Home » Warar »

Warbixin Guud ee Xerada Qaxootiga Al-Kharas Yeman iyo Tahriibka | Ibraahim Baaffo

Video Hoos ka daawo:

Ibraahim Cumar Baaffo oo booqasho ku tegey Xerada Qaxootiga ee Al-Kharas ee dalka Yemen ee ay ku jiraan Soomaalida ka soo tahriibey ayaa waxa uu ka soo duubay Video caloolxumo iyo walbahaar ku abuuraya qof kasta oo Soomaali ah oo daawada. Waxa kale oo uu soo waraystay dadka sooo tahriibaey oo ka sheekaynaya rafaadka ku haysta xeradaas.

“(Dawarsiga ama tuugsiga) waxaa igu kalliftay duruufta (i haysata), waxaan ahayn Qaxooti oo ku nool Yemen, waxaan joognaa meeshaan san sano, wax aan meeshaan ku haynona ma jiraan . Saddex carruur ah ayaan meeshaan ku dhalay, labo guriga ayaan ku soo xiray, midna waa wataa, sidii aan saakay u soo baxay laba saac, xitaa ma helin boqol riyaal.”

Gabar kale, oo aan codku ka soo bixi karayn murugo awgeed ayaa ku catawday “walaalayool haddaad Soomaali tihiin in aan nasoo caawintaan ayaan rabnaa oo noloshayada sidaas ka bedeshaan.”

Xuseen Xaaji Axmed oo ah kuxigeenka Qunsuliyadda Soomaalida ee Cadan ayaa Ibraahim Baafo waxa uu u sheegay in: Qarammada Midoobay ay hadda doonaysan in ay si tartiib tartiib ah ay faraha ugla baxaan Qaxootiga ku sugan Yemen, iyagoo sabab ama marmarsiinyo ka dhigtaan in arrinta Soomaaliya ay luga dheeraatay, oo soo afjarmi weydey, dadkii kaalmada bixin jireyna waa ka daaleen, wixii ay bixin jireena waxay u jiheeyeen meelo kale sida Darfuur iyo meelo kale. Xitaa waxa la siiyo in marmarka qaarkood ay yihiin cunto dhacday, sida bur dhacay ama qamadi dhacay, ama digir dhacday, oo muddo badan maqaasiino ku jirtey oo  bahallo ku dhasheen in la siiyo, ayuu yiri Qunsul-xigeenku.

baafo
Ibraahim Baafo oo jooga dhanka kale ee Gacanka Cadmeed

Gabar Soomaaliyeed ayaa ayaduna sheegtay waxa ugu dhibka badan ee haysta in ay tahay carruurta yaryar oo aan daryeel haysan iyo dadka waayeelka oo aan wax loo qaban. UN-ka ayaa isku sheega in ay dadkaan wax u qabtaan, waxba uma qabanayaan, ayey si murugo ku jirto u tiri.. “Ciyaalka caano ma haystaan, cisbitaalka haddii la geeyona wax loo qabto ma leh.” ayey tiri. Waxaana markaas filimka ka muuqanaya wiil yar oo nabar kaga yaal wajiga.

baafo2
Kuxigeenka Qunsulka Cadan

Waxay gabadhaasi intaas ku dartay: waxaan dadka Soomaalida waxaan gaarsiinayaan in ay noo gurmadaan oo wax noo qabtaan, oo nagawadaan meeshaan dhibka iyo kulaylka leh.

baafo3
Gabar Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah Yemen

Nin dhalliyaro ah ayaa ku cataabay in aysan cunto ku haysan meesha, isla markaasna aysan shaqo ku haysan oo shaqada la siiyo dadka dalka u dhashay. Mana jirto, ayuu yiri, wax daryeel ah oo kale aan la siin, sida daawo.

Dadkaasi waxay dalbanayaan caawinaad guud.

Waxaa aad u murugo badan in markii su’aal la weydiiyey nin ka mid ahaa dad markaas gaari lagu keenay oo ah tahriibayaal cusub in uu yiri meeshaan waxaan u malaynayaa meel fiican.

