Home » Maqaallo »

Xaqiiqda Puntland iyo kursi kala cayrsiga | Dr. Yuusuf

Waxaan salaamayaa dhamaan akhyaarta maqaalkan akhrisandoonta weliba waxaan jeclahay in tixgelin gaara lasiiyo waayo runta ma badna ee beenta ayaa tiro badan.

1.Puntland wax ay qabsatay maleh aan ka ahayn beelo nabad kuwada degenaa kuwaas oo isir wadaag ah, aan caadifi ahayn, nabadgeliyana Deriska ka agdhow ama Qabiil ha wadaageen ama Somalinimo haba ka dhexeysee, anigoo meesha ka saareyn Somali oo dhan waa isir wadaag ama hal Qoys.

2.Puntland iyo Somalida kale oo dhan waxaa dhulkii kusoo haray dadka intii Maatada ahayd, intii faqriga ahayd ,intii jaahilka ahayd, intii socon weyday iyo kooxo sharciyo kasoo qaatay Wadamo kale (burcad dhuleed beri iyo cirba)

3.Aqoonyahankii iyo indheergaradkii Puntland waxey noqdeen Labo,mid daneyste ah oo kooxaha Puntland iyo Somalia xukunta la qawleysta iyo mid codkiisii gaabtay, maxaa kaa codkiisa gaabiyey??? waxaa gaabiyey tusaale aan idinka siiyo: Madaxweynaha Puntland ama kuwii ka horeeyey maaha dad jaahiliin ah,balse waa dad u bareeray inaan waxba hagaagin sida: C/laahi Yusuf oo ku talo galay inuu ka dhigto jaranjaro uu ku gaaro Somalia ahaana madaxweynahii ugu fiicnaa ee soo mara! ,Cade Muse oo ahaa nin aan target fog lahayn sida C/laahi balse kusoo galay Puntland hab qabiil,kadibna afduub ku dhameystay balse wax badan dhaamey kan hada jooga, Ninkan iminka jooga oo isna kusoo galay hab Qabiil qayaxan ahna ninka ugu aqoonta fiican marka loo fiirsho kuwii hore ayaa noqon doona kan ugu liita waayo waxaa fogaan doonta rajadii aqoonyahanka Puntland waana kuwa codkooda gaabtay!

Waxaana xoogeysan doona riyo maalmeedka beenta ku dhisan ee Gobolka tusaale waxuu siyaadiyey Wasaradihii Puntland ,waxuu siyaadiyey mushaharooyinkii,waxuu xoojiyey caadifadii Qabiilka, waxuu siyaadiyey cashuurahii Dekeda taas oo sababtay in Ganacsatadii Puntland ay ka hayaameen Gobolka waayo uma adkeysan karaan in canshuur siyaado ah inta laga qaato rag Australia iyo Europe ka yimaada iney ku qayilaan, taas bedelkeeda waxaa Ganacsatadii bedelay Ganacsatada kililka 5aad, Mogadishu iyo Baydhabo waayo iyagu hadey Gobolkaas nabadgelyo ku helayaan dhibsan mayaan ragaas qayilkooda!!! waa cilmi nafsi marka Gobolka ganacsigiisii waa baa ba’!.

4.Filim cusub oo la jili rabo kaas oo la dheho Puntland waa Wadan madax banaan wadadaas oo Somaliland 18 sano rag ku qayilayeen, xaqiiqaduse ay tahay inaan Wadanka waxba loo qabaneyn.

5. Puntland waa dhul qani ah oo ku socda wado faqri ah oo dhamaad lahayn,si markaas wadadaas looga soo weecan waa in filmaan cusub la kenaa, marka waxaan uga digayaa dadka qurbo joogta ah inaan sheeko caadifadeysan loola tegin, ineysan tageerin iyagoo is dhehaya Beelaha Xamar ku xumeeya haddii team kaas ini C/rashiid iyo Faroole siyaasada laga xanaajiyey ama laga badiyey yaan Somalia looga go’in dad iyaguba hopeless ah.

