Home » Warar »

Casho sharaf loogu sameeyay dadkii ka soo shaqeeyay cayaarihii Somali Week London Hotel Ramada Wembley

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

London 14/11/2009. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtey Hotelka Ramada oo ku yaal Galbeedka xaafada Wembley, xafladaas ayaa waxaa soo agaasimay maamulka cayaaraha Somali Week London 2009 islamarkaana casho sharaf u sameeyay dadkii gacanta weyn ka gaystey tartankii lagu qabtey magaalada London ee Somali Week London.

Xaflada ugu horeyntii waxaa ka hadlay qaar ka tirsan maamulka Somali Week sida Xuseen Deeq iyo Islow, islamarkaana ka soo jeediyay warbixino kale duwan oo ku saabsanaa qaabkii loo qabtey cayaaraha iyo mustaqbalka soo socda sida Somali Week 2010 loo qaban doono, iyagoo ka dhawaajiyay inay sanadka soo socda ku kordhin doonaan kubadda kolayga,islamarkaana ay qayb ka yihiin London Somali Festival, waxayna mahadcelin balaaran u jeediyeen Xawilaada Qaran oo ahaa maalgaliyaha kowaad ee Somali Week iyo saxaafada Soomaalida ee qaybta weyn ka qaadatey soo tabinta Somali Week London 2009, Kuwaad oo kale ahaa Somali Week. SSPAMEDIA,Universal TV, ETN TV, Qaranimo, Gedonet, Dayniile, Bilaajo, Somalitalk, Ciyaaro, Xiddigaha, kubadda iyo Kasmo Newspeper.

Waxaa iyana ka hadlay dad badan oo casharo sharafta ka soo qayb galay sida Axmed Shell oo ah odayga Somali Week iyo C/qaadir Isoomareey oo labaduba ku nuux nuuxsaday sidii ay ku dhacday Somali Week London 2009 ay aad ugu heleen islamarkaana ay ku tilmaameen cayaarihii ugu wanaagsanaa ee lagu qabto magaalada London, iyagoo ku amaanay in Somali Week London maamulkeeda ay ahaayeen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka soo dhalaalay wax wanaagsan oo mudan in la bogaadiyo.

Mudane C/qaadir Isoomareey ayaa goobta ka sheegay inuu dalka Talyaaniga kula kulmay safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga mudane Danjire Nuur Xassan Xuseen ‘’ Nuur Cadde’’ iyo jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga ay casumaad u soo direen Somali Week London maamulkeeda inay yimaadaan dalka Talyaaniga si ciyaaro saaxiibtinimo ula yeeshaan jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Talyaaniga, iyadoo maamulka Somali Week London ay ka aqbaleen casumaada islamarkaana ay soo dhaweyeen casumaada magaalada Firanze.

Waxaa meesha goob joog ka ahaa oo lagu casumay fanaankii weynaa Axmed Naaji Sacad oo isna meesha ka jeediyay hadalo qiiro Soomaalinimo leh islamarkaana ka sheegay in Sport iyo fanka ay waligood mataano ahaayeen, una joob joog ka ahaa cayaarihii Somali Week runtiina u aad uga helay qaabkii wanaagsanaa ee loo qabtey.
Waxaa iyana meesha ka hadlay maamulka TV –ga ETN Mudane C/raxmaan Sh.Xasan oo ka dhawaajiyay sida TV ga ETN diyaarka ugu yahay inuu ka qayb qaato horumarinta isboortiga islamarkaana ay sanadka dambe gacan weyn ka gaysan doonaan soo tabinta cayaaraha Somali Week London 2010.
Xawaalada Qaran nin u hadlay ayaa isna ka dhawaajiyay in sanadka dambe xawaalida Qaran ay wax badan ku bixin doonto tartanka Somali Week 2010, halka Ibraahim Baafo oo wakiil uga ahaa Eng Axmed TV Universal kaga mahad celiyay Somali Week London casho sharafta islamarkaana ka sheegay in sanadka dambe TV Universal qayb weyn ka qaadan doono sidii uu sanadkaan uga qayb qaatey.