Daawo Video

La xiriir
Ibraahim Cumar Baaffo
Email: ibrahimbaffo@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Warbixin Guud ee Xerada Qaxootiga Al-Kharas Yeman iyo Tahriibka | Ibraahim Baaffo "

  1. abdirazaq says:

    waan idin salaamay salaan qaaliya aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin howsha culus ee aad uheysaan umadda waxaan sugnaaba waa naxariista allah ama ciqaabta allah hadii aan kusii socono sida may be inaan marno meeshii ay mareen kuwii naga horeeyay ee ku caasiyay our GOD

  2. WAA IDIN SALAAMAY SAAXIIBAYAAL SALAAN KADIB WALAALAYAAL TALO ILAAHEEY XAGIISA MAJIRTO WAXAY AG TAALA SOOMAALIDA GACMAHOODA ILAAHEY BAA WUXUU QURAANKA KU YIRI (INNAL LAAH LAAYADLIMU WALAAKINNA NAASA ANFUSAHUM YADLIMUUN) RASUULKA CALEEYHI SALAATU WASALAAM WUXUU YIRI
    (SIBAABUL MUSLIMU FUSUUQUN WA QITAALUHU KUFRUN)UMMADAN LA HALAAGAYO QAARNA LA BARAKICINAYO MA ILAAHEEY BAAY XAGIISA KATIMI?MAYA LAAKIIN ANNAGA AYAA GACMAHEENA KU RAADSANAY INAANU IS DILLO INNAGOO AWAL ISTICMAALEEYNAY QABIIL MAANTA WAXAAYNU KU BEDELNAY QURAAN MARKA WALAALAYAAL HADDII AAYNU SIDAAN KU SII SOCONO WAA HUBAAL INAANU BAA BI’I DOONA SIDA ILAAHAY UBAA BI’IYAY QAAWMU (THAMUUD)markii laga waayey nabad gelyo iyo alla kacabsi, waa tuu ilaaheey dhulka la wada gooyay.marka yaanay waxba laga sheegine ilaah aanu badino alla ka cabsi.
    waxaan kusoo gaba gabeeyn(irxamuu man fil ardi yarxamukum man fis samaa)
    professeur said
    libreville /GABON

  3. SSM says:

    AAWW,

    Meeshii Alle laga baryi lahaa ayaa UN la baryayaa, oo waxba nama siiso la leeyahay, Alle ayaan dadka ka daaleynine Baryadiisa idinkuna ha ka daalina.
    Soomaali meel kaste oo ay joogtana inay Alle ku kalsoonaato oo tala saarato, mar walbana barido isagaa amuuraha dhamaan xalkooda hayo una xilsaaran ee iska daaya Un-ka aad wax ka rajeyneysaan.
    AAWW

  4. Saadaq Barre says:

    waad ku mahadsantahay sxb shaqadaada quruxda badan ee aad qabatey waana ku faraxsanahay hormarka aad ku talaabsaneysid, waxaan kugula dardaarmayaa inaad sii tayeysid shaqadada oo aad si fiican u sii hormarisid
    Mahadsanid

  5. Yusuf says:

    UMMADA SOMALIYEED ILLAAHAY DHIBKA HA KA SARO, XALKU WAA KANA RABI-( QOONA ILLAAH MA BADALO IN AY AYAGU IS BADALAAN MAAHE)DHIBKA JIRA OO INOO MUUQANAYA WAXAAN QABAA IN UMMADA SOMALIYEED AY DHAMAAN MASUUL KA TAHAY, AYAGA AYAANA XALINB KARAYA, WAASE HADII AY KA TAGAAN QABYAALADA, ISKA FOGEEYANA SIYAASADA SHISHEEYAHA EE KU DHEX JIRTA.
    DADKAAN YAMEN AMA MEELO KALEBA KU DHIBAAYASAN-XALKA UGU WANAAGSAN WAA AYAGOO WADANKOODII LOO XASILIYO, WAAYO SOMALIA MAAHA MEEL AAN LAGU NOOLANA KARIN, HADII AAN COLAADI JIRIN.

    KOLEY ANIGU WAA MID AAN AAD UGA GUBANAYO, MUQAALKA AAN U JEEDO-DAD SOMALIYEED OO CIQAAB ADUN KU JIRA–INTOODA BADANA AYSANBA WAX LAGA KU LAHAYN SABABTA AY CIQAABTAAS U MUTAYSTEEN.

  6. salan sarre waan ku faraxsanah hawsha waanagsaan ee aad ugu tagan tihin inad uqabatan shacabkiina