Home » Badda, Maqaallo »

Profasoorka Aqoon xumoow Somalitalk ma taag darnee garo

Wasiirkii gaadiidka dhulka iyo cirka ee xukuumaddii Cali khaliif ayaan xafiiskiisa ugu soo galay asagoo ilmo ku taagan tahay , markuu noo sheegay dhibaato markaas kaligiis dareen sanaa ahayd se dhibaato Qarankii Somalia wixii la oran jiray haysatay ayuu qalbigu i ruxmay waxaa laba kacleeyay nacayb aan u qabay UN ka .

Cabdi Guuleed wuxuu war fidiyeenka u sheegay in xafiiska wasaaradiisa ee la socodka hawada uu si wanaagsan u hana qaaday laakiin xafiis ay UN ku ka fureen sanadihii 1995 kii Nairobi uu cagaqabad xanuun leh ku noqday shaqadooda , asagoo u sheegay cidii hawada Somalia duulimaad ka samaynaysa in xafiiskaas xamar ka hadlaya uusan run ahayn ee uu yahay ”Burcad” Wasaarad uu leeyahay Qaran Madax banaan hadday burcad noqotay maxaa kuu laaban ?

Sida maantaa na hor tiilay waxaa kaliya ee ka maqnaa wasaaradaas inay hawsheeda mira dhal noqoto Ciidankii Cirka Somalia ee ciddii kusoo aabyoota hawda Somalia si khasab ah jilbaha dhulka usoo dhigi jiray (1980 aadkii Ciidanki Cirka Somalia waxay cagaha dhulka u dhigeen mar ay kusoo aabyootay ciidda sharafta leh ee Somalia si khasab ah kusoo fariisiyeen Air France )

Waa dhab inuusan awood u lahayn wasiirka 1 aad ee Somalia erinta iyo casilida wasiir xumaaday ama shaqa gudan waayay maxaa yeelay asaga ma uusan soo xulan horaanba ee wuxuu ku yimid magac qabiil ayaguuna matalaa ee Qaran ma matalo wixii hagaagana waa hawl uu u qabtay reerka wixii hallaabana waa wax ka hallaabay Qaranka .

Somalitalk wargayska laga akhristo Baalasha Internet ka ayaa afka ciida u galiyay dawlado iyo danaystayaal doonayay inay qaatan Bad Somalia leedahay Kenya walad cabdalla Holland iyo waliba qolyo kale oo meela kala duwan kasoo galay maansada lagu meerinayay lahaanshaha Badda somalida ee lagu itaali rabay Kenyada dhulka naga haysata waxay Somali talk jilba dhulka ugu garaaceen heshiiskaas khiyaanada qaran lagu macneeyay .

Somali talk waxay nooga sheegi jireen Badda Somalia waxaa diidi jiray oo ku talmaami jiray been abuur iyo war la dhoodhoobay wasiiro xildhibaano Ragg macag mid xun iyo fiicanba ku leh somalida dhexdeeda , waxaasa Somalitalk u markhaati noqday Wasiirka 1 aad Dr Sharmarke intuu London joogay wuxuuna af labadii ka yiri Kenya khiyaano ayay waday .

Raggaas waan hubaa oo iska casli maayaan xilka xafiiska aan lahayn ee ku hor qoran magacooda laakiin aniga iyo naftayda oo kaliya waxaan Hanbalyo u dirayaa bahda Somalitalk guud ahaan gaar ahaan qorayaashii arinta Badda.

Waxay Somalitalk soo dhicisay dhul biyo la xadi lahaa waxay gashay kaalintii ciidankii badda Somalia ee ciddii soo aada casharada u dhigi jiray waagii Somali dadka ahayd waxay qabatay kaalitii laga doonayay wadani waxay afka dhulka ugu garaacday dhammaan intii doonaysay inuu heshiiskaas hirgalo oo lagu wareejiyo Kenya
Somalitalk dalkiina ayaad difaacdeen waxaad qalinka ku dhigteen warbaahinta inay wax badali karto waxaad noo bilowdeen kaalinta warbaahinta saxda ah ee horay galisa danta dalka iyo dadka ay u adeegayso ,
Prafasoorka aqoon xumoow darbigaad is tiri legad kuna hamiday inuu dumo mid gaboobay weeye adiga iyo inta kula min ah ma daloolin karaysaan , duul ilaalinayaa jira dayr iyo diraac la dul taagan Seeri dhiigooda inay u daadshaan habayn iyo dharaar heegan u ahoo inuu liico may ogola , maal maha qaraaree muranka galiyay dal iyo dad haddii aad is tiri dayacantaye dullaal oo duhur ku qadee duul waxaa jira dib waxay ka noqotaba inay diffaacaan habayn iyo dharaar abid aan ka daalayn mana taag darnee garo .

Anqaastii Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Alger’s

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Profasoorka Aqoon xumoow Somalitalk ma taag darnee garo "

  1. asc wr wb
    walaal mahadsanid sida aad nooga jaahil bixisay sirta aanan wax kala socan lakin wallee waa yaab badd lagaday dhulkiina gaalu la dhaxalsii lakin bi idnillaah way hagaagi arinta somalia illaahayoow maalin aan dheereen natus somalia uu nabad ah iyo somaliwayn uu is bahaysatay wadaagtana calan kaliya inshaa allaah illaahayoow walaalaheena dawlada isku sheega soo hanuuni haday hanuun wax kulahayn illaahayoow nadhaafi sida u wanaagsana nagu dhaxalsii dawlad islaamiya dadka qaar hadaan dawlad islamiya dhahu faabiyu ayayba ka qabaan dawlad islaamiya waa tii nabiga scw taas ayaana duunaynaa bi idnillaahna way imaan

