Home » Warar »

Horukac laga muujiyey waxbarashada carruurta Puntland iyo Maamulka G/Nugaal oo dhismayaal burburiyey

  • Ururka Wadatashiga Ardayda Puntland ee PSCA ayaa horukac ka muujiyey barnaamijka wadashaqaynta carruurta Puntland,
  • Maamulka Gobolka Nugaal oo hawlo dhisme burburin ah ka sameeyey Gudaha Magaalada Garoowe.
  • Dakada Magaalada bosaaso oo laga Dhoofiyey Xoolo Nool.
  • Wasiirkuxigeenka Beeraha ee Puntland oo oo lagu soo dhaweeyey Leicester.

Ururka Wadatashiga Ardayda Puntland ee PSCA ayaa horukac ka muujiyey barnaamijka wadashaqaynta carruurta Puntland, ee waxbarashada, iskaashiga, horumarka iyo caafimaadka ummadda.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Barnaamijkaan oo ah mid wax ku ool u ah carruurta dugsiyada hoose ayaa haatan laga hirgaliyey 30 dugsi H/dhexe oo kuyaal gobolada Puntland waxaana dhaqaale ahaan taageertay hay’ada qaramada midoobay ee UNICEF oo horay uga bilowday Puntland sannadkii 2006 ayada oo ay gacanta ku haysay wasaaradda waxbarashada Puntland. sannadka 2009 ayaa Ururka PSCA uu dib uga bilaabay dugsiyadii uu barnaamijku horay uga shaqayn jiray waxaana lagu kordhiyey 15 dugsi oo cusub taasi oo tirada dugsiiyada ka dhigaysa 30 dugsi.

C/xakiim Faarax Cali Caruush oo guddoomiye ka ah ururkaasi ayaa sheegay in barnaamijka ay ka faaidaystaan in ka badan 16800 oo arday oo 1003 kamida ahi guddiyo ka yihiin dugsayadooda si ay uga shaqeeyaan howlo aasaasi ah oo lagu tababaray oo xirfada iyo muhiimado kale u ah ardayda iyo dugsiga si gaar’ahaaneed guud ahaana bulshada anfacaya. barnaamijku waxaa uu isku xiraa waxa ay carruurtu bartaan iyo waxa ay qabaankaraan hab cilmiyeysan oo caafimaadka iyo nadaafadduna ku dhowranyihiin waxaana uu ku shaqeeyaa CTC-gu 6 tilaabo (Six steps approach) oo carruurta labaray.

“Waxaanu dhawaan tababarnay 30 maamule iyo 30 macalimiin dugsi oo qayb ka ah hogaaminta iyo horukaca carruurta, waxaana kaalin mugleh ka qaatay wasaaradda waxbarashada Puntland ayadoo ay dhaqaalaha naga taageedhay UNICEF” ayuu yiri Mr. Caruush.

loox3

Astaamaha lagu yaqaan barnaamijka Child-to-child CTC ama wadashaqaynta carruurtu waa sidaan:-
Muhiimad u leh caruurta iyo bulshada
Caruurtu ay awoodaan in ay qabtaan
Soojiidasho u leh caruurta
Wakhtiyeysan

Wax kalabarashada iyo wadashaqaynta caruurta dhexdeeda ahi saamayn muhiim ah ayuu ku leeyahay habka aynu wax u dhigno ama u barano.

Waxaa ay isku xir u samaysaa waxa caruurtu bartaan iyo waxa ay qabtaan
Waxaa ay isku xir u samaysaa waxa caruurtu ku samayso fasalka iyo waxa ay ku sameeyaan guriga ama bulshada dhexdeeda.

Waxqabadku ma noqdo mid inta labarto la’isagatago ee waxaa uu noqdaa mid inta labarto oo lafahmo lana kobciyo wakhti dheer.

loox4

waxaa haatan barnaamijaan laga dareemay magaalooyinka iyo dagmooyinka ama tuulooyinka fogfog ee Puntland waxaana la filayaa in uu muddo socdo kadib marka ay fahmaan qaybaha bulshadu kumana koobna waxqabadka iyo tababaradu carruurta qudha ee waxaa ka faaidaysanaya cida ku luqleh waxbarashada, sida waalidiinta, guddiyada dugsiga, wasaaradda waxbarashada iyo qaybo kale oo bulshada kamida

bosaso

PSCA Chairman
Mr: Abdulhakim Farah (Aroush)
Tel: +25290754689
Main office: Bosaso
Street: main road
Office phone: +2525826991,
:+2526502159,

la xiriir

Maxamed Axmed
geedi7@hotmail.com

….

