Home » Warar »

Xildhibaan Mowliid Macaani: Al-shabaab iyo Xisbul Islaam haddii aysan dagaallada joojinayn ha u badalaan kuwo jabhadeyn ah..

Xildhibaan Mowliid Macaani “Walaalaheenna Al-shabaab iyo Xisbul Islaam waxaan ka dalbanaynaa in haddii aysan dagaallada joojinayn ay u badalaan kuwo jabhadeyn ah, waayo taas waa mid badbaadinaysa shacabka”

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah mudanayasha baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, dib u heshiisiinta, burcadbadeeda, shirarkii Somalia loo qabtay, ciidamada nabadgalyada iyo weliba dagaallada socda.

Mudanahan oo saxaafadda ugu waramayay Muqdisho ayaa si weyn uga hadlay dib u heshiisiinta iyo shirarkii loo soo qabtay si loo dhiso xukuumad Somaaliyeed oo dalka hanata.
“Inta dalka uu ku jiro burburka waxaa la qabtay 16-shir oo ka dhacay dalalka Ethiopia, Kenya, Jabuuti, Masar iyo Yemen, 14-shir oo ka mid ah waxaa ka qaybgalay hoggaamiye kooxeedyo dalka dhibaato ka geystay, balse labadii shir ee ugu dambeeyay oo ka dhacay Jabuuti iyo Kenya ayaa ahaa kuwo miro dhal noqday” ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirarkii ka dhacay Jabuuti iyo Kenya ay ahaayeen kuwo lagu casuumay dhamaan dhinacyada bulshada Somalida, lagana gaaray natiijo ah in la dhiso xukuumado ka duwan kuwii hore.

“Intii lagu jiray shirkii Eldoret ee Kenya 2006, waxaan ka sheegay in haddii aan la heshiin oo aan dowlad dhisan wayno inay imaanayaan ururro aan hadda la aqoon sida: Ururada Dhaqanka, Culumada, dhalinyarada iyo Haweenka” ayuu yiri Mowliid Macaani oo intaas ku daray:

“Shirarkii dib u heshiisiinta ahaa ee la qabtay ma ahayn kuwo laga run sheegay, waayo waxaa la doonayaa in dib u heshiisiinta afka iyo dabada laga gunto si aanay u soo bixin dulduleelo, balse dib u heshiisiinnadii la qabtay oo dhan waxay ahaayeen kuwo afka keliya laga guntay oo dabada ka duleela”.

Xildhibaanku wuxuu carrabka ku dhuftay in shirkii Jabuuti uu ka sheegay in dhamaan dhinacyada wax tabanaya la isugu keeno, si aanay u dhicin in shaqsi iyo koox ay wax tabato oo aanu dhib dambe u dhicin.

“Waxaan soo jeediyay maadaama ay shirka goobjoog ka ahaayeen beesha caalamka iyo dalalka Mareykanka uu ka mid yahay inaan ka dalbano in cunnoqabteynta laga qaado shaqsiyaadka xayiraadda la saaray, sida Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Roobow iyo Sheekh Xasan Turkey, lana keeno shirka si loo dhameeyo khilaafka Somalia” ayuu daboolka ka qaaday Mudane Mowliid.

Xildihbaanku wuxuu dowladda Jabuuti ku eedeeyay inay qabto mar walba shir aan loo dhameyn, taasoo uu ku macneeyay inay tahay in Jabuuti aanay doonayn nabad ka dhalata Somalia.

“Waxaan oran karaa dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaaliya loo qabtay waa shirkii ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan Eldoret iyo Embgathi, waayo qabiil walba ayaa lagu casuumay, cid walbana nasiibkeeda ayay heshay” ayuu si cad u yiri Xildhibaan Mowliid.

Mudanaha oo soo hadal qaaday waqtiga ay shaqeynayso xukuumaddan ayaa xusay inaan waxba la iska weydiin, cidda dalka xukumaysa marka ay dhamaanto labada sano, maadaama xitaa baarlamaanka uu watigiisa ku egyahay waqtiga xukuumaddu jirayso.

