Home » Badda, Idris »

Risiqiinna Ilaah baa Qaba ee Hadla | Muxamed Idris

بسم الله الرحمن الرحيم
RIZIQIINNA ILAAH BAA QABA E HADLA!
W/Q: Muxamed Idris Axmad

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato.

Waxaan filayaa Soomaali kasta oo la socdey bilihii la soo dhaafay doodii ku saabsanayd Badda Soomaaliyeed ee Dawladda Keenya cabbiratay, inuu ka marag kacayo in Bahda Somalitalk si xirfadi ku dheehantahay u soo bandhigtay, cilmi baaristi iyo xogihii muujinayey dhaqdhaqaaqa keenya oo ka faaiidaysaneysa dhibaatada Dawlad la’aanta haysata Soomaaliya Muddada dheer.

DFKG halkii ay mahad ballaadhan uga celin lahayd Bahda Soomaalitalk, iyo dadkii Soomaaliyeed ee Nooc walba lahaa ee arrintaa ka digayey oo ka qaylinayey, wexey lasoo istaagtey indha adayg, is difaacid macna darra ah, dhaleecayn iyo waxa la wad wado oo dhami iney tahay dicaayad. Arrintaasoo ahayd ayaan darro usoo hoyatey Ummadda, dadkuna la yaabay.

Hase yeeshe ugu dambayntii 28/10/2009 (asbuuc ka hor) aya DFKG qirtay oo caddaysay wixii Somalitalk sida tifatiran usoo bandhigtay, Bulshada Soomaaliyeedna ka qaylisay, inuu run ahaa. Wexeyna DFKG ku ammaantay Bulshada Soomaaliyeed sida ay uga damqanayaan, una Ilaashanayaan dhulkooda. Arrintaa waxaa ku Ammaanan oo sidaa u qiray, Wasiirka Koowaad Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii saxiixay heshiiska is afgarad (MoU) Cabdiraxmaan Cabdishakur (fiiri kulankoodi Jaaliyadda London). Waxaan jeclahay inaan halkan ammaan uga soo jeediyo Geesinimada ay la yimaadeen iney arrintaa qiraan.

Laakinse nabarkii ay Dawladda Keenya u geysatey Qaranka Soomaaliyeed weli waa na damqanayaa oo ma bogsan, waxaana mar kale soo ifbaxay, in Dawladda Kenya, si qorshaysan oo xeel dheer, ugu gaatameyso sidey ula wareegilahayd qayb weyn oo ka mida Badda Soomaaliyeed, sidaa darteed ayaan halkan ku tibaaxi lahaa qodobada soo socda:

Waxaan ugu horrayn ka codsan lahaa Wasiirka Koowaad Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, inuu Geesinimada uu muujiyey, meesheeda ka sii wado, isagoo gudanaya waajibkii lagu dhaarshey, oo ahaa inuu ilaasho qaranka Soomaaliyeed, cidnana aanu arrintaas ugu aaba yeelin, isagoo laabta ku haya risiqiisa in ilaahay qabo, Bulshada Soomaaliyeedna uu ammaan kaga mutaysanayo, diiwaanka taariikhdana loo gelin doono meesha uu arrintan iska cad ka istaago.

Si deg dega inuu Raisul wasaaruhu u gaarsiiyo Qaramnada Midoobey in Soomaaliya diidan tahay, kana soo horjeedo, qaabka ay Kenya u calaamadsatay Badda Soomaaliyeed, Heshiiskii is afgaradka ee iyaga iyo Kenyana, Barlamaanka Soomaalidu cod Aqlabiyad ah ku diidey, sidaa darteedna waxba kama jiraan uu noqday, cidina aaney cuskan Karin.

Warqadda la sheegay iney xafiiskiisa kasoo baxday ee xoojineysa heshiiska is af garad, waxaa Ummadda Soomaaliyeed ee dhulkeeda la boobayaa, xaq ugu leedahay inuu fagaaraha ka caddeeyo hadduu isagu qoray ama amray, kana cudur daarto, haddii aanu amrin ama qorinna, wajiga ka feydo cidda magiciisa isticmaashay ceebtaasna la dooneysey iney dusha uga tuurto, oo magiciisa disho, hana ogaado inaan arrinkan oo kale (tixgelin shakhsiya iyo saaxiib nimo gelin) waayo wuxuu taabanayaa masiirka Ummadda Soomaaliyeed iyo Qaranimadeeda, taas ayaana ka weyn qof kasta.

DFKG waa iney ogaato sixitaanka qaladka dhacaa inaanu ceeb ahayn ee ammaan yahay. Waa iney ogaataa dadka qaylinaya ee wax u tilmaamaya ee jillaafada loo dhigayo ku baraarujinayaa, iney jecelyihiin in wax u hagaagaan, oo aaney col la ahayn, mucaaradna ku ahayn. Sidaa darteed waa iney wax dhegeystaan, is difaacidda caatada ah, iyo yaraysiga caqliga Bulshada Soomaaliyeedna ka joogaan.

Ilaa iyo maalinkii arrinkan bilawday ilaa iyo maanta hal jawaab oo toosa lagama hayo DFKG marka la weydiiyo: Heshiiska is afgarad Qaanuunka UN dhigi maayo! Soomaaliya iney xogteeda iyo codsigeeda gudbisato shardi uma aha! Wax faaiida ah oo Soomaaliya ugu jiraa ma jiraan! Maxaa qoorta idiin geliyey? Madaxda DFKG wexey bixiyaan jawaabo aan cidna qancin Karin, oo war wareeg, iyo qajajac ku dhisan, taasoo aan arrimahaan documentiga ku dhisan aan ka shaqayn Karin.

Barlamaanka DKMG ee go’aankiisi aan xukuumaddu waxba kasoo qaadin, waxaa la gudboon inuu mawqif kii hore ka adag ka istaago, Qaranka Soomaaliyeed ee dhulka lagu jiidayana u hiiliyo. Haddii Mushaarka laga goosanayana ha ogaadaan iney weligoodba noolaan jireen, arzaaqdana Ilaahay hayo.

Bulshada Soomaaliyeed iyo wax garadkeeda iyo aqoon yahankeeda waxaa la gudboon iney kacdoonkooda iyo dhawaqooda laba jibbaaraan, meel walbana gaarsiiyaan, Dalkooda iyo Qarankooda baylahdaana difaacdaan.

Waxaan mar labaad ugu baaqayaa Raiisulwasaaraha Cumar Cabdi Rashiid inuu ka dhabeeyo ballantii uu ka qaaday dadka Soomaaliyeed ee niyad wanaagiisu ka muuqdey, taasoo ahayd intuu joogo jagada inaanu ogolaan doonin taako dhul Soomaaliyeeda in lagu xad gudbo, isagoo weliba, si geesinima leh, farta ugu fiiqay khiyaamada iyo xadgudubka Kenya. Wasiirada iyo xildhibaanaduna iney ku garab istaagaan dadaalkiisa, Bulshada Soomaaliyeed oo dhammina wey ku garab istaageysaa inshallaah. Waxaanan dhamaantood ku leeyahay: Riziqiinna Ilaahay baa qaba, ee yaan dhulkeenna iyo Baddeenna hortiinna lagu qaadan.

W/Q Muxamad Idris Axmed
hayaan@gmail.com

Malaga yaabaa inay garwaaqsadaan? “Ma dhici Kartaa ragga qaarki iney garwaaqsadaan – anaa keligay talinaya – mashaqa aan maara loo helayn iney tahay, sida ay sax u tahay in Ilaahay dartiis loo dhintana, iney sax u tahay in Ilaahay dartiis loo noolaado? Dawlad iyo nidaam iyo kala danbayn in… “Sh. Maxamed (GUJI)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Risiqiinna Ilaah baa Qaba ee Hadla | Muxamed Idris "

  1. NIN WACAN says:

    Aad baan u jeclaystay sida caqliga iyo aqoontu kabuuxdo ee aad adiga iyo bahda Somalitalk.com aad uga hadashaan qodabkan qodobada la mid ka ah. Waxay kamid tahay waxyaabaha rajadayda soo nooleeya hadba markii aan quus kudhawaado. Mar kale aad baad ugu mahadsan tihiin.

  2. AS,C,W,W
    dhamantin waan idinslamaya, sidoo shekh, mahamed idiris iyo soamali talk sida ay nooga haqabtirayan ogaanshaha xaqiiqda jirta,, shaqsi walba iyo fahamkiisa inta uu gaaro, ayaan waxaa ku darsanaya arintan dhacdada ah,ee isugu jirta majaxaabin qaran, cadow boob osoo diyargaroobay, ayaan waxaan aad ugu farax sanahay intusalahan boobka inaan hurdada ay naga kiciso oo bal somaliyey aan isweydiino kaliya, maxaa noo dan ah arintan waa tusaale hal mida ah,oo ay kahoreeysay tusaalooyin fara badan lagu hagrdaameyey lagu qiyanay, qarankeena bulshadeena , sharafteena kala dirkeena, laga taliyay burburkeena, anagoo maanta noqonay waxan manta nahay,waa yaabe in bal xataa aan fahmi karno qiyaanada cadowga, maanta miiiska masoo saran ama laga hadli karo, ama aan arko koox soomaali ah, kahadlaysa qaranka soomaliyeed, markii ay masiibadii nagu dhacday ee na indha tirtay, sidaa darteed, ayaan ugu farax sanahay in danqashadiina aan arko ama dareemo, sidaa darteed yeysan qiiro ila tagine, waxan idinku oranlaha midnimo ayaan cadow iskaga celin karnaye ee midnimadiina ka shaqeeya meelwalboo aad joogtaan,,,

  3. yaabane says:

    shibane badda yaa qal qal galiyey suashaas iiga soo jawaab?? inta aan taada kaaga jawaabin

  4. Shamis cabdi geedi says:

    asc/sheekh maxa”ed wan kaga mahad clinaya sida sida aad wax walba u bayaaniso jazaaka laahu qayran, waxaana aad ugu faraxsanahay sida geesinimada leh ee golaha barlamanka gaashaanka ugu daruureen qorshihii arimaha Bada oo ay soo maleegeen Shisheeyaha. Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waxaan ku bogaadinayaa hadaladii kasooyeeray maalmihii la soo dhaafay waxaana dhihi karaa waxay dhabar jab ku noqonaysaa kuwa doonaya in ay danahooda ka hormaruyaan dantooda qaaska ah mana malaynayo ruux wadani ah in uu ogolaanayo arimahaasi ama in la gato dhulkooda iyo badahooda, ugu dambayn waa in shacabka ka dhiidhiyaa kana fekeraa sidii ay uga hortagi lahaayeen shisheeyaha iyo shisheeye kalkaalka WABILAAHI TOWFIIQ.

  5. Shukri Sh. says:

    AAWW,
    sheekh M. Idiris abaalkaaga Illaahay baad ka heli inshaAllaah, anagana waan kuugu mahadineynaa adiga iyo bahda SomaaliTalk oo mar walba u taagan inay dhibta jirto bayaaniso, waana arin waajib ku ah dhamaantayo oo inaan isu xil saarno inaan wixii awoodeena ah aan wax ku qaban karno muujino, marka waxay ila tahay inaan la iska indha tirin arinta uu sheeqa ka hadlay, nin walbow wixii aad ka qaban karto ka qabo hadaad la talin karto madaxdan mirqaansan (waayo waxa la yiraahda Boqorada iyo madaxda waa mirqaansan yihiin oo waxay la mid yihiin kuwa qamriga caba oo kale oo waxaa lagu toosiyaa carabka culimada ), kala tali oo si ay oga laabtaan qaladkii ay galeen, hadaad si kale u difaaci karto u difaac.
    Tan kale waxaana leeyahay R/W Cumar C/rashiid maanta adigaa ayey arintani ku taagan tahay oo adaa qaadey masuuliyaddan weyn ee Soomaaliya kuna dhaartey Kitaabkii Quraanka kariimka ahaa ee sida u wanaagsan ee shacabka kaa sugaya yeel oo aad magac taariikhda gala iyo ajarba aad ka heshidee ama iska indha tir oo magac xun oo taariikhda ilaawin ha kuu galee shacabka Soomaaliyai ku uusan weligii ilaaweynin, tan kalena ay kuu dheertahay dhaartii oo aad beenisay oo Alle subxaana wa tacaalaa kaala xisaabtami doono maraan dheereyn inshAllah, marka waxan kaa fileyno waa inaad tan wanaagsan doorato oo Alle iyo shacabkan dhibbana uu kugu garab istaagi doono inshaAllaah.

    Bahda SoomaliTalk ayadana waxaan leeyahay kaalintii la idinka filayey waad ka soo baxdeen oo waxaad tihiin Webside Wadani ah ee ha ka daalina wixii qaladaad ah ee ay galaan dadka masuulka qaaday.

    Meesha ay sarta ka quransan tahay waxay tahay sideedaba dadka madaxda ah gaar ahaan Madaxda Soomaalida waxaa badanaa la taliye u ah kuwa aan wanaagsaneyn, sida la rabana aan ula talin, amaba aqoon aan u lahayn, ama runtana aan u sheegi karin isagoo dantiisa ka hormariya danta shacabka (jegada ilaalsanayo).

    AAWW

  6. shibane says:

    YAABANE waxaan ku weydiinaya yaa badbaadin kara badda somaliyeed oo aan ka aheen DKG? HAdii aad ogtahay cid kale oo bad baadin karto bal inoo dheg?

  7. yaabane says:

    aqoonyahanada somalia waxay ku tilmaameen waxa somalia kajira in walad cabdalla yahay madaxa ku meel gaarka somalia sidaas daraadeed waa inaan hogaamiye kooxeedyadii somalia kasoo talin jiray 20kii sano ee u danbeeysay aan ku tilmaanaa geesiyaal sharci ah mar hadii kooxdan aan DKM ah ku tilmaano hogamiye kooxeedyadiina ayba kasii darantahay shariifka waxaa ka wadanisanaa maxamed qanyare afrax iyo gen. caydiid

  8. yaabane says:

    assalaamu calaykum waraxmatulaahi
    shekha suaal baan waydiinayaa inbadan baad ku soo celcelisay dowlada KMG ka see ku noqotay dowlad KMG ayadoo samaysan arimahan soo socda
    1- xasuuqid shacabkii
    2-iibsasho badii iyo dhulkii somaliyed
    3-soo galin ciidamo saliibi ah wadanka kuwaas oo fisqi iyo cuduro ku faafinaya shacabka maalinkastana xasuuqaya,
    4- dhac iyo boob shacabka ay ku hayso ciidamadeedana meeshii ay tagaan boob iyo bililiqo iyo xasuuq ka gaystaan
    5- xiriirka sxbtinimo ee ay la yelatay cadowgii soo jireenka ahaa ee somalia,marka hadiiladhoho waa DKG ah soo sharci umaanan galinin kumana dhiiri galinin xasuuqa shacabka??