Maamulka Gobolka Nugaal oo hawlo dhisme burburin ah ka sameeyey Gudaha Magaalada Garoowe.

Maamulka Gobolka Nugaal oo uu horkacayo gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa maanta waxa ay suuqa weyn ee injiga ay ka sameynayeen hawlo lagu burburinayo dadka sida sharci darada ah ugu dhistay suuqa injiga guryo aan ku haboonayn goobtaas.

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

guryo

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo goobtaasi ka Hadley ayaa waxa uu sheegay in maamulka uusan u dulqaadan doonin guryo sharci daro ah oo laga dhisto suuqa injiga kaasi oo uu ku sheegay meel bulshada u ah halbowle islamarkaasna aan cidina loogu dulqaadan doonin in ay dhismo sharci daro ah ka dhistaan goobtaas gudoomiyaha oo hadalka siiwata ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono maamulka cidii dhisata goobaha ay hada burburinta ku sameeyeen maamulka.

Suuqa weyn ee injiga oo ah mid keliya ee ugu weyn caasumada puntland ee Garoowe ayaa indhawalaaba waxaa ka socday hawlo caynkan oo kale ah oo lagaga hortago dhismayaasha sida sharci darada ah loo dhistay iyadoona gudaha suqaasi maanta lagu arkayey askarta dowladda hoose iyo ciidanka amaanka oo iyaga arintaasi iskakaashanayey iyadoona indhahayga ay qabanaysay dhismayaal faro badan oo iyaga xiray wadooyinka waaweyn ee soogala suuqa oo ay ciidanku burburinayeen.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo isaga warbaahinta goobtaasi kula hadlayey ayaa waxa uu shacabka reer garoowe uga digay in ay dhisme sharci daro ah ka sameeyeen suuqa weyn ee injiga oo ah meel inta badan mashquulkeedu badan yahay islamarkaasna ay maraan wadooyin ciriiri ah oo aan ku haboonayn gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in cidii lagu arko iyaddoo goobtani ka dhisanaysa guro in la horkeeni doono sharciga lagana qaado doono talaabo sharciga waafaqsan waa sida uu hadalka u dhigay gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
Email. Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

..

Dakada Magaalada bosaaso oo laga Dhoofiyey Xoolo Nool.

Magalaatan bosaaso waxaa maanta ka dhoofay markab qaaday 40,00 oo neef oo Ari ah, isagoo u sida Dalka Sacuudiga, waana markii ugu horeeysay ee Xoolo Nool Lageeyo Dalka Sacuudiga Tan iyo inta laga joogo 11 sano.

Xayiraada ay Qaaday Dowlada Sacuudiga ayaa waxa soo dhaweeyey Ganacsato badan oo Somaliyeed oo ka Ganacsada Dhoofinta Xoolaha Nool,
Markabka qaaday 40,00 ee Ari ayaa waxa Lagu Magacabaa AL-Imaan Waxaana laga lahaa Wadanka Sacuudiga.

Dhica kale Maamulaha Guud ee Maxjarka Magaalatan Bosaaso Maxamed Faarax ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax lagu Farxo in ay ka dhofaan Dakada Magaalatan Bosaaso Xoolo Nool iyadoo loo dhoofinayo Dalka Boqortooyda Sacuudiga.
Hadalkaani kasoo yeeray Maamulaha guud ee Maxjarka Magaalatan Bosaaso ayaa uu ka sheegay Mar uu Shir ja’id ku qabtay Dakada wayn ee Bosaaso oo Maanta laga Dhoofinayey 40,00 ee Neef Oo Ari ah.

Waxaa sidoo ka hadlay Shirkaasi Jaraid Dr Abshir Saciid aw yusuf oo ah Dhaqtar Maxjarka Magaalatan Bosaaso waxuuna sheegay in ay aad ugu Dadaaleen Cafimaaadka Xoolaha Nool ee laga dhoofinayo Dakada Bosaaso.

