Home » Maqaallo »

Soomaaliya Siyaasadda Dunida Caalamka Maxaa kaga kordhay? | Eng. Cabdulqaadir

Dowladda FKMG ee Soomaaliya ayaad waxaad moodaa inay ku guulaysatay Dhinacyada Xiriirka Dunida Caalamka ay la leedahay iyo sidii ay u soo celin lahayd Sharftii iyo Qaranimadii uu Dalku lahaa taasina waa wax lagu ammaani karo doorkaa weyn ee ay ka ciyaartay waqtigii yaraa ay Xilka haysay iyo sida ay u suura gelisay inay soo celiso adeegyo fara badan oo ay Ummadda Soomaaliyeed ay u baahnayd muddo ka badan 20-Sanadood, waxaanna laga filayaa inay sii kordhin doonto inta uga harsan Xukunkeeda.

Socdaaladda isdabajooga ah ee ay Wufuudda DFKMG ahi ee Soomaaliya ay ku kala bixinayaa Waddamada Dunida qaarkood sida Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo R/Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Wafdigii ay Hoggaminayeen ayaa waxaa la oran karaa wuxuu ahaa mid ay ku guulaysteen Dhinaca horumarinta iyo Xiriirka Caalamka , laakiin waxay weli Caqabadi ka haysataa Dhinacyo fara badan oo ah Dhinaca Nabadgelyada oo ah Dhinaca ugu Muhiimsan iyo Dib u Heshiisiinta.

Xiriirka Caalamka iyo Carabta ee ay DFKMG ahi la leedahay ayaa sii wanaagsanaanaya iyadoo weli laga yaabo inay qaar ka mid ah Waddamada Carabta ay ka qayb qaadan doonaan sidii Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ay gogol ugu dhigi lahaayeen Waddamadooda si Xal loogu helo Dagaalladan aan Dhammaadka lahayn ee ay Shacabka raydka ahi ku hoobanayaan, laakiin waxaa is weydiin mudan Kooxaha Dowladda ka soo horjeedaa Heshiis noocee ah bay doonayaan inay DFKMG ahi la galaan?
Runtii waxaa wanaagsan in la badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed Kooxaha Dagaalamaya iyo DFKMG ahi ay Tanaasul isku sameeyaan si nabad buuxda loogu helo Dalka.

Siyaasadda gudaha ayaa waxaa ka muuqda is fahmi la’aan aad u xoog weyn iyo khilaaf aan dhammaad lahayn oo DFKMG, Kooxaha ka soo horjeeda , Dowlad Goboleedyada iskood isu Maamula iyo Dowladaha deriska la ah Dalka Soomaaliya ay u dhexeyso Xurguf Siyaasadeed oo ay Xal u la’dahay DFKMG ahi iyadoo weliba ay Cadaadis weyni ay ku hayaan Dowladaha reer Galbeedka ahi ee Dunida ee bixiya Deeqaha ay ku shaqayso DFKMG ahi Nabadgelyada iyo Horumarinta loogu tala galay laakiin ay u wajahan tahay in Jeebabka lagu Shuban doono Cid wax loogu qabta daaye Carruurya Soomaaliyeed ee Cusbitaalada Xannuunada la jiifa aysan helin wax ay Maallin quutaan laakiin laga yaabo in uu Xabad ama Xannuunkaa u dhinto Xaaladaani goorma ayaa laga yaabaa in laga baxo ? waa Su’aal la doonayo in Baarlamaanku uu ka Jawaabo.