Puntland waxey go’i kartaa markay horumar la taaban karo ay gaarto ee yeeysan nala go’in kooxo isa soo urursatay, oo sidii Somaliland shimbarayahow heesa naloo qaadin ,oo Calankale hadba guri Wadan kale kuyaal aynaan la gelin.

6.Dadka Puntland waxey xaq uleeyahiin iney xukumaan Somalia oo dhan, xukunkana maanta ama adiga ama walaalkaa baahaya ee yeeynaan ku bedelan Somali weyn Puntland, xataa hadii Beelaha Muqdisho labada Jago isku qaato micna badan ma sameyneyso waa wax ku saleysan waqti,faaidada ayaana kabadan doonta,C/laahiba khasaaro beynu ka dheefnay waxaa noo dhaanta Wasiiro tayo leh.

7. Dadka Puntland aan caadifiga ahayn waa iney ka gudbaan Madaxtinimo iyo Qabiil aan micna keeneyn khasaaro mooyee,Puntland qofkasta oo umadda u daneynaya waxuqabanaya waa inuu xukumaa inagoo u fiirin Qabiilkiisa waa ineynu fiirsanaa danta khaaska ah ee maaha tan Qabiilka ,tan khaaska waa shaqada, waxbarashada, amniga, caafimaadka, nadaafada, biyaha,dhismaha iwm ee maaha in ninkale aad isku Qabiil tahiin aad qayilsiiso caruurtaadana biyo wasakheysan cabaan,kuwiisana Australia cayr ku cunaan.

8.Ugu danbeyn waxaan ku kalsoonahay sidaan u ogahay inaan dhimanayo ineynu waqti yar horumar ku sameynkarno dhinackasta leh inagoo ubaahneyn deeq caalami ah laakiin aanka gudubno marka hore Qabiilka,hana lahelo siyaasiin cusub ee maaha dhowr oday oo ku caanbaxay daneysi iyo wax isdaba maris,ninkii maalin 1000 sh.so xaday waa in la eryaa la ceebeyaa ee maaha in la amaano,ninka jaadka cuna, khamriga caba waa ineynu takoornaa cilmigiisana waxba tari maayo.

Wadaadka beenta yaqaan ama Qabiilka waa ineynu ku cadeynaa cayrinaa diin iyo wacdi na laga dhegeysan waayo waa beenaale,waa ineynu xisaabtanaa markaas ayeynu noqon Dadjira oo la dheho reer Puntland, Somalina wey noo imaan oo sharaf magula joogin.

9.Somalia makala maaranto waana mid umana baahna qeybin qofkii qeybiyana wuu duloobayaa,ninkii danta Puntland ka horyimaada waa in talaabo laga qaado ama feer ama cay iyo xarig waxii la doono haloo isticmaalo yeysanse dhicin sidii Cabdi qeybdiid lacag jeebab ka loogu shubo, maantana ay sababto in IBI ,Sheriif xasan iyo Sheikh sheriif dartood Puntland Somali uga go’do waa wax laga xishoodo!!

Yeeysan ku ciyaarin sharafta iyo karaamada dadka reer Puntland dhowr nin oo dantooda cayrsanaya walooba ay ahaadaan Prime minster ama Madaxweyne Puntland ama Wasiir kuwaas oo beri iyago Maqaaxi fadhi ku dirir fadhiya aan sugeyno sababtuna waa iyagoo aana masuul ka ahayn Umadda ay matelaan balse metela ehelkooda iyo kooxda uu saxiibka layahay

( N.B hade dan uma hayo kan la qabiilka ah ee qaabka maqaaxiyaha lasoo fariista kaas waxaan leeyahay most useless person on the earth).

Dadku dantooda ha garteen Wadada horumarka wey cadahay qofka xukuma ayaana tusaale kuugu filan Wadada burburka iyo fashilka wey cadahay Qofkaas baana tusaale u ah, Wasiir federaal baa dibadaha wareega oo ka yimi Puntland waxuu ku leeyahay Dastuur baan sameeyey waxaana lasoo dooran Gole barlamaan oo dadku xor kusoo dooran markaas bey dooran Madaxweyne.

Marka Madaxweynaha waa arin fudud oo 66 qof waa lala garaa laluush bal filimkaas weligiin magasheen kadibna dadka sacab gacmaha ma ku xanuuneen????

