Home » Badda, Warar »

Xafiiska Walad Cabdalla oo Qiray inaan Heshiiska Is-afgarad Lagu Qasbin Dowlada Kumeelgaarka ah iyo Norway Shidaal ka baari doonta Xadka marka lacabiro

Soomaalida shardi kuma ahayn, mana jirto cid ku khasabtay (in ay saxiixdo heshiiska is afgarad ee Soomaaliya iyo Kenya): Xafiiska Ergeyga Gaarka ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya…

  • SomaliTalk.com | November 6, 2009

Xog laga soo xigtey saraakiisha Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay (QM), Axmed Walad Cabdalla, ayaa sheegaysa in heshiiskii Is-afgarad ee xuduudaha badda uusan khasab ku ahayn in Soomaaliya ay saxiixdo “Arrintaan (heshiiska is-afgarad) waxaa Soomaalidu dhehi kareen hadda ma samayn karro, oo malaayiin hawlood oo kale ayaa nooyaal, ee soo laabta shan sano kaddib,” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan xafiiska Walad Cabdalla.

Xafiiska Walad Cabdalla, oo sida ku cad qoraalkii ay DFKMG u gudbisay QM, ka qayb qaatay gudbinta akhbaartii ay Soomaaliya u gudbisay QM, ayaa qirsan in aysan Soomaalida khasab ku ahayn in ay Kenya la galaan heshiis Is-fagarad ku saabsan xuduudaha Badda.

Markii la weydiiyey sababta ay Norway ugu dhex jirto arrimaha la xiriira heshiiska Is-afgarad ee badda Soomaaliya iyo Kenya, waxa sarkaalka Xafiiska Axmed Walad Cabdalla ku jawaabay:

“Waxaan u malaynayaa in (Norway) ay doonayaan…. waxaan u malaynayaa in ay rabaan qalfoofka qaaradda… Waxaan u malaynayaa in ay doonayaan isku day in dalalka Afrika oo dhan ay cabbir sugan u sameeyaan xeebahooda ee qalfoofka qaaradda, kaddib markaa ay (Norway) awood u yeelato in ay Shidaal ka qoddo, sababtoo ah haddii aan cabbirka xadka la aqoon ma qodi karaan, marka xuduudaha la cabiro ayey shidaal ka baari karaan.”

Markii la weydiiyey su’aal ahayd: Maadaama Soomaaliya aysan hadda haysan khubaro, isla markaasna ay Qarammada Midoobay arrimahaas fahmi karaan, miyaan la oran kari arrintan waxaa masuuliyad ka saaran tahay Qarammada Midoobay. Waxa markaas sarkaalka xafiiska Walad Cabdalla ku jawaabay: “Laakiin arrintani waxay khusaysaa Soomaalida iyaga ayaana leh go’aanka iyo waxa arrinta laga dhehayo.” Markaas ayaa la weydiiyay: Waad ogtihiin waa sababta xafiiskiinu u jiro (in QM ay Soomaaliya wax u qabato). Waxa sarkaalka xafiiska Walad Cabdalla ku jawaabay: “Laakiin waxa xafiisku u jiraa – oo aan samayn karnaa – in aan ahaano broker (lataliye, dallaal, ukala dabqaade)… idiinma sheegeyno waxaad samayn lahaydeen. Soomaalida shardi kuma ahayn, mana jirto cid ku khasabtay (in ay saxiixdo heshiiska is afgarad ee Soomaaliya iyo Kenya). Arrintaan (heshiiska is-afgarad) waxaa Soomaalidu dhehi kareen hadda ma samayn karro, oo malaayiin hawlood oo kale ayaa nooyaal, ee soo laabta shan sano kaddib.”

Markii la xasuusiyey in C/laahi Yuusuf uu dhahay sidaas (in hadda Soomaaliya aysan gelayn heshiiskaas), waxaa sarkaalka xafiiska Walad Cabdalla ku jawaabay: “Haa… mana ogi hadda sababta (ay DFKMG ee hadda) u sameeyeen arrintan. Waxaan u malaynayaa in aysanba markaas fahamsanayn arrinta. Ma ogi waxa meesha ku qarsoon.

