Home » Warar »

Boosaaso: Maxaabiis lagu xukumay xabsi dheer iyo PL oo u digtay suxufiyiinta Ajnabiga

Maxkamada Darajada Kowaad ee Bosaasoo oo Xukun ku Fulisay Rag lagu soo Oogay Argagaxiso .

Somalitalk: Bosaaso: Maxakamada Darajada kowaad ee Magaalada Bosaaso ayaa Maanta   waxay Xukun ku Fulisay Rag lagu eedayey in ay ku Lug laheen Qaraxyadii ka Dhacay  Magaalatada Bosaaso, Waxayna sidoo kale Maxakamada Darajada Kowaad ee Bosaaso Ragaasi ku sheegtay  in ay yihiin Rag Xiriir la leh Kana mid ah Ururada Argagaxisada.

Ragaani la Horkeenay Maxakamada Darajada Kowaad ee Bosaaso ayaa waxa ay ahaayeen Lix nin, waxaana lixdooda mid kamid ah laga sii Daayey Maxakamada ka dib markii lagu waayey in uu Kamid yahay Ururada Argagaxisada iyo in uu lug kulahaa Qaraxyadii ka Dhacay Bosaaso balse Afar kamid ah Ragaasi waxa lagu Xakumay kiiba 10-sano oo Xarig ah, Halka midka kalena lagu Xakumay 15-sano oo Xarig ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Kowaad ee Bosaaso Maxamed Cabdi Awaare ayaa waxa uu   Ku Dhawaaqay Ragaani maxakamu ay xukunka ku riday Magacyadooda oo kala ah:

1- Deeq Yaasiin

2-Axmed C/risaaq Maxe’d

3- Ibraahim Maxe’d Shire

4- Maxe’d siciid A/salaam

5-Sh.maxu’d samatar Maxu’d

6- Cali Axmed Xasan.

Dhan kale Kale Mid ka mid ah Ragii la Xukumay ayaa waxa uu Cadeestay in uu ka mid yahay Ururada Argagaxisa ee ku sugan Gudaha Wadanka Somaliya Isagoo Sheegay in uu ka Fuliyey Qaraxyo Gudaha Bosaaso.

Waxuuna Sidoo kale Carabka ku Dhuftay Ninkaasi lagu Xakumay 15-sano oo Xariga ah in uu Werarkii Lagu Qaaday Talihaya Qaybta ee Degmada Bosaaso Maxamed Saciid Jaqanaf in uu ka Danbeeyey, Waxuuna sidoo kale Daaha ka Qaaday oo uu Cadeeyey in mid Kamid ah Ragii la Xukumay uu Masuul ka yahay Qarashaadka iyo Fulinta Qaraxyadii ka Dhacay Bosaaso.

Ka dib markii ay Dhagaysatay Edaymihii iyo caddeeymihii uu oo ku soo xir ilaaliyaha maxakamda Axmed Taraan  Maxakada darajada Kowaad waxa ay Xukun ku riday Ragii loo soo Qabqabtay Qaraxyadii ka dhacay Gudaha Magaalatan Bosaaso.

Docda kale Ragaani la Horkeenay Maxkamada ayaa waxa ay isugu Jireen Rag Macalimiin ah oo Wax ka Dhiga Dugsiyada Magaalatan Bosaaso iyo Jamacadaha Ku yaala Degaanada Hoostaga Maamulka Puntland .

Isku soo Wada duub Magaalada Bosaaso waxaa Maalmihii ugu Danbeeyey ka Dhacayey Qaraxyo Lagu bartil Maamaysanayo Xarumaha Dowlada iyadoo aanu wali la Ogayn Cida sida Rasmiga ah uga  danbeesay Qaraxyadaasi ka dhacay Gudaha Magaalatan Bosaaso, marka laga reebo ragaan maanta lagu xukumay xariga dheer.

Puntland oo Go’aan ka soo saartay Suxufiyiinta Ajaanibta.

Dowlad Goboleeedka Puntland ayaa waxa ay Baaq ka soo saartay Suxufiyiinta Ajaanibta ee ku soo Qul Qulaya Degaanada Puntland Baaqaasi ay Dowlada Puntland soo saartay ayaa waxa uu ku Wajahnaa in aysan soo Galin Suxufiyiiinta Ajaanibta Gudaha Puntland kadib markii ay dhaceeen Falal Afduub oo tira ka Dhoor jeer ay isku Dayeen Rag in ay ku Afduubtaan Suxufiyiinta Ajaanibta ee yimid Puntland si ay Madax Furasho uga Qataan.

