Home » Warar »

London: Wafti uu hogaaminayo Cumar C/rashiid oo u dhoofay Dubai

Wafdigii uu hoogaaminayey Ra’isul wasaaraha Somalia Dr. Cumar C/rashid Cali Sharmarke oo beryahan booqanyey wadamo Europe ah, ayaa caawo lagu sagootiyey magaalada London iyagoo u duulay magaalada Dubai.

 Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

London, Oct 4, 2009: Wafidga Ra’isul wasaaraha oo ka koobnaa dhowr xubnood oo ka tirsan xukuumadiisa, ayaa muddo todobaad ah waxay booqashooyin ku kala bixinayeen wadamo Europe ah oo ay ka mid yihiin Britain iyo Belgim, mar aan wax ka waydiinay ra’isul wasaare Cumar C/rashid sidii ay ku soo qabsoontay booqashadiisii shaqo ee yurub ku yimid, wuxu sheegay inay si guul ah ku soo dhamaatay, waxyaalo badana aan dowladihii aan is-aragnay aan is afgarad ka gaarnay, Mudane Cumar C/rashid oo ka jawaabayey su.aal ahayd maxaa uga waaweynaa waxyaabihii aad ka wada hadasheen madaxda wadamadii aad booqashada ku tagtay wuxuu ku jawaabay inay ugu muhiimsanayd amaanka iyo burcad-badeeda ka jirta Somalia.

Ra’isul wasaare Cumar C/rashid intii uu joogay ingiriiska wuxuu la kulmay xogahayaha arrimaha dibada dalkan Britain Mr. david Miliband iyo xumo ka tirsan wasaaradaha dalkan Britain, wuxuu kaloo raisul-wasaaruhu khudbad ka jeediyey machadka caalamiga ah ee cilimaarista ee loo yaqaan Chaltham House.

Cumar C/rashiid wuxuu sidoo kale habeenimadii arbacada hadal u jeediyey boqolaal ka tirsan jaaliyada Soomaliyeed ee reer UK.

uk1

Intii uu joogay raisluwsaaraha Somalia qaaradan Yurub wuxuu kala kulmay soo dhoweyn heer qaran ah, sidoo kale intii uu ku sugnaa xarunta midwoga Yurub wuxuu la kulmay ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Ahmadu Old Abdalla iyo havier Sollana midowga Europe.

Mudane Cumar C/rashiid waxaa safarkiisa ku wajahan Dubai kadibna uga sii gudbi doono Muqdisho ku weheliyey laba ka mid ah wasiiradiisa oo kala ahaa C/risaaq Cusman Jurrile wasiirka boostada iyo isgaarsiinta iyo wasiirka amaanka qaranka C/laahi san-baloolshe.

Waxaana ku sii sagootiyey gegida diyaaradaha magaalada London qaar ka mid ah wasiiro xukuumadiisa ka tirsan oo ugu horeeryo wasiirka iskaashiga caalamiga ah C/raixman C/shakur Warsame iyo qaar ka mid ah guddigii soo abaabulay soo dhoweyntii wafdiga Risul-wasaaraha mudadii ay joogeen UK.

Sharmaarke M. Abshir
ehelusharaf9@hotmail.com
….

Madaxweyne Shariif oo ballan-qaaday dib u soo noolaynta Shirkaddii ‘Shifco’

(sanca):Madaxweynaha Soomaaliya: Shariif Sh.Axmed oo dhowaan booqasho ku joogay magaalada Sanca ee dalka Yemen, ayaa muddadii uu joogay halkaas waxaa uu Warbixin ka dhegeystay Maareeyaha cusub ee Shirkadda Maraakiibta Kalluumaysiga Soomaaliyeed ee ‘Shifco’ Captan:-Ibraahim Cabdulqaadir Cumar.

Maareeyaha ayaa Warbixintiisa ku soo hadal-qaaday Taariikhda Shirkadda, Hawlaheeda, tirada Maraakiibta, tirada shaqaalaha, dhibaatooyinka Shirkadda iyo arrimo kale.

Shirkaddan Shifco ayaa waxaa hoos yimaada ilaa 6 Markab oo Hantidii Qaranka Soomaliyeed ah, waxayna Maraakiibtaas tan iyo 2007-dii fadhiid ku yihiin Dekadda Magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Madaxweyne Shariif ayaa fadhiidnimada shirkadda ku tilmaamay ayaan-darro, xilli ay Dawladda KMG ahi baahi xoog leh u qabto dhaqaale ay ku socodsiiso hawlaha ay dadka Soomaaliyeed io Qarankuba ka sugayaan.

Ugu dambayntii Madaxweyne Shariif ayaa ballan-qaaday in degdeg dib loogu hawlgelin doono Shirkadda ‘Shifco’.

Kaalmoy,
Sana’a/Yemen

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " London: Wafti uu hogaaminayo Cumar C/rashiid oo u dhoofay Dubai "

  1. Bashiir Cali says:

    Sawirada waxaa iiga muuqanaya Yusuf Garaad iyo ninkii bada saxiixey cabdirxmaan cabdishakuur, sida aad la socteen maalintii dhoweyd waxa bbc wareysi ka qaadey Raisal-wasaare Omar balse si toos ah looma weydiin suaalihii bada ee ka dhex-guuxayay, Yusuf Garaad ayaa wareysiga u qaadey si uu isagu rabo, raga sawirada ku jira waxaa kamid ah Abukaate Qaarey oo isagu ahaa ninkii difaacey hishiiska bada, halka Omar Cabdirshiid uu isagu qirtay in Kenya ey ku xad-gudubtay bada Soomaaliya isku soo duub raga meesha ka muuqanaya ayaa ah kuwa iyagu Somaliya aan awood ku laheyn

  2. asc. waxaan idinku salaamay salaanta islaamka. imaashahii uu yimid ninka isku maagacaabay inuu yahay hogaamiyaha labaad ee kooxda shafiir, waa (QIRASHADII AY QIRTEEN INAY KENYA KU KHIYAANTAY HESHIISKII BADDA SOOMAALIYEED.)waad mahadsan tahiin.