C/qadir Saciid Cali(Gaanni)
Gaani18@hotmail.com
Bosaaso-somalitalk.com


Xaflad Si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo Wasiirkuxigeenka Beeraha ee Puntland oo ka dhacday Leicester.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hallka shirarka ee St.Matthews Centre ee magaalada Leicester dalkaasi ingiriiska, maalinimadii sabtida 14/11/09, taasoo ay kasoo qeyb galeen dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Leicester, laguna soo dhaweynayey Wasiir ku xigeenka Beeraha ee Puntland Mudane Burhaan Cilmi. Xafladaas oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Puntland Youth and Sports Development Organisation ayaa ugu horeyntii waxaa kalimado diini ah halkaas kasoo jeediyay Shiikh Cabdiwali Muuse, oo dadkii halkaas isugu yimid ku baraarujiyay in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo walaaltinimada islaamka.

Waxaa isaguna hadalka qaatay Gudoomiyaha hay’adda PYSDO Cabdixakiim Jaamac Jooje oo ka hadlay ujeedada kulankan iyo sida ay hay’addu had iyo jeer uga shaqeeyso barnaamijyada horumarka leh ee lagu horumarinayo dhalinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalka. Gudoomiyaha ayaa u hambalyeeyay dhammaan dadkii iyo martisharaftii halkaas isugu timid. Kadib waxaa hadalkii qaatay Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude oo ku hadlayey magaca jaaliyadda Leicester. Suldaanka ayaa halkaas kasoo jeediyey hadalo isugu jiray soo dhaweyn iyo warbixino ku aadan xaaladaha soomaalida Leicester.

Kadib waxaa halkaas hadalkii ka qaatay wasiirkuxigeenka Beeraha ee Puntland Mudane Burhaan Cilmi isagoo halkaas kasoo jeediyey warbixino qiimo leh oo ku aadanaa tallaabooyinka horumarka leh ee ay ku tilaabsatay maamulka cusub ee Puntland. Isagoo si wanaagsan uga faalooday xaaladaha dhabta ah ee ka taagan deegaanada Puntland. Wasiirka ayaa ugu baaqay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Leicester in ay dalkooda aaminaan oo ayna maalgashadaan dalkooda, halka ay waddamo kale aadayaan oo ay maalgashanayaan. Sidoo kalana kuwa aqoonta iyo xirfadaha kale lehba ay yimaadaan dalkooda gaar ahaan Puntland. Sidoo kale wasiirku wuxuu ku baraarujiyay dadweynihii halkaas isugu yimid in Puntland ay tahay Deegaan Soomaaliyeed oo cid laga xigaa ayan jirin, illa iyo inta uu qofku nabadgelyo iyo ammaan ballaaran uu ku joogayo halkaas.

Ugu danbeyntii waxaa halkaas hadalkii qaatay wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan DFKS, oo waayahakan ku joogay booqasho magaalada Leicester Mudane mas’uul sare Aadan Maxamed Cali oo isna halkaas ka soo jeediyay hadalo aad iyo aad u qiimo badnaa oo ay aad u soo dhaweeyeen Jaaliyadda reer Leicester.

Intaas kadib halkaas waxaa lagu soo gabgabeeyay Kulankii shalay, kasoo ku dhamaaday jawi aad iyo aad u heer sareeyay. Shirkaas waxaa shir gudoomiye ka ahaa Eng. Maxamed Diiriye Laalac oo ka mid ah waxgaradka magaalada Leicester. Sidoo kale waxaa shirkaas isku soo dubariday oo si heer sare ah u soo agaasimay Xoghayaha hay’adda PYSDO Liibaan Cali Xirsi. Dhanka duubista iyo meediyaha waxaa kaalin wax ku ool ah ka qaatay Tvga caalamiga ah ee ETN, gaar ahaan wakiiladooda Cabdiraxmaan Shiine iyo Ibraahim Faandhe. Waxaa kaloo iyaguna xusuus mudan kaalintii lama ilaabaanka ahaa ee ay ka qaateen qabanqaabadii shirkaas ragga kala ah Farxaan Cali Nuur iyo Cabdikeyf Bashiir. Sidoo kale gabdhihii iyaguna naga caawiyay xagga sharaxaada halka iyo Cuntada.

Maamulka hay’adda PYSDO.

Qore: Cabdixakiim Jaamac Jooje

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.