Home » Warar »

Unicef: Ololaha Caafimaadka Carruurta oo la Gaarsiiyey Afgooye iyo guddiga Jaaliyada Ingriiska oo….

War Saxaafadeed

Markii ugu horreysey ayaa Ololaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta la Gaarsiiyey Bulshooyinka Barokacay ee Afgooye, Koonfurta Soomaaliya

NAYROOBI, KENYA, 11 Nofembar 2009: Carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ayaa heley adeeg caafimaad oo saameyn sare leh oo nolosha lagu badbaadiyo intii uu Ololaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta ka socdey waddada Afgooye, oo ah waddo dhererkeedu gaarayo 30 kilomitir oo galbeedka ka xigta Muqdisho halkaas oo ay ku yaalaan deegaanada Dadka Gudaha Ku Barokacay ee dunida oo dhan ugu ciriirisan. Ugu yaraan 46,000 oo carruur ay da’doodu ka yar tahay shan jir ah iyo 37,000 oo haween ku jira da’da dhalmada ayaa ka faa’iideystey muddadii uu socdey ololaha shanta maalmood ah. Afgooye ayaa waxa ay hadda martigelineysaa in ka badan 524,000 oo ah barakacayaal uu guryahooda ka soo saarey iska horimaadka ka socda Muqdisho iyo koonfurta, kuwaas oo ku jira xaalado nololeed oo adag oo xataa aan haysan adeegyada bulshada ee ugu hooseeya.

Ololayaasha Maalmaha Caafimaadka Carruurta ayaa laga fuliyaa dhammaan Soomaaliya iyada oo taageero laga helayo UNICEF iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ay iskaashanayaan maamullada degaannada iyo NGO-yada ay wada-hawlgalaan. Dalkan oo ka mid ah kuwa ugu hooseeya dunida oo dhan dhinaca gaarsiinta tallaalka caadiga ah, ayaa waxqabadkan dalka oo dhan ku baahsan waxa lagu doonayaa in ilmo kasta oo shan jir ka yar looga tallaalo cudurrada jadeecada, dabaysha, qummanka, xiiq-dheerta iyo teetanada, intaa waxaa dheer iyada oo la bixinayo kiniiniga Fitamiin A, kan goryaanka dila iyo iyada oo baaritaan nafaqo lagu sameynayoo heerka nafaqada caruurta , looguna diro kuwa nafaqo darran barnaamijyada quudinta iyo daweynta. Haweenka ku jira da’da dhalmada ayaa laga tallaalaa teetanada. adeega Maalmaha Caafimaadka Carruurta waxaa sidoo kale ku jira cusbada fuuq-celinta(shifo) ee afka laga qaato si loogu daweeyo shubanka, iyo sidoo kale kiniiniyaasha biyaha lagu nadiifiyo.

“Guushan inooga soo hoyatey fulinta hawshan ballaaran ee dadka badan lagu gaarayey ee laga fuliyey degaanka Afgooye ayaa markhaati u ah sida aan isbeddel ugu keeni karno Soomaaliya xataa iyada oo ay ka jiraan xaaladaha ugu adag.” Ayaa ay tiri Marwo Rozanne Charlton, oo ah Wakiilka Unicef ee Soomaaliya. “Waddada Afgooye waa mid ka mid ah goobaha gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimadu uu ugu culus yahay Soomaaliya oo dhan, laakiin natiijada waxqabadka noocan ah ah ayaa muhiimad badan leh maaddaama dadka ugu badan halkaas joogaan. Sidaa daraadeed in ololaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta la soo gaarsiiyo Afgooye ayaa muhiimad aad u weyn lahayd waxaana taa mahaddeeda leh dadaalka bulshada iyo hay’adaha iskaashaday ee UNICEF iyo WHO oo ka hawlgalay degaanka, carruurta iyo haweenka nugul ayaa la gaarsiiyey adeegyo aad muhiim u ah.”