Wasiirka Amniga Puntland C/laahi Saciid Samatar ayaa u sheegay Warfidiyeenada in aysan Raali ka ahayn in ay soo galaan suxufiyiinta Ajaanibta Puntland iyagoo Suxufiyiinta ajaanibta ay Masuul ka yihiin Suxufiyiinta Puntland iyo Kuwa kale oo ganacsato ah.waxuuna Wasiirka Amniga Puntland Hadalkaani Ka sheegay Mar uu Shir Jaraaid ku qabtay Dekeda ee Bosaaso .

waxuuna sidoo kale ka hadlay Afduubyadii ugu Danbeeyey ee  ka dhacay Bosaaso oo Lagula Bartil Maamaysanayey Suxufiyiinta Ajaanibta , Isagoo Tusaale u soo Qaatay Wasiirka Amniga Puntland C/laahi Saciid Samatar Afduubkii Diyaaradeed ka dhacay Magaalatan Bosaaso ay isku dayeen Labo Nin oo ka soo Jeeda Degaanada Puntland in ay Afduubtaan Diyaarad ay lee dahay Shirkada Daalo Air-line, Diyaaradaasi oo ku sii Jeeday Wadanka Aan Dariska Nahay ee Jabuti waxaana Diyaarada Saarnaa Labo Nin oo Suxufiyiin Ajaanib ah oo ka soo Jeeda Wadanka Jarmalka, waxaana halkaasi ku Fashilmay oo ay Ciidamada Amaanka Puntland ay Fashilyeen Afduubkii Loo Gaystay Diyaarada Waxaana Labadii Nin loo Taxaabay Xabsiga Bosaaso.

Hadalkaani ka soo yeeray Maamulka Puntland Ayaa waxa uu ku soo Aadayaa ka dib markiii ay ku soo Bateen Deeganada Punland Suxufiyiin Ajaanibka ah oo donaya in ay wax ka Ogadaan Kooxaha Burcad Badeeda Somalida oo noqday kuwa Maalinba Maalinta ka Danbaysa ka sii Daraya Afduubka ay ku hayaan Maraakiibta Gooshaya Xeebaha ku dhaw Somaliya.

Gaani18@hotmail.com
Bosaaso | Somalitalk.com

..Tababar lagu baranayey Sharciyada saxaafada oo Nove 2 lagu soo gabo gabeeyey xarunta jaamacada PSU ee magaalada garoowe

Rabshaddo ka dhacay Maxkamadda Garoowe  iyadoo ay Maxkamdu xukun ku Riday dambiilayaal dhiig galay.
 
Maanta ayaa Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland Waxaa ka dhacay qalan laase iyo rabshado kala duwan oo ay dhigeen dadka shacabka ah qaarkood kuwaaas oo dano Gaar ah ka lahaa xukuno ay ridaysay Makmada derajada koowaad ee Garoowe.
 
Saaka barqanimadii ayaa Maxkamada derajadda koowaad ee Magaalada Garoowe waxay xukun ku riday dambilayaal ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaalada Caasumadda ah kuwaas oo loo haystay Naf go,day.
 
Makamadda ayaa Waxay Xukuntay 4-ta nin oo ahaa kuwo dil ka geystay gudaha Caasumadda Puntland inkastoo ay wararku sheegayaan in nimaankaan dhamaantood aysan geysan dilka balse uu geystay mid ka Mid ah lakiin ay kuwa kale mishinka dilka gacan ka geysteen.
 
Xukunka ayaa Maxmadda ku riday Ninkii dilka geystay iyadona Maxkamadu ku xukuntay ragii kale xabsi kadib intaas ayaa Waxaa Maqlay qowskii uu ka dhashay dhibana dhintay bishii hore lagu dilay gudaha Magaaladda garoowe, dadkaas oo iyagu rabshado kala duwan waday ayaa Makamadda soo Weeraray.
 
Goobtaasi ayaa Waxaa ka dhacay rabshado iyadoona ay isku dayeen dadkii qalan laasaha waday in ay la baxaan ragga Xabsiga lagu xukumay Waxayna doonayeen sidda la sheegay in dhamaan la laayo ragaan dambilayaasha ah, Ciidamadda amaanka iyo beeshu uu ka dhashay dhibanaha ragaan loo xukumayey ayaa is dhaafsaday raas iyadoona magaaladda khal khal laga dareemayey muddo kooban balse ay ku guulaysteen ciidamadda amaanku in ay arinta dejiyaan.
 