  2. Deeqa says:

    waad ku mahad santahay saaxiib sida aad u sharaxday sheekada aad ayaana kaaga mahad celinayaa halkaas ka siihayay dhamaan bahda somalitalk na waan u hanbal yaynayaaa goolkii ay dhaliyeen ee geesinimada lahaaaa mar labaad mahad sanid zaki

  3. cagadhidid says:

    aan meel kale ku dhuftee bahda somalitalk shaqo wayn oo ah midii hay,adaha dawladu qaban lahaayeen ayaad wadaan ee garabkiina allaha galo waadna ku mahadsantihiin

  4. Deeqa says:

    dameer iyo doc ka yeerba ilaa daanka la jabiyo dayn maayaan hadale warka badda ma daah ayaa saaran ma wali difaacayaa jira in heshiiskaas xaaraan ahaa waa cadaatay madaxda Xukumada ayaa sheegaye dalkaan dadkiisa ma jecla burcad badeed burcad barri burcad hawadeed burcad meel walba taagan maxaa diidan horta in maxkamad la geeyo dadkaas reer galbeedku intay uu qanyare ama caaato dilay haddii uu nin suudaani ah ama kenyan ah dili lahaa nolosha ayay ku ciqaabi lahaayeen marka somalia looma baaahna weeye waxa dhimanayana waa somali

  5. Sahra Qoxooti says:

    Qiima Daranaa Cumarka Sheegtay wadani Hadalka uu Aadam Zaki anqaastisa ku xariiqay kuma uusan sheegin marna Ibbi ee dhacdadaas la wada og yahay ee R/wasaaruhuba sheegay ayuu ka hadlay Zaki ee maxaad dadka u xag xaganaysaa Cumaroow waxa na lumiyay waa Qof Jeclaysiga ee iska iloow waxaas oo qofbuu ilaahay kaa dhigaye dalka difaacisa ha ka hor imaan haddii kale waligeed ayaa la arki jiray Ciidan dal difaacaya oo gudihiisa ay ku jiraan biiri qaatayaaal
    dalka difaaciisa waa wax u wada yaalla Ummadda Somaliyeed Somalitalk na Kaalin sharaf leh ayay cayaartay Kanxoow Nafta waa ku farxoow Nooloow

  6. Cumar Wadani says:

    ugu horayn aadan zaki waad ku mahad san tahay laakiin su ‘aal ayaan ku waydiinayaa Ibbi ma Qaranimaad u nacday mise Adiga iyo Zakariye Zaaji markuu idinka qaaday Wasaaradii warfaafiinta ayaad la coloowdeen Tan kale adiga Algria Adoo jooga oo waliba Jaamacadda Caranta u shaqeeya maahan inaad ka hadashid Somalia iyo Prof Ibbi maxaa yeelay Inaad Somalia ka shaqayso ayaa lagaa rabay Saaxiibkaa Zakariye Xaaji Maxamuudna Sidaada oo kale ayuu banaanada ka sheegaa inuu wadani yahay adinka wadaniyada Ibbi oo kale yeesha markaas ayaad dalka ka hadli kartaan bad lama gadan ee adigankaa jecel in la gato
    somalitalk waa la yaqaannaa iyaguna dalka waa laga og yahay

  7. Waxaan salaamay bahada warabaahinta somalitalk waxaan ku faraxsanahay in aad isiiseen cashir lama ilaawaan ah oo aan kubartay uguyaraan xeebta dalkayga hooyo waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo dhashay 1986 uuna dhalay sargaal dhexe oo katirsanaa ciidankii bada ee somalia waxaan ku noolahay Nirobi kenya waxaan aabahayga oo aankadareemay murugada iyo dhibka ay ugaysatay saxii dhaca ee bada ayaa aabahayga uu ii sheegay warbixin tii 1 aadba in bada somalia qayb ladhacay waliba ayatahay qayb biyo iyo kaluunahaanba aysii dheeratahay qayraad qaali ah ay kenya dhacaday laakiin qiiradii aabahay oo isaamaysay waxaa hadana wax wayn ibartay somalitalk noolaada oo unaalaada dalkiina waxaan salaan iyo hanbalyo idiinka sidaa ruugcaadaa soomlai ah oo dalkaan badiisa mudu difaacayay kuna noolaa bada dhexdeeda mudo waa S Dhexe AHMED MOHMED (HIDIG)

    BY HUSSEIN AHMED MOHAMED (SANKA)
    E.mail youngsanka@hotmail.com

  8. Waddani says:

    Waa daruuri,in dalkeenna la difaaco oo lagu difaaco waxwalba oo suurto gal ah, waayo dhulal shisheeye dhul iyo hoy midna nooma ahan, mustaqbalkana qofwalba gurigii hooyadi ayuu aadayaa oo ku faanayaa, “heybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo”
    Waad mahadsan tahay sxb, qoraalkaaguna aad ayuu u fiican yahay, xagga qoraalka afka somaliga tafatir ku samee, inta aadan soo dirin ka hor, waa mahadsan tahay.

  9. farayare says:

    s/c waxaan leeyahay cid walba oo soomaaliyeed dalkan masuulkama aha dowlada ee waxaa masuul ka ah soomaali oo dhan mana aha in la dhoho dowlada yaa howshaas dhameyneysa ee soomaalaay dalkina ilaashada il gaarana ku haaya waxaana ku jirnaa xiligii cid walba na haweysan laheyd soomaaliyey ka digtoonow cadowga wareegaya hana la midoobo dana gaara & qurac & qansax waa kan dib inoo dhigay sharafteenii & heykalkeeniina ciida galiyey ka digtoonaada hadimaaa cadaawaha