Musiikistaha Qaranka Macalow ayaa isna ka hadlay goobta islamarkaana sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Somali Week London ay ka soo qayb galeen caawana isagoo wakiil ka ah fanaaniin badan oo shaqo wanaagsan ka gaysatey Somali Week London markii uu socday inaysan u suurtagalin inay caawa nagala qayb galaan casho sharaftaan madaama safar dibada ah ugu maqan yihiin sida Faynuustii Fanka Fadumo Qaasim Hiloowle .
Waxaa iyana goobta hadalo kooban ka jeediyay qaar ka tirsanaan jirey kooxihii hore ee dalkeena oo ku nool magaalada London islamarkaana gacan saar la leh Somali Week sida Axmed Sayga Ruushka oo ku nuux nuuxsaday inay wanaagsan tahay midnimada umadda loona baahan yahay in lagu raadiyo sidii bahda Isboortiga magaalada London degan loogu raadinaa maslaxadooda, wanaagooda madaama walaalo la yahay islamarkaana dadka la isku raadiyo, waxana uu meesha ka cadeeyay inuu ka mid yahay odayaasha Somali Week London.

Waxaa hadane hadalkii qaatey Osman Shiish oo ka tirsanaan jirey ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Kubadda kolayga , hadaladiisa waxay u badnaayeen in dhinaca wanaagsan mar kasta laga fiiriyo loona baahan yahay in odayaasha goobta fadhiya inay isku raadiyaan dadka walaalaha ah ee hadane Isboortiga ah ee ku nool magaalada oo khilaafaad yar yar ay soo kale dhax gashay, khilaafkaasna waxa ku tilmaamay inuu gaarey meel aad u fog oo xataa salaantii aan la iska qaadaynin dad mudo ka badan 40 sano Isboorti soo wada ahaa oo walaalo camal isku ahaa markii hore inay jiraan loona baahan yahay in sidii dadkaas Isboortiga ah la iskugu keeni lahaa, arinkaasna waxay u baahan tahay inaad u kacdaan intiina odayaasha ah ee meesha fadhiya ayuu hadalkiisa ku soo koobay mudane Shiis, arinkaasi oo ahaa mid mudan in la xuso madaama ay jiraan waxyaabo badan oo sii kale fogeeyay bahda Sports Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London iyo meelo kalaba.

lodn

Odayaasha goobta fadhiyay ayaanan jawaab fiican ka bixin codsiga mudane Shiis madaama aysan waxbo ka qaban karin waa sida aan u arkayay sababtana waan garan karaa waayo aan xog ogagaal u ahay waxa la isku hayo oo khilaafka kale dhax dhigay bulshada Sports, arinkaasi faalo kale ayaan ka samayn doonaa hadii Eebe idmo.

Waxaa iyana meesha ka hadlay Mohamed Macalin oo ka mid ah Somali Week London islamarkaana degan xaafada North London iyo gudoomiyihii xilka ay ka xayuubiyeen kooxda Seuki mudane Muqtaar Shuute Shariif, waxay ku nuux nuuxsadeen sida loogu bahan yahay in magaalada mar kale lagu qabto Somali Week London.
Barnaamijka cashada waxaa si toos ah looga sii daayay TV-GA ETN waxaana daadihinaayay C/qaadir Kismaayo, halka ay goob joog ka ahaayeen marti sharaf kale duwan oo ka soo qayb galay casho sharafta.
Ugu dambayntiina waxaa cod baahiyaha war murtiyeed ka soo baxay maamulka Somali Week London lagu sheegay in maamulka Somali Week London kadib markii ay kulamo kale gadisan ku yeesheen magaalada London go’aan ku gaareen inuu afhayeenka ururka Somali Week London 2010 noqdo Mudane Mohamed Khaliif oo ka mid ahaa maamulkii Somali Week London.

Qormayda dambe ayaa ku soo bandhigi doonaa warbixinta ku saabsan magacaabida loo magacaabay afhayeenka Somali Week London 2010 iyo qaabkii ay u dhacday insho Allah.
W/D: Yusuf Yusuf
Editor of SSPAMEDIA
London

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.