Home » Warar »

Sh. C/raxmaan oo laga qaaday Xanibaadii Socdaalka

Minneapolis: Somalitalk: Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo ah Imaamka Masaajidka Abubakar iyo Masuulka Golaha Imaamyada oo inta badan gacanta ku haya Maraakista Dacwada ee Soomaalidu leedahay, ayaa horay xanibaad looga saaray inuu ku safro dhinaca hawada.
Sh. C/raxmaan ayaa mar Somalitalk la xiriirtay u xaqiijiyey in laga qaaday xanibaadii saarayd ee dhinaca socdaalka. Sh. C/raxmaan oo arintaas ka hadlaya wuxuu yiri; “Ilaa maalintii Xajka nalaga soo celiyey waxaa socday dadaalo fara badan oo ay wadeen Qareeno, Hay’ada Care, Xafiiska congressman keith ellison iyo Jaaliyada Soomaalida oo bixiyey dadaal aan kala go’ lahayn. Dadaaladaas oo dhamaantood Dowlada iyo hay’adaha ku shaqo leh waydiinayey Maxaa Sheekha looga qaaday xoriyadiisii, maxaa lagu haystaa iwm? Sidoo kale Imaamyada Gobolkan Minnesota ayaa xil isa saaray bixiyeyna dadaal wayn ugu yaraan waxay la kulmeen hay’ada FBI laba goor waxayna kala hadlayeen ixtiraamka imaamyada iyo waxa aniga la igu haysto oo safarka la iiga xanibay?”

Mar Somalitalk Sh. C/raxmaan waydiisay sidee ayuu ku ogaaday in laga qaaday xanibaadii ayuu yiri; ” Bil ka hor ayaa Qareenkayga Mahir wuxuu la xiriiray hay’adaha arintaan ku shaqada leh isagoo waydiinaya sidee Shiekha ugu hayn kartaan Liiska Diyaarad maraaci kartid (No fly-list) mudada intaa leeg, hada waxaa soo dhow Xajkii kale? Mar kale laba asbuuc ka hor ayuu Qareenka la hadlay FBI waxay yiraahdeen jawaab ayaan kusoo siinaynaa, Isniintii 11/09/09 ayaa waxaa lasoo hadlay Qareen Mahir, Qareenka Hay’ada i haysatay wuxuuna u sheegay Sheikha waa laga saaray Liiskii No fly-list asbuucii sadexaad ee bishii September anagaana mashquul sanayn ee siduu doono ayuu u safri karaa” Markii arintaas la iisheegay ayaan waxaan diyaarad u raacay Talaadadii Gobolka nagu dhow ee Chicago, runtii wax dhib ah lama kulmin Boarding pass-ka waxaan ka goystay Machine-ka waxaana u safray sida ugu sahlan ee loo safro” itaa ayuu Sheikhu hadalkiisii ku daray.

Sheikha oo ka hadlayey inuu Xajka sanadkan aadayo iyo inkale ayaa yiri ” Waxaan dalbaday Visa-dii Xajka waxaana rajayanayaa insha allaah inaan helo inkastoo waqtigu yaryahay, waxaana kaxayndoonaa Muslimiin badan oo Maraykan ka Xajindoonta”

Sheikha iyo Masuuliyiinta Xarunta Abubakar ayaa waxaa aad looga dareemayey inay ku farax sanyihiin Sheikha oo xoriyadiisii dib u helay. Sidoo kale Muslimiinta reer Minnesota gaar ahaan Soomaalida ayaa aad ugu farxasanaa arintan, waxaana laga dareemayey arinkan hadal hayntiisa Xarunta iyo dhamaan Magaalada Minneapolis.

Arintan ayaa dad badan u fasirayaan inay soo af jari doonto eedaymo loo tiirinayey Xarunta Abubakar oo ahaa inay lug ku lahaayeen Wiilashii baxay. Waxaana loo fahmi karaa inay hor dhac u tahay inaan waxba ka jirin eedaymihii Masaajidka loo tiiriray iyo qayb ka mid ah Natiijadii Baaritaanka FBI ka waday Gobalka Minnesota.

Masuuliyiinta Masaajidka ayaa sheegay inay rajaynayeen jawaabtaan, kuna kalsoonaayeen shaqada ay ummada u qabanayeen inay tahay mid saxan. Sidoo kalena waxay soo jeediyeen inaan ummadu u baahan tahay inay khayrka isugu kaalmayso, gacmahana is qabsato, ka feejignaato wax kasta oo ummada midnimadeeda dhaawici kara.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Sh. C/raxmaan oo laga qaaday Xanibaadii Socdaalka "

  1. Said says:

    Alle ayaa mahad oo idil usugnaatay oo suurtogal ka dhigay in la sii daayo Sheikh Abdirahman Sheikh Omar, idinkuna Somalitalk aad & aad baan idiinku bogaadinayaa sida wacan ee deg-dega ah ee aad wararka muhiimka ah noogu soo gud-bisaan.

