Home » Warar »

Taliska Gobolka Bari oo ka Warbixiyey Qaraxyadii ka Dhacay Bosaaso.

Somalitalk:Bosaaso: Ciidamada Amaanka Puntland ayaa bilaabay howl galo ay ku baarayaan cidii ka danbaysay Qaraxyadii xalay ka dhacay Gudaha Magaalatan Bosaaso, Qaraxyadaasi oo lagula bartil Maamaysaday Labo ka mid ah Saldhigyada Magaalatan Bosaaso sidaa waxa Saxaafada u sheegay Taliyaha Ciidamada Gobolka Bari Cismaan Xasan Cowke Afdalow.

Waxuuna sidoo kale Taliyaha Ciidamada Gobolka Bari sheegay in Qaraxyadii ka dhacay Saldhigyada Magaalatan Bosaaso ay cidi wax ku noqon Wallow uu Bur buray darbiga mid ka mid ah Saldhigayada Qaraxyada lagula Bartil maamaysaday.

Taliyaha Ciidamada Gobolka Bari Cismaan Xasan Cowke ayaa sidoo kale sheegay in aysan Wali la socon cida ka danbaysay qaraxyadaani Babbaano ee lagula Eegtay Saldhiyada Baalade iyo Biyo Kulule.

Baritaanadaani ay bilaaween Ciidamada Amaanka Puntland ayaa waxa uu ku soo adayaa ka dib kulan Maanta looga Hadlayey Arimaha Amaanka Gobolka Bari uu ka dhacay Howlka Dowlada Hoose ee Magaalatan Bosaaso.

Kulankaasi Amaanka Looga hadlayey ayaa waxa kasoo Qayb galay Maamulka Gobolka, Degmada ,Culama ‘aw diin, Waxgarad iyo Aqoonyahano kasoo jeeda Degaanada Puntland.

Waxaana ugu Horayn halkaasi ka hadlay kulankaasi wasiirka Amniga Puntland C/laahi Saciid Samatar waxuuna halkaasi ka sheegay Wasiirka Amniga in ay muhiim tahay in la dhowro Amaanka Puntland isagoo Farta ku Fiiqay in ay jiraan Rag doonayo in ay Babiyaan Sumcada iyo Amaanka ay lee dahay Dowlad Goboleedka Puntland.

C/risaaq Xareed oo ah Duqa Magaaladatan Bosooso ayaa ka mid ahaa Masuliyiinta Dowlada ee Kulankaasi ka hadlay Isagoo sheegay in Magaaladatan Bosaaso ay jogaan Rag doonaya in ay Qaraxyo ka samayaan Gudaha magaalatan ,waxuuna sidoo kale balan qaaday duqa maagalada bosaaso in wax laga qaban doono Arimaha Amaan Bosaaso oo maalinba maalinta ka danbaysa Faraha kasii Baxaysa.

dhica kale Gaba gabada Kulankaasi Arimaha Amaanka Bosaaso looga hadlayey ayaa waxa ay dhaman isku waa Faqayn in wax laga qabto Amaanka Xarunta Ganacsiga ee Puntland ee Bosaaso.

C/qaadir saciid Cali Gaanni
Gaani18@hotmail.com
Bosaaso-somalitalk.com
……

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomadda Axmed Cilmi Cali (Axmed Karaash) oo si heersare ah Loogu soodhaweyay Magaalada London (Daawo Sawiro)

Halkan ka daawo sawirada

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomadda ee Puntland Axmed Cilmi Cali (Axmed Karaash) Ayaa Caawa si heer qaran ah loogu soo dhaweyay Magaalada London.

Soodhawaynta wasiirka waxa ka qaybqaatay Dadweyne fara badan oo kamid ah jaaliyada reer puntland ee London.

wasiirka ayaa kasoo degay Garoonka caalamika ah ee Heatrow Airport waxana loosoo galbiyey Hotelki uu kadegi lahaa Magaalada London hotelkaas oo ah Hoteelada loogu yeero 5 star oo ah kuwa ugu caansan Magaalada London.

Wasiirka ayaa Hotelka kuqaabilay madaxda sar sare oo katirsan Jaaliyada reer puntland oo uu ugu horeeyo uqaabilsanaha Ama Ambasadoorka Puntland u fadhiya wadanka UK Xuruntiisuna tahay London C/qaadir Farax jibriil.

