Home » Maqaallo »

Jaaliyadda Soomalida Maraykan oo Aragtidii dib u laabashadu ka Dhamaatay Sh C/risaaq Sancaani

 Jaaliyadda Soomalida Maraykan oo Aragtidii dib u laabashadu ka Dhamaatay Sh C/risaaq Sancaani

Maqaalkii Dunida Muslimkaa ugu Akhriska badnaa oo Afka carabiga ku Qoran ee Lagu Daabacay Shabakada Afka Carabiga qorta ee Somaliatoday.net Maqaal uu Qoray Sh C/risaaq Macalin Abshir Sancaani Imaamka Masjidka Rowdah ee Magaalada Minneapilis

Maqaalkaas oo afka Caribaga ku qornaa ayaa Ciwaan u ahaa Jaaliyadda Soomalida Maraykanka oo Aragtidoodii dib u laabashada ay ka dhamaatay
Haddaba haddii aad Qoraalka Carabiga akhrinayso Sadarkasta ama Space kasta Sida ay u kala durugsan yihiin oo u kala horeeyaan ayey u wada Socdaan Turjumaadda iyo Qoraalka Fiiro Gaara Sadarka ugu horeeya Sagaashameeyadii Halkaas ayuu ka bilaamanayaa Turjumaadda Maqaalku sidaas u sii raac..

Bilowga Maqaalka الجالية الصومالية في أمريكا وتلاشي آمال العودة-بقلم عبد الرزاق الصنعاني

Sagaashameeyadii Qarnigii aan soo dhaafnay Diyaarad kuwa Xamuulka ugu Weyn ayaa qaaday 580 qof oo Qaxooti Soomaliyeed ah  iyo Alaabtoodii iyo Boorsooyinkoodii waxaa intaas Dheeraa Dad ka ka shaqaynayey Diyaaradda oo Aan ayaguna tira ahaan yarayn waxay diyaaradaas ka ammabaxday Airport ka Nairobi.

Waxa raacay diyaarada Qoysas  aan cidna ka maqnayn waxayna galeen safar dheer waxay diyaaraddu Shidaal ka qaadatay  Magaalada Paris ee dalka France Waxayna Dul martay badda Atlantic Ocean Sagaal saac iyo Bar waxay jartay Daanta Galbeed Dad kiina waxay ku dhex yaaceen Qaarada America waxayna sii galeen Safaro hor leh  diyaaradda ayaa ahayd mid soo noq noqota  halmar iyo in ka badan Bil kasta.

Waxaan is dhihi jiray aniga oo naftayda la hadlaya Maxay tahay Mucjisadaan aan horay loo arag mid la mida oo dad kii Soomaliyeed oo dhan dalkoodii ka tagayaan sidaybay u dhici kartaa ? Diyaaradaan dad ka saa u raraysa Tolow dad ka ma soo celintoontaa ? Sababtoo ah Aragtidaan Soo laabashada ayaa qof kasta qalbigiisa ku jirtay Qofna ma sawiran Meeshii uu ku dhashay in uu san dib ugu laaban.

sanco

Maqaalka oo Af Carabiya ku qoran Halkan Ka Akhri

Laakiin waxaan arkay wadan cusub oo soo jiidasha leh oo indha sarcaad ah Waxaana la kulmay soo dhaweyn fiican waxaana la kulmay Wadaniyiintii naga Soo horeeyey markaas ayaa waxaa ii cadaatay sheekada  dib u laabashadu in Ay tahay mid khayaali ah dhalanteed ah arintuna in ay ka fog tahay sidii aan u Malaynayey Haa aragtida laabashadu waa riyo wali dad ka qaar ayey ku hartay laakiin Wakhti aan fogayn waa dhamaanaysaa.

Sheekooyin La soo dhaafay خلفيات القصة

Waxaan ahaa Noolashayda bilowgeedii xiligii aan cusbaa mid  naftaydu ku Wareertay waxa aan ku wareerayna waxay ahayd oo aan is weydiin jiray Hijradaan loogu socdo Galbeedka iyo Sababta Maraykanka iyo Reer Galbeedku Ay Al baada wadamadooda ugu fureen Kumanaan qof oo Qaxootiya Soomaaliyeed ah oo Sharciyada u siinayaan ? Ma qiiro insaanimaa Bulu aadamnimo ?  Xaqiiqada iyo Sida loola dhaqmayo Qaxootiga waa mid insaaniyad ku jirto oo naxariis Xambaarsan mase waa xaditaan dad anaga oo og dad ku in ay yihiin kuwa ugu Qaalisan  Wadama marka loo eego dalkasta.

