Home » Warar »

Dilal Toogasho ah oo loo gaystay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Bari iyo Xildhabaan ka Tirsan Barlamaanka Puntland.

Somalitalk:Bosaaso:Waxaa Maagalatan Bosaaso Dil loogu Geestay Gudoomiyaha Maxakamada Darajada Kowaad ee Gobolka Bari Maxamaed Cabdi Awaare, isagoo ka soo baxay Masaajidka Suuqa bartanaha ee Magaaladatan Bosaaso kadib Salaadii Maqribnimo.

Dilka loo geestay Gudoomiyaha Maxakamada Darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaan wali cidi sheegan balse waxaa ay dad Goob jooogayaal ah ay sheegeen in Nin Afka u duuban yahay uu Xabado Xabadka iyo Waji kala dhacay Gudoomiyaha Maxakamada Darajada kowaad Maxamed Cabdi aware.

Dilkan loo gaystay Marxuum Maxamed Cabdi Awaare ayaa waxa ka hadlay Musuliyiin aad u fara badan oo ka tirsan Maamulka Puntaland iyagoo u sheegay Warfadiyeenada in ay haatan ku daba jogaan cida ka danbaysay Dilka Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Kowaad ee Gobolka Bari.

Dhica kale Magaalatan Bosaaso ayaa waxaa la dareemayaa Saan saan baritaan oo ay wadaan Ciidamada Amniga Puntland iyagoo kudaba jira cidii ka danbaysay dilkii Naxdin lahaa ee loo geestay Gudoomiyaha Maxakada daraja kowaad ee Gobolka Bari Maxamed Cabdi Awaare.

Xildhibaan ka tirsan Xildhibaanda Puntland oo lagu dilay Gudaha Caasimada Puntland ee Gorowe

Waxaa goor dhawayd lagu Dilay Gudaha Caasimada Dowlada goboleedka Puntland Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntand oo lagu Magacaabo Ibraahim Cali Daad , isagoo ku sugnaa Gobaha lagu Shaaxo .
Dilkan loo gaysta Xilidhibaanka ayaa waxa Ila Wareedyo Hubaal ah ay shegayaan in uu gaystay Nin Afka u duuubnaa, oo aan haybtiisa la Aqoon.

Lama oga cida ka danbaysay dilka Xildhibaanka ka tirsan Xildhibaanada puntland.
Dhica kale Ciidamada Amniga Puntland ee Caasimada Gorowe ayaa waxa ay bilaabeen baritaano ay ku baadi Gobayaan cida Lugta ku leh dilkan ka dhacay Gudaha Caasimada Puntland ee Garowe balse Ciidamad Amniga Ayaan wali faraha ku soo dhigin Ninka Falka Dilka gaystay.
Docda kale Dilalkan ka dhacay Magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe ayaa Noqday kuwa ay dhagta u tageen Bulsha Waynta Puntaalnd

gaanni

C/qaadir Saciid Cali(Gaanni).
Gaani18@hotmail.com
Bosaaso-somalitalk.com

Somalitalk:Garoowe:  Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka DPL oo caawa fiidkii
lagu dilay gudaha magaalada Garoowe

Xildhibaankani oo ka tirsanaya golaha wakiilada Dowladda Puntland oo
magaciisa la yiraahdo Ibraahim Cilmi Gaab ayaa caawa abaaraha 8:
Fiidnimo lagu dilay gudaha caasumada puntland ee garoowe.

Mudanahani ka tirsanaa golaha wakiilada ayaa caawa lagu dilay gudaha
magaalada garoowe iyadoona ilaa iyo haatan aan la garanaynin cida sida
rasmi ah ugu danbaysa dilka xildhibaankani iyadoona uu xildhibaani uu
ku cusbaa mudanayaasha baarlamaanka DPL.

Dilka xildhibaankani ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili isla caawa
iyana lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso ee Rugta Ganacsiga
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1aad ee  magaalada Boosaaso Marxuun
Maxamed Cabdi  Awaare iyadoona lagu dilay bartmaha magaalada xili uu
ka soo baxay masaajid uu salaada ku tukaday.

Dhinaca kale waxaa iyana caawa weerar lala beegsaday Dowladda Hoose ee
magaalada Gaalkacyo iyadoona aanan la garanaynin cida ka danbaysa.

Ma jiraan dilka caawa loo geystay xildhibaankani ka tirsanaa
mudanayaasha baarlamaanka ka hadashay, Dowladda Puntlanad hadey noqon lahayd
maamulka Gobolka iyo kan degmada iyadoona dilka xildhibaanka ay ka
gaabsadeen saraakiisha amaanka.

Tan iyo markii la soo dhisay xukuuumda Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed
Faroole waxaa ku soo badaneyey deegaanada Puntland dilalka qorsheysan
ee loo geysano masuuliyiinta ka tirsan xukuumada Madaxweyne C/raxmaan
Shiikh Maxamed Faroole.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
Email.Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.