Home » Maqaallo »

Socdaalkaygii muqdishu…!! | Maxamed mustafe xaaji

Sida ii qorshaysnayd waxaan xir xirtay alabtayda waxana aan go,aan ku gaaray inan usafro dhankaas iyo casimada dalka Somalia ee magalada muqdishu bal si aan usoo ogaado xaqiiqda dhibato ee ka jirta caasimada .

Waxan tagay muqdishu 29\09\2009. Waxan ka dagay adan cade airport anigoo darenkayga aan la qiyaasi Karin waxa aan trenset ku maray dhowr dal oo ay ka mid ahayen Djabouti iyo yemen waxana aan istaagayay daaqada lagala tacaamulo ajaanibta intaasi dhib malahane waxay nagula tacaamulen sida dad aan jirin ama CARGO la sito oo uu qof sito su,aal markii ay waydiiyeen dhalinyarada ila socotay howlwadeenada airport-ka sanca waxay noo shegen in aan nahay Somali, go,aan ka so baxay wasarada arrimaha gudaha yemenna aan la,ogolayn somalida in gudaha la geeyo saa darted howlkan hadii aad heshen nasiib wacan ayad ledihiin ayuu ku jawabay mas’uulkaas sare ee ka tirsan howlwadeenada airpotrka sanca ee dalka yemen.

Arrintii waxay sii siyadisay caradena waxaa intaas ka darna markii ay howlwadeenada dib noogu soo laabteen oo ay dhahen dadka trunset-ka ah inta aan Somali ahayn bus kaas ha raacaan oo waxaa loo ka xaynayaa hotel wayo waqtiga ay diyarada sugayan ayaa dheer somalidana howlkaas ayaa wayn ee ha aadaan. Ka daranoo dibi dhal sida somalida ay tiraahdaba dadkii ayaa wada yaabay is waraysi ayaa la bilaabay dadyowga nala socday waxaa ku jiray qaar u dhashay Djabouti oo ka yaabay arrintaas si kastoy ahataba cid aad uhanjabi karto malahan! cid aad udacwooto malahan! cid aad kala hadasho arrintan ma jirto wayo markaad maagto mas’uul Yemeni ah inaad la hadasho wuxu lahjadiisa ku waydiinaya ku wa kale ma Somali baa ?? haa ayuu oogu jawabayaa . jawabta uu mas’ulkas na siinayo waxay noqonaysaa ii suga wan idiin imaanayaa oo micneheedu tahay waxan ku go,an ahay howlwadeenadeena.

Hadaba dhacdadan yemen innagu qabsatay annaga oo ardo badan ah ayaa waxay meel ka dhac u tahay sharafta ay umadii Somali lahayd oo ay bulshada markii ay ku dhex jiraan aad looga ixtiraami jiray hadana ayadoo adduunka waxa loogu ixtiraam badanyahay ay tahay ardada haddana yemen sida ay oola dhaqanto ardada somaliyed ee trunset-ka ku ah waa si aan loo dulqaadan Karin oo ay haboontahay dad waliba in ay dareen kooda ka muujiyaan.

Dadka ay sidaa oo la dhaqantay waa Somali trunset ah haddaba side bay oo la dhaqantaa ardada ayada gudaheda ku nool.

Waxan telefan kula xiriray markii aan ku soo laabtay magalada Khartoum ee dalka sudan qaar ka mid ah ardada wax ka barata halkaas waxana aan waydiiyay qaabka ay oola dhaqman mas’uuliyiinta yemen ee jooga wasaradaha kala gadisan gaar ahan arrimaha gudaha iyo tacliinta sare ?

Wuxuu ii shegay in ay aad ugu dhibbanyihiin qaab dhaqanka wasarada arimaha gudaha wax yabaha ay aad oogu dhibanyihiinna ay ka mid tahay marka ay samaysanayan iqamada (dal ku jog) oo aan wax ba laga dhafin ardayga ama aan loo la dhaqmi qaab arday , hadii ay dhacdo inuu hal(1)bil samaysan wayana loogu dhufanayo ganax aad ubadan taas oo ardayga uu dareemi karo dhibato aad ubadan.

xaaji
Haddaba dowlada Somalia waxaa la gudboon goloyasheda kala gadisan gar ahan madaxda ugu sareysa illeen shacabkaa ayagaa matalayee inay u istaagan wax ka qabashada arrintaas sababtoo ah waxa ugu wanagsan ee uu qof ku tashado waa aqoonta taas oo ay dowlada la gudboontahay in ay is garabtagto ardadeeda meel kasta oo ay joogaan .

Maxamed mustafe xaaji xasan

malikmaxamed@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Socdaalkaygii muqdishu…!! | Maxamed mustafe xaaji "

  1. sadaam says:

    asc.
    waxaan u fahmay in aad u jeeday socdaalkii sanca ee aad ku khaladay socdaalkii muqdisho markaas bal sax oo sheeg sida la isu waafajinayo qoraalkaaga iyo ciwaankaaga.

  2. Asc wallaal salaan dabadeed qoraal kaaga aad ku sheegtay safar kaaga muqdisho waa uu qal dan yahay waan aqriyey oo wuxuu iga turay xagaa iyo yemen marka wallaal adigoo mahad san safar kaagi muqdisho inoo sax

    shukran

  3. WARSAME says:

    walaaloow cinwaanka maqaalkaaga waa socdaalkeeygii mogadishu, markaan akhriyey qoraalkaagana wax ku saabsan socdaalkaaga muqdishu kuma arag. waxaan kaliya arkey sida ay shaqaalaha airaboorka YEMEN idinkula dhaqmeen?
    haba yaraatee wax ku saabsan socdaalkaagii xamar kuma arag meesha,ama qoraalkan waa PART1 ama qeybtii kowaad oo waxaa soo qoreysaa QEYBO KALE. haddii ay sidaa tahay maxaad ugu qori weyday QEYBTA KOWAAAD. cinwaanka,

    ok thanks mahadsanid