Home » Warar »

warsaxaafadeed : Ujeedo Jiritaanka TFG-da & dhibaatada ay ku heyso shacabka Somaliyeed

Shir ay isugu yimaadaan qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye oo laga soo saaray qodobbo iyo baaq dhinacyo badan taabanaya gabagabadii shirka ayaa xooghayahay guud ee golaha sheekh isxaaq ayaa aqriyey warqada sidaan u qoreyd:

warsaxaafadeed : Ujeedo Jiritaanka TFG-da & dhibaatada ay ku heyso shacabka Somaliyeed

18/11/2009 ,shair balaarqan oo ay isugu yimaadeen Golaha dhexe ee dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye uuna shir gudoominayey gudomiyaha odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye suldaan Axmed Dhoore shirkaas oo ay ku lafa gureen xaalada cakiran ee u dalku marayo & gundhiga dhibaatada heysata shacabka somaliyeed ayaa waxay ka soo saareen warsaxaafadedkaan :.

1ciidamda AMISOM waxay Si joogto ah u xasuuqaan Shacabka reer Muqdisho iyaga oo ku tijaabiya hubkii ugu danbeeyey ee caalamka,iyada oo isla markaana ay ku andacoodaan in ay difacayaan Dowlada TFG-da .

2 waxay shacabka reer Muqdisho kula kulmaan goobaha ay gacanta ku hayso TFg-da ,diliyo kufsi qalqal iyo shilalka gaadiidka ay wadaan waxmarato aan wadadida gaadiidka wax sharci ah u heysan kuwaas oo geysanaya falkaas foosha xun ayna huwan yihiin magaca ciidanka dowlada .

3 dhoftaanka iyo soo dagida madaxda TFG-ee u hogaamiyo madaxweyne Sheekh Shariif Sh Axmed waxay argagax ku noqotay shacabka somaliyeed ee Muqdisho degan ,waxayna sababtaa dhimasho ,dhawac soo gaara danyarta somaliyeed .

4 in shaki la galiyey haweenka somaliyeed xijaabkii uu alle ku waajibiyey iyaga oo kal hore shaki weyn galiyey dhalinyarada qurbaha ku nool iyo masaajidadii ay diintooda ku baranayeen .

5 Maamulka TFG-du wuxuu fududeeyey soona dhaweeyey daamcyadii cadowgu ka lahaa dalka Somaliya iyada oo duqeymihii uu mareykanku ka geystay gayiga Somaliyeed uu ku andacooday in uu fasax kaga heysto TFG-da .

6 in dhalinyaradii Somaliyeed ay soo tababaraan dowlado cadow ah oo in badan damaaciyey dalka Somaliya dalkana dib loogu soo celiyo iyaga oo la soo dhalan rogay ,xambaarsana Afkaarta isticmaarka .

7 maamulka TFG-da wuxuu qaramada midoobey ka codsaday in qad cagaaran xamar laga sameeyo taas oo looga go.leeyahay in dowladaha qasaya Soomaaliya ay xafiisyo ka furtaan fiqsqigoodana ay ku faafsadaan.

8dalka Somaliya waxaa laga qabsaday bad,beri,iyo hawadaba iyada oo qeyraadkii badeenana ay guranayaan ciidamada naato ,kuwa AMISOM iyo Kaluumeuysato reer galbeed ah iyada oo lagu andacoonayo TFG-da ayaan difaceynaa isla amrkaana qeyb ka mid ah baddeena ay u saxiixeen dowlada kenya ,sidoo kalana lag amamnuucay kaluumeysatadii Soomaaliyeed lagana burburinayo qalabki ay ku kalluumeysanayeen .

ha2
Baaq
Ka dib markii uu arkay golaha dhibaatada heysata shacabka somaliyeed isla markaana hortagan dhab u heshiisiinta ka dhalata somaliya in ay tahay Sheegashada TFG-da dowladnimada somaliya ayaa waxay soo jeedinayaan .

1 in uu ka tanaasulo Sh Shariif iskana casilo shegashada madaxweyne nimada somaliya si loo helo dhab u heshiisiin ka dhalata Somaliya ,maxaa yeelay wuxuu shacabka somaliyeed TFG-daan ka dhaxlay ,dhibaatooyinka aan kor ku soo xusney iyo in magaca TFG-da dalka lagu qabsado .\
2 waxaan ugu baaqeynaa beesha caalmka ( UN EU,Au jaamacada Carabta iyo ururka islaamka ) in ay ka fiirsadaan taageerista indho la.aanta ah ee ay ku taageerayaan TFG-da xog ogaalna ay u noqdaan xaalada dahbta ah ee haatan dalka ka jirto somaliya

3 waxaansahcabkasomaliyeed ugu baaqeynaa in ay dalkooda ka difacaan isticmaarka cusub ayna garab istaagaan ku dhaqanka shareecda islaamka

Gudoomiyaha golaha dhaqanka
iyo midnimada beelaha hawiye
Suldaan Axmed Dhoore faarax

waxaa soo tebiyey

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " warsaxaafadeed : Ujeedo Jiritaanka TFG-da & dhibaatada ay ku heyso shacabka Somaliyeed "

  1. naasir says:

    asc bahda webkan waxaan aad u taageersanahay baaqan waxaan qabaa inuu aad u wanaagsannahay
    haddaan wax ka iraahdo hadalka rashiid koley waa hadalkii uu ku hadli lahaa qof xaasid ah soomaalidana waa mid badankood lafaha ooga jirto in labaatan sano dhibkii dhacayay ay ku tilmaamaan qayb yar koley dadka xamar degan iyo nawaaxigiisa dhib ku filan waa taabtay ka damqo ama haka damqan
    soomaali waxay ku maahmaahday{ nin bur ciid ah kugu tuuray calooshiisa unbuu ku tusay waxba kuuma dhimin} taladaa mid lagaa waraysanaayo ma ahan qadarta allaah baa leh maanta illaah mahadiis in badan oo xamar kamid ah moryaan majoogto inta yartana waa soo dhamaanaysaa goor dhaw bayna kala cararayaan bi idinillaah waxaan hadalkayga kusoo xirayaa rashiid xaasidnimada ka waantoow geerida waa lsoo siman yahaye wabillaahi tawfiiq

  2. Dayib Qalib says:

    Walee warqad si wanaagsan loo soo qoray weeyaan cadeeymo iyo run ka buuxdo

  3. rashiid says:

    Waxaan aad iyo aad u ayidsanaha baaqaan
    dhamaantiisood moodo mid aad loo soo qurxiyey.
    Laakiin waxaan aaminsanahay raga soo qoray bayaankaan iyo beelahooduba inay yihiin kuwii sababta u ahaa 20 kii sano ee la soo dhaafay waxii soomaaliya ka dhacayey ,dhibaatooyinkaan ay soo sheegena waa in yar oo ka mida dulmigii baaxada lahaa ooy masuuliyadeeda lahaayeen
    shiikh shariifna waa ubaxii ay noo beereen ee waxba yaanay noo caayin haddii aanay xal wanaagsan haynin ,fakarkoodu kii yimaadaba mucaarad xalna ha keenin

  4. ahmed says:

    salan sre waad mahadsantin ilahayow shacabkadaaad abuuratay ka qad dhibadada lagu ahayo waba kugu maahe waad awooda dulmiga wuxu smeeyay bariga bada allow naga qqad aamin.