Home » AmiinYuusuf »

Jinnigeygaa Neceb!! | Amiin Yuusuf

Jinnigeygaa Neceb!!

“Naa Walaalay maalmahan kuuma bogin wajigaaga si-si ayuu ila yahay ee maxaa kugu dhacay”, waxay ku jawaabtay “Naa waa runtaa ayaantaan ma fiicni, haddii aan runta kuu sheegana ninkii aan isqabnay ayaan kala tagnay”, Gabadhii kale ayaa inta ay naxday waxay tiri “Ninkii wanaagsanaa ee deeqsiga ahaa , Bashaashka ahaa ee Deriska amaaneyn ee aad kuu jeclaa miyaad kala tagteen?”, “Haa Abaayo calafka ayaa dhamaaday”, ayay war ugu soo gaabisay, balse tii kale ayaa su’aal sii weydiisay oo tiri “Naayaahee, Ninka miyaad Masruuf ka weysay mise gogosha ayuu kuu qancin waayey?”, “Maya, maya, Abaayo wax kale ayaa jira”, “Oo maxay yiriin, waxaad ii qarineyso?”, inta ay yara aamustay ayay warkeeda ku furfuratay “Abaayo ninkaa aad ayuu u wanaagsanaa, nin ka wanaagsan in aan arki doonana ma u maleynayo, laakiin Jinnigeyga ayaa nacay”, “Oo inkaar hesho Jinnigaan baas muxuu ahaa?”, “Waa Jinni kugu dhex jira oo mar dadka ku jecleysiiya marna ku necbeysiiya”, “Waa runtaa, nin kale Alle ha kuu sahlo oo jinnigaaga soo jiita?”.

Qoraalkaan waxa uu horudhac u yahay, dhacdooyin dhab ah oo Soomaalidu qabatintay, oo dadka qaarkii ay qabaan in qofka uu ku dhex jiro Jinni wax jecleysiinaya waxna necbeysiinaya. Labo Gabdhood oo sheekeysaneysa ayaa mid waxay leedahay “Alla walaaley ninkaa aad ayuu u qurxuun yahay, markaad fiiriso socodkiisa iyo laafyihiisa, waxaa ka sii daranba markuu hadlayo waxaad jecleysaneysaa inaadan ka ag dhaqaaqin”, tii kale ayaa iyana leh “Walaalay intaa waan ku arkay balse waxaan kuu sheegayaa in Bidaartiisa uu Jinnigeyga neceb yahay”, middii hore ayaa iyana leh “Walaalay waxaan u maleynayaa in aniga iyo adiga aan isku jinni nahay oo Bidaartiisa weyn ee dhaldhalaaleysa markaan arko Jinkaa igu kaca, marka ninkaas dhib kale ma qabee Bidaartiisaa caqabad ku ah”.

Labo Wiil oo dhallinyaro ah oo sheeko meel wanaagsan u mareyso ayaa mid waxa uu leeyahay “Gabadha heblaayaa ma taqaan?”, “Waa Gabadhee saaxiibow?”, ayuu midkii kale weydiiyey “Saaxiib Gabadhii deriskeena ahayd oo cid hebel deriska la ahayd?”, “Haa Saaxiib haddaan gartay, ee gabadhaa iiga waran”, “Saaxiib Gabadhaa aad ayay u qurux badan tahay, markaad fiiriso socodkeeda wajigeeda, balse saaxiib waxaa meesha taala in marka ay hadal damacdo ay lalabo meel kasta oo ay jirtay iiga timaado oo la Qanyo iyo Qaras isku jirta ayaa igu kacda, saaxiib markay hadleyso jinigeyga ayaa neceb”, “Oo saaxiib maba ogeyn Jin miyaad qabtaa, maxay tahay Jinkaan aad ka hadleyso, maxaad mar hore noogu sheegi weysay aan Qur’aan ku saarnee ?”, Kii kale ayaa qoslay “Kkk…kkkk…kkk.. War ha i Habaarin anigu Jin ma qabo, Laakiin waxaan kuu sheegayaa in aan af kala qaadkeeda iyo qosolkeeda aan nacay, Jinkana Saaxiib ulama jeedo Jinkii dadka ku soo degi jiray, ee waxaa la ii sheegay in uu jiro Jini dadka ku dhex abuuran oo waxna ku nacsiiya waxna ku jecleysiiya”, “Waa runtaa saaxiib waxaad arkeysaa wax dadka la fiican adna kula xun oo jinkaagu uusan jecleyn”.

