Home » Warar »

Ardayda Reer Puntland ee Sudan oo Xalaf Sanad Guura ah ku qabsadeen Magaaladda kharduum

Ardayda Reer Puntland ee Sudan oo Xalaf Sanad Guura ah ku qabsadeen Magaaladda kharduum

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah

Maalinimaddi Taariikhdu ku beegnayd 30.Oct. ayaa xaflad balaaran oo aad loo soo agaasimay ka dhacday caasimada dalka suudaan ee kharduum , iyadoo lagu maamuusayey aasaaskii koowaad ee ururka dhalinyarada puntland ee suudaan puntland somali youth congress .

Xafladaan oo ahayd mid aad iyo aad loogu riyaaqay ayaa waxaa halkaa kasoo qayb galay Arday gaaraysa kumanaan kuwaas oo usoo daawasho tagay xafladaas .

Waxaa khudbado kala duwan kasoo jeediyey xafladaa masuuliyiin badan oo ka kala tirsan ururada ka jira suudaan .

Waxaa iyadana meeshaa ka hadlay gudoomiyaha ururka cusub mudane ciise maxamed cali iyo masuuliyiinta ururkaa cusub e Dhidibada loo aasay xalay iyagoo ku dheeraaday aadna u falanqeeyey qawaaniinta ururka u taal markii loo eego dhanka dooroshooyinka , xubinada yoolasha ururku uu leeyahay.

Waxaa iyadana meesha kamaqnayn heesaha kala duwan iyo gabayada iyadoo halkaa xalay sifiican loola dhacay bandhig dhaqameed ay kuso bandhigeen hogaamiyaasha cusub ee
Ururka dhalinyarada puntland ee suudaan.

sudan1

Maahan Markii ugu Horaysay Oo dhalin yaradda Reer Somaliyeed ee wax ka barata Wadanka Sudan ay Xaflad ku dhigtaan Wadanka Sudan kuwaas oo ay ku horumarinayaan Wax barashada dhanka kale ardaydaan iyadu Xaflada sanad Guurada ah ku qabtay Malinimaddi Shalay ahayd Magaaladda kharduum ayaa dhowr jeer oo hore xaflado Noocaan oo kale ah ku qabsaday wadankaasi sudan.

Abdirahman Moham’ed koronto
danjire_143@hotmail.com

….

Warbixin: Shir Sannadeedka Golaha Qurbajoogta Puntland, 2009

Warbixin: Shir Sannadeedka Golaha Qurbajoogta Puntland, 2009.

TUSMO:

1.0     ARAR: GOLAHA QURBAJOOGTA PUNTLAND    2
2.0     HADAFKA GOLAHA    3
3.0     SHIR SANNADEEDKA GOLAHA    3
4.0     HADAFKA GUUD EE SHIR SANNADEEDKA GOLAHA    3
5.0     BIYADHAC    3
6.0     QORSHE-HAWLEEDKA SIYAASADEED EE GOLAHA    5
7.0     QORSHAHA MUSTAQBAL EE GOLAHA    5
8.0     HOGA-TUSAALAYN: QURBAJOOGTA & DAWLADDA PUNTLAND    5
8.1  QURBAJOOGTA PUNTLAND    5
8.2      DAWLADA PUNTLAND    6
8.2.1 Siyaasad:    6
8.2.2 Amni:    7
8.2.3 Saxaafad:    7
8.2.4 Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya:    8
8.2.5 Daryeel Bulsho:    8
8.2.6 Daryeel Bii’adeed:    9
8.2.7 Dhawrid Xuquuq Muwaadhin:    9
8.2.8 Koboc Dhaqaale:    9
9.0     GO’AAMO    10

 Halkan ka akhri warbixinta oo dhamaystiran…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ardayda Reer Puntland ee Sudan oo Xalaf Sanad Guura ah ku qabsadeen Magaaladda kharduum "

  1. nabadoon says:

    waxaan aad ugu faraxsanahay dhalintan soomaaliyeed ee is xilqaamay ee kashaqaynaya wax yaalo aad ybalaaran oo ayka mid tahay arintan qiimaha badan waxaana cadaynayaaa in dhalintan ay tahay kuma bari insha allah wadanka wax kabadali doona waana in lagu daydaa ayan kutalinayaa oo lagaqaataa wanaagan
    sawalaam

  2. axmed yare says:

    Hanbalyo….Hanbalyo…Hanbalyo..

    Waxaan u Hanbaleyeynayaa dhamaan bahada somalitalk iyo weliba weriyaha Warbixntaan dabacay abdirahman Mohamed koronto oo aan aad ugu Farxay gaar ahaana ku farxo wararkiisa uu ku qoro internet aadna muudo in laga ictiraafsan yahay dhamaan websiteyadda oo dhan oo Warar badan aan ku arkay isagoo ku qoray website yo badan hanbalyo weriye sarre.

  3. rashiid says:

    KU.BAHDA SOOMAALITALK
    Anigoo ah abdi rashiid cigaal cawaale liibaan kana mid ahsoomaalida ku nool UK
    Walaalayaal marka hore waan idin salaamay
    Kadibna waxaan idiinka mahad celinayaa sida wanaagsan ood ugu dadaalaysaan wararka aad soo tabinaysaan inay ahaadaan
    kuwo ruta ugu dhaw kana fog eex qabyaalad
    iyo iyo nin jeclaysi ugu yaraan waa saanu arkay..kolay qofkii wax hagaajiya taariikhda yaa qorin ..allaha idin garab galo