Markii loo sheegay fikradda ay rumaysan yihiin jaaliyadda Soomaaliyeed in ay tahay in idinku (Xafiiska Walad Cabdalla) uu masuul ka yahay waxa dhacay? Waxaa sarkaalka ka tirsan xafiiska Walad Cabdalla ku jawaabay: “Waa ognahay in qof kasta uu annaga na eedaynayo…” Markaas ayaa la weydiiyay in arrintan laga hadlayo ay tahay go’aan weyn oo ku saabsan muran dhul iyo muran badeed, isla markaasna la xasuusiyey in arrintaas ay Qarammada Midoobay indhaha ka dadbatay. Waxaa xafiiska Axmed Walad Cabdalla ku jawaabay “ma ogi in QM ay xallin karto muranka dhulka….”

Marar badan ayaa DFKMG waxay ku andacootey in ay khasab ku ahayd in ay Kenya la saxiixato heshiis Is-faham ee la xiriira xuduudda badda, si markaas ay xogta ugu gudbisato QM, arrintaas in aan waxba ka jirin ayadoo hore ay shacabka Soomaaliyeed u ogaayeen ayaa haddana waxaa si qeexan u caddeeyay sarkaalka ka tirsan Xafiiska Walad Cabdalla.

Waxaana xusid mudan in Walad Cabdalla uu ahaa kii bilaabay ururinta xogta ay Soomaalidu u gudbisay QM, sida ku cad qormada hordhaca ah ee DFKMG u gudbisay UN April 14, 2009. Bogga 3aad ee qoraalkaas waxaa ku qoran:  “October 2008 ayaa ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, ayaa lahaa bilawga akhbaarta hordhaca ah ee muujinaysa qalfoofka qaaradda ee Soomaaliya wixii ka durugsan 200 mayl badeed.”

Sidoo kale, sida uu sheegay Raysul wasaare Cumar C/rashiid ka sheegay London, Walad Cabdalla iyo Khabiir kale ayaa markii ladoortay Dowlada FKMG ee lagu shiday Jabuuti tagay Muqdisho oo ku qanciyey talaabooyinka ay qaaday. “Arrintaas horta waxay ku timid aasaaskeeda anagoo joogna ayaa waxaa noo yimid UN-ka ninka haysta Walad Cabdalla iyo nin khabiir ku ah arrimaha badda….” ayuu yiri Cumar C/rashiid oo October 28, 2009.

Xafiiskii (QM) ee lahaa asaaska heshiiskaas Is-afgarad ayaa hadda qirsan in aysanba markii hore DFKMG khasab ku ahayn in ay Is-afgaradkaas la gasho Kenya.

Maxaad kala socotaa taariikhda xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya:

Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya

Xafiiska Ergeyga Khaaska ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa madax xilligan ka ah Axmed Walad Cabdalla. Haddaba waxaan si kooban u guud maraynaa taariikh ahaan sidii uu ku bilowday iyo ciddii xilalka ka soo qabatay iyo shaqada xafiiskaas.

Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (January 1, 1982 – January 1, 1992) Javier Pérez de Cuéllar, oo u dhashay dalka Peru, ayaa Decmber 1991 waxa uu Soomaaliya u diray wafti xaqiiqo raadis ah si ay u soo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirtay Soomaaliya. Waftigaas waxaa hoggaaminayey James O.C. Jonah, oo u dhashay dalka Sierra Leone. Waftigaasi waxay soo diyaariyeen warbixin ay aad uga dayriyeen xaaladda Soomaaliya. Warbixintaas ayaa la tilmaamaa in ay sabab u ahayd in Qarammada Midoobay ay Ergey ama wakiil gaar ah u magacawdo Soomaaliya.

Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (1 January 1992 – 1 January 1997) Boutros Boutros-Ghali, oo u dhashay dalka Masar, ayaa April 28, 1992 waxa uu Wakiilkiisa Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Maxamed Sahnoun, oo u dhashay dalka Algeria. Waa xilligii UNOSOM I (April 1992 – March 1993). Laakiin October 26, 1992 ayaa Sahnoun iska casilay xilkaas kaddib, sida la sheegay, markii khilaaf soo kala dhex-galay isaga xoghayaha guud QM.