Sidaas oo kale marka laga soo tago Jinniga wax necbeysiinta waxaa jira dad iyana aaminsan (Jinnigeygaa Jecel), tusaale waxaa arkeysaa qof, qof kale jecel isla markaana aan xaggiisa laga soo marin, haddii aad wax ka sheegtana maalintaa kala bixi meysaan wax idin kala furfurana la helimaayo, ma xuma in wax la jeclaado laakiin qofka uu jeclaanayo haddii aad arki lahayd niyaddaadu kuma siin lahayn inaad maalin la sheekeysato, haddana qofkaa haddii aad weydiiso waxa uu ku jeclaaday waxa uu hadal kuu soo gaabinayaa “Jinnigeygaa jecel”. Aan tusaale u soo qaato sheeko yar oo dhex martay labo gabadhood oo saaxiibo mudo deris ahaa, mid ayaa waxay leedahay “Abaayo, hebel runtii waa nin wanaagsan, waana jeclaaday, waxaana rajeynayaa in aan mustaqbalka is helno”, Laakiin saaxiibteed ayaa afka gacanta saartay oo la soo booday “Naa balaayo hesho ma middkii xumaa ee fool xumad badnaa, ee Ilkaha jajabnaa ee Muqayilka ahaa ee afka cagaarnaa ee isaga dhan Urayey oo is nacay ayaad maanta keentay waan jeclahay, naayaa hee ma indhaa la’ dahay?”, “Abaayo horta sidaas dhan ha ii canaanan waan ogahay intaas oo dhan haddana kama maaro oo waan jeclahay, Ilaahay amarkiis Jinnigeygaa Jecel, marka waxaas oo dhan uma jeedo”.

Jinnigeygaa Neceb iyo Jinnigeygaa Jecel ayaa ah halheys khiyaali ku dhisan marka sida runta ah laga eego, Soomaalida ayaa carabkeeda waxa uu barto inta badan isaga dhegan in laga tirtirana mudo ayay qaadataa, kana waxa uu qayb ka yahay halheysyada caan baxay ee Soomaalida dhexdeeda laga helo, marka ee leeyihiin waxa jira jinni dadka ku dhex abuuran wax jecleysiiya ama necbeysiiya ayaa ah sheeko aan jirin, waxaa dadka ka maqan in Alle (SWC) Insiga iyo Jinkaba abuuray ayna yihiin labo maqluuq oo kala madaxbanaan oo aan isku dhex abuurneyn, waa jiri karaa Jinni dadka dhex gala oo ku soo dega, waxaana si cad nalookugu bayaaniyey Qur’aanka Kariima waxaana daawo u ah Isla Qur’aanka Kariimka, basle Soomaalida Qaarkood ayaa u haysta in Jinku dadka ku dhex abuuran yahay oo wax jecleysiin karo ama wax necbeysiin karo. In wax la jeclaado ama wax la necbaado waa mid alle Bini’aadamka ku beeray ee ma ahan mid ka timid dhan Jinni ama dhan kalaba.

amiin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Jinnigeygaa Neceb!! | Amiin Yuusuf "

  1. saaiid says:

    walaal salaan ka adib maqaalkani waa wacan yahay lakiin sharciyan jinku dadka wax waa jeclaysiiya waana necbaysiiya waana waswaasiyaa wana dhexgalaa jidhka qofka isago aan ahayn kuu gelayay ee quraanka laga saarayay sida ku cad suuratu fusilat oo qareenka sheegaysaa
    nebiga nnkh oo sheegay in qareenkiisi muslimayoo wanaaga faro iyo qofkastaa inuu qareen u gaar ah leeyahay marka masaladu kama tagana shareecadda ee aad ha loo baadho waad mahadsan tihiin

  2. sadia says:

    maasha allaah amiin khasaaro awalba anoo maqaaladaada aan xiiseyn jirey ayaad cawada i soo xusuusisay eray uu afkeyga aad ugu badnaan jirey dhalinyaranimadeydii mana u maleynaayo inuu mar dhow na soo gelay mudo fog ayaa jiniga wax jecleysiiska iyo necbeyntiisa nagu socotay illaahey waxaan ka baryaa in inta afkoodu la qabatimey ka suuliyo.kkkk kkkk kkkk xasuus ayaan la qosley
    Mahadsanid, bro.

  3. Shukri says:

    AAWW,

    waad ku mahadsan tahay maqaalkan aad noo soo diyaarisey ee ku saabsan halheystii dhalinta soomaalida ee waayadan ee ahayd “Jinkeygaa neceb” iyo “Jinkeygaa jecel”. Micnaha guud ee loola jeedo halheystaas waxay u dhigantaa “Nafteydaa Neceb” iyo Nafteydaa jecel” waana la og yahay inaan dadka jinka ku dhex jirin ama sidoo kale “Dooqeyga ma ahan” iyo “Dooqeyga waayey”, ama si kale aan u iraahdo “kama helo” iyo “waan ka helaa” marka dhalintana mar walba waxaa ka soo baxa ereyo cusub oo Af-Soomaaliga ay ku soo biiriyaan.
    AAWW