo loo soo wadaay suuqyadda muqdisho kaas oo uu sheegay in ay ka hoaratageen lana gubay markii ay qabteen ,sidaas darteed anagga haddii aan nahay cidamadda badda waxaa xil inaga saaran yahay in aanu ilaalino xeeb aheenna ayuu hadalakiisii ku soo gabagabeeyay ,

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.