Markaas ayaa waxaa Xoghayaha Guud ee QM waxa uu November 8, 1992 Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Ismat T. Kittani oo reer Ciraaq ah. Ismat Kittani waxa uu ahaa ergeyga gaarka ilaa March 1993 markaas oo ay bilaabatay UNOSOM II (March 1993 – March 1995) iyo xilligii hawlgalkii UNITAF ee “raja soo celinta Soomaaliya” (December 5, 1992 ilaa May 4, 1993).

March 9, 1993 ayaa  Admiral Jonathan T. Howe, oo u dhashay Maraykanka, waxaa uu noqday Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya. Waxana uu xilkaas hayey ilaa February 1994 markaas oo uu is-casilay.

Waxaa markaas (February 1994) Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya si kumeel gaar ah u sii qabtay kuxigeenkii oo ahaa Lansana Kouyaté, oo dhashay dalka Guinea.

July 1, 1994 ayaa Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, Boutros-Ghali, waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Victor Gbeho (oo ah reer Ghana).

March 1995 markii ay ciidamadii UNOSOM II ay ka baxeen Muqdisho, waxaa Qarammada Midoobay u muuqatay xagga nabadgelyada awgeed in aysan xafiiskeeda ergeyga gaarka ah uusan sii ahaan karin Muqdisho.

Sidaas daraadeed waxaa April 15, 1995 ay Qarammada Midoobay xafiis qaabilsan arrimaha Soomaaliya ka furtay Nairobi, xafiiskaas oo loo bixiyay United Nations Political Office for Somalia (UNPOS). Qarammada Midoobay waxay sheegtay in xafiiskaasi loogu talo galay “Horumarinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ayadoo lala kulmayo hoggaamiyaasha Soomaalida, ururada bulshada iyo dalalka iyo ururada danaynaya.”

Sida ku cad shabakada un-Somalia.org, xafiiska UNPOS hawshiisu waa mid siyaasadeed, waxaana garab siiya oo korka kala socda Qarammada Midoobay Waaxdeeda Arrimaha Siyaasadda ee loo soo gaabiyo DPA (Department of Political Affairs).

Waxaa xafiiskaas UNPOS madax ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, kaas oo si dhaw ula socda xaaladda gudaha Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira Soomaaliya. Ergeyga Khaaska ah waxa uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyaa warbixinno waqtiyo ah oo kooban, waxa kale oo uu warbixino u gudbiyaa Golaha Ammaanka ee QM. Xafiiska Soomaaliya u qaabilsan QM (UNPOS) waxa uu bixiyaa hagid siyaasadeed markii loo baahdo, oo uu siinayo rugaha Qarammada Midoobay iyo hay’adaha UN-ta ee maaraynaya mucaawinada bini’aadamino iyo ururada UN-ta ee dalka Soomaaliya, sidaas waxaa qortay shabaka xafiiskaas ee Nairobi.

Waxa kale oo shabakada xafiiska UNPOS ku qoran in Xafiiskaasi uu taageero soojeedinta dalalka gobolka ee ku aadan in la horumariyo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxa kale oo shabakaasi (www.un-somalia.org) xustay in ammaanka Soomaaliya oo liita awgeed uu xafiiska UNPOS ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in uu ka hawl galo Nairobi Kenya.

Dabayaaqadii September 1995 ayaa Ergeyga Soomaaliya loo maagacaabay Dr. Abdul Hamid Kabia oo u dhashay Sierra Leone, isagoo xilka hayey ilaa October 1996.

November 1996 ilaa September 1997 waxaa Ergeyga Soomaaliya ee QM hayey Felix Mosha oo u dhashay Tanzania.

October 1997 ilaa February 2002 Ergeyga Soomaaliya waxaa haa David Stephen oo u dhashay dalka Britain.

Xoghayahii Guud ee QM (1 January 1997 – 1 January 2007) Kofi Atta Annan, oo u dhashay dalka Ghana, ayaa February 25, 2002 waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Winston A. Tubman oo u dhashay  Liberia. Waxana uu xilkaas hayey ilaa  April 2005.

Kofi Annan waxa markaas kaddib ergeygiisa khaaska ah ee Soomaaliya uu May 3, 2005 u magacaabay François Lonseny Fall, oo u dhashay dalka Guinea, waxa uu xilkaas hayey ilaa September 2007. (Waxay ku beegan tahay xilligii ciidamada Itoobiya ay galeen Muqdisho December 28, 2006 ilaa Janauary 15, 2009).

