Home » Warar »

Siminaar Soconayey Sadex Maalmood Oo Ay Ka Qayb Galeen Odayaal Dhaqameed Soomaaliyeed Oo Maanta Soo Gabagaabobay

Siminaar Soconayey Sadex Maalmood Oo Ay Ka Qayb Galeen Odayaal Dhaqameed Soomaaliyeed Oo Maanta Soo Gabagaabobay

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Siminaar soconayey mudo sadex maalmood ah oo ay soo qaban qaabiyeen ururka xisbul islaami islamarkaana ay ka qayb qaadanayeen odayaal dhaqameed soomaaliyeed oo ku baranayey xoojinta iyo ku dhaqanka shareecada islaamka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada muqdisho .

Madaxa arimaha bulshada ururka xisbul islaami sh,salmaan sahal muuse (abu-cabdalla ) ayaa saxaafada warbixin kooban ka siiyey siminaarkan soconayey mudada sadexda maalmood ee maanta soo gabagaboobay islamrkaana sheegay inay siminaarkan ula jeedeen sidii loo baran lahaa ku dhaqanka shareecada islaamka iyadoo laga wada qayb gelin doono qaybaha bulshada tanina ay tahay ayuu yiri mid hordhac ah .

Sidoo kale abu-cabdalla ayaa intaasi raaciyey in siminaarkan lagu baranayey mudadan sadexda maalmood ah casharo diini ah oo ku saabsan sidii la dabakhi lahaa ku dhaqmida shareecada taasoo meesha ka saaray in ay maal gelinta lahayeen gacmo ka baxsan ururka xisbul islaami ,isagoo sheegay inay ururka oo kaashanaya bulshada soomaaliyeed oo muslinka ah ay dhaqaalaha ku baxaya fulinayeen .

ha3

Siminaarkan oo ay ka qayb qaadanayeen ilaa 50-Oday dhaqameed oo ka kala kooban beelaha soomaaliyeed ayaa mar ay saxaafadu wax ka weydiisay qaar kamid ah odayaasha si weyn usoo dhoweeyey barashada sharciyada diinta iyo weliba shareecada .

Ugu dambayntii siminaarkan soconayey mudo sadex maalmood ah oo manta soo gabagababoobay ayaa ku dhamaaday si xasiloon oo weliba ay yididiilo ka muujiyeen odayaashii dhaqanka soomaaliyeed ee ka qayb galay .

Yaasiin Maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.