Home » Warar »

Ciidamada badda ee Norway oo kulankii ay wada qateen Madaxda Puntland ugu Waramay Warbaahinta Soomaalida

Ciidamada badda ee Norway oo ugu Waramay Warbaahinta  kulankii ay wada qateen Madaxda Puntland

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Kulan aad u balaaran ayaa waxa uu dhaxmaray Ciidamada Markabka Dagaalka ee Norway oo howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Somalida u Joga Biyaha Somaliya iyo Masuliyiin ka socota Maamulka puntaland, Kulankaasi ayaa waxa ay isla so Qadeen oo ugu Muhiimasanaa Arimaha la Dagaalanka Burcad badeeda somalida oo Noqday Tuxbax Afka laga furay, Waxuuna kulankaasi ka dhacay Markabka Dagaal ee Norway dhushiisa.

Markankaas dagaalka ee Norway oo lagu Magaabo KNM FRIDTJOF Nansen F3-310,ayaa waxa uu soo istaagay Duleedka Dagada Magaalatan Bosaaso si uu kulamo ula Qaato qaar ka tirsan Saraakiisha Puntland.

Kulankaasi waxaa uga qayb galay Dowlada Puntland Gudoomiyaha Gobolka Bari AL-Xaaji Musse Geele Faroole, Agaasimaha Wasaarada Kalumaysiga Puntland C/waaxid Maxamed Xirsi Joocaar iyo Odoyaalka kale oo ka tirsan Degmada Caluula ee Gbolkan Bari .

Ciidamada Norway ee saaran bada dushayda ayaa Maalmiihi ugu danbeeyey waxaa ay Layeen Kulumaysato ka soo jeeda Degmada Caluula, taasina waxa ay keentay in ay Ciidamada Norway ee saaran markabka ay ku Marti Qadaan Markabka Dagaal Xubno ka tirsan Degaanka Caluula ee Gobolkan bari.

Kulankaasi ay wada qateen Masuliyiinta Puntland iyo Ciidamda Saaran Markabka Dagaal ee Norway ayaa waxaa lagu Marti Qaaday Qaar ka tirsan Suxufiyiinta Puntland si ay u Ogadaan waxa ay Ciidamada Norway ay kaga Damacsan yihiin la Dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda Somalida oo Noqday kuwa Maalinba Maalinta ka danbaysa ka sii daraya.

Ugu horayn waxaa ka hadlay kulankaasi Taliyaha Ciidanka Badda ee Norway oo lagu magacaabo Major Commander Sandquist, isagoo sheegay Taliyaha in ay Ciidamada Norway ee ku sugan Biyaha Somaliya sida ay uga soo Horjeedaan sii Fidida Kooxaha Burcad badeeda , isagoo sidoo kale sheegay in Arinkaa uu yahay Mid ay Kawada Shaqeeyaan Dowlada Puntland iyo Ciidamada la Dagaalanka Burcad Badeeda ee Norway.

Intaa kadib waxa kulan ay Albaadada u xiran yihiin wada qaatay Musiyiinta Puntland iyo Cidamda Norway, waxana kulankaasi loo Diiday in ay goob Jog ka ahaadaan Suxufuyiinta lagu Marti qaaday kulankaasi ka dhacayey markabka dagaal ee Norway dhushiisa .

eu1

Kadib Markii u dhacay Kulankii ay Albaada u Xirnayeeen ayaa waxa Saxaafada uga Warbixiyey Taliyaha Ciidanka Badda ee Norway isagoo Shir jira’id dhusha Markabka dagaal ugu qabtay Saxaafada, waxaana u ka hadlay Arrimo badan oo ay ugu horeeso in is Af Garad uu ku Dhamaaday kulankii ay wada Qateen Masuliyintii ka socotay Maamulka Puntland .

Sidoo kale waxa uu ka hadlay arintii ka dhacay Xeebta Degmada Caluula ee logu dilay mid kamid ah kulumaysatada halkaasi ku Dhaqan waxuuna sheegay in jirto Arinka balse ay Ciidmada Norway ay san marka hore bilaabin Rasaasta.

Ugu danbaystii waxa uu Taliyaha uu hadalkiisa ku soo Afmayray in ay kawada shaqayndonaa Iyaga iyo Maamulka Puntland la Dagaalanka Burcad Badeeda Somalida.

C/qaadir Saciid Cali(Gaanni).
Gaani18@hotmail.com

Bosaaso-somalitalk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.