Xoghaha Guud ee QM (ee xilka qabtay January 1, 2007) Ban Ki-moon, oo u dhashay dalka South Korean, ayaa Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu September 12, 2007 u magacaabay Axmed Walad Cabdalla (Ahmedou Ould-Abdallah) oo u dhashay dalka Mauritania, oo xilkaas hadda haya, isagoo ah madaxa xafiiska UNPOS.

Sida ku cad warbixinta hordhaca ah ee ka kooban 15-ka bog ee Dawladda Federaalka kumeelgaarka ah ay u gudbisatey April 14, 2009, taas oo qayb ka ah xogta lagu lifaaqay heshiiskii Is-afgarad ee xuduudaha badda ee April 7, 2009 magaalada Nairobi ku dhexmaray xukuumadda FKMG iyo Kenya, waaxaa diyaarinta (warbixintaas) ka qayb qaaday Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. (Eeg Bogga UN). Sidoo kale, sida kor ku xusan, ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa caddeeyey in asaaska heshiiska is-faham uu lahaa Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed waxay si xoog leh uga soo horjeesteen Heshiiska Is-faham ee dhexmaray DFKMG iyo Kenya. Hadda xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu qirsan yahay in Heshiiskaas uusan markii horeba khasab ku ahayn DFKMG in ay gasho.

Baarlamaanka DFKMG ayaa heshiiskaas is-fahamka waxa uu ka dhigay waxba kama jiraan. Taas oo jirta ayaa xubno sare oo ka tirsan xukuumadda FKMG ay ku adkaysanayaan heshiiskaas. Waxaana muuqata in xukuumaddu aysan diidmadii heshiiska ee Baarlamaanka u gudbin Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan xadaynta badaha.

Maxaa hadda la gudboon DFKMG.. Akhri warbixintii hore, gaar ahaan: Maxaytahay Talaabooyinka hadda loo baahanyahay in si dag dag ah loo qaado.

Isha qaar ka mid ah xogta iyo sawirada: UN.org, Wikipedia, Google images

MOU: Tixraac bogga UN-ka

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

22 Jawaabood " Xafiiska Walad Cabdalla oo Qiray inaan Heshiiska Is-afgarad Lagu Qasbin Dowlada Kumeelgaarka ah iyo Norway Shidaal ka baari doonta Xadka marka lacabiro "

  1. Abdiasis H. says:

    Runta hadi aynu ka hadalno, hadii aynu soomaali nahay ma rabno inaan runta aragno ama is tusno, dulucda hadalkeyga waxa waaye, hadii aynu soomalai nahay wax wanaag nala raba malahan UN ama reer yurub ama reer galbeedba, anaga oo soomaali ahna hadii aynu danteena garan weynay oo wlai aynu afara qabiil iyo wax aan la garanayn aynu isku leneyno, maxaa meesha yaala dee, hadii aynu wali u fakireyno reer hebel iyo qabiil hebel iyo wax lamid ah, waligeen inaan hormar gaarno ama wax wada qabsano aan iska hilmaano, wasalamu aleiku.

  2. CADEEYA says:

    waad salaaman tihiin dhamaan walaalala yaal ma is way diiseen khatarta ay leedahay in markasta,oo wax dhaba ah oo ina haysa aan sheegno balse aynaan talaabo qaaday nin waa hadii ay jirto cid wadani ah oo is kaa shata . isla markaana ay wali ina ma talayaan kuwa wax walba saxii xaya ee sugaya inta dhiman in oo ah inaga shacabka ay nagu wareejiyaan cidii nooga baahata .hadab dhamaan teen aan is garab sano,ALANA WAYDIISANO IN NAGARAB GALO AMMIIIIIIIIIIIIIII

