Home » Warar »

Muqdisho: Siminaar ku saabsan wacyigalinta Bulshada ee Khatarta Cudurka Aids-ka

Mudane Cabdi Nuur “Hay’adda Ospad waxay Siminaaradaan u qabaneysaa in ay Bulshada ku wacyigeliso khatarta Cudurka Aids-ka”

Sawiro Dheeraad ah halkan ka akhri

Waxaa Xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey siminaar ku saabsan ka hortaga cudurka Aids-ka waxaana soo qaban qaabiyey Hayadda Ospad oo ah Hay’ad markasta u taagan in ay bulshada ka wacyigeliso Khatarta Cudurka Aids-ka waxayna Hayadaas gacan ka heshey Hayadaha Global Fun iyo Hayadda Unicef , wuxuuna siminaarkaas socdey Muddo saddex maalin ah waxaana loo qabtey Haween, Dhalinyaro, Odayaasha Dhaqanka iyo Umiliso Dhaqameed oo tiradooda gaareysey 40 Xubnood waxaana ka qaybgalayaasha ku baranayeemn sida looga hortago Cudurkaas iyo sida loola dhaqmo dadka qaba cudurkaas waxaana casharo ka bixinayey Macalimiinta kala ah Luul Cali Culusow iyo Abuukar Shikh Maxamed oo iyago ku dheeraadey siyaabihii uu ku bilowdey Cudurkaas iyo sida looga hortagi karo cudurkaas iyadoo mararka qaarkood ka qaybgalyaasha iyo Macalimiinta ay isweydaarsanayeen arrimo la xiriira cudurkaa.

Waxaa gabagabadii halkaas warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Hayadda Ospad Mudane Cabdinuur Cismaan Weheliye oo sheegey in Hayadiisa ka hortagga cudurkaan ka wacyigelinta Bulshada u istaagtey Mudddo aad fog si bulshada looga wactigeliyo khatarta cudurkaas oo uu sheegay in uu yahay cudur aan dawo lahayn balse uu sheegay in uu leeyahay ka hortag waxaa kaloo halkaa ka Hadley islamarkaan soo gabagabeyey Siminaarkaas Madaxa Kormeer Bartamaha iyo Koonfurta soomaaliya ee hayadda SCAC Mudane Cabdulaahi Xaashi oo ugu horeyn u mahadceliyey intii ku gacansiisey taabagelinta Siminaarkaas wuxuu kaloo uu sheegey in barnaamijyada wacyigelinta cudurkaas ay sii socon doonaan si bulshada soomaaliyeed looga badbaadsho Khatarta Cudurkaas

xam1

Sawiro Dheeraad ah halkan ka akhri

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.