In ka badan 200 oo tallaalayaal ah iyo 300 oo shaqaale caafimaad ah ayaa ololaha ka fuliyey Afgooye, iyaga oo suurtagal ka dhigey in barnaamijkan ballaaran uu fulo in kasta oo ay kaabayaashu liiteen oo aan jirin tas-hiilaad caafimaad oo ku habboon. Maalmaha Caafimaadka Carruurta waxaa Soomaaliya laga bilaabey bishii Disembar 2008 iyada oo wareeggii koowaad lagu gaarey dalka oo dhan in ka badan hal milyan oo carruur shan jir ka yar iyo 800,000 oo haween ah. Waxqabadkan ayaa lagu soo celiyaa lixdii biloodba mar si gacan looga geysto kor u qaadista badbaadada carruurta iyo adkeysigooda , loona kordhiyo tirada la tallaalo, marka laga soo tago dhiirigelinta in ay bulshooyinku weydiistaan adeegyada caafimaadka ee bulshada. Ololaha ayaa horeba gacan uga geysatey kordhinta tirada la tallaaley iyada oo la gaarey 60 ilaa 80 boqolkiiba, halkaas oo tirada tallaalka ee Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafey ay ahayd inta u dhaxaysa 20 – 30 boqolkiiba.

unicef

################
Ciddii u baahan waxaa ay soo codsan duubid tayo leh oo la baahin karo. Wixii Faahfaahin dheeri ah kala soo xiriir:
Denise Shepherd-Johnson, UNICEF Somalia, dshepherdjohnson@unicef.org, +254 722719867
Iman Morooka, UNICEF Somalia, imorooka@unicef.org, +254 714606733
……..

Gudoomiyaha guddiga Samafalka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool Dalka Ingiriiska oo soo saaray war saxaafadeed .

Mr.Cali Maxamed Jimcaale (Cali Ooyaaye) oo ah godooamiyaha Gudiga Samafalka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ayaa maanta warsaxafadeed ka soo saarey
Magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo warsaxafeedkaasi ku tageerayay Doorashaddii dhawaan ka dhacay magaaladda Muqdisho ee lagu dooranaayay Gudomiyaha Cusub ee Daladda Ururadda Bulshadda ee deegaanada Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa, daladaasi oo godoomiye Cusub loogu doortay Xaaji Muxudiin Xasan Afrax oo ah Rugcadaa siyaasadeed in moddo ahna ku dhaxjiray Hawlaha kala gedesan ee Siyaasadda iyo arrimaha bulshadda ee dalka Soomaliya.

“Anigoo ku Hadalaaya Magaca Gudoomiyaha Gudiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska Xubnaha gudiga iyo keygaba waxaaan halkaan hambalyo iyo Bogaadin buuxdda u direynaa Gudoomiyaha Cusub ee daladda Ururada bulshada Rayidka ah ee Xamar iyo Xamar daye Xaaji Muxudiin Xasan Afrax iyo dhamaan masuuliyiinta daladdasi iyo intii gacan ka geysatay Dhismaha iyo dorashadda daladaasi oo loo doortay
Xaaji Muxudiin Xasan Afrax, waxaana leenahay Ilaah ha kula garab galo xilkaasi balaaran ee laguu doortay Taariikhdu markii ay aheeyd 8-11-2009ka Godoomiyaha Gudiga Jaaliyadda Somaaliyeed ee dalkaasi Ingiriiska.

Mr Cali Maxamed Jiamcaale waxaa kaloo uu Yiri “Xilka laguu dhiibay ma ahan mid fudud waxaana loo baahan yahay in aad Wado Cusub u jeexddo Daladda Banaadir, waxaana lagaaga baahan yahay in Bulshadda Rayidka ah ee aad Hogaankeedda qabatay in ay si habsami leh marka hore u gudato waajibaadka balaaran ee kaa saran dadka iyo dalka, waxaadna ogaataa in 19 Sanno dal burbursan iyo dad dhibaateysan in aad ka saarto dhibaatadda adigoo kaashanaaya Ilaah iyo ummadda aad xilka u qaaday , anagana haddii aan nahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK waxaan idiin siinaynaa garab, Hiil iyo Hooba diyaar ayaan la nahay, waana kula shaqeyn doonaa waxaan awoodnana
waan kula qabaneynaa Inshaa Allah”.