  3. marka hore waxan u mahad celinayaa somali talk sida wadaniyada leh aay shacabka somaliyeed ugu bararujisay in badooda la gatay iyadoon heshiiska dhicin ayaad ka hadasheen cid dhag jalaq idiin siisay naleh talo so jeedin waxan leyahay sharif iyo ina abdi rashiid iyo parlaman toona yaan wax laga sugin ee umada somaliyeed inta wadanka somaliya iyo dadka somaliyeed ka danqaneyso ha u istaagan sidii umada iyo bada iyo diinta loo badbaadin lahaay iyadoo ulaahey la talo saranayo somali talk waxaan idin leyahay baraarujinta meeshiina kasii wada somalida dalka iyo dibada jogto iga garsiiya sidii loogu istaagi lahay badbaadinta dalka iyo diinta iyo dadka wayo dowlad ma jirto dowlad ogol ma jirto shacabkada hala xasuuqo badaanbo ka hadleynaa marka yaan wax lagu haleyn dowlad ma jirtee eeshacabka gudaha iyo dibada jogo ha u istaagan bad badinta shacabka diinta iyo dalka wabilaahi towfiiq

  4. shafici says:

    I say to you all somali talk readers, my friends never give up hope, i still have a dream. it is a dream deeply rooted in the Great somalia (somaliwayn).
    I have a dream that the four big clans of somalia and others will one day come together and live in a peaceful nation where they will not be judged by the clan they belonge but by their character.
    I have a dream that one day somali people will rise up and live together peacefully in the true meaning of unity, i hold this truth to be self-evident that all somalis are equal, united we stand devided we fall.
    I have a dream that one day on the Westeren somalia basin the sons of former imam ahmed gurey (left handed) and the sons of former sayid mohamed abdule hasan in northeren and southeren somalia will be able to sit down togther and form a uninted somali weyn.
    i have a dream that one day even the state of Djiibouti, a state sweltering with the heat of french oppression will be transformed into somalia (somaliweyn)
    I have a dream to day that one day down in the indian ocean around kismayo with its full of natural resources, where the kenyan government ennexing somalian sea, having their lips dripping with the words of memorandum of underestanding between Corrupted Government of kenya and the so called Somali Government one day right there justice will be served.

  5. geeddi says:

    war waa wareey!!!!!!

    oo warku muxuu yayay?

    waa ka dar oo dibi dhal.

    Allow ur u bixi.

  6. Abuukaato Amiin says:

    Salaam dhammaan umadda soomaaliyeed, walaalayaal sida wax loo qoray sax maahan oo laga bad badiyay lkn arinkaan wax waa kajiraan waana sidatan
    Dowladda kenya waxaa ay isku daynday khiyaandaan oo kale Xiligi dowladi carta nasiib wanaag wasiirki haya jagada wasiirkan hada saxiixay waxaa uu ahaa in waaaya arga ah waana kadiidyay sido kale waxaa ay isku dayeen xiligi dowladi cabdullahi Yusuf Wasiiraduna waa kabaqayeen odaga wax usan ogayn masamayn karin, markale waxaa ay isku dayeen Dowlada Shiikh Shariif, wasiirka hada jgada hayo oo loo shegay lacag waali ah iyo Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha oo baariyaala ah ayay ka faa iideesteen lkn khiyaanadaasi wa dhicisowday waayo waxaa diiday baarlamaanka xuduudaha badana waxaa ansixiya baarlamaanka dowlad walba waa sidi dhulka oo kale xitaa Madaxweyne ma iibinkaro asiga oo aan helin ogolaanshaha baarlamaanka. Soomaalidu saaaas ha ogaato

  7. husein says:

    walaahi aad ayaan ula yaabanahay in maanta dhulkii dib loo gato marka loofiirsho dawladii abdullaahi iyo marka la fiirsho tan shariifka waxa dib badan ugaystay dadka tan shariifka oo dilkii abdullahi waxa ay dheeraysatay dhul gadasho marka waxaa haboon uu aan dhihi lahaa wadaada waalwaaan halataageero ayagan kenya iyo cid kale wax u ogolayn aad ayaad u salamantihiin bahda somalitalk oo aan kadareemayo in ay saan uga xumahay si kadaran ay uga xun yihiin dhul gadashada somalia lagadanayoo oo waliba kenya laga gadanayo thnks every bady

  8. Maxamed Siciid says:

    Waad salamantihiin walaaha sharafta leh. walaaliyaal, waxaa layiri hadii qof indhoole ah hogaanka usha kuu qabto waxaa shi la,aan ah in bohol kugu ridayo, marka ilaa soomaaliya aan laga qaban qof aan siyaasad iyo cilmi dowladeed aan u laheyn in maamul loo dhiibo mahan godkaan aan ku jirno hadda waxaa ka daraan kan hadda la qodayo meel laga soo noqdo lama joogee waxaa fiican in nalugu duugo godka aan ku jirno.wanaiyad la,aan, diin la,aan, isnaceyb, xasid iyo jahli waxay dhaleen ayaan dhexda ugu jirnaa mana ka bixi doono ilaa qiyaamaha 20 sano way hadlayeen somaalida meel ficil ubaahana hadal wax kama taro.

