Home » AmiinYuusuf »

Dameero Dacwo Ah | Qore: Amiin Yuusuf

Dameero Dacwo Ah.

“Waxaan ku soo baxay buuq iyo sawaxan, markaan u kuurgalayna waxaan ogaaday in ay meesha isku haystaan Haweenay iyo Ninkeeda, Haweeneyda ayaa waxay ku doodeysaa “Ninkaan Dameerka ayuu silcinayaa, waxaana ogaaday in marka uu galo aagga ay ka taliyaan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin in uu Liijaanka ka furo ,Dameerka marka uu ka soo baxna dib ayuu ugu celiyaa wuxuuna dhigtaa Liijaan Guriga reer hebla ee kala qaybiya labadda dhinac”, balse ninka ayaa isna ku doodaya “Maxaa ka khuseeye arrintaas Naag baa ka tahay waxaan doonaan sameynayaa”. Sawaxankii ayaa sii batay, waxayna dadweynihii meesha yimid intooda badan isku raaceen in ninku gardaran yahay oo Haweeneydu ka saxan tahay, waxaa lagu yiri “Intaad qof bini’aadam ah ka cabsan lahayd Allaah ka cabso oo Dameerka ka dhaaf Lijaanka aad gelineysid”. Haweeyneydii ayaa daba dhigtey” “Alla yaa afka u geliya mar uun, ,War anaa aqaan markuu Bakaaro tago ayaa dacwad ku kuusayaa isagaa u noqon doonine”

Dacwadaan waxay ku socotaa Maxkamadda waxaana jeedinaya Dameerkaan “Ninka aan u shaqeeyo waxa uu igu sameeyaa wax yaabo aanan xamilin Karin, si xun ayuu ii raraa, markii hore haddii Tan aad u balaaran uu i saaro waan la dheci jiray, balse si taas ayan u dhicin ayuu waxa uu siiyaa Kaniinka lagu magacaabo Ifdiriin oo ah Kaniini ku hilmaamsiinaya xanuunka iyo daalka, balse marka Habeenkii la gaaro ayaa Cir iyo Dhul waxaa iga soo wajaha xanuun daran oo jirkeygoo dhan saameeya, subixii aniga oo aan istaagi Karin ayuu haddana kaniini dib ii siiyaa si uu maalintaa iigu shaqeeyo, marka waxaan ka codsanayaa qololada Liijaanka hore joojisay in arrintaan lagu hayo aniga iyo saaxiibaday wax laga qabto”.

Dameer kale oo hadalka dameerkaan dhegaha ku hayey ayaa markiisa hadlaya oo yiri “War adiga waxaad ka hadleysaa kaniini iyo wax la mid ah, balse aniga waxba afka layma geliyo oo wax cuno ah layma siiyo, sidaas oo ay tahayna waxaa lagu xiraa banaanka hore ee dhaxanta ah, waxaa la yaab leh in aniga oo sidaa layla dhaqmayo haddana aan soo saaro Biilka guriga, waxaan lahaa mudnaan gaar ah balse waa layska ilaabay, waxaana ka codsanayaa qololadii Liijaanka joojisay in arrimahaan ay soo farageliyaan”.

Dameeraha inkastoo Liijaankii laga dhaafay inta badan meelaha ay ka taliyaan Xarkaada Alshabaab, haddana weli waxay qabaan dacwooyin kale oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor ku soo xusay, Liijaanka oo laga dhaafay dameeraha waxay u keentay faa’iido aad u badan, sababtoo ah mararka qaar waxaa kala tagi jiray afka sida birta Liijaanku u garaaceyso, Bal Sheekadaan ila akhriso waxaa iska hor yimid Dameer iyo Dibi, Dibigii ayaa ayaa leh “War heedhe Dameer waad soo qurux badnaatay ee maxaa lagu siiyey maalmahan?”, Dameerkii ayaa inta uu qoslay waxa uu yiri “Ninyahow kheyr allaha siiyee qolo ayaa Ilaahey noo adeejiyey ,anaga oo yaaban oo kii xumaa ee Liijaanka ahaa ee afka nalaka gelin jiray ayaa nalaka xoreeyey, marka quruxdu halkaa ayay ka timid”, Dibigii ayaa ciil dartii ku dhawaaday in uu dhulka isku garaaco, caradii Dibiga ka muuqatay waxay ka yaabisay Dameerkii, waxa uuna weydiiyey waxa ka careysiiyey, waxa uuna Dibigii ku jawaabay “Ninyahow illaah baa kuu nimceeyey, oo qayb ahaan waad u xorowday, balse aniga weli waxaan ku jiraa adoonsi gaamuray oo sankeyga waad aragtaa waxa ka laalaada oo inta sanka nalaka dalooliyo ayaa bir naloo geliyaa oo nalagu hogaamiyaa, markaas ayaa maskaxdu na gadoontaa, ee saaxiibow aniga kaliya maahi ee arrintaa Koonfurta ayey ka jirtaa ee Dibiyadda sidii Dameerihii loo rarato marka qololadan Ilaah idiin Adeejiyey ee idiin gargaartay arrinteena gaarsii markaad dib u laabato”, Dameerkii oo qoslaya ayaa yiri “Saaxiib waxba ha is calool xumeyn Risaaladu way ku soo gaari doontaa”.