Waxaan ahaa wakhtigaas mid ku wareega dad aan yarayn oo ay ka mid yihiin Dad ka ugu caansan Macalimiinta Culumada iyo Siyaasiyiinta oo Maraykan ah Ama Soomali ah waxaan kaloo aaday Haayadaha Dib u dajinta Qaxootiga Maraykanka si aan u fahmo sababta dadka loo keenayo waxaana qoray Waraaqo dhowr ah laakiin markii Qarniga Cusub bilaamaday Sanadka 2000 oo Qarni Cusubna la galay Jihooyinkiina waa lumeen waraaqihiina waa daateen
Gacantaydana waxba kuma harin!!!.

Muhiimadu waxay tahay wali waan xasuustaa Maqaalaad kii aan qoray laakiin Soomalida in badan gaar ahaan dadka aan soomalida ahayn waxay arkayeen in Arintaan tahay insaaniyad bulu aadnimo oo  kaliya xaaladda Qaxootiguna waxay Ahayd mid xanuun badan waxaana teen dhooyinka hoos tooda ku laynaysay Gaajo iyo Cudurka Malariyada ka dib markii ay ka soo carareen dagaaladii Qaboobaa ee ka shidmay dalkooda wakhtigaas arintaas markii ay noqotay mid Soo shaacbaxday Reer galbeedka waa argagax galisay waxayna ahayd arin aan la fiirsan karin maqalkii ugu horeeyeyba waxuu ahaa Gacan gargaar in ay u Fidiyaan Soomalida soona qaataan Dajiyaan wadamadooda siiyaan Xuquuqda Muwaadiniintu leeyihiin oo dhan sida Shaqo Sharci iyo Xoriyad dhamaystiran iyo In ay Xariir la sameeyaan ehelkoodii Soomaliya ay oga soo tageen iyo in ay Caayiyaan oo wax u diraan Maxay tahay insaanimada midaan ka weyn !!! ??

Dad ka qaarkood waxay arkaan in ay tahay ka faaidaysiga gacanta shaqaalaha Ee raqiiska ah maxaa yeelay qofka galbeedka ku dhashaa Dowladda ayaa wax Siisa inta uu ka gaarayo 20 sano labaatan sano noolashiisa wayna diyaariyaan Cilmigiisa iyo Caafimaad kiisa si looga faaidaysto 40 ka sano ee soo socda
Dhinaca Canshuurta intaas wixii ka danbeeyana waxuu noqonayaa Qof Waayeela marka waxay heleen dad la diyaariyey oo aan qarash oga baxaynin Markaas ayey soo qaateen waxaana taas cadayn u ah oo aan ku darayaa sharuud ayaa lagu xiray qofka qaxootigaa in uusan ka weynayn 20 ama 21 Marka aawaday insaanimadii ? Dowladaha wax soo saara haddii aysan dad Badan keensan dhaqaalahoodu waa bur burayaa waayo wadaniyiintoodu inta badan waa gaboobeen oo xiligii shaqada waa dhaafeen.

Waxay dad ka qaar kood  u arkaan in Soomalida dhoofinta la dhoofiyey in ay Tahay in Diinta Islaamka laga saarayo iyo in  dad aan muslimiin ahayn laga helo Soomaliya Ma ahan arintaana mid fog ayada oo Hayaadaha keena dad ka ay Wataan Astaan Diineed.

Waxay dad kalana arkaan arintaan in aysan sidaan iyo sidii hore midna ahayn waxaa weeye in ay isku shaadhayn ku sameeyaan Jinsiyooyinka ama midabada kala gadisan ee United State u ah tusaalaha iyo in la ilaaliyo Jinsiyada wax Badan soo jirtay iyo Quruxda wadanku leeyahay iyo in la dhowro  sawirkiisa  dhalaalaya Qarniyada soo socda.

Gabagabadii Aragtida dad ku waxay natiijadeedu noqotay laba arimood (1) Hay’adaha Dowladda ee Istiraatijiyada Maraykanka Qorshaha Maraykan dajiya ee Green line loogu yeero Khadka cagaaran  ayaa dajisa Intee dad la keenayaa? yaa la soo dhoofinayaa? waxay ka eegaan dhinaca maadiga mana galaan Arimaha la xariira diimaha iyo qofku waxa uu aamisan yahay.
(2) Haayadaha dib u dajinta ee u adeega qaxootiga  wadanka ku cusub ilaa uu la qabsado waxay wataan Astaan Diineed layaabna ma lahan haddii damac Diineed ku jiro ama ay aamisan yihiin in ay insaanka Diin ahaana bad baadiyaan Sida ay sheeganayaan dhammaan aragtida la soo tuuray waa suurta gal waana Wax dhici kara.