“Xubnaha baarlamaanka waa inay hadda ka fikiraan xiliga ay xukuumaddu dalka maamulayso, waayo haddii uu baarlamaanku dhaco dalka wuxuu noqon doonaa mid fowdo ah oo dhib aad u daran uu ka dhaco” ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay in mudanayaasha ay u furan tahay inay dhowr bilood ku daraan xilliga uu baarlamaanku shaqeynayo, iyagoo ku saleynaya inta doorasho lagu qaban karo.

mo1

“Waa inaan la lumin furaha keliya ee hadda lagu shaqeynayo, haddii la lumiyo, waxaa imaanaysa in dalka uu galo xaalad ka daran midda uu hadda ku jiro oo qolo walba oo xoog leh ay qayb goosato” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Mowliid.

NABADGALYADA:

Mudane Mowliid Macaani Max’ud ayaa ka hadlay nabadgalyada, wuxuuna sheegay in dadka Somalida ah ay iyagu isku hayaan nabadgalyo darrada jirta, mana jirto dhibaato ay nabadda dalka ku hayaan Ethiopia, Burundi iyo Uganda.

“Haddii la heshiiyo oo Somali ay isku tanaasusho isla markaana la iscafiyo, xagee dhib inooga imaanayaa, ma jirto cid faragelin nagu sameyn karta, waayo Somalidu waxay dabci u leedahay inaan lagu qasbi karin wax aysan doonayn” ayuu yiri Mowliid.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in haddii aanay Somalidu isku sameyn tanaasul isla markaana aysan iska gacalaysan cadowgeeda in dhib intan ka badan uu ku dhici doono, isla markaana ay imaan karto in xukunka ay kala jiidanayaan uu go’o.

CIIDAMADA:

Sidoo kale xildhibaanku wuxuu ka hadlay ciidamada dowladda, isagoo sheegay in TFG ay dhistay ciidan badan oo tababar fiican qaba, balse ay iyadu gacmaheeda ku burburisay.

“Waxaa jirta Maahmaah Somali ah oo dhahaysa SAC RUQAY OO AFAR NIN AY RUJIN WAYDAY WAXAA KU JIRA MID MAQAARKA RABA” ayuu yiri Xildhibaan Mowliid oo ku macneeyay middan in dowladda Somalia ay iyadu burburinayso ciidamada ay dhisto.

BURCADBADEEDA:

Mudane Mowliid Macaani wuxuu si kulul uga hadlay burcad-badeeda isagoo sheegay in eraygan uu yahay mid ihaano ah, isla markaana aysan mudnayn dhallinyarada Somalida in la yiraahdo, wuxuuse sheegay inay jiraan kooxo Burcad-biyood ah oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa wata Maraakiibta sida aan sharciga ahayn uga kalluumeysta xeebaha Somalia.

“Qarammada Midoobay waxay noo sheegtay been waayo waxay sheegeen markii ay xukuumadeenii burburtay in xeebaha Somalia ay iyagu ilaalin doonaan oo ay mas’uul ka yihiin, balse taas badalkeeda waxay ku soo fasaxeen kalluumeysato iyo dalal sun ku aasa badda” ayuu yiri Mowliid Macaani.

Xildhibaanku, wuxuu amaan u jeediyay Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif oo uu sheegay inuu maqlay isagoo ka sheegaya dalka Mareykanka in ruux Somali ah oo lagu qabtay dambi burcadbadeednimo aan lagu maxkamadeyn karin dalka dibaddiisa.

“Sheekh Shariif waan ku taageersanahay go’aankiisa ah in dhallinyarada Somalida aan lagu maxkamadeyn dibadda dalka, waayo waxaa la qabtay iyagoo difaacaya biyaha, maadaama ay si sharci aan ahayn looga kalluumeysto” ayuu yiri Xildhibaanka.

“Dhallinyarada Somalida ee loo bixiyay burcadbadeeda waa kuwo u adeegaya dalkooda iyo dadkooda, waayo ma tagaan dalal badaha shisheeye, mana dhici lahayn inay afduubtaan maraakiib, haddii aanay kusoo xadgudbin badaheenna” ayuu xildhibaanku mar kale sheegay.

Xildhibaan Mowliid wuxuu carrabka ku dhajiyay in inta ay jirto burcad-biyood ay jirayso burcadbadeeda, isagoo sheegay in labadan kooxood ay isku yihiin, balse ay beesha caalamku eedda dusha ka saarayso dhallinyarada Somalida oo keliya.

