Home » Gabay, Maqaallo »

GABAY: Cajeb!!! | Waxaa tiriyey: Aadan Maxamed

Cajeb!!! 

Aadan Maxamed

naaleeye2008@hotmail.com 
 

Ummad waliba waxay leedahay hab ay u keydsato ama u madhxisato soo yaalkeeda, si ay dhaxal ugu reebto jiilalka soo koraya ee mustaqbalka. Soomaalidu waxay aad ugu caantahay suugaanta oo ah maktabadda ay ku keydiyaan taariikhdooda oo jiilba jiil u gudbiyo. 

Haddaba innagoo ka wada dheregsan waxa ay ummaddeennu waayahan dambe ku sugantahay, ayaan isku dayi doonaa inaan waxa jira ku soo bandhigo gabay aan ku magacaabay Cajeb. Gabaygu wuxuu ku halqabsanayaa Maxamed Cali Cibaar oo ka mid ah suugaanyahannada in badan wax ka qoray, kana maansooday, marxaladdan qallafsan ee la soo gudboonaatay ummaddii Soomaaliyeed. 

Waa kan gabagii Cejeb ee akhris wanaagsan: 
 

  1. Cibaarow nin caanaad tahoo, curiya suugaane
  2. Anna caynka maansada Allaha, Caalimkey baraye
  3. Runta kama cabsoodoo xaq waa, inan caddeeyaaye
  4. Cillad baa ayaamahan jirtiyo, ceebta tow darane
  5. Waa kaa dadkeennii is cunay, ee is caydhsadaye
  6. Cirkii roobba laga waa markey, nabad ka caageene
  7. Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye 
  8. Soomaali cudur baa ku dhacay, caabuq aan hadhine
  9. Caaqilkii dhamaa iyo kuwii, caymin jiray waaye
  10. Caadaqaate goortuu bataan, layska celineynin
  11. Cisigeedii waa kaa  lumoo , ceynkii bow go’aye
  12. Waa taa is caasiday dadkina, kala carraabeene
  13. Qolo waliba haddey calan sitaan, calal ay jeexdeene
  14. Waa taa cidlada ay degtiyo, ciirsili’idaase
  15. Cuntadii  sideedii iyadoo, bahal cantuugaayo
  16. Waa taa ciyaartii la tumi, weli  caweyskiiye
  17. Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye 
  18. Culimadu waxay fari jireen, camalka kii roone
  19. Cilmigoogaa loo aayi jiray, casharkey dhiibaane
  20. Colaaddiyo waxay damin jireen, balada caabboone
  21. Cadaawuhuna kuma dhiirran jirin, carradey joogaane
  22. Maantase kuwaa caamadee, kala cadhoonaaya
  23. Ee curyaamadii laayay aan, carar awoodeynin
  24. Waxay caawa raacdeynayaan, cidi ma suureyne
  25. Cadligiyo wanaaggii ka tage, cayn kastuu yahaye
  26. Caalimiin dar noo sheegtayoo, cabbaya dhiig maati
  27. Iyo qaar curraafyaa jiroo, uu cirfiid hagiye
  28. Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye 
  29. Intii cowska lagu muransanaa, iyo caleen daaqa
  30. Ee cuntiyo lagu dirirsanaa, wax aan calool buuxin
  31. Ciiddeenni niman baa hantiyay, oo ku ciilbaxaye
  32. Cadow halisa iyo waxa fadhiya, cudud shisheeyaade
  33. Cutubyaana weli soo socdoo, lagu casuumaaye
  34. Cawaaqibka nalala maagganyahay, caaq midaan garanne
  35. Colkan reerka dabargoynayeen, cunugna reebeynin
  36. Ee canshuurta weli loogu dari, dumar caruusiina
  37. Waa caado soo korodhayoo, nalaku caayaaye
  38. Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye 
  39. Baddeennii khayraadku u camiray, een cidina quudeynin
  40. Ee uu dahabku ceegaagi jiray, ciidda gudaheeda
  41. Nimanbaa maraakiib cashaqoo, madhiyay caydkiiye
  42. Cudur iyo sun bey keenayaan carro-sankeenniiye
  43. Colal baaba lagu soo dhuriyo, ciidan xoog badane
  44. Iney cad-cad u goostaan waa taa loo calaamadinnoo
  45. Ceeryoon hadduu yahay dhulkaan, caanka ku aheyne
  46. Cabbiroo wax ii sheeg illayn, waan caabayaaye 
  47. Ummaddii Casiis iyo ka baqi, Caadilka abuuray
  48. Ee uu Ilaah caqli ku ladhay, waa is celisaaye
  49. Calaamadaha ii muuqda iyo, cirirka gowdiida
  50. Markaan caalamkaa eegay iyo, siduu u ceeshaayo
  51. Kuwa aan waxbaba caabudeyn, baan la ceyn nahaye
  52. Cibaadadiba waa laga tagoo, caasi loo badaye
  53. Haddaan Eebbe ina caymineyn, cidi ma joogteene
  54. Ciqaab soo degtiyo waxan ka baqi, cadho Ilaaheeye
  55. Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye 
  56. Bukaannada cabaadaaya iyo, carunka hooraaya
  57. Camoolaan wax arag iyo, waxaa caddilan waayeelba
  58. Caruuraha haqanayiyo waxaa, curaddo naafoobay.
  59. Cadradaha dagaagee badhkood, duurka ku cirreystay
  60. Iyo kumankan soo caariyey ,haaddu ku casheyso
  61. Cagta hoose meesheynu naal, iyo culeyskeedu
  62. Inkastoo ay ciil badantahoy, caajis igu beertay
  63. Allahayow ninkuu Caabidoo, cabanayaan ahaye
  64. Caawimaad adaan kaa rabnaa, caawa naxariise
  65. Caafimaad adaa heli karoon, kaa codsanayaaye
  66. Rabbiyow na ceyntee adaa, ka hufan ceebaale.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " GABAY: Cajeb!!! | Waxaa tiriyey: Aadan Maxamed "

  1. warsame fadumo says:

    walal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay aad ayaan ula dhacay gabaygaan murtida iyo guubabada uu xambaarsanyahay. isugu dar guubaabo,duco iyo waliba dardaaran waa intaasoo illahay qalbigooda galiyaa.

  2. camaarcali says:

    asc aad ayaanu ugu mahad celinaynaa maamulayaasha warsidahan sida habsamida ah eec had iyo jeer ay usoo ban dhigaan baraarujinta umada soomaaliyeed dhankasta gabayguna waa hab lagu sunto taariiqda si aan loo ilaawin waxtarkiisuna waa mid joogta ah oom loosooqaato tusaale markasta oo dhacdadii mid lamida ay dhacdo waxaan leeyahay gabayaaga soomaaliyeed haku daydo sida mawaadinkan tixdan kor ku xusan tiriyey www

  3. Walale xaqiqdi wan ubogay gabayga waayo waa gabay xaqiiqda kusalaysan oo aad usareeyo marka waxan idinka codsanaya gabayo kale inaad soo galisan webka