  9. Miskiin says:

    Soomaali jawaab:
    Fadlan, maad abaabushaan mudaaharaad ka dhan “Noorway!

    Waa talo fiican. Runti la oran karo faaiidoyin badan ayeey yeelan kartaa. Tan ugu cad, waxaa weeye Norway oo dawlad iyo shacabkeedaba la tuso, inay Soomaali idin ogtahay. Faaiida kale oo yeelan karto, waa Soomaalida oo hurdad laga kacaiyo lol. Taas waxaa sii dheer – the event will be discussed in the internet.

    Young Somali Brother

  10. sawda says:

    Walaalayaal dhamaan waad salaamantihiin bacda salaam,waxaan aad ulayaabnnahay wxa kukalifay mas uuliyiinteena in ay khayaamaan waxaan ugadhiganay mas uulka, tankalemiyaanu wdanku ahayn iyaga xataa dhxalkoodii ay ab iyo isir u lahaayee walina ay ubadkoodu sugayaan kolayba anigu waxaan qabaa in qirashadooda maanta ah ay kaliftay uun in markii laga dhamaystay dan tii laga lahaa ay noqdeen uun sidii MILOSOVICH kii serbia oomarkuu muslimiintii bosniya xasuuqay lagusooqufay xabaalihii jamaaciga ahaa taasna waa sunada camiiliinta lagula dhaqmo caalamiyan,taas ayaa kalifaysa in ay maanta qirtaan oo yidhaahdaan, kenyaa khalad gashay iyo wax lamid ah laakiin su aashu waa shacabku suu u aqbalayaa;

  11. Qabowsade says:

    Walalayaal, waad ku mahadsantihiin Danaha Qaranka Soomaaliyeed wixii wax u dhimaya inaad soo bandhigtaan oo weliba mustaqbalka Jiilka Soomaaliyeed ku ah Hagardaamo. Walaalyaal waana waajib muqadas ah oo idin saaran inaad Dalkiina wixii bad iyo dhulba cadow u soo kacaya ka difaacdaan, lana kaashataan inta aan ogaalka u hayn waxa loo maleegayo Dalka Soomaaliya.

    Qaranimo waxa weeye midnimo ummadeed oo sharafta Dalkooda Bad, Dhul iyo Cirba wadajir in loo difaaco mudan. maanta taas Soomaalida kursiga inta ku fadhida ayey Qaranimada u qaateen war hadalka yaan badine Dalka waa beylah ee aan u dhisno Kacaan Wadniga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dal iyo Dibad oo aan aayihiisa mustaqbal mid midasan ka dhigano walaalayaal.

  12. Jarweyne says:

    Miyanan dhihin dowlada norway ayaa wadata heshiiskaan si ay kenya dhul ugu xalaaleeyso iyaduna Saliida bada hoosteeda dhurato ??????/ what a ignorant somalis

  13. Yusuf says:

    Hal xaaran ah nirig xalaala ma dhasho–> Dadka dhulka somaliya iibsaday waxaa keensaday shosheeye oo ay u shaqeeyan…hadaan dhulka intiisa kale laga gaarina wax badan ayaad maqli doontaan.
    Abdilaahi Yusuf markii uu arinkaan diiday ayaa waxaa loo ololeyey in meesha rag kale oo danahaan laga fushan karo la keeno ayadoo shaar looga dhigayo somaliaya ayaan nabad ku soo dabaalaynaa…Shaki kuma jiro in Omar Abdirashid iyo shariif aysan waxba is dhaamin ay na yihiin dabilayaal qiyaamo qaran galay….taariikhda ayaana xusi doonta.

  14. Soomaali says:

    Fadlan, maad abaabushaan mudaaharaad ka dhan “Noorway!