Khilaafka Siyaasadeed ee soo dhexgalay DFKMG iyo Dowlad Goboleedka Puntland ayaa wuxuu Salka ku hayaa Heshiisyadii ay hore u galeen labada dhinac laakiin waxaad moodaa in Puntland ay ay arrintani ku Saxsan tahay Maadaama ay tahay Gobol Nabad ah Soomaaliyana lagu xiro Shuruud Gobolkii Nabad ka taliya ayaa leh Mudnaanta Waxqabashada iyo Horumarinta sida ka muuqata Booqashadii Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Qaybdiid Puntland waxay ku socotaa Ballantii Heshiiska Horumarinta ee Labada Dhinac ee DFKMG iyo Dowlad Goboleedka Puntland Dhaqaaluna waa mid ay Ballan qaadeen Hay’adaha Deeqaha bixiya waxaana haboon inay DFKMG ahi Dib u eegto Kaallinta ay Puntland ku leedahay Dib u Heshiisiinta Dalka Soomaaliya iyo Marxaladda Maanta haysata Shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Qaxootiyada iyo Tahriibayaasha Soomaaliyeed oo Xaaladooda aad looga dayrinayo ayaad moodaa inay Siyaasadda Soomaaliya lug weyn ku yeelato, Sababtoo Dunida Caalamka ayaa waxay wadaan Dadaal Dib u Heshiisiineed sida Wadamada Carabta Qaarkood Shacabkiina weli way sii Tahriibayaan oo Qaxayaan iyagoo ka Cararaya Dagaalada aan joogsi lahayn iyo Xasuuqa ka jira Dalka Gudahiisa , waxaase ka sii darran kuwa ay u Cararayaan oo aysan ka helin Caawinaad Buuxda ama ku Xiraya Xabsiyada ugu Xun ee Dalalkoodu ay leeyihiin , Siyaasaddan ayaa waxay tahay mid ay u Fashillameen Dowladihii ka horeeyey DFKMG ee Maanta Dalka ka jirta inkastoo Dowaladdu ay wax ka qabatay haddana weli wax weyn ayaa dhiman Kaddib Markii Mudane Danjire Nuur Xasan Xuseen oo la kulmay Dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed una ballan qaaday in ay Dowladda Soomaaliya ka caawini doonto Dhinacyada Waxbarashada iyo Shaqooyinka waa Markii ugu horeysay ee 20 Sano kaddib.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid ay kalsooni buuxda ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed sida ka muuqata Difaacii uu Difaacay Dhulka iyo Badaha Soomaaliyeed iyagoo Mowqifkii ay ka gaareenna uu ahaa mid Sax ah , laakiin waxaa weli aan Tallaabo laga qaadin Wasiiradii ka Dambeeyey Fal-Dembiyeedkaa Muranka geliyey Badaha iyo Dhulka Soomaaliyeed oo kala ahaa Prof. Cabdiraxmaan Ibbi , Shariif Xasan Sheekh Adan , iyo Cabdiraxmaan C/Shakuur Warsame muxuu Baarlamaanku Mooshin uga soo saari la’yahay in Wasiiradani Maxkamad la soo taago iyagoo weliba lagu Eedaynayo Khiyaamo Qaran , Xatooyo Xoolo Dadweyne ,iyo Jarahabaabin loo adeegsaday awoodda Siyaasadeed ee ay Dalka u Hayaan iyadoo weliba Fadeexadaasi lagu soo daabacay Wergaysyo kale oo ku baxa Afafka Ajaanibka ee kala Duwan.

Gabagabadii iyo Faalladani waxaanu ku tibaaxaynaa Soomaaliya Siyaasadeedu inay ku xiran tahay Gudaha Dalka oo ay Nabadi ka dhacdo intii ay Koox Hubaysan tahay oo Dagaal ay doonayso inay ku qaado Koox kale ama DFKMG ama Dowlad walba oo la soo dhiso Nabadi lama sugayo ,Dilka ,Dhaca , Xasuuqa Qaxa, Tahriibka, Qaxootiga, Tarxiilka wuu sii badanayaa , maxaa Soomaaliyeey inoo Dan ah ? Tanaasul iyo is afgarasho waxaannu nahay Ummad Muslim ah Walaala ah isku Af isku Diin isku Dhaqan waxaan hubaa inaan ku Heshiin karno wax walba oo jira kuwa aan isku Af iyo isku Diin ahayn oo Cawaan ah ayaa Maallin walba Heshhiya oo Afrika ku nool Dib isu Eega.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.