    Mahadsanidiin.

  2. safari says:

    salamad.
    shiikha ma aqaan waxan kashegana waa danbi sida muuqatana waa imam masajid.
    Hadii hada qof somaliya uu wadaad ama masajid mel kuyaalo danbi uyeelo layaab malaha waayo hadad idaacadaha dhagaysato waxa gusha ku sheganayo dhiga shacabka waa wada wadaad,melaha umada loga hanjabo ama caruurta lagu maskax badalo waa masaajid iyaguba.
    wadaaddoow carada waxa qasay rag magaciina wata laguna yaqanay inay arday idiin ahayeen, ma aqaan xiliguu furahodii idinka lumay mise waaba laisla ogyahay waxanoo waa shekadii hogamiye koxedyadii meel hubka kawada qadan jiray hadana isku jedin jiray si shacabka lolaayo.

  3. admin says:

    Ku Yusuf

    Asalamu Calaykum

    Marka hore waad ku mahadsantahay inaad dhiibatay fikirkaaga, way jirtaa in la tuuray qoraalkaagii hore sababtana waxay ahayd inuusan waafiqiin asluubka fikir dhiibashada ee Somalitalk, muhiimadu waa in qofku uusan samayn wax xad gudub ama aflagaado ah, intaa waxaa dheer waad ka hadli kartaa hab labiska qof ama ka badan laakiin hadalkaagu waa inuusan cidna si khaasa ugu xadgudbayn. Qoraalkaaga hada waxaad ku xustay bog, sidoo kale qoraalka aad fikirkaaga ka dhiibanayso kama hadlayso, fadlan isku day inaad mowduuca ka hadasho.

    Mahadsanid
    Bahda Somalitalk

  4. Abdullahi says:

    Waa Alle mahadii in Sheekh C/raxman xuriyadiisii dib u helay, waa maalin farxadeed ee u soo hoyatay dhamaan ducaada iyo inta khayrka jecel. Sheekha iyo inta lamidka ah ee ummada u baahantahay Allah inoo bad baadiyo, Somalitalkna aad baad ugu mahasantihiin farxada aan na soo gaarsiiseen. Sheekh c/raxmana Allaha xifdiya shartana Allaha ka xijaabo, waxaan aamin sanahay in inta wanaagsan ee naga midka ah uu ku jira.

  5. Yusuf says:

    KU; somalitalk

    Markaad qoraal samaysaan, dadkana u ogalataan in ay comments ka bixin karaan, hadana aad qofka fikirkiisa dhiibtay qoraalkiisa tuurtaan–maaha dhaqan wanaagsan…Ma waxaad doonaysaan kuwa nacamleeya oo qura fikirkooduna yahay dameeri dhaan raacday….kkkk. somalitalk maaha media xun waxaanse idinkula talinayaa in aydan dayniile noqon…anigaa iri iyo yaan la iga daba oran–afkaa qoyana waxaad rabto qor oo qor.

    Anigu dhaqamo shisheeye oo la soo dhoofiyey ayaan sheegay iyo magaca diinta islaamka shaar ah oo loo soo huwaday—manaahijtaas qaladan ayaan farta ku fiiqay– iyo kuwa muqaalka dhar xirasho wata ee shisheeye ee loo soo dhiibay. sxb somalitalk dadka adinka akliya maaha in aad wax argtaan ama qori kartaan–haddii kale cadeeya in aad cid gaara u shaqaysaan–saas waan idinla fahmayaaye.

    wabilaahi towfiiq
    Yusuf

  6. cagadhidid says:

    aslkm
    salaan kadib aad ayaanu oogu faraxsanahay hadii aanu nahay somaali in uu helo sh. c/raxmaan sh. cumer xoriyadiisa oo uu aadi karo kuwii ka shaqeeyayna gaar ahaan somalida dhamaanteed USA waad mahadsantihiin ayaan leeyahay
    waxaan intaasi raacinayaa isku duubnaantu waa shay qaali ah dadaala ilaahna tawfiiqda waydiista

  7. abdinasir says:

    salan kadib shekha ilahey kheyr hasiiyo,,sheekhoow waxaa lagugu heystaa waa dacwada diinta islaamka ee waxaan kugula talin lahaa iskaga tag wadankaas oo aad meel aadka jihaadi karto gaalo in aad diintooda raacdo ma ahane dagaalkaa dayn maayaane