  15. cabdi aadan says:

    ascww,waa idin salaamayaa dhamaan walaalaha soomaaliyeed guud ahaan ,gaar ahaana walaalaha qora somtalk.com iskuna dubarida,waxayna tuseen dadaal aan hagar iyo kala go,lahayn,waana dareemi karnaa waxa ku xambaaraayo oo ah wadaniyad iyo dal jacayl,waxaan xasuustay dabcan waxaan ahay nin qurbaha ku nool waxna ka bartay qaacido oranaysa(qofka saxafiga ah waa indhaha iyo dhagaha qofka maqan)waxaa kaloo jirto inay farta ku fiiqaan wixii aan sax ahayn ee bulsho lasoo darisyo.Ani ahaan dhinacayga iyo intii igu fikir ahba waxaad agteena ku leedihiin bacdalaahi mahadbalaaran oon lasoo koobi karin.Hadaan usoo noqdo arintaan bada iyo masuuliyiinta ka danbeysay marka hore waa canbaareyneynaa,kuna timaameynaa arin laga murugoodo lagana xumaado.Laakin waa in guud ahaan soomalida si aan kala go,lahayn umudaaharaadaan wadan walbaa ooy ku nool yihiin,Aduunkana la tusaa inaysan cidna matali karin musuuliyiintaas ay arintaan ka hoos baxaday(waa haday radificli sameenwaayaan kana dabatagi waayaan arintaan murugada leh)waxaan lee yahay taas anoo og iney yihiin rag meesha lawada geeystay si ay danaha shisheeye u hirgaliyaan tanaana ka mid ah(mahadsanidiin marlabaad)

  16. Liban says:

    ASC
    Kani waa WAREER CABDALLA somali waa wareriyey. Malin wxuu yiraahdaa qalinka aan idinla qabtee badaha gada malina wuxuu yiraahdaa dadkiina dad xasuuqa keena. Waa oday somalida baabeda loo soo diray. Somalida hada jirtana caqligoodaba sanado danbeeya wax ma fahmaan markii qalinku dhaco ama arini ay faraha ka baxday ayeeyba kala ordaan maa ufiirsadaan oo ka feejignadaan falalka ay suubinayaan. SOMALI MANTA WAXA LOOGU CIYARAYAA SIDII ILMAHA TOYSkooda oo kale Very Sad. ALLAH ALLAHa Rabi La Ushric bihi sheyaa

  17. sahal says:

    Waa wax aad looga xumaado. kuwani Dowlad wax ay ka ogyihinn male wadaniyiina maha waa mafiyo wadan loo dhiibtay dad dhulkoodii usixiixay cadaawe. Waxa kaliya ooy soomalida maanta jirtaa jecelyihiin waa lacag lacag baana lagu siiyey weysan sheegayn maahe. Balse aduun wixii jooga qisadan oo run ah gadaal bay ka soo bixi. Kuwaan dowlad ku sheegana tariiqda soomaliya meel madowbay ka galeen. Aad iyo aad baan uga xumahay in dadkeenina la baabiyo badihiina lagato ALOOW SAHAL AMUURAHA

  18. DR Yusuf issa says:

    ASC aniga waxey iila muqataa weligeedba UN wey inala daba joogtey dhibaato hadana awalba ceel inooma qodneyn oo 20sano beynu dawlad la’aan ahayn marka xafiiskaas Kenya ka furan nolol inaku soo siyaadin maayo waa inaan Dawladu mardanbe xafiiskaas la shaqeyn unless mogadishu la keeno! waayo qandaraas baanu nahay dhinacii la doono ah.
    Mahadsanidin

  19. mohamed says:

    A.S.C.W-R.W-B. Salaan dabadeed Somalia Dhul iyo Bad in ay baadi tahay weynu ognahaay, Baadidu waa kala baxdaa ee waa Adhi, Sharcigu wuxuu Qabaa Adhiga baadida ah ninka helaa in uu yeelankaro intii uu Habardugaagu cunilahaa. Dhulkaan kuwii lahaa ayaa ku noqday Weer oo Aragtidoodu aaney Dhaafsiisnayn Jidiinkooda iyo Calooshooda.Kenya hadii aaney u saxiixin sidii Cabdullaahi Yusuf ayaa la oranlahaa nooma imankartaan mana soo marikartaan Kenya shaqadana kataga. Teeda kale wixii la soo xado iyo wixii Qurba Soomali ka keento iyo Sadaqada gaaladu siiso soomaalia wexey galeen Kenya. Soomaali inta badan weliba kuwa siyaasada horboodaya una badan tuugo beenaalayaal ah kuna shaqayya dantooda gaarka ah iyo dana shisheeyye, wax walbana u jecel in ay Guri ka dhistaan Mombasa ama Nairobi. Qofka Beenloowga malaa-igta ayaa ka cararta qurunka kabaxaya.Ina Cabdirashiid markii la yidhi qalad baa dhacay wuxuu kujawaabay dadku wax ma oga, waxaa ku xigtay waa nalakhayanay, hada Maxaa uu la aamusanyahay marka ay Kenya hadleyso oo UN hadleyso.
    Teeda kale Soomaali oo dhan ma somalitalk bey ku soo ururtay, hadaba far keliyi fool madhaqdo ee ha la taageero somalitalk ita ay dadaalayaan oo wax bidhaaminayaan rajo ayaa jirta. Kuwan dawlad ku sheega ah kuwa dhaama Alla ha keeno. kuwa Daaraha ku bedelanya Dadkooda iyo Dalkooda Hadii la noolyahay wexeynu Arki iyagoo guryaha Kenya laga soo saaray oo Teendha looga dhex yaglalayo wixii ka soo hadhay dhulkii ay gateen. Illaahoow soomaaliya badbadbaadi.
    Mohamed

  20. abdul says:

    somalidu al shabaab ha taageerto walahi waayo waligeey waan necbaa al shabab iyo xisbul islam laakiin waxaan arkaa qashinkan dowlad kusheegaa waaba rag usoo jestey ineey dalkii gataan waxaan kaloo la yaabaa qolooyinka barlamaanka ku jira sababta ay dowladaan u ridi waayeen oo arintan serious ugu qaadan waayeen malaha waxay ilaashanayaan mushaarkooda ilaahey waxaan somaliya uga baryayaa inuu dhibkan ka saaro somalina waxaa ku waajiba jihaad xaqa oo ay badooda ku difacayaan waanad ogaan doontaan wa aimaaneysaa

  21. Abdushakur Abdullahi says:

    Asc. Bahda somalitalk waad ku mahadsan tahiin war bixintiin sharafta mudan ee aad u soo diyaariseen sooomaalida.

    waxaan idin ka codsanaynaa inaad baartaan arintaa saxiixa badda kusaabsan inay madaxda dawlada ka tirsan ay lacag kuqaateen & in kale ? waxaa soo baxay warwar badan oo isqilaafsan? waxaa kale aad umada soomaliyeed ka shaafisaan oo baaritaan in madaxda sare ee dawlad ku meel gaarka ah ay guryo ka gateen wadamo badan oo dibadda ah sida Ugaando, Jabuuti, maleeshiya & Dubaye? waayo waxaan arinkaas idinka codsanaynaa waxaa jirin idaacad Qaran oo dadku ku kalsoon yahiin oo ka hadasho danaha Qaran leeyahay.Tusaale ahaan wadanka aan joogno ee denmark ninka hadda ka ah r/wasaaraha waqti uu ahaa Duqmagaalo ayuu Taxi lacagtii ayuu ku dalacay qasnada dawlad hoose, ka dib warkaas waxaa soo saar wariye qaran taas oo ku noqotay fadeexad lacagtiin dib ayuu jeebkiisa uga baxshay.Marka adinkuna arinkaas raadiyo meel saara maadaama aad danaha qaranka u hadashaan.waad salaamantahiin

  22. saciid says:

    asc runtii somalia waxay ku dhacday hog aan laga soo sari karin waa arin laga naxo in mantay dadkii masuuliyiinta ahaa laga saxiixay badeenii .
    maadaaba horay dhulkii loo baa biyey .
    somalia yaa u maqan waa yaabe yaase u dhashy ilaan dadkaan wadaniyiin mahan qof wadankaan u dhashayna waa u nixii lahaa dadkaa waa wada kooyte .
    maxaa noo tala ah ?
    ilaah baa noomaqan