Home » Warar »

Wafti Soomaaliyeed oo ka qayb galay Shirweynaha dhaqaalaha COMCEC ee ka soconaya Istanbuul, Turkey

Soomaaliya oo wafdi heersare uga qeybgashay Shirweynaha dhaqaalaha COMCEC iyo Shirka guddiga Joogtada ah ee dhaqaalaha iyo iskaashiga ganacsiga ee Wadamada ku bahoobay ururka islaamka OİC oo ka dhacay magaalada İstanbuul ee cariga Turkey 9-ka November 09.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Shirka saraakiisha sarsare ee wadamada ku bahoobay Ururka İslaamka oo uu ku xigay shırka wasiirada ganacsiga ee wadamada islaamka ayaa ka dhacay magaalada İstanbuul maalmihii 5-6 ee November 09.

Shrikaasi ayaa si weyn loogu lafa guray dhaqaala xumida ka jirta aduunyada iyo arrimo kale oo caalami ah ayaa loo gudbiyay fadhiga madaxweynayaasha wadamada İslaamka oo dhici doona maalinta İsniinta ee 9-ka November, shirkaasoo uu gudoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkey Cabdullahi Guul.

Maalinta Axadda ee 8-da November 09 ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Turkey uu ku soo dhoweeyo dalkiisa martida dhigiisa ah ee madaxweynayaasha wadamada İslaamka, kuwaasoo uu ka mid yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sharif Shekh Axmed.

Kulanweynaha ayaa ku soo beegmaya xuska sanad guuradii 25-aad ee guddiga joogtada ah ee ee dhaqaalaha iyo iskaashiga ganacsiga ugu qaabilsan ururka islaamka OİC, iyadoo guddigaasi la aasaasay intuu socday shirweynihii saddexaad ee ururka İslaamka ee dhacay sanadkii 1981-di kana dhacay Magaalada Makkah ee Sucuudiga.

Sidaas darteed, iyadoo Shirweynahan uu ahaa shir muhim u ah dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dhanka Soomaaliya u matalayay shirka Wasiirada dhaqaalaha iyo Ganacsiga, wafdi uu horkacayo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Ciro, waxaana wafdigaasi xubno ka ahaa wasiirka dhaqancelinta Mudane Maxamed Cali İbrahim iyo la taliyaha wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdiraxmaan Warsame Cabdi iyo Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya u jooga dalka Turkey Mudane Cabdifataax Warsame Rooti iyo Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Beat) Xoghayaha Kowaad iyo Farxaan Sheekh Cabdi Gurxan (Farxaan Diblomaasi) Xoghayaha Labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkey.

dffkm1

Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdirashiid Ciro ayaa khudbad dheer ka jeediyay fadhigii Wasiirada ganacsiga ee wadamada İslaamka isagoo khudbaddiisa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya uu maraayo ee dhaqaale, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday muhimadda nabadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu u leeyahay dowladaha İslaamka iyo aduunweynaha oo dhan, isagoo ugu baaqay dowladaha İslaamka in la garab istaago Shacabka Soomaaliyeed oo la daalaandhacaya dhaqaala xumida saameysay aduunka, isagoo ugu baaqay in la taageero Dowladda Soomaaliya si ay ugu guuleysato soo celinta amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

dffkm2

Khudbadda Wasiirka oo taabaneysay dhinacyo badan ayaa ugu danbeyntii waxaa uu ugu baaqay wadamada aynu walaalaha nahay ee ku jira ururka İslaamka in ay gacan ka geystaan maalgelinta iyo horumarinta dhinacyada wax soo saarka ee dalka Soomaaliya, isagoo cadeeyay in shacabka Soomaaliya uu soo dhoweynayo wax wada qabsiga shucuubta İslaamka ee walaalaha ah.

dffkm3

Wafdigaasi ayaa waxaa ku soo biiri doona wafdi qaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sharif Shekh Axmed si uu uga qeybgalo shirka madaxweynayaasha dowladaha Islaamka ee Maalinta İsniinta furmi doona.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay soo celiso xiriirka dowladaha aynu saaxiibka nahay ee xubnaha ka ah ururka İslaamka, dowladahaas oo ay ugu horreyso Jamhuuriyadda Turkey oo iyadu xiriir taariikhi ah la leh Jamhuuriyadda Soomaaliya tan iyo halgankii Gobanimo doonka ee Soomaaliya.

dffkm4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kal hore (18-ka April 09) waxa uu soo booqday dalka Turkey isaga oo si heer sare ah uu ugu soo dhoweeyay dhiggiisa madaxweynaha Turkey Mudane Cabdullahi Guul, iyagoo isla soo qaaday qodobo muhim u ah labada dowladood iyo iskaashiga danaha faa’iidada u ah labada shacab.

Tan iyo markii la furay Safaaradda Soomaaliya ee Turkey bilowgii sanadka 2008 waxaa la dareemayaa horumar la taaban karo ee dhinaca xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Turkey ee dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga iyadoo dadaal dheer uu u galay U qeybsanaha ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Turkey Mudane Cabdi Fataax Warsame Rooti.

dffkm5

Dalka Turkey-ga ayaa ah dal weyn oo leh İstiraatiyad Ganacsi ee wadamada Europe, Africa iyo Asia, waxaana halkaas ku xiran ganacsato badan oo Soomaaliya oo la leh xiriiro sugan oo ganacsi.

Dhanka kale U qeybsanaha Ganacsiga Mr. Rooti ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursadaha ka jira dalkan isagoo sheegay in uu gacan weyn ka siin doono isku xirka ganacsatada labada dal iyo fududeynta howlaha ganacsatada Soomaalida.

Isha warka:
SOMALI EMBASSY COMMERCIAL ATTACHE ANKARA

Dhanka kale, warar laga helay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada DFKMG C/qaadir Maxa’ed Cusman Barnaamij ayaa sheegay in Sheikh Shariif oo Sabtidii (Nov 7) ka ambabaxay Muqdisho in uu ku sii jeedo Turkiga. Wararku waxa ay sheegayaan in Sheikh Shariif uu gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.