Home » Warar »

Puntland oo Sheegtay inay usoo Qab qabatay Rag dilkii Musuliyiintii la dilay iyo Masuuliyiintii ladilay oo la Aasay .

Bosaaso:Somalitalk: AllAH U Naxariistee Gudoomiyaha Maxkamada Darajada kowaad ee Gobolka bari maxamed Cabdi Awaare iyo xildhibaan ibraahim warsame oo labadu ah kuwa bulshada reer puntland magac ku lahaa ayaa maanta lagu Aasay Labada Magaalo ee Garowe iyo Bosaaso.

Aaska labada Masuul ayaa waxa kasoo qayb galay dad aad u fara badan iyo  Masuliyiinta puntland oo uu ugu horeeyo madaxwayne ku xigeenka puntland Janaraal C/samad Cali Shire, Cuqaal, Waxgarad, Isimo iyo Sariikiil ka tirsan Ciidamada Puntland.

Madaxwayne ku Xigeenka Puntland Janaraal Cabdi Samad Cali Shire ayaa waxa uu tacsi u diray Qoyskii , Ehaladii iyo  Qaraabadii ay ka Gayriyoodeen  Labadaani Masuul.

Isagoo ugu baryey Madaxwyne ku xigeenka Allaah in uu janatul fardowsa  ka waraabiyo Labadaasi Masuul, Ducadaasi uu Madaxwayne ku xigeenka Puntland u jeediyey Xildhibaan Ibraahim warsame iyo Maxamed Awaare ayaa waxa uu ka jeediyey Aaska Qabriga Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Kowaad ee Puntland Maxamed Cabdi awaare.

Dhinaca kale Ciidamada Amaanka puntland ayaa sheegay in ay u Qab qabteen  Dilkii loo Gaystay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Kowaad ee Puntland iyo Xildhibaan Ibraahim Warsame rag ay ku Tuhmeen in ay ka danbeeyeen Dilkaasi .

Sidoo kale Ciidamda Amaanka Puntland  waxa ay ka Gaabsadeen in ay soo Bandhigaan Ragaani loo qabtay Falka Dilka , waxaana Warar ay sheegayaan in ay Raga ay qabteen ciidamada Amanka Puntalnd ay Gaarayaan 3 nin oo watay Gaari iyagoo doonaya in ay ka baxaan Gudaha Magaalatan Bosaaso.

Isku soo wada duub waxaa soo If baxaysa in ay Ciidamada Amaanka Puntland ay haatan ay gacanta ugu jiraan Rag ay u soo Qab qabteen Dilkii loo gaystay Gudoomiyaha Maxakamada Darajada Kowaad ee Gobolka Bari Maxamed Cabdi Awaare.

C/qaadir Saciid Cali(Gaanni)
Gaani18@hotmail.com
Bosaaso-Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.