Hadda Waxa la Rajaynayo الواقع والمأمول

Sheekadaan wareega ah  waxay Qoysaska Soomaliyeed ahaayeen kuwo marka ugu horaysa ka sheekaysta dib u  laabashada iyo qorshaha dib loogu Hijroonayo
Waxaana jiri jiray diyaar garow joogtaa iyo lacago meel la dhigto iyo wax yaalo kale Muxaadaradkuna waxay ahaayeen kuwo Masaajidda iyo Mutamaraadka Lagu qabto taasna waxay xoojin jirtay dareenka laabashada iyo cabsida laga Qabo ilmaha iyo tarbiyadooda waa faqsan shareecada islaamka qaar koodna Waxaa ku dhacay is badal isla markiiba ayada oo ay jirtay awood la,aan iyo wadankaan iyo noolashiisa cusub cidna kama qarsoona Dhibaatada Luuqadda Iyo Shaqooyinka oo aan loo haysan Shahaadooyin iyo xirfado.

Laakiin xaqiiqada muuqataa waxay tahay Dhibaatada Soomaliya waa Dheeraatay qofna  ma oga goorta ay hishiinayaan dagaaladii ay ka soo Carareena wali waa socdaan dhibaatadu haba kala gadisanaato Dabcan qoysas Soomaliyeed ayaa u qaxay wadamo kale oo aan Soomaliya ahayn waxayna kala kulmeen dhibaatooyin khasaara ah wali ma dagin Soomalidu guur guur ayey ku jiraan go,aamo ayey gaarayaan kana laabanayaan waxaana dhacda haweenku In ay xataa markii ay uur yeeshaan ay dhahaan waxaan ku soo dhalayaa America ayada oo aysan ragga qaba awood dhaqaale u ogo laanaynin ama wakhtigu u saamaxaynin daruufaha jira ee dhaqaalo xumo awgeed

Halkaan waxaa yaala daruufo Caqabado aan suurta galinaynin in dib loo laabto Waxaana ka mida (1)xaaladda Soomaliya oo dhibaatadii sii kordhayso umana Muuqato mid dagaysa dhawaanahan xaaladda noolaleedna waxay u baahan tahay wakhti dheer ilaa laga caafimaado oo uu ka noqdo sida noolal habaysan waxaana ula jeedaa taas inta dadku ka helayaan Tacliin iyo daganaasho iyo wixii la mida taasina waa arin aan muuqan mustaqbalka dhow.
  
(2) Qoys kasta inta uu ka kooban yahay ugu danbayntii iskuma raacsana Qorshaha dib u laabashada ah ayaga oo ay ka mid yihiin kuwo halkaan ku dhashay iyo kuwo dayar ku yimid wax xariirana  soomaliya la malahan waxayna ka haystaan Soomaaliya Sawir xun taasna qoysas badan ayaa rumaysan.

(3) Waxaa ka mida waxa hortaagan mashruuca dib u laabashada Dhaqaalo La,aan lacagta iyo dhaqaaluhuna ma ahan kuwo si fudud lagu helo qoysaska Inta badan sababahaan ayaa hortaagan aan sheegnay iyo kuwaa kale Dadka go,aamadoodina waa jilceen waana baa baday  rajooyinkoodii ka go ida Soomaliyana waxay noqotay kama danbays  ilaah ayaa la wakiishaa.waxaan Arkaa hadda in aan qaabilnay si sare Gadashada Guryaha Waxaana lagu Qiyaasaa Guryaha qaybo ka mida Jaaliyadda Minnesota ay Gateen kun iyo shan Boqol oo guri 1,500 Guri inta hartayna waxaa ka go,an in ay maraan wadadii kuwii ka horeeyey..

Turjumaaddii Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
Waqooyiga America Minnesota Minneapolis
ustaadka

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Jaaliyadda Soomalida Maraykan oo Aragtidii dib u laabashadu ka Dhamaatay Sh C/risaaq Sancaani "

  1. Shukri Sh. says:

    AAWW,
    waad ku mahadsan tahay fikrada aad noo soo gudbisay waan sida aad u sheegtay soo laabashadii rajadeedii, balse waxaa dhici karta in Soomaaliya ay hagaagto oo mid loo soo shaqa doonto noqto inshAllaah, inkastoo aanan hada joogin aniga balse waxaan ku rajo weynahay inay isbedel keento naxariista Allena lagama quusto, Allena wax kuma ahan inay wanaagsanaato inshAlaah balse waxaa habaar la daba taagan dadka dhoofka rabo iyo sharciyada ee dalalka shisheeye jira, bal aynu u duceyno wadanka in Alle dajiyo oo nabad ku soo dabaalo inshaAllaah.
    AAWW