Gole Barlamaan puntland muxuu yahay xagee ka shaqeyaa,soow kan Madaxweynaha kala cayriyey counsilkii garowe, bosaso, Galkacayo,Burtinle yaa awoodaas siiyey.

Hadduu madaxweynaha sidaa muhiim uyahay maxey 66 qof usoo dooranayaan soow maaha weligeedba inuu shaqsi umada u taliyo??

Golaha barlamaanka soow shimbirayahow heesa maaha??? gole Barlamaan waxey aheyd in kaabo qabiiladu keenaan waayo awood sidaas ahba malaha.

Ninka Wax bedeli kara Umada dhacaya, shaqsi ah wax kharibaya waa Madaxweyne, soow marka ma haboona kaas in umadu iska hubiyaan nin wanaagnasan keenaan, dantooda ka tashadaan marka bal Wasiirkaas in loo sabciyo ma mudanyahay mise in ladheho umada lugooyadaas mardanbe ha ula imaan.

Soow kuwa kale maalin walba lacagtii masaakiinta ticked kusoo goosan mayaan oo sacab nagama rabaan? mise maxaa inaka galay hadeynu neck tie soo xirano sawiro nalaka qaado inteena uga badan ee qolka shirka joogana aynu isku qabiil nahay.

Websideka SOMALITALK Rag baa laba sano kahor naftii noogu keenay Puntland ayaa Patrol laga qodanayaa waa xaraan dhagax baa laga rartay wadanka ayaa la dhacayaa, ka waran ragii hadey Dawladan Faroole ku jiraan? Rag danbe oo isa soo oohinaya miyeynu aamineynaa,soow aniga iiga kac maahayn!!!

WAAN KA XUMAHAY PUNTLAND

DR YUSUF ISSA
yusufessa@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Xaqiiqda Puntland iyo kursi kala cayrsiga | Dr. Yuusuf "

  1. ahmed adde says:

    waan ka xumahay somalitalka in ay soo gudbiso qoralo nocas u kale…ninka waxaan qoray ee magiicis ka horeysiiiyey dr….waxas aad meesha ku qortay ka dheeegaysan mayno mana aad ahid nin puntlandis beenlow baad tahay..puntland waxay gaartay nabad hormar dhaqaaale….puntland way tagtay…puntland viiiv…..puntland guul

  2. ahmed farah says:

    Salaan bacdigeed, waxaan jeclaan lahaa somalitalk inay jasuuro iska mariso qoraalada ay ay noos oo gudbinayaa madaama ay yihiin webside sharaf ku leh mushtamaca somaliyed, critismku waa loo baahan yahay haday qofku uu ka hadlayo waxyaalo objective ah oo la taaban karo, ninkaan la baxay Dr yusuf la baxay puntland waxay tahay, xaalkeeda iyo waxaan ka filayno waan ka naqaan oo malkeena iyo dhiigeena ayaan u soo hurnay adigaas kaa akhrisan mayno waxayna ahayn afkaaga xun ku noqon mayso sagaaradii bada ku gaadiday ayaad ka dhigantaa waxaan ku oran lahaa adigu dawo nafdaada dabiib puntland rabi iyo ragba waa leedahay..

  3. Murti says:

    Ass
    Marna iga dhaadhicin kari maysid inaad tahay reer puntland, xattaa caruurta uma sheegi kartid, sababtoo ah haddii taasi jirto kama aadan xumaateen horumarka ka jira puntland!
    Puntland waxaa ka jira kala dambayn iyo nabad wax intaas dhaafsan annaguba markaan hadda ah kama sugayno, taasna wayn na gaarsiisay, markii nabad la helo ayaa wixii kale imaan doonaan.
    hadalka uu qofku ku hadlayo markuu uga danleeyahay inuu wax ku hagaajiyo waxaa jira astaamo lagu yaqaan, hadalkaagase waxaa ka muuqata cuqdad, caro, iskuday sumcad kadil, iyo wax lamida, kama shakisani inaadan maanta ku faraxdeen haddii wax fiican aad ka maqasho puntland,
    Sidoo kale waxaa beencad ah warka aadku weerartay somaliland oo ayaduna ah meel nabad kala dambayn iyo horumar kajiro,
    Waxaan ku oran lahaa orod adigu tuuladaadii hagaaji intaadan dadka waxooda ka cambaareyn, walaa tabkhasu naasa ashyaa ahum.
    Dadka dakaatirada ahi marna luuqadaas oo kale kuma hadlaan, halkaas waxaa iiga muuqatey inay taasina sheegaso tahay!