Ambasador C/qadir Farax Jibriil iyo Odayaasha Gudida Jaaliyada London aya Wasiirka siwada jir ah usoo dhaweyay waxaana loo balamay in Maalinta Sabtida ah Wasiirku Jaaliyada reer Puntland ee Uk uu lakulmi Doono.

Halkan ka daawo sawirada

Mohamoud Mohamed Hassan
boocame@hotmail.com
London UK

SHIR LOOGA HADLAYEEY ARIMHA PUNTLANAD OO DHEX MARAYA XUBO SARE DAWALADA SWDEN AH IYO AQOONYAHANO.

Waxaa Shir looga hadlaayeey arimaha geeska afrika gaar ahaan arimaha Somaaliya ayaa manaata ka dhacay xarunta santerka ay ku midoobaan dhowr xisbi oo haya talada dalka swiden.

shirkaan waxaa ka soo qayab galay madaxa sare oo ka socta wasaraadadaha kala duwan ee swden iyo aqoonyahanada maamul gobleedka Puntlanad . .

shirkaan waxaa kaloo ka soo qayab galay madax kale oo ka socta laanta sodcaalka dalaka oo waday arima la xiririra dib ucelinta dalka soomliya oo raba in ay dalkoda hooyo ku laabtaan kuwaasi oo heli doona mashriic tijabao maalgelineed ah .

ugu horeyeen waxaa gobtaasi hadalkii Cabdiyare oo ah masuul ka socday ururda bulshada Rayidaka ka jira dalkaan swden oo soo ababaualay waxaa ka soo qayab galay Maxmud sh Xaamud oo madaxa Jamaacada Psu Garoow iyo ururaka Kaalo oo laga casaumay dalka ameerika Inj Axemd waxaraya oo aqoonyahan reer puntlnad ah Dr Cabdulaahi Xaaji Dayib oo mudo dheer madaxa ka soo ahaa ururada bulshada raiyda dalka soomliya wax weyn ka soo qabatay arimaha dib u dhiska dalak soomliya.

Cabdirssaq sheekhadun Gudoomiyha ururka saxfiynta soomlideed nusoj iyo Cabdirshiid ciid Osman oo isna leh urur samafal o o ka jira degaanka soomlida Rinkbay.

Waxaa shirkaan dadka ku soo dhoweyeey xubin sare o o ka socta baarlamaanka dalaka aadna ugu dheeratya arimaha dalka soomalaiya gaar ahaan maamula gobleedka puntlanad.

Shirkaan waxaa qaban qaabisya xarun ay ku midobaan xisbiyada dalka qaarkood.

Center party international foundation xaruntaan oo shaqdeedu tahay kor u qaadidada nabada iyo dimoqraadiyada waxaana xarauntaan ku midooba hayada u weyn dhanka caawinda iyo ururka kale oo deeq bixyaal ah sida dhalinyarada haweenka waxayana xoog saarta la dagalanka faqriga nabada xumada xaquda insaanka wacyi gelinta wararka ku saabsan arimaha waxayana ku shaqysaa ujeedoyin aad u weyn sida isu dorshada xornimada xurmeynta xaquuda binisaamka ilaalinta sharaciga.

Xubin sare oa ka trsan baarlmanak dalka ayaa ugu horeeyn sheegtay in aan lagu soo dhowaado xaruntaan oo ah xarunta u weyn sdhanka siyaasadawaxaa kaloo gobtaan ka hadalai seef omar ah khabiir u dhashay dalka sudaan oo somliya mudo ak soo shaqyeey arimah nbada dalka soomliya.

Waxaun sheegya mashric aad u tiro badan dak somliya looqabato sida curyaminta la caawino iskoolo sida cumar samanarat iyo xarumo waxbsrho oo ku yaal galacayao iyo garoowe kuwasai oo dikaoniya iyo urur swden ah kaamlmeeyn waxuu kaloo sheegay in baarlmanka puntlanad iyo jamacada yotbri xiirir horay u dhexmaray u jira iyo baarlmanaka degnaksi oo wax weyn taraywaa toobki aad u kulul marka laga hadalaayao arimah soomliya lakiin waxa la is weydiinyaaa kalainta ay ka qataan dib u dhiska dalka waan la socnaa in ay yar yhiin ururada haweenka ee ururda diysaabor ah arimaha dib u celinta dalka soomliya.

Maxamud sheikh xamud waxu soo bandhigay sawiro dhaawacayao muujinaya oo dhib ay macalimtu u geysteen ardaydat taasana u ku hawal galay sidii loo joojin alahaa.

Cabdirsaq sheekhaduun

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.