Waxaa kaloo uu Yiri Godoomiyaha Jaaliyadda waan ku farax sanahay balanqaadkii uu sameyay Gudoomiyaha hay’adda,CCD Mr:Ciise Axmed Cumar sida daacada ah iyo hagar la’aanta uu ugu heelanyahay in uu la shaqeeyo Daladda ururada bulshada rayidka ee deegaanada Banaadir.

Waxaan dhamaan ugu baaqayaa dadka ku abtirsado deegaanada Banaadir ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo gudahiisuba in ay taageeran Daladda ururada bulshada rayidka ee deeganada banaadir.

waxaan si gaar ah ugu baaqayaa siyaasiyiinta, culumaa’udiinka, ganacsatada iyo waxgaradka qurbajoogta ka soo jeeda deegaanada Banaadir in ay dhaxda u xirtaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Haysato Shacbiga reer Banaadir gaar ahaan
guud ahaana Soomaaliya.

Godoomiyaha Gudiga Jaaliyadda Somaaliyeed ee UK Cali Maxamed Jimcaale (Ali Ooyaaye) waxaa uu ugu baaqayaa Dowlada Midnimad Qaran in ay soo dhaweyso
Daladda Ururada Bulshada Rayidka ee deegaanka Banaadir si wax looga qabto dhibaatada ka jirto Guud ahaan deegaanadda Banaadir gaar ahaan Soomaaliya si looga saaro cadawga diidan Jiritaanka Dowladda Midnamada Qaran si loo soo caliyo Xasiloonidda iyo kale danbeenta bulshadda iyo weliba adeegyada bulshadda.

Dhinaca kale Godoomiyaha Gudiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Ingiriiska Mr Cali Maxamed Jimcaale waxaa uu si weyn u soo dhaweeyay Xil wareejintii Sida Dimoqoraadiga ah u dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir, taas oo ay xilalka uga kala wareegaayeen Godoomiyihii Hore ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusman Cali Dhagaxtuur iyo Godoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Inj C/qaadir Maxamed Nuur Inj Nuune, taas oo uu sheegay in aysan waayahaan dambe aysan dalka uga dhicin, waxaana uu hoosta ka xariiqay in laga gudbay aniga ayaa taabsaday iyo aniga aa iri, bulshadda Ku dhaqan deegaanka Banadir ay tusaale u tahay in ay ku daydaan bulshooyinka kale ee jaarka la ah waxaana uu ugu baaqay gudoomiyaha cusub in uu si cadaalad ah ugu hawlgalo Maamaulka gobolka Banaadir kana Ilaaliyo cadaalad dari iyo nin jecleysi si loo gaaro yoolka ay higsaneeyso Bulshadda Banaadir.

Ugu dambeeyntii gudoomiyaha Gudiga Samafalka jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Ingiriiska Cali Maxamed Jimcaale (Ali Ooyaaye), waxaa uu ugu baaqaya Dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeedda Deegaanadda Banaadir in ay taareegaan Maamulka Cusub ee gobolka Banaadir iyo weliba daladda Cusub ee deegaanka Banaadir si ay iskula jaanqaadaan labadaasi Hay’adood si shacbiga loogu adeego si wada jir ah loogana saaro dhibaatadda ku habsatay iyo Barakaca iyo darxumadda.

Gudoomiyaha Gudiga Samafalka ee Jaaliyada Somaaliyed ee London Cali Maxamed Jimcaale
(Cali ooyaaye)
La xiriir: alioyaaye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.