Xiligii Cumar Binu Khadaab, waxay ahayd xiligii ugu Cadaalad falka badnaa, waxayna Cadaaladdaasu saameysay dad iyo duunyo, waxaa dhacday in xiligaas in ruuxii dacwo qaba uu garaaci jiray Kambaleel ku yaala xafiiska Cumar Hortiisa, marka uu ruuxu garaaco kambaleelka waxaa loo ogolaadaa in uu xafiiska soo galo, maalin ayaa waxaa dhacday in kambaleelkii yeeray, Cumar ayaa u diray Xogheyntiisii waxa kambaleelka garaaacaya soo ogaado , balse waxba ma soo arkin, mar kale ayaa la garaacay, waa la aaday qofna ma taagna, mar kale ayaa la garaacay haddana waa la aaday qofna ma taagna, Cumar ayaa ku wargeliyey xogheyntii in la soo ogaado waxa kambaleedka ak taagan, waxa uuna xogheyntii u sheegay in Dameer uu joogo meesha, Cumar ayaa amar ku bixiyey in dameerka la soo geliyo gudaha, Dameerkii markii la soo geliyo waxa uu noqday dameer daruuf ba’an ka muuqato oo markii laga dhameystey oo uu hawlgab noqdey Duurka lagu sii daayey,waxa uuna Cumar Alla raali ka noqdee amray in ninkii dameerkaan lahaa looga yeero Maxkamadda, waxaana ninkii dameerka lahaa lagu xakumay in dameerkaa uu xanaaneeyo ilaa iyo inta u ka dhimanayo.

Hadda waxaa Soomaaliya aad uga caan baxay in dameero badan oo duqoobay lagu dhaqmey la dayaco, wadooyinka lagu soo daayo oo qaarkood u dhintaa darxumo iyo silic

Isku soo wada duuboo Hawsha ay bilaabeen Shabaabul Mujaahidiin, waxay noqoneysaa hordhac, balse waxaa hoosta laga wada xariiqay in wax badan dhiman yihiin haddii ay sii wadaan talaabooyinka noocaan ah ee lagu dhowrayo xaquuqda Bani’aadamka iyo Xawaanka

amiin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dameero Dacwo Ah | Qore: Amiin Yuusuf "

  1. Baastocune. says:

    Salaan Qaaliya.
    In muddo ah sidaa oo kale,uguma farxin,Qoraal aan akhristo. Alla yaa u sheega in aan Murtidda Soomaaliyeed iyo War is gaarsiintii Soomaaliyeed Lu´min!.Mooryaan iyo shacabka
    aan hubeysneyn,4.5(dadka laga badan yahey) iyo Alshabaab,oo tiri is xoreeya,si ay ciidan daacad ah u helaan,Bay iyo Jubbooyinkana uga taliyaan.
    Aadbaan kuugu mahad celinayaa Walaal Amiin Y.Khasaaro. Ciidda Soomaali Baa leh Inta la nool yahey, Aakhiro Xageebay naga jirtaa!. Ha Noolaato Soomaal.

  2. salim omar says:

    waxaa aad wax loola yaabo ah oo ku tusaya dadka ku nool xamar inuusan miirkooda tamam eheen oo lakin kala heer lee la yahay oo qaar xooga ay roonyihiin 50% ay ka hooseeyso waalidooda iyo qaar ay intaas ka sareeyso in dadka oo la ogyahay xaquuqdooda iyo naftooda ay ka raqiisantahay yaanyada in laga hadlo xaquuq dameer ama la bixiyo mag dhaw geel taasi wax kale kuma tuseeyso waxeey ku tuseeysaa in la kharafay oo isku dhex yaac fikri ah uu ku dhacay umada ilahow umada sawab ku soo celi.

  3. Shukri says:

    A/c waa aarin wanaagsan in xaqquqda xayawaanka la dhowro balse waxaa sii wanaagsan in Aadanahana xaquuqdiisii si weyn loo dhowro waayo ayagaa ka fadli badan xoolaha iyo dhamaan wuxuu Alle Abuuray ee waxaan Alle ka baryeynaa inuu tuso xaqa ay leeyihiin dadka ku hoos nool qolooyinka is haya ee maamulka iyo mucaaradba sheeganayaan, ogaadaana inay sugayso maalinta Qiyaame xisaab weyn oo lagala xisaabtami doono howlaha iyaga isu magacaabeen.

    A/C/W/B