Home » Warar »

Gabdhaha Soomaaliyeed ee Sweden oo kaalmo lacageed soo gaarsiiyay Xarunta Jimciyada Xanaanada Caruurta Agoonta ah ee Afooye

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gabdhaha Dalka Sweden oo kaalmo lacageed soo gaarsiiyay Xarunta Jimciyada Xanaanada Caruurta Agoonta ah ee Al- Nahreyn (Orphanage Care Union) ee degmadda Afooye Gobolka Shabeelaha Hoose.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Jaaliyadda gabdhaha Soomaaliyeed eek u dhaqan Dalka Sweden gaar ahaan magaalada Yatakori ayaa kaalmo lacageed soo gaarsiiyay Xarunta Jimciyada Xanaanada Caruurta Agoonta ah ee Al- Nahreyn (Orphanage Care Union) ee degmadda Afooye Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaruntaas oo ay ku jiraan Caruurta Agoon ah oo ay tiradooda dhan yihiin 415 Caruur oo Agoon ah oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdho aad iyo aad u da’yar ayaa waxaa Gacanta ku haya Masuuliyiinta xaruntaasi Al Nahreyn, iyadoo ay Kaalmadaan oo la geersiiyey Xarunta Jimciyada Xananda Agoonta ee Afgooye ayaa waxaa soo direy qaar ka mid ah Gabdhaha Jaaliyadaha Somaliyeed ee ku dhaqan dalka Swedan Gaar ahaana magaladda lagu magacaabo Yatakori.

Deeqdaan Lacageed oo gaareysay 500$Doolar ayaa waxaa loo soo marsiiyey meel marinteeda Maxamuud Xasan Cumar {Aduunyo ) oo Gacantiisa ku gudoonsiiyay Maamulaha Xatuntasi Jimciyada Xanaanada Agoonta ee Al Nahreyn Mukhtaar Abuukar Maxamed.

Maamulaha Jimciyada Xanaanada Agoonta ee Al Nahreyn (Orphanage Care Union) ayaa ugu mahad celiyay lacagtaasi Deeqdda ah oo gaareysay 500$ Doolar oo la gudoonsiiyay, caruurta ku jirta Xaruntasi oo ay tiradoodu tahay 415 caruur oo ku Agoontoobay dagaalada ka dhacaya dalka Soomaaliya modaddii 18-ka Sanno aheyd ee la soo dhaafay.

Gabdhaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden ayaa si gaar ah u codsaday in deeqdani lacageed la gaarsiiyo Jimciyada Agoonta ee Al Nahreyn ee Degmadda Afgooye ee gobalka Sh/Hoose, taasoo uu ku gudoonsiiyay Maxamuud Xasan Cumar Aduunyo oo loo soo wakiishay inuu Gaarsiiyo masuuliyiinta xaruntaasi lacgta deeqdda ah oo ay soo diiristeedu wakiil ka aheyd gabadha lagu magacaabo Marwo Khadra Calasoow iyo Gabdho kale oo ay kuwada nool yihiin magaladda Yatakori ee dalkasi Sweden.

agoon1

Maasuulka Xaruntasi oo gudoonka deeqdasi ka dib hadlay ayaa yiri “Anagu waxaa gacan naga siiyo walaalaha qurba jooga ah ee muslimiinta ah sida Haweenka iyo Raga muxsinaadka ah oo ka damqanaaya dhibaatada heysta caruurta agoonta ah, waxana ka Mahad celineynaa deeqdaan maanta nala soo gaarsiyay oo aanu baahi weyn u qabnay” ayuu yiri Muqtaar Abuukar Maxamed oo dhinaca kalana ka codsay cid walba oo ka damqaneysa dhibaatada Agoonta ah ee caruurtan Soomaaliyeed sida ilmahooda oo kale in ay uga taxadiraan oo ay ku sacidaan wixii karaamkooda ah “Qofkii wax baxsadaana isaga ayuu miisaanka Qiyaamo u fuulaya” ayuu yiri Muqtaar Abuukar Maxamed ,waxaana uu si gaar ah uga mahadceliyay lacagtasi la gaarsiiyay xaruntasi agoonta ee degmadda Afgooye.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gabdhaha Soomaaliyeed ee Sweden oo kaalmo lacageed soo gaarsiiyay Xarunta Jimciyada Xanaanada Caruurta Agoonta ah ee Afooye "

  1. gogo says:

    very good children in there i hope i help them because they need help