BAARLAMAANKA:

Mudane Mowliid Macaani wuxuu si kooban uga hadlay hakadka ku yimid fadhiyada baarlamaanka uu xubinta ka yahay, isagoo sheegay inay horyaallaan in ka badan 100-ajande oo xasaasi ah, ayna ku jireen maalmo fasax ah.

“Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu dhawaan sheegay in fadhiyada baarlamaanka ay ku furmi doonaan 10-casho gudahood, xilligaasna maanta ayuu ku eg-yahay, waxaase jirta in mushaar la’aan ay xildhibaanada hayso, taasoo aan filayo inay dib u dhacyada inteeda badan keenayso” ayuu yiri Mowliid.

DAGAALLADA:

Mar uu ka hadlay dagaallada dalka ka socda ayuu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo lagana gaaro heshiis dhameystiran, isagoo sheegay in hubka ay dhinacyada dagaalamaya isku adeegsanayaan ay ku dilayaan qof Somali ah.

“Walaalaheenna Al-shabaab iyo Xisbul Islaam waxaan ka dalbanaynaa in haddii aysan dagaallada joojinayn ay u badalaan kuwo jabhadeyn ah, waayo taas waa mid badbaadinaysa shacabka” ayuu yiri Mowliid Macaani.

Isagoo sharraxaad ka bixinaya jabhadeynta ayuu sheegay inay tahay in kooxaha mucaaradka ay gaadaan dowladda oo ay saldhig weeraraan ama dhib kale u geystaan, dowladduna ay ka aargudato, balse ma ahan in shacabka dushiisa lagu dagaalamo oo la laayo dadka rayidka ah.

“Mucaaradka waxaan weydiinayaa in haddii uu Sheekh Shariif Xilka ka dago ma haystaan ruux ay heshiis ku yihiin oo badali kara? haddii ay jawaabtu tahay maya waa inay dagaalka joojiyaan, ayna qaataan nabad” ayuu si hufan u yiri Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha ugu dhiirran baarlamaanka.

AWOOD QAYBSIGA:

Qodobkan oo ahaa kii ugu dambeeyay oo uu ka hadlo Mudane Mowliid Macaani Maxamuud ayuu ku sheegay inuusan ahayn sida loo sheegay beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Xukuumadda Somalia laguma qaybsan qaabka la sheego ee 4.5-ka ah, waxaa ku jira xukuumadda xildhibaano aanan magacaabay oo aan aanay jirin deegaan ay dagan yihiin, qaar ka mid ah waxay xilalka ku heleen timahayga ayaa jilcan iyo sankeyga ayaa dhuuban” ayuu yiri Xildhibaanka oo muujiyay caro aad u xooggan.

Mudanuhu wuxuu sheegay in Somalia ay ka jiraan 6-bilood oo waaweyn, kuwaasoo kala ah: Hawiye, Daarood, Dir, Digil iyo Mirifle, Jareer-weyne iyo Reer Banaadiri, qaabka xilka loo qaysadayna waa mid aan sax ahayn waayo waxaa jira beelo la dulmiyay.

“Caalamka xilka waxaa lagu qabtaa saddex qodob oo kala ah in ruuxu yahay mid dhaqaale leh ama shacab haysta ama deegaan balaaran kasoo jeeda, Somalia waxaan jira xubno aan inta lahayn oo dowladda jagooyin muhim ah ka hayay” ayuu yiri Xildhibaan Mowliid.

Wuxuu tusaale u soo qaatay beelaha Jareerweyne oo uu sheegay inay dagaan 9-gobol oo dalka ka tirsan in hal wasiir ay xukuumadda ku leeyihiin, sidoo kale beelaha reer banaadiriga aysan lahayn wax wasiir ah, isagoo sheegay in taasi ay tahay dulmi aanay raalli ka ahayn ALLENA uusan raalli ka ahayn.

Madaxweynihii hore ee Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayuu ku eedeeyay inuu abuuray qaabka 4.5-ka ah, isagoo sheegay inuu xilligaas u daneynayay beesha Carab Maxamuud Saalax, si ay kursi ugu yeeshaan baarlamaanka Somalia.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.