  4. mulki says:

    sc . ninku muxuu soo qoray ? puntland waa ka xumahay. oo dr maxaad uga xuntahay ? qoraalkii wuxuu ku soo gaba gabeyey wixii uurka uga jiray puntlnd waa ka xumahay. allaa kariim dr puntland waa hooyadii somaliya.ha ka xumaane ka daa,
    lol

  5. mulki says:

    bismilaah waxaan halkaan ka salamaya shaqalaha websiteka iyo akhristayasha sharafta iyo qiimaha badan ASC W W BISHAARO WAD IGA QOSLISAY MA SIDAYDAAD 27 JIR TAHAY KKKKKK MISE WAA 27 RUN AH YUUSUFOOW PUNTLAND WAX AY QABSATAY MA LEH CADE IYO CABDULAHINA TARGET FOG MA LEH NINKA IMINKA JOOGA OO KU SOO GALAY QABIIL QAYAXAN OO MADAXDII WAAD U DHAMEYSEE DR MAXAA KAA SI AH MADAXDA PUNTLAND IN LA CAAYA WAA CEEB PUNTLAND HORUMAR IYO GUUL SOMALIDA KALENA ILAAHAY HA SIIYO DAWLAD WANAGSAN DAWLADA PUNTLAND SIDAAS BAABA LAGU ICTIRAFAY XERYAHA QAXOOTIGA AY SAMAYSAY CAYR BAY BIXISA YURUB KII WAX KA GARAN WAAYA PUNTLAND HA TAGO IYADABA CAYR WAA LAGA BAXSHAA YAAN LA CAAYIN MADAXDA PLEASE ………BYE

  6. sheekhunaa says:

    sc wr wb.marka hore mr yusuf issa waxay ila tahay kuwa aad shaagayso mafrashaka jooga adigaaba ka war qaba waxay ku hadlaan,dr issa hadaad tahay muwaadin reer puntland jecel hormarka dhulka.DR aadna tahay dhulka waa ku bahan yahay,iyo aqoontaada dad ugu fa’idayn lahayd,marka raga meesha masuulka ka ah kolayba aqoon uma sheegan kartid.ee hadaad tahay jago radis sidaas jago laguma helo ee ka xisho waxaad ku hadashay wax saxid ma’aha ee iska hadal uun qofka raba inuu waxa qabto bal eeg shirkii aqoon yahan qurba joogta.iyo guulihii ay gareen. iyagoo tageeray hogaanka puntland. iskuna xisho nin yahow. hadii kale waxaad u sharaf dhici sida kuwaan loogu yeero prof samater ee waligood aan wa dhisin ee wax dumiye mooyee.

  7. bishaaro puntland says:

    asc wr wb dr yuusu walaal ma waxad rabtaa sida koonfurta somaliya in kalsonida iyo kala dameeyna la waayo puntland warkan aad qortay waa ku xumayn aad ka xuntahay horumarka gaartay puntalnd anigo dumar ah hadana 27 jir ah aya garanaya in qoraalkagu yahay sida koonfurta u dhaqma oo qurba joogtaay yaan la tageerin maamuka walaal dawlad la aan waxa dhaanta dawlad xun madaxda puntland alle subxanu watacala ha xifdiyo xaasidka puntland ha jabo somalida koonfurna kala dameeeyn iyo maamul hagaagsan siiyo bal puntlandtan aad mucaaradka rabto inaad u smeyso fikradada soo eeg waxad arki dawladnimada macankeda illaahoow horumar iyo nabadgelyada u siyaadi dheh walaal waxan aad qortay ilaahay u toobad ken beenta iyo xaasidnimadau
    ma wanagsane wcs wr wb