 
Arintaan ayaa Waxay ka dambaysay kadib Markii bartamihii bishii Sept. ay ragaani ku dileen Gurigiisa uu dhismi ku socday Nin dhalinyaro ah oo la oran jiray Cabdi axmed jaamac kaas oo guriga uu u ilaalinayey ninkaan maanta la xukumay oo isagu qirtay in uu ganaciita ku dilay ninka dhintay kuwaaso markay dileen ku riday meel berked ah oo dhismo ku socday maalmo kadibna la helay meedkiisa.
 
 
Abdirahman Mohamed koronto
danjire_143@hotmail.com

Tababar lagu baranayey Sharciyada saxaafada oo Nove 2 lagu soo gabo gabeeyey xarunta jaamacada PSU ee magaalada garoowe.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Tababarkani oo ay soo qaban qaabisay Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Nosuj ayaa maanta waxaa lagu soo gabo gabeeyey xarunta Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe.

Tababarkani oo muddo 2 maalmood ah uga socday xarunta Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe saxafiyiin gaaraya 27 ayaa waxaa lagu baranayey sharciyada saxaafadda puntland kaasi oo looga gol leeyahay sidii aqoontoodo iyo waayo aragnimadooda kor loogu qaado lahaa saxafiyiinta deegaanada puntland kuwaasi oo u muuqda in aysan aqoon ama aysan fahansanayn sharciyada saxaaafada.

Siminaarkani oo ay bixinayeen macalimiin aqoon iyo waayo aragnimo buuxda u leh sharciyada saxaafada ayaa waxa uu ahaa mid aad u weyn loona baahan yahay in saxafiyiinta puntland kor loo qaado tayadooda ama aqoontooda iyadoona siminaarkani uu qaatay wakhtigii loogu talogalay.

Tababarkani ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno ka socda golaha baarlamaanka Dowladda Puntland idaacada muxaliga ah ee ka hawgala deegaanada puntland iyo wariyayaal aad u faro badan oo iyaga ka socday wakaalado.

Gobogabadii siminaarkaasi ayaa waxaa halkaasi ka Hadley Xoghayaha Ururka saxafiyiinta puntland Buraan Axmed Daahir isagoona halkaasi ugu horeyn hambalyo iyo boogaadiin uga soo jeediyey dadkii ka soo qaybgalay tababarkani isagoona sheegay in uu yahay mid muhiim ah loona baahan yahay in laga faaideysto.

bdho

Burhaan Axmed Daahir Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Puntland ayaa waxaa kaloo uu si weyn uga Hadley dhibaatooyinka haysta saxafiyiinta reer puntland isagoona sheegay in dhibaatada ka jirta ay tahay in ay saxaafada puntlad ku dhaqmin sharciga ugu danbeyntii burhaan Axmed Daahir ayaa waxa uu saxafiyiinta ka soo qeybgasay siminaarkaasi kula dardaarmay in ay dhowraan sharciga saaxaafadda isagoona sidoo kale kula dardaarmay in aqoonta ay maanta wariyayaashani kaa faaideysteen mudadii labada maalmood ahayd in ay gaarsiiyaan wariyayaasha kale.

bdho1

Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta Dowladda Puntland Saleebaan Siciid oo isana kula dardaarmay wariyayaasha in ay ilaaliyaan sharciga saxaafadda puntland islamarkaasna ay u hogaansamaan sharciga.

bdho2

Xuseen Abdulaahi Xasan
Email.Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

TACSI: Marxuum Maxamud Xasan Firdhiye oo 30 Oct 2009 ku geeriyooday Magaalada Addis Ababa

Ina Lilaahu Waa Ina Ilayhii Rajacuun,
Anaga oo kala ah dadka magacyadooda hoos ku qoran yihiin
Maxamed axmed ismaaciil
Sareedo muuse faarax
Sadiiq maxamuud xirsi
Sacdiyo maxamuud xirsi
Sayidiin maxamuud xirsi
Cali maxamuud xirsi
Caynaanshe maxamuud xirsi
Faarax maxamuud xirsi
Cabdi maxamuud xirsi
Maxamed maxamuud xirsi
Hindiso maxamuud xirsi
Maxamuud xirsi xasan
Xaawa cali fanow 
Bashiir jabiye
Yusuf Cali Aaden
Khadra muuse riin
Axmed nuur cali farax
Axmed Seed, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa
Khadra muuse riin iy
Shariifo xuseen
khaliif muuse riin
Axmed sharma’arke
Daarood cali dakhare
Inj Cabdirsaaq  sheekhaduun
Cali   Cabdiqaadir  Maxmuud

Waxanu Halkaan tacsi Tiiranyo leh uga direyna Qoyskii iyo Eheladii u ka geeriyooday Marxuum Maxamud Xasan Firdhiye oo 30 Oct 2009 ku geeriyooday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, Waxana leenahay Qoyskii iyo Ehaladii u ka geeriyooday Marxuumku Illaah Samir iyo Immaan Ha idiinka Siiyo, Isagana Allaah waxan uga baryi Janatul Farduusa, Amiin Amiin Amiin

Sheekh Aduun
sheekhaduun@hotmail.com

………

Kulan looga hadlayey Horumarinta Sportiga Puntland oo lagu qabtay London 

London: – Kulan ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen qaar ka mid ah  Ciyaartoydii hore ee xiddigaha Soomaaliya, ururada u ololeeya horumarinta ciyaaraha Puntland iyo marti sharaf kaloo baddan oo uu ka mid yahay Wasiir kuxigeenka Beeraha Puntland Mudane Burhaan Cilmi,  ayaa maalinimadii Axadda aheyd ka dhacay magaalada London. Kulankaas oo looga hadlayey caqabadaha hortaagan horumarinta sportiga Puntland iyo sidii loo dardar galin lahaa horumarinta ciyaaraha deegaanada Puntland.

Ugu horeyn kulankaas waxa ka hadlay Bashiir Gureey oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii ugu caansaneyd Soomaaliya xilligii ay jirtay dowladdii dhexe ayaa si hufan uga hadlay ujeedada kulanka maanta iyo muhiimada ay u leedahay isu imaatinkan. Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Dageeye oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ciyaaraha Soomaaliya oo isagana tilmaamay sida looga seexday horumarinta sportiga Puntland iyo sida ayan dan uga galin jaaliyadda Puntland.  Mudane Dageeye waxaa uu halkaas ku tilmaamay sida ay uga go’an tahay in hadda loo dhaqaaqo xagaas iyo horumarinta ciyaaraha Puntland, kuna gubabiyey dadkii kasoo qeybgalay in ay arintaas si niyad ah ugu istaagaan.

Kulankaas waxaa kaloo goob joog ka ahaa Hay’adda Puntland Youth and Sports Development Organisation oo fadhigeedu yahay magaalada Leicester  oo isaguna halkaas gudoomiyahooda Cabdixakiim Jaamac Jooje, ka hadlay kana waramay ujeedada loo asaasay hay’addaas iyo sida loogu baahan yahay in loo istaago sidi wax looga qaban lahaa horumarinta ciyaaraha Puntland. Waxaa kaloo halkaas goob joog ka ahaa kana hadlay Ciyaartoydii iyo macalimiintii Sportiga sida Cabdulqaadir Khaliif Biina , Macalin John, Cabdiwali, Maxamed yare, Abshir Ciise, Baadi.

Ugu danbeyntii waxaa hadalkii qaatay Wasiir kuxigeenka Beeraha Mudane Burhaan oo isagu guud ahaan ka hadlay xaaladaha Puntland iyo waliba heerka uu imminka joogo sportiga Puntland. Wasiirka ayaa dadkii halkaas isugu yimid ku gubaabiyay in ay ka dhabeeyaan niyadda iyo arimaha ay maanta halkaan isugu yimaadeen, islamarkaan ku booriyay in ay waddankooda soo booqdaan, oo yimaadaan kana qeybqaataan horumarkiisa, isla markaan waddankooda maal gashadaan.

Ugu danbeyntiina waxaa halkaas lagu soo gabagabeeyay xafladii iyadoo halkaas loogu mahad celiyay Mudane Axmed Yuusuf oo isagu xafladaas qabsoomideeda suurto galiyey isagoo ugu deeqay halkaas goobta uu shirka ka dhacayey iyo casho sharaftii  halkaas ka dhacday. Sidoo kale waxaa aad loogu mahad celiyay Bashiir gurey oo isagu lahaa qabanqaabada shirka..

Halkan ka daawo